gaadaco
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Gaadaco
nickname-m broad-chested
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gaadaansan
(tilmaame) neef si qarqarsi ah loo xidhay sida awr la rarayo oo xoog lagu muquuniyo. Gaadaco: magac ama naanays loo baxsho wiil abuur ahaan laab weyn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gaadaddo
(Gaadadda-da)
Qodax-badeed.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gaadaddo
m.dh Nafley badda ku jirta oo xiddigtadhul u eg.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
gaadaddo
f. n. thorny marine plant species
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gaadaddo
-da: (magac, dhedig, keli) noole badda ku nool oo dushiisu wada qodax tahay. Dh: qodaxbadeed.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
gaadaddo
de: thorny marine plant sp.
lx: gaadaddo
pd: (/da)
ps: n6-f
key: gaadaddo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gaadasho
(Gaadasha-da)
Doorasho; xulasho; togasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gaadasho
m.f.dh eeg gaado².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gąadasho
m.f.dh eeg gąado.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
gaadasho
vl. n. choice, selection
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gaadasho
-da: (magac, dhedig, keli) xulasho wax la dooranayo sida guur. Waad gaadasho wacan tahay. Dh: togasho.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
gaadasho
de: choice, selection rw: gaado
lx: gaadasho
pd: (/da)
ps: vn6-f
key: gaadasho
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Gabadano
magac loo baxsho wiil ama gabadh xilli qabow dhalatay.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gabadano
-da: (magac, dhedig, keli) dhaxanta aadka u qabow ee xilliga jiilaalka qaarkii dhacda. Dh: dhalalo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gaado
(Gaada-ha)
Ged; dhalan; alab.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gaado
gaado¹: m.l Asluub; dhaqan.
gaado²: f.g3 (-atay, -adatay) Wax gaadmo ku dilid ama ku qabasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gąado
f.g3 (-atay, -adatay) Wax si gaar ah u qiimeyn.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
gaado
f.g3 (-atay, -adatay) Wax gaadmo ku dilid ama ku qabasho. m.f.dh, gaadasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
gaado
v. choose, select, elect
gaado m. n. character, personality, disposition
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gadac
-a: (magac, lab, keli) nin calool adag, xamse waa gadac. Dh: geesi, halyey. Li: fule.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
andaco
m.dh Waxaan la hubin sheegashadooda ama ku doodiddooda.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
andaco
f. n. unjustified request, appeal; pretense, pretentiousness
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
andaco
-da: (magac, dhedig, keli) garsheegad iyo ashkato. Dh: dacwad, garsheegad, ashtako.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
andaco
de: unjustified request, appeal; pretense, pretentiousness
lx: andaco
pd: (/da)
ps: n6-f
key: andaco
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gaaddo
(Gaadda-da)
Laab; shaf.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gaaddo
m.dh 1. Xabad. 2. (-ooyin, m.l) Ulo af dhuuban lehoo shacdurka lagu ciyaaro.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
gaaddo
m.dh 1. Xabad. 2. (-ooyin, m.l) Ulo af dhuuban leh oo shacdurka lagu ciyaaro.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
gaaddo
f. n. chest; pectoral muscles
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
gaaddo
-gaaddada: (n) the comers of the chest
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gaaddo
-da: (magac, dhedig, keli) halka ay dadka naasuhu kaga yaallaan. Dh: geeddo, laab, shaf, labac, xabbad.
Ereybixinta Qalabka Farsamada Gacanta - Maxamuud Iimaan Aadan [1975]
Gaaddo
Sarrax, shaf, sakaar.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
gaaddo
de: chest; pectoral muscles
lx: gaaddo
pd: (/da)
ps: n-f
key: gaaddo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gaadmo
(Gaadma-da)
Wax aan digtooneyn oo aan is jirin, oo inta loo soo dhuunto, wax la yeelo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gaadmo
m.dh Kedinta si lama filaan ah wax loogu kediyo. la-mid: gaadid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
gaadmo
m.dh Kedinta si lama filaan ah wax loogu kediyo. la-mid: gaadid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
gaadmo
f. n. surprise attack, ambush
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
gaadmo
- gaadmada: (n) see [eeg] gaadis
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gaadmo
-da: (magac, dhedig, keli) cid aan wax ogayn oo la qabto ama wax la yeeleeyo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
gaadmo
de: surprise attack, ambush
lx: gaadmo
pd: (/da)
ps: n6-f
key: gaadmo
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gaddac
-da: (magac, dhedig, keli) dhabar daacsan ama godan iyo sakaar taagan. Gabadhu way qurux badan tahaye gaddac bayse leedahay. Dh: deri, dhiici.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
qaadac
-ay / day: (v) boycott (booy kaat); abstain (abisteeyn); reject (rijakt)
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
baabaco
f. n. palm (of hand)
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
baabaco
-baabacada: (n) palm (paam) ~ calaacal, sacab
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
baabaco
de: palm (of hand) Alt sp: baabbaco
lx: baabaco
pd: (/da)
ps: n6-f
key: baabaco
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baayaco
f.g3 (-cday, -atay) la-mid: baayoco.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
baayaco
f.mg3 (-yacday, -yacatay) Badeeco qiimaheeda weyddiisasho; gorgori. m.f.dh, baayacasho. la-mid: baayoco.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baayaco
(fal) qiimihiisa weydii oo la gorgorton.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daalaco
f.g3 (-cday, -catay) Si xasilloon wax u akhrisasho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
daalaco
f.g3 (-cday, -catay) Si xasilloon wax u akhrisasho. m.f.dh, daalacasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
daalaco
v. study, learn
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
daalaco
-daalacday / daalacatay: (v) browse (baraaws); browse through ~ fiir fiirso
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daalaco
(fal) isha mari oo akhriso adoo aamusan. Daalaco casharkaaga dabadeedna seexo. Dh: raaco.
daalaco: (fal) wax aan dadka kale u muuqan arag oo daawo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
daalaco
bw: Arabic
de: study, learn
lx: daalaco
pd: (daalacday)
ps: v3b=
syn: baro
key: daalaco
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gaadaan
gaadaan¹: m.l Qarqarsi.
gaadaan²: f.g1 (-aamay, -aantay; -aami) Awr la rarayo luqunta iyo jeeniga hore iskaga xirid si aanu u kicin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gaadaan
-ka: (magac, lab, keli) qarqarsiga awrta oo xoog lagu fadhiisiyo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gaadaar
m.dh 1. Haan duug ah. 2. Weel yar oo daawada xoolaha lagu dhayo lagu shubo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gaadaar
-ta: (magac, dhedig, keli) haan duug ah.
gaadaar -ta: (magac, dhedig, keli) weel yar oo daawada xoolaha lagu dhayo, lagu shubo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gaadayr
-ta: (magac, dhedig, keli) jaad qudhaanta ka mid ah oo cawlcawlan. Gaadayrta lama laayo geedkay gashana waa looga guuraa.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
gaadhso
v. make something last ~ reach (for oneself)
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
gaadhso
de: make s.t. last ~ reach (for oneself)
lx: gaadhso
pd: (gaadhsaday)
ps: v3a=
key: gaadhso
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
garaaco
(fal) tumo oo wax la dhaco. Geed maydhax wanaagsan garaaco oo kan iska daa.
garaaco: (fal) dawar ama bari. Odaygu waa bakhayle iska garaaco.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gawraco
f.g3 (-cday, -catay) Neef xoolaad gawrac marsasho
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
gawraco
f.g3 (-cday, -catay) Neef xoolaad gawrac marsasho m.f.dh, gawracasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gawraco
(fal) neef, birayso oo qoorta ka jaro.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
laalaco
v. swing (from a tree, etc., in play), hang, dangle, be suspended; loaf, loiter, roam about
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
laalaco
-da: (magac, dhedig, keli) meesha la iska soo laadlaadsho. Laantan yari laalaco ma leh.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
laalaco
de: swing (from a tree, etc., in play), hang, dangle, be suspended; [fig.] loaf, loiter, roam about
lx: laalaco
pd: (laalacday)
ps: v3b=
key: laalaco
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
waddaco
v. farewell, take leave of someone
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
waddaco
de: farewell, take leave of s.o.
initial: w
lx: waddaco
pd: (waddacday)
ps: v3b=tr
key: waddaco
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gaadaanso
f.g3 (-saday, -satay) Awr la rarayo si gaadaan ah u xirasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
Gaalkacyo
pr. n., loc. Galkaayo [city in central Somalia.]
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
Gaalkacyo
cf: caasimad
de: Galkaayo [city in central Somalia] Capital of the Mudug region
lx: Gaalkacyo
pd: (Gaalkacayo)
ps: n0-loc
key: Gaalkacyo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gabaddano
(Gabaddana-da)
Dhaxan dayreed oo aad u daran.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gabaddano
m.dh Dhaxan badan oo dabayl wadata; dayradhaaf.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
gabaddano
f. n. cold weather, chill
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Gabaddano
name-m cold, chill. Lit: born in a time of a cold spell
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
gabaddano
gabaddanada: (n) dew (dhuu); moisture forming overnight
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
gabaddano
cf: dhaxan
de: cold weather, chill
lx: gabaddano
pd: (/da)
ps: n6-f
key: gabaddano
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
galdhacso
f.mg3 (-saday, -satay) Nafley sida mas, abeeso iyo wixi lamida xuubka sare ridid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
galdhacso
f.mg3 (-saday, -satay) Nafley sida mas, abeeso iyo wixi lamida xuubka sare ridid. m.f.dh, galdhacsasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
galdhacso
v., [compound] remove a scab from a sore ~ wound
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
galdhacso
(fal) diirkii hore iska siibid.
galdhacso: (fal) wixii hore ka bax; dabeecaddaadii hore beddil.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
galdhacso
de: remove a scab from a sore ~ wound
lx: galdhacso
nt: galdhacsasho (/da) [vn6-f], galdhacsi (ga) [vn7-m]
pd: (galdhacsaday)
ps: v3a=cmp
key: galdhacso
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gaxadhato
-da: (magac, dhedig, keli) cuntada la karsado inta digsiga salkiisa u xigta ee ku dhegta. Dh: gubad, fujis, dabxigeen. Li: daboolxigeen, baar.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Baabbaco
(Baabbaca-da)
1. Gacanta dadka inta dhudhunka ka hoosaysa oo calaacasha, faraha iyo suulku ka mid yihiin oo wax lagu qabto; cukur; sacab; cagta nafleyda qaarkeed;
2. Orod gaar ah oo geelu cagaha la dhaco dhulka.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baabbaco
m.dh 1. (-ooyin, m.l) Calaacal, sacab. 2. la-mid: baabbacayn. Orod gaaban oo geelu labada addin ee hore iyo kuwa dambe midba mar qaado.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
baabbaco
m.dh 1. (-ooyin, m.l) Calaacal, sacab. 2. la-mid: baabbacayn. Orod gaaban oo geelu labada addin ee hore iyo kuwa dambe midba mar qaado.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
baabbaco
vl. n. jog, trot, gambolling of young animals
baabbaco [feminine] n. palm of the hand
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
baabbaco
-baabbacada: (n) palm (paam) ~ calaacal, sacab
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baabbaco
-da: (magac, dhedig, keli) orod dhereg aawadii geelu cagta hoose dhulka la dhaco.
baabbaco -da: (magac, dhedig, keli) gacanta iyo lugta dadka inta ka soo hadha faraha iyo suulka. In aan Axmad guursadaa waa baabacadaa oo timo ka soo baxeen! Dh: sacab, calaacal.
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
baabbaco
راحة (اليَد)
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
caadayso
f.g/mg3 (-stay, -satay) Wax caado ka dhigasho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
caadayso
f.g/mg3 (-stay, -satay) Wax caado ka dhigasho. m.f.dh, caadaysasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
caadayso
v.auto: get used ~ accustomed to something; form ~ make into a habit
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
caadayso
-caadaystay I caadaysatay: (v) accustom (a-kas-tam) habituate; get used to ~ caadeyso. Ex: waxaan caadaystay inaan saacado badan shaqeeyo: I have accustomed myself to working long hours
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caadayso
(fal) si joogto ah u samee; fal samayntiisa caado ka dhigo. Caadayso in aad tukato. Dh: joogtayso.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
caadayso
a: caadeyso
de: get used ~ accustomed to s.t.; form ~ make into a habit
lx: caadayso
pd: (caadaystay)
ps: v3b=auto
key: caadayso
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Daadasho
(Daadasha-da)
Qubasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daadasho
m.f.dh eeg daado. la-mid: daadad.