gaalaayuus
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gaalaayuus
-ka: (magac, lab, keli) calaacal iyo oohin iyo dulmitirsasho joogto ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Galaayuus
(Galaayuus-ka)
Muusannow; dhaadasho; qaylo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
galaayuus
galaayuus¹: m.l 1. Qaylo, dhaadasho. 2. Olol iyo juuc badan oo ay nirguhu sameeyaan markay gaajoodaan.
galaayuus²: f.mg1 (-say, -stay) 1. Qaylid, dhaadasho. 2. Nirgo gaajooday olol iyo juuc badan samayn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
galaayuus
m. n. pep talk, inspiring speech before battle; boasting before fighting
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
galaayuus
-ka: (magac, lab, keli) col gala cid ama degmo salowga iyo sawaxanka uu ka yeedhsiiyo ama ci' iyo qaylo is dabajoog ah. Galaayuuska qayladii baxdee, kor u gallayraysay. Dh: qaylo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
galaayuus
de: pep talk, inspiring speech before battle; boasting before fighting
lx: galaayuus
pd: (-ka)
ps: n2a-m
key: galaayuus
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
galaayuusid
m.f.dh eeg galaayuus².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
galaayuusid
-da: (magac, dhedig, keli) muusannaabid oo qaylin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gaalays
-ka: (magac, lab, keli) cid kale, gaal ka yeelid.
gaalays-ta: (magac, dhedig, keli) middi weyn oo af badan. Cali gaallays buu soo tuntay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gaallays
(Gaallays-ta)
Jaad hore oo toorrey oo loo tuman jirey in gaalada lagu laayo oo lagula dagaallamo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gaallays
gaallays¹: m.l.kh Waran g. ah: nooc warmaha waaweyn ka mid ah lagu dagaallamo.
gaallays²: m.dh.kh Toorrey g. ah: toorrey dheer oo birsulub leh oo lagu dagaallamo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
gaallays
f. n. dagger
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
gaallays
de: dagger (used in former times to kill infidels)
lx: gaallays
pd: (-ta)
ps: n1-f
key: gaallays
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gaaraayacuun
-ta: (magac, dhedig, keli) dugaagga inta aan wax dilan karin ee waxa kuwa waaweyni dishaan ku soo qamaama oo aan waxba ka tegin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gaalayn
(Gaafayn-ta)
Diinta Muslinka ka saarid; gaal ka dhigid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gaalayn
m.f.dh eeg gaalee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gaalayn
-ta: (magac, dhedig, keli) gaal ka dhigid; diinta Islaamka ka saarid; qof muslim ah gaal ku sheegid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
laalays
-ka: (magac, lab, keli) geed geedaha ku marma oo xooluhu cunaan. Daaraddayada laalays baa ka baxay.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saalays
-ka: (magac, lab, keli) saalo dhigis xoolaad. Geel ban jooga oo yamaarug daaqay, saalays badanaa.
saalays -ka: (magac, lab, keli) eeg saalayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aaladays
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg aaladayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baallays
-ka: (magac, lab, keli) eeg baallayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
faallays
-ka: (magac, lab, keli) eeg faallayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
galaamis
galaamis¹: m.l la-mid: galaamin.
galaamis²: m.dh la-mid: galaamid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qaallays
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg qaallayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
taallays
-ka: (magac, lab, keli) eeg taallayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xaallays
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg xaallayn.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
baralaays
-ka: (n) a person affected with paralysis; paralytic (para litik)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
calaabuuq
-a: (magac, lab, keli) dhiciska riyaha ee aan shinkiisu dhamaan. Dh: qaarbuucle.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Canyayuus
(Canyayuus-ka)
Miro qare oo la dubey oo dabadeed la budeeyey.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
canyayuus
m.l.u Iniino qare oo la dubay kaddibna la daqiijiyey.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
canyayuus
m. n. fruit species, which is cooked and pounded up
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
canyayuus
-ka: (magac, lab, keli) midhaha qaraha oo inta la dubay, budo laga dhigay.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
canyayuus
de: fruit sp., which is cooked and pounded up
lx: canyayuus
pd: (-ka)
ps: n2-m
key: canyayuus
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gaadaamis
m.l la-mid: gaadaamin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
galaayoox
m.l (-xo, m.dh) 1. Meel dhaxan badan leh. 2. Dhaxan badan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
galaayoox
-a: (magac, lab, keli) meel dhaxan badan leh.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jalaabuud
m.dh Magacyada derejooyinka daraawiishitii Sayid Max'd Cabdulle Xasan mid ka mid ah.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jalaabuud
-ka: (magac, lab, keli) shir sarajoog iyo tubnaan lagu galo oo aan loo fadhiisan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qamanyuus
m.l Xiridda hal godol diiddey ama ilmaha diidday xarig sanka looga xiro oo neefta lagu celiyo si ay u godlato ama ilmaha u oggolaato.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qamanyuus
-ka: (magac, lab, keli) xiridda hal godol diiddey ama ilmaha diidday xarig sanka looga xiro oo neefta lagu celiyo si ay u godlato ama ilmaha u oggolaato.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
alaayuusin
-ta: (magac, dhedig, keli) qaylo la isku habarwacdo oo dhaadasho leh. Dh: galaayuusin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gaabbaguul
gaabbaguul¹: m.l U habeendhixidda meel dheer oo geeddi loo yahay.
gaabbaguul²: f.g1 (-uulay, -uushay) Meel dheer oo geeddi loo yahay u-habeendhixid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gaabbaguul
-ka: (magac, lab, keli) habeendhixidda meel dheer oo geeddi loo yahay.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gaalaabbax
(fal) booqashooyin is daba joog ah samee; kolba meel gal oo ka bax.
gaalaabbax-a: (magac, lab, keli) booqashooyin is daba joog ah; kolba meel gelid oo ka bixid ama meel ku noqnoqosho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
galaamulux
(tilmaame) caano dhanaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
habmaamuus
m. n., [collective] protocol
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
habmaamuus
-ka: (n) protocol (protokool); etiquette (etekeet)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
habmaamuus
-ka: (magac, lab, keli) anshaxa iyo qaabka cid loo qaabilo ee loo soo dhaweeyo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
habmaamuus
de: protocol
lx: habmaamuus
pd: (-ka)
ps: n2a-m-col
syn: borotokool
key: habmaamuus
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Jaalabbuud
(Jaalabbuud-ka)
Jaadadka doonyaha jaad kamid ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jaalabbuud
m.l Jaadadka doonyaha jaad ka mid ah.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
jaalabbuud
m. n. kind of boat
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jaalabbuud
-ka: (magac, lab, kali) nooc doonyaha ka mid ah. Dh: doon.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
jaalabbuud
cf: doon, doonni
de: kind of boat
lx: jaalabbuud
pd: (-ka)
ps: n-m
key: jaalabbuud
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
waabaayays
-ka: (magac, lab, keli) eeg waabaayayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xaaladduun
e.d Waa x.: adduunyadu waa sida!
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gaashaambuur
m.dh Dad dhawr qolo ah oo ciidamada isku darsaday oo xooggooda mideeyay.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
gaashaambuur
m.dh Dad dhawr qolo ah oo ciidamada isku darsaday oo xooggooda mideeyay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gaashaanbuur
(Gaashaanbuur-ta)
Dad dhawr qolo ah oo ciidammadoodu isu geystey oo meel ka soo wada jeeda; dad xooggooda isu geeyey oo jaalloobey; isbahaysi.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
gaashaanbuur
f. n., [compound] alliance
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
gaashaanbuur
-ta: (n) coalition (ko e lishin), alliance (al-laa-yansi)-, symbiosis (sim-bayoosis), association
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gaashaanbuur
-ta: (magacwadareed) isbahaysi danwadaag ah; isutag xoog iyo xoolaba la wada samaysto iyadoo cid kalena la iska urursado.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
gaashaanbuur
de: alliance
lx: gaashaanbuur
pd: (-ta)
ps: n2-f-cmp
key: gaashaanbuur
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
caalsaarays
m.l la-mid: caalsaarayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gaaddabbuur
(Gaaddabbuur-ka)
(fardo) hardaf.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gaaddabbuur
gaaddabbuur¹: m.l 1. Orod aan dheereyn. 2. Faalaxgooddi dad badan sameeyaan oo cid lagu guulguulayo.
gaaddabbuur²: f.mg1 (-ray, -rtay) U g.: guulguul samayn (cid).
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
gaaddabbuur
m. n., [compound] canter, gallop
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
gaaddabbuur
de: canter, gallop
lx: gaaddabbuur
pd: (-ka)
ps: n2-m-cmp
key: gaaddabbuur
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
galaammurux
m.l la-mid: garaammurux.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
galaammurux
m. n. mixture of colors; mixture of curds and whey of milk
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
galaammurux
de: mixture of colors; mixture of curds and whey of milk See also: garaammurux
lx: galaammurux
pd: (-a)
ps: n0-m
key: galaammurux
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
galaamudhux
-a: (magac, lab, keli) qof aan dhaqaale haysan. Dh: caydh, miskiin. Li: hodan, maalqabeen, taajir.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
galladaysad
m.l la-mid: galladaysasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
galladaysad
-ka: (magac, lab, keli) cid kale, wanaag gashad. Dh: galladaysasho, galladaysi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Galladaysan
Gallad qaba; ladan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
galladaysan
f.mg4 (-snaa, -snayd) Wax gallad la kulmay ahaansho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
galladaysan
f.mg4 (-snaa, -snayd) Wax gallad la kulmay ahaansho. m.f.dh, galladaysnaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
galladaysan
der. [adjective] favored, rewarded, blessed
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
galladaysan
-aa: (adj) blessed (baleesidh)-, fortunate; graced ~ nicmaysan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
galladaysan
(tilmaame) mid gallad iyo nimcad qaba. Dh: ladan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
galladaysan
de: favored, rewarded, blessed
lx: galladaysan
ps: adj-der
key: galladaysan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gantafaruur
m.l la-mid: docfaruur¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maalaayacni
-ga: (magac, lab, keli) wax aan macne weyn oo la tixgeliyo lahayn. Hadalka maalaayacniga ah iska daa. Dh: bilaamacne.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
magaalaquud
-da: (magac, dhedig, keli) dadka gala hayjadaha iyo reeraha magaalada weyn ku dhaw ee dhaqaalohooda iyo noloshooduba ku xidhan tahay. Dh: baal'agar, jilbalaab.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saanyaasuuf
-ka: (magac, lab, keli) neef socod xun oo qolqollada dhex meeraysta. Dh: meermeerti, xerojoog, saanyasuuf.
saanyaasuuf -ka: (magac, lab, keli) qof si saqajaanimo ah u socsocda oo xaafadaha ama suuqyada dhex wareegaysta. Saanyaasuuf la lama saaxiibo sebina sirtaada looma sheego. Dh: meermeerti, barajoog, saanyasuuf.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xaal'adduun
-ka: (magac, lab, keli) erey lagu cabbiro dhibaato aan in la faahfaahiyo la doonayn. Wax walba waa xaal'adduune iska adkayso.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Galladaysasho
(Galladaysasha-da)
Gallad ahaan u siin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
galladaysasho
m.dh eeg galladayso. la-mid: galladaysad, galladaysi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
galladaysasho
-da: (magac, dhedig, keli) gallad iyo nimcad ahaan u siin.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
xaaladda guur
-ka: (n) marital status (meeratal-isteey-tas); [such as married, single...; sida: xaas, doob ...]