gaadaansasho
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gaadaansasho
m.f.dh eeg gaadaanso. la-mid: gaadaansad, gaadaansi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Daandaansasho
(Daandaansasha-da)
Xumaan iyo dagaal ka doonid; ka caraysiin; maagid; qodqodid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daandaansasho
m.f.dh eeg daandaanso. la-mid: daandaansad, daandaansi.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
daandaansasho
vl. n. provocation
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daandaansasho
-da: (magac, dhedig, keli) cid kale, gardarro ku doonasho. Daandaansashada docdaada la joog. Dh: edebdarraysasho.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
daandaansasho
de: provocation
lx: daandaansasho
pd: (/da)
ps: vn6-f
key: daandaansasho
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
daandaansasho
إغضاب
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daddaansasho
daddaansasho¹: m.dh la-mid: dandaansasho.
daddaansasho²: m.f.dh egg daddaanso. la-mid: daddaansad, dandaansad, dandaansasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dandaansasho
m.f.dh eeg dandaanso. la-mid: daddaansad, daddaansasho, dandaansad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dandaansasho
-da: (magac, dhedig, keli) cid kale, gardarraysasho. Dh: daandaansasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
garwaansasho
m.f.dh eeg garwaanso. la-mid: garwaansad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gaadaansi
m.l la-mid: gaadaansasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kaankaansasho
(Kaankaansasha-da)
Kicid isu diyaarin; ruqaansi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kaankaansasho
m.f.dh eeg kaankaanso. la-mid: kaankaansi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kaankaansasho
-da: (magac, dhedig, keli) kicid isu diyaarin ah. Dh: ruqruqaansi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
laadlaadsasho
-da: (magac, dhedig, keli) wax la sido, korka sare qabasho oo sidaas ku qaadasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gaadaanso
f.g3 (-saday, -satay) Awr la rarayo si gaadaan ah u xirasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ayaansasho
m.f.dh eeg ayaanso.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ayaansasho
-da: (magac, dhedig, keli) ayaan iyo nasiib ka dayid; ku nasiibsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gaadaansad
m.l la-mid: gaadaansasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gaadaansan
f.mg4 (-naa, -nayd) Wax si gaadaan ah loo xiray ahaansho (awr la rarayo).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gaadaansan
(tilmaame) neef si qarqarsi ah loo xidhay sida awr la rarayo oo xoog lagu muquuniyo. Gaadaco: magac ama naanays loo baxsho wiil abuur ahaan laab weyn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gadaamasho
-da: (magac, dhedig, keli) meel ku hareeraysnaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aaddaysasho
-da: (magac, dhedig, keli) qaraabo iyo ehel ka yeelasho. Dh: aaddaysad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
abbaansasho
m.f.dh eeg abbaanso. la-mid: abbaansi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
abbaansasho
-ha: (magac, lab, keli) cid kale wakiil ka dhigasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ammaansasho
m.f.dh eeg ammaanso. la-mid: ammaansi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ammaansasho
-da: (magac, dhedig, keli) ammaano ahaan u qaadasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Caadaysasho
(Caadaysasha-da)
Caado ka dhigasho; caado u noqosho; wax u barasho; (ama caadeysasho).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
caadaysasho
m.f.dh eeg caadayso. la-mid: caadaysad, caadaysi.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
caadaysasho
vl. n. act of forming a habit; getting used to something
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
caadaysasho
-caadaysashada: (n) the act of accustoming; customary manner or practice: habit (hab-if)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caadaysasho
-da: (magac, dhedig, keli) wax ama fal, caado ka dhigasho. Dh: joogtaysasho.
caadaysasho -da: (magac, dhedig, keli) caad yeelasho.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
caadaysasho
a: caadaysad (ka) [vn-m]
de: act of forming a habit; getting used to s.t.
lx: caadaysasho
pd: (/da)
ps: vn6-f
key: caadaysasho
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cawaansasho
m.f.dh eeg cawaanso. la-mid: cawaansad, cawaansi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cawaansasho
-da: (magac, dhedig, keli) eeg cawaansad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dawaansasho
m.f.dh eeg dawaanso. la-mid: dawaansad, dawaansi, tawaansad, tawaansasho
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gabaabsasho
m.f.dh eeg gabaabso. la-mid: gabaabsad, gabaabsi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gabaabsasho
-da: (magac, dhedig, keli) wax dhammaaday ahaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
garaadsasho
m.f.dh eeg garaadso. la-mid: garaadaysasho, garaadsi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
go'aansasho
m.f.dh eeg go'aanso. la-mid: go'aansad, go'aansi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
go'aansasho
-da: (magac, dhedig, keli) go'aan gaadhis; qaraar qaadasho. Go'aansasho ayey arrintu u baahan tahay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hamaansasho
(Hamaansasha-da)
Afka kala jiidid, aan inta badan loo karin, neef badanna xagga sanbabbada loo diro, kolkii la iska dareemo daal ama hurdo ama wax la mid ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hamaansasho
m.f.dh eeg hamaanso. la-mid: Hamaansi; hamaanid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hamaansasho
-da: (magac, dhedig, keli) daal aawadii ama caajis, afka kala qaadid. Dh: hamaansad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Macaansasho
(Macaansasha-da)
Macaan ka dhigasho; jeclaysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
macaansasho
m.f.dh eeg macaanso. la-mid: macaansad, macaansi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
macaansasho
-da: (magac, dhedig, keli) eeg macaansad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tawaansasho
m.f.dh la-mid: dawaansasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhadhansasho
(Dhadhansasha-da)
Cunno ama wax kale, carrabka gaarsiin si dhadhankooda loo garto ama loo macaansado.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhadhansasho
m.f.dh egg dhadhanso. la-mid: dhadhansad, dhadhansi, dhadhensad, dhadhensasho
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhadhansasho
-da: (magac, dhedig, keli) eeg dhadhansad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gaadiidsasho
m.f.dh eeg gaadiidso. la-mid: gaadiidsad, gaadiidsi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gaadiidsasho
-da: (magac, dhedig, keli) muur ka dhigasho. Dh: rarasho; muursasho. Li: dhaqasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gabbaadsasho
m.f.dh eeg gabbaadso. la-mid: gabbaadsi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gabbaadsasho
-da: (magac, dhedig, keli) gabbaad ka yeelasho; gabbaadsi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Galdhacsasho
(Galdhacsasha-da)
(nabar) galka ama xuubka kore ka fuqid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
galdhacsasho
m.f.dh eeg galdhacso. la-mid: galdhacsad, galdhacsi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
galdhacsasho
-da: (magac, dhedig, keli) qolofta sare iska tuurid oo siibid. Dh: xuubsiibasho, galdhacsad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gargaarsasho
m.f.dh eeg gargaarso. la-mid: gargaarsad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gargaarsasho
-da: (magac, dhedig, keli) cid kale, taageersasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Garraarsasho
(Garraarsasha-da)
Garraar xirasho; garraarsad: garraarsi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
garraarsasho
m.f.dh eeg garraarso. la-mid: garraarsad, garraarsi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
garraarsasho
-da: (magac, dhedig, keli) garraarsi; garraarsasho; garraarsad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
garwaaqsasho
m.f.dh eeg garwaaqso. la-mid: garwaaqsad, garwaaqsi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
haldhansasho
m.f.dh eeg haldhanso. la-mid: haldhansad, haldhansi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qabbaansasho
(Qabbaansasha-da)
Qabbaan ka dhigasho; ciidansasho; adeegsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qabbaansasho
m.f.dh eeg qabbaanso. la-mid: qabbaansad, qabbaansi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qabbaansasho
-da: (magac, dhedig, keli) eeg qabbaanasho.
qabbaansasho -da: (magac, dhedig, keli) qaraabo ahaan u raadsi. Waxan ku socdaa qabbaanasho aan dad ku raadinayo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qasmaansasho
m.f.dh eeg qasmaanso. la-mid: qasmaansad, qasmaansi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
waydaarsasho
-da: (magac, dhedig, keli) wax aad haysato wax kale ku beddelesho oo cid kale kaga doorsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qayladhaansasho
m.f.dh eeg qayladhaanso. la-mid: cilladhaansad, cilladhaansasho, cilladhaansi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qayladhaansasho
-da: (magac, dhedig, keli) eeg qayladhaansad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gardarraysasho
(Gardarraysasha-da)
Gardarro ku samayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gardarraysasho
m.f.dh eeg gardarrayso. la-mid: gardarraysad, gardarraysi.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
gardarraysasho
vl. n. intimidation, provocation
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
gardarraysasho
a: gardarraysad (ka) [vn2-m], gardarraysi (ga) [vn2a-m]
de: intimidation, provocation
lx: gardarraysasho
pd: (/da)
ps: vn6-f
key: gardarraysasho
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gaxarataysasho
m.f.dh eeg gaxartayso. la-mid: gaxarataysi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maradhaarsasho
m.f.dh eeg maradhaarso.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baradhacsasho
m.f.dh eeg baradhacso. la-mid: baradhacsi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
candhaaqsasho
m.f.dh eeg candhaaqso. la-mid: candhaaqsi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
candhaaqsasho
-da: (magac, dhedig, keli) fadhi foolxun fariisasho; barraaqsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daadsanaansho
m.l/dh la-mid: daadsanaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daadsanaansho
-ha: (magac, lab, keli) daadsanaan wax waliba meel aan habaysnayn yaallo. Daadsa naansho yaanu colku nagu heline digtoonaada.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhandhansasho
m.dh la-mid: dhadhansasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhandhansasho
-da: (magac, dhedig, keli) wax aad afka gelisay, macaansasho oo sii dareemid. Dh: dhadhansasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
faataxaysasho
m.f.dh eeg faataxayso. la-mid: fataxaysad, faataxaysi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
faataxaysasho
-da: (magac, dhedig, keli) iyada oo Faataxada la akhrisanayo, ducaysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gaadaansanaan
m.f.dh eeg gaadaansan. la-mid: gaadaansanaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gaallanaansho
m.l/dh la-mid: gaallanaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gaannanaansho
m.l/dh la-mid: gannaanaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gaannanaansho
-ha: (magac, lab, keli) neef dihin oo aan la lisin ahaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gaaxsanaansho
m.l/dh la-mid: gaaxsanaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gaaxsanaansho
-da: (magac, dhedig, keli) neef la gaagixiyey ahaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gacanqabsasho
m.f.dh eeg gacanqabso. la-mid: gacanqabsad, gacanqabsi (4).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gacanqabsasho
-da: (magac, dhedig, keli) ul ama wax kale oo gacanta loogu qaato ujeeddooyin kala duwan.
gacanqabsasho -da: (magac, dhedig, keli) lacag yar oo jeebka lagu wato, si wax la iskaga dabbaro ama ganacsi lagu billaabo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gadaamnaansho
-ha: (magac, lab, keli) wax gadaaman ahaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gaggabaysasho
m.dh la-mid: gobbobaysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Galladaysasho
(Galladaysasha-da)
Gallad ahaan u siin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
galladaysasho
m.dh eeg galladayso. la-mid: galladaysad, galladaysi.