gaafabax
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gaafabax
-a: (magac, lab, keli) marka ruuxu u ka soo baxo marxaladdii carooska iyo ciyaarihiisii, xaas iyo xoolo gaar ah yeelasho. Dh: kaayabax, toddobabax.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gaafabbax
(Gaafabbax-a)
Kolka curadka cidda ugu weyni cid u gaar ah yeesho, isagoo loona guurshey xoolo ku filanna la siiyey.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gaafabbax
gaafabbax¹: m.l la-mid: gaafabbixid.
gaafabbax²: f.mg1 (-xay, -xday; -bixi) Reer u gaar ah yeelasho (wiil).
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
gaafabbax
m. n., [compound] livestock given to the eldest son at the time of marriage
gaafabbax v. move out of the family and set up on one's own, at marriage
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
gaafabbax
de: livestock given to the eldest son at the time of marriage
lx: gaafabbax
pd: (-a)
ps: n2a-m-cmp
key: gaafabbax
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gaasabax
-a: (magac, lab, keli) muddo lagu garto in ay hashu rintay iyo in kale. Hashu, waxay ku gaasobaxdaa siddeed cisho. Dh: goojabax.
gaasabax-a: (magac, lab, keli) dhaqaalayn ama xannaanayn gaar ah oo muddo socota.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gaafabixi
(fal) curadka xoolo sii, oo gooni deji.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gaasabbax
(Gaasabbax-a)
Si gaar ah oo wax loo koriyo ama loo dhaqaaleeyo ama loo baxnaansho; kaadsiinyo; degdeg la'aan; baxnaanis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gaasabbax
gaasabbax¹: m.l 1. Kabbixidda nafley ka samatabbaxdo dhibaato jiilaal. 2. la-mid: gaasabbixid.
gaasabbax²: f.g/mg1 (-xay, -xday, -bixi) Dhibaato iyo rafaad jiilaal keenay cid ka samatabixin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
gaasabbax
vl. n. leisurely pace
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
gaasabbax
de: leisurely pace
lx: gaasabbax
pd: (-a)
ps: vn2a-m
key: gaasabbax
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
galaabax
(fal) meel ama arrin, mar gal marna ka bax.
galaabax-a: (magac, lab, keli) meel, kolna galid haddana ka baxid; is waydaar u gelis.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
gaafabbax_1
de: move out of the family and set up on one's own, at marriage (of sons, especially the eldest)
hm: 1
lx: gaafabbax
pd: (gaafabbaxay)
ps: v1=
key: gaafabbax_1
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gaafabbixi
f.g2 (-iyay, -isay) Miile (kal) siin (qof).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gaafabixid
-da: (magac, dhedig, keli) toddobaadkii carooska ee u horreeyey ka soo bixid oo reer yeelasho. Dh: gaafabax, kaayabax.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gaafabixin
-ta: (magac, dhedig, keli) wiilka curadka ah oo inta gooni loo dejiyo, xoolo la siiyo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gaalaabbax
(fal) booqashooyin is daba joog ah samee; kolba meel gal oo ka bax.
gaalaabbax-a: (magac, lab, keli) booqashooyin is daba joog ah; kolba meel gelid oo ka bixid ama meel ku noqnoqosho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
farakabax
(tilmaame) mid laga quustay oo faraha laga qaaday.
farakabax-a: (magac, lab, keli) xeerka iyo dhaqanka wanaagsan, ku fallaagoobid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
gaagaaban
adj., pl. short, small (ones)
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
gaagaaban
-aa: (adj) [Plural of gaaban] short, low or small (with plural nouns). Ex: guryo gaagaaban; small houses; gabdho gaagaaban; short girls
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gaagaaban
(tilmaame) wax aan dhaadheerayn. Dhir gaagaaban ayaa ka baxda meelaha bananka ah. Li: dhaadheer.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
gaagaaban
de: short, small (ones)
lx: gaagaaban
pd: (Sg: gaaban)
ps: adj-pl
key: gaagaaban
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gaajobbax
-a: (magac, lab, keli) cunno aad u yar oo gaajada lagaga baxaayo; cunno ka baahibbeel. Gaajobbax baan guntiga u xidhaye ma haddaan galay geerashkeedii. Dh: gaajabbax. Li: gaajood.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gaasabixi
(fal) daryeel gooni ah sii. Dh: tababar, dhaqaalee, daryeel.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
galaabbax
galaabbax¹: m.l Socod badan oo meel horay iyo gadaal loogu socdo. la-mid: galoobbax¹.
galaabbax²: f.mg1 (-xay, -xday) Meel horey iyo gadaal ugu noqnoqosho. la-mid: galoobbax².
Ereybixinta Qalabka Farsamada Gacanta - Maxamuud Iimaan Aadan [1975]
Samatabax
Ka nabadgal, aan keenin dhaawac lama filaan ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gaafabbixid
(Gaafabbixid-da)
Wiilasha cidda, siiba curadka, inta loo guursho oo xoolo la siiyo, cidda ka dhexbixid oo gaar u degid; carruurta hadba kii kora oo guursada oo isku fillaada oo gaar u dega.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gaafabbixid
m.f.dh eeg gaafabbax². la-mid: gaafabbax¹.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gaafabbixin
(Gaafabbixin-ta)
Gaafabbax ka dhigid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gaafabbixin
m.f.dh eeg gaafabbixi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
afbax
afbax¹: m.l la-mid: afbixid.
afbax²: f.mg1 (-xay, xday; -bixi) U a.: qof wax sirtooda si daacadnimo ah ugu sheegid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
afbax
f.mg1 (-xay, xday; -bixi) U a.: qof wax sirtooda si daacadnimo ah ugu sheegid. m.f.dh, afbixid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
afbax
(fal) «ulacid kale si cad ugu sheego waxaad rabtay. Intaad cid u diraysid adigu ba soco oo ula afbax.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gabax
gabax¹: m.l.kh Meel bannaan oo dabayl iyo dhaxan badan.
gabax²: f.mg1 (-xay, -xday) Si tartiib ah oo aan biyo dhig lahayn u di'id (roob).
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
gabax
m. n. open empty place; low and flat area
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gabax
(tilmaame) mid duqoobay oo da' aawadeed, la dhacay.
gabax -da: (magac, dhedig, keli) meel abaar ah oo aanan dhir iyo cawstoona lahayn.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
gabax
cf: gabaahiir
de: open empty place; low and flat area
lx: gabax
pd: (-a)
ps: n0-m
key: gabax
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aafaan
-ka: (magac, lab, keli) hummaag khiyaali ah oo an jirin, laakiin dadka Soomaalidu caadaysteen in ay isku ladhaan oo ay isku labeeyaan. Aniga iyo aafaan ayaa baratannay. Dh: eefaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Aarbax
(Aarbax-a)
Eedbax.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
aarbax
aarbax¹: m.l la-mid: aarbixid.
aarbax²: f.mg1 (-xay, -xday; -bixi) 1. Ka aa.: qof eed loo haystay iska daaficid. 2. Ka aa.: qof ka aargudasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
aarbax
aarbax: v., [compound] take revenge
aarbax: vl. n. vengeance; vindication
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aarbax
(fal) eed iyo arrin laguu haystay ka garbax. Ka aarbaxa eedda, kolkuu arrin joogo. Dh: eedbax.
aarbax -a: (magac, lab, keli) arrin hore la iskugu haystay ka garrankiisa. Mar haddii talo laguu qabsado, aarbax uun baa kuu bannaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daabax
daabax¹: m.l 1. D. ah: neef xoolo ah oo qalliin ku habboon. 2. D. ah: hilib aan tamooti ahayn. 3. la-mid: daabaxid. la-mid: dabaax¹, dabax¹, dibaax, dubaax.
daabax²: f.g1 (-xay, -xday) Neef xoolo ah gawricid. la-mid: dabaax², dabax².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daabax
-a: (magac, lab, keli) xoolo qalliin loogu talagalay oo huteellada lagu shaaruqo. Daabax baan qali lahaa haddaan muuni horaba tooso. Dh: ammaami.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gaaban
Gaab ah; aan dheerayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gaaban
f.mg4 (-bnaa, -bnayd) Wax aan joog dheer lahayn ahaansho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
gaaban
f.mg4 (-bnaa, -bnayd) Wax aan joog dheer lahayn ahaansho. m.f.dh, gaabnaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
gaaban
der. [adjective] short, small
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
gaaban
-aa: (adj) short (shoorty, not long, not tall, —ka gaabaan: shorter (shoorter) —ugu gaaban: shortest (shoor test)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gaaban
(tilmaame) wax gaabni hayso, aanan dheerayn; mid aan wax badan dhulka ka sarraynin. Nin gaaban geed ciil. Li: dheer.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
gaaban
de: short, small Opp: dheer
lx: gaaban
pd: (gaabnaa Pl: gaagaaban, gaaggaaban)
ps: adj-der
key: gaaban
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gaafal
(Gaafal-ka)
(bad: beden, kd.) qoryaha babcan oo ragga saayibta wadaa ku fariisto, midkood.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gaafal
m.l (-llo, m.dh) Bedenka gudihiisa kuraasi ku rakiban ragga seebinaya ku fadhiistaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
gaafal
m. n. thwart (of a boat)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gaafal
(fal) dhammaystir hawlaha arooska. Gaafal arooska ayeyna ceebi kaa raacine.
gaafal -ka: (magac, lab, keli) qoryaha babcan oo ragga saayibka wadaa ku fariisto, midkood.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
gaafal
de: thwart (of a boat) (crosspiece on which the oarsman sits)
lx: gaafal
pd: (-ka)
ps: n2-m
key: gaafal
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gaafan
f.mg4 (-fnaa, -fnayd) 1. Wax diyaar ah ahaansho. 2. Midab gaar ah yeelasho (neef geel ah).
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
gaafan
der. [adjective] ready, prepared, willing, disposed to
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Gaafan
nickname; name-f ready, prepared, willing, predisposed. Syn: Gaafane, Gaafow
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Gaafan
magac loo baxsho gabadh socodkeega la dareemay in ay tahay qof soo jeedda oo digtoon.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gaafan
(tilmaame) geel midab guduudan leh.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
gaafan
de: ready, prepared, willing, disposed to
lx: gaafan
pd: (gaafnaa)
ps: adj-der
key: gaafan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gaagax
gaagax¹: m.l la-mid: gaaggax¹.
gaagax²: f.mg1 (-xay, -xday) la-mid: gaaggax².
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Gaarax
nickname-m a short man with a broad chest
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Gaarax
ama Gaatax, magac ama naanays wiil kolkii uu dhashay muuq ahaan gaabnaa oo laab weynaa.
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Gaatax
nickname-m a short man with a broad chest
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Gaatax
magac ama naanays loo baxsho wiil kolkii uu dhashay muuq ahaan gaabnaa oo laab weynaa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Ganaax
(Ganaax-a)
Gef ama xumaan ama gabood la falay, eedsiis le'eg oo badanaa lacag ah; xaal; yake; xumayn; eedsiis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ganaax
ganaax¹: m.l (-xyo, m.dh) Ciqaab maaliyadeed oo cid xeer jebisay lagu xukumo in ay bixiso.
ganaax²: f.g1 (-xay, -xday) Ciqaab maaliyadeed cid dambi fashay bixinteeda ku xukumid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
ganaax
ganaax¹: m.l (-xyo, m.dh) Ciqaab maaliyadeed oo cid xeer jebisay lagu xukumo in ay bixiso.
ganaax²: f.g1 (-xay, -xday) Ciqaab maaliyadeed cid dambi fashay bixinteeda ku xukumid. m.f.dh, ganaaxid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ganaax
m. n. fine, penalty
ganaax v. punish, fine
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
ganaax
-a: (n) penalty for an offense; fine (faayn); penalty (panelti) ~ ciqaab, takhsiir
ganaax: -ay I tay: (v) penalize (piinalaayz); fine (faayn)
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Ganaax
Multa
Fine
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ganaax
(fal) cid kale, abaal xun mari. Dh: ciqaab, tacsiir, taqsiir.
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
ganaax
غرامة
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
garbax
-ay I tay: (v) [with preposition ka] accept mediation (miidiyey-shin); intervention (inter-viin); or arbitration (aarbi-tareey-sheri) ~ ka garbax
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
garbax
(fal) «ka ~ si fiican gartaada u sheego; si fiican u dacwi. Iga garbax oo gardarrada iga dhaaf.
garbax -a: (magac, lab, keli) gar la isku haysto ka bixid; dacwad ka hadhis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
nafbax
nafbax¹: m.l Dhimashada ay nafley dhimato.
nafbax²: f.mg1 (-xay, -xday; -bixi) Nafley dhimasho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
nafbax
f.mg1 (-xay, -xday; -bixi) Nafley dhimasho. m.f.dh, nafbixid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
nafbax
v. breathe one's last, die
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
nafbax
-ah: (adj) 1. dying (dhaaying); terminally ill. 2. nafbax -ay / day: (v) die (dhaay); become dead; pass away ~ dhintay
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
nafbax
(fal) naftu ha kaa baxdo oo dhimo.
nafbax: (tilmaame) wax adag oo dhib iyo rafaad leh.
nafbax-a: (magac, lab, keli) dhimashada iyo bixidda ruuxda. Ninkii bukay nafbax kuma maqal ee sakaraad buu ahaa.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
nafbax
de: breathe one's last, die
lx: nafbax
nt: nafbax (a) [vn-m]
pd: (nafbaxay)
ps: v1=intr
key: nafbax
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ambabax
(fal) socod isu diyaari. Dh: qabbabaal.
ambabax -a: (magac, lab, keli) socdaal u diyaar noqosho. Inta aanad ambabixin i soo mar.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
anbabax
(fal) qof socdaal u dhaqaaqay noqo. Dh: ambabax.
anbabax-a: (magac, lab, keli) socdaal u dhaqaaqid oo u tabaabushaysad. Dh: ambabaxa.
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Barabax
Displacement
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
barabax
-ay -tay: (v) displace / (dis plays); move or shift from the usual place or position
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
barabax
(fal) baradaadii, ka farabax.
barabax-a: (magac, lab, keli) ka tegista baradii aad degganayd oo dhibaato kaa soo saartay. Dh: qax, barakac. Li: degganaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Caadbax
(Caadbax-a)
Bannaan u soo bax; muuqasho; wax qarsi la'aan; xog-warran; gows-haysad la'aan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
caadbax
caadbax¹: m.l la-mid: caadbixid.
caadbax²: f.mg1 (-xay, -xday; -bixi) 1. Soo c.: bannaan u soo bixid; muuqasho. 2. Soo c.: qof daacad ah ahaansho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
caadbax
f.mg1 (-xay, -xday; -bixi) 1. Soo c.: bannaan u soo bixid; muuqasho. 2. Soo c.: qof daacad ah ahaansho. m.f.dh, caadbixid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
caadbax
v., [compound] come out into the open, speak one's mind, come out of concealment
caadbax vl. n., [compound] emergence, appearance, coming out into the open; being forthright (not being obscure)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caadbax
(fal) banaan u soo bax; qarsi la'aan wax u samee. Dh: xogwarran.
caadbax -a: (magac, lab, keli) wax qarsi la'aan ama gows'haysad la'aan. Hadalkiisu caadbax ayuu ahaa. Dh: xogwarran.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caalbax
-a: (magac, lab, keli) marka xanuunka caalka xooluhu ka bogsadaan. Dh: cashibax.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
caambax
f.mg1 (-xay, -xday; -bixi) Ku c.: qof wax caan ku noqosho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
caambax
f.mg1 (-xay, -xday; -bixi) Ku c.: qof wax caan ku noqosho. m.f.dh, caambixid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caambax
(fal) qof la wada yaaan noqo; magacaagu ha dheeraado.
caambax -a: (magac, lab, keli) qof la wada yaqaan noqosho; magac yeelasho. Dh: caanbax.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caanbax
(fal) qof la wada yaqaan oo caan ah noqo; magac yeelo. Dh: shaacbax.
caanbax-a: (magac, lab, keli) noqoshada mid magac leh oo la wada yaqaan; caan noqosho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cagabax
-a: (magac, lab, keli) kabala'aan darteed, cagta oo dubkeegu dhaco ama hilibkeedu googo'o.
cagabax -a: (magac, lab, keli) cagaagga xoolaha ciddida leh ku dhaca ee ciddidu dhillato kolka ay meel dhagax leh in badan socdaan. Dh: cagaag.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
farabax
-a: (magac, lab, keli) cid aan maaro loo hayn oo xeerka iyo sharciga ka baxsan.
farabax-a: (magac, lab, keli) xoolabeelid. Farabax baa ku dhacay dadkii lo'da lahaa. Dh: caydhaw kacid. Li: cayniqabad.