gaalis furan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gaalis furan
m.l (-syo ..., m.dh) (xisaab) Urur ka kooban tirooyinka u dhexeeya laba tiro oo la isa siiyey oo aan ku jirin bar dhammaadyada. G.ka f. ee u dhexeeya laba tiro oo maangal ah a iyo b waxa loo qoraa (a,b). Marka g.ka f. lagu muujinayo xarriiq tiro bar dhammaadyada goobo ayaa la geliyaa.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
gaalisfuran

Qaamuuska Ereybixinta: Xisaab (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Gaalis xidhan
Interval, closed
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xagal furan
m.dh (-llo ..., m.dh) (xisaab) Xagasha cabbirkeedu ka weynyahay xagal qumman (90°), kana yaryahay xagal toosan (180°).
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
xagal furan
m.dh (-llo ..., m.dh) (xisaab) Xagasha cabbirkeedu ka weynyahay xagal qumman (90°), kana yaryahay xagal toosan (180°).
Qaamuuska Ereybixinta: Xisaab (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Xagal furan
Obtuse angle
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
gaalisxidhan
m.l (-syo ..., m.dh) (xisaab) Urur ka kooban tirooyinka u dhexeeya laba tiro oo la isa siiyey oo ay ku jiraan bar dhammaadyada. Gaaliska xidhan ee u dhexeyaa laba tiro oo maangal ah a iyo b waxa loo qoraa [a,b]. Marka gaaliska xidhan lagu muujinayo xarriiq tiro bar dhammaadyada waxa ugu calaamadeeyaa goobo gudahooda la madoobeeyay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gaalis-xidhan

Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
gaari curyaan
-ka: (n) wheelchair (will-jeer)
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Baarfuran
(Baarfuran-ka)
Qaalimmada aan la rarin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baarfuran
m.l (-nno, m.dh) Awr aan weligii la raran.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
baarfuran
Comp. adj., (ie. n., adj.): free (of burden ~ obligations)
baarfuran m. n., [compound] female camel that is not used as pack camel
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baarfuran
(tilmaame) qaalinka ama awrka aan weli la laylyin. Li: karinle.
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Bad furan
Bat furan
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Bat furan
Bad furan
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
kalafuran
m.l (kiim.) Dumid ku dhacda molikuyuul una kala furta laba molikuyuul, laba atam, laba xididshe ama laba ayoon.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kalafuran
-ka: (magac, lab, keli) dumid ku dhacda molikuyuul una kala furta labo molikuyuul, labo atam, labo xididshe ama labo ayoon.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gaarifaras
m.l (-syo, m.dh) Gaadiid rakaab fuula oo faras jiida.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
gaarifaras
m.l (-syo, m.dh) Gaadiid rakaab fuula oo faras jiida.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
gaarifaras
m. n., [compound] horse cart
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
gaarifaras
-ka: (n) horse-drawn cart or carriage (kaar reeyj)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gaarifaras
-ka: (magac, lab, keli) eeg gaadhifaras.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
gaarifaras
de: horse cart
lx: gaarifaras
pd: (-ka)
ps: n2a-m-cmp
key: gaarifaras
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gaawisnaan
-ta: (magac, dhedig, keli) mid tamar daran oo aan dhaqaaq lahayn noqosho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gacanfuran
(tilmaame) qof wax bixinta ku fiican. Dh: deeqsi. Li: bakhiil, bakhayl, gacantiigo'day, dhudhuc, qadduuc.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kala-furan
m.l (kiimika) Dumid ku dhacda molikuyuul una kala furta laba molikuyuul, laba atam, laba xididshe ama laba ayoon.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
maalin uun
n. phr., time: any day; one day, some day (past ~ present)
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qalbifuran
f.mg4 (-rnaa, -rnayd) Cid niyad wanaagsan leh ahaansho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
qalbifuran
f.mg4 (-rnaa, -rnayd) Cid niyad wanaagsan leh ahaansho. m.f.dh, qalbifurnaan.
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
AMAAH FURAN
Scoperto di conto corrente
Overdrawn current account
Qaamuuska Ereybixinta: Barbaarinta Jirka (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1984]
garoonka furan
open-air competition
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
naxariis daran
(adj) merciless (meer-si-las); cruel (kuruwal); unkind (an-kaayndh); savage (saaveeyj)
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
habdhis kulan
m.l (-syo ..., m.dh) (xisaab) Qaanuun, bar kasta oo ku taalla dulalaati lagu muujiyo urur tirooyin ah.
Qaamuuska Ereybixinta: Xisaab (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Habdhis kulan
System, coordinate