gaadaansan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gaadaansan
f.mg4 (-naa, -nayd) Wax si gaadaan ah loo xiray ahaansho (awr la rarayo).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gaadaansan
(tilmaame) neef si qarqarsi ah loo xidhay sida awr la rarayo oo xoog lagu muquuniyo. Gaadaco: magac ama naanays loo baxsho wiil abuur ahaan laab weyn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gaadaansad
m.l la-mid: gaadaansasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daandaansan
f.mg4 (-naa, -nayd) Wax wareersan ahaansho (nafley).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daandaansan
(tilmaame) ruux la wareersan, nabar iyo jug gaadhay darteed. Nin daandaansan dariiq ma maro.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gaadaansi
m.l la-mid: gaadaansasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gaadaanso
f.g3 (-saday, -satay) Awr la rarayo si gaadaan ah u xirasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gawaansan
(tilmaame) meel daaq leh; dhul urshi leh; meel uraad badan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gaylaansan
(tilmaame) wax dhulka yaalla; wax dhulka jiifa. Li: taagan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xaaraansan
f.mg4 (-naa, -nayd) Wax la xaaraameeyey ahaansho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
xaaraansan
f.mg4 (-naa, -nayd) Wax la xaaraameeyey ahaansho. m.f.dh, xaaraansanaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xaaraansan
(tilmaame) xaaraan ah; mamnuuc ah sharci ahaan oon loo dhawaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gaadaansanaansho
m.l/dh la-mid: gaadaansanaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gaadaansanaan
m.f.dh eeg gaadaansan. la-mid: gaadaansanaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gaadaansasho
m.f.dh eeg gaadaanso. la-mid: gaadaansad, gaadaansi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Daandaansad
(Daandaansad-ka)
Xumaan iyo dagaal ka doondoon: maag; qodqod.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daandaansad
m.l la-mid: daandaansasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daandaansad
-ka: (magac, lab, keli) cid kale, ka cadhaysiin oo gardarro kula kicid. Daandaansadka adigaa bilaabay. Dh: gardarraysad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gaashaanaan
-ta: (magac, dhedig, keli) ahaanta wax gaashaaman.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kaladaadsan
(tilmaame) waxyaabo isku dhexyaacsan; aan nidaamsanayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
laadlaadsan
(tilmaame) walax soo lulata ama soo deldelan. Dh: laalaadasan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gaadaan
gaadaan¹: m.l Qarqarsi.
gaadaan²: f.g1 (-aamay, -aantay; -aami) Awr la rarayo luqunta iyo jeeniga hore iskaga xirid si aanu u kicin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gaadaan
-ka: (magac, lab, keli) qarqarsiga awrta oo xoog lagu fadhiisiyo.
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Gaadsan
nickname; name-f the state of being ready for action. Lit: she who is always alert
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
aasaasan
aasaasan¹: f.mg1 (-smay, -santay) la-mid: asaasan¹.
aasaasan²: f.mg4 (-snaa,-snayd) la-mid: asaasan².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aasaasan
(tilmaame) wax unkan oo an ebyanayn. Xisbi aasaasan ayuun baa lagu hawlgali karayaa. Dh: billaaban, anbaqaadan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gaadhaan
-ka: (magac, lab, keli) waxyeello iyo nabar.
Ereybixinta Qalabka Farsamada Gacanta - Maxamuud Iimaan Aadan [1975]
Gadaafan
Saynsaaban, qamaamadan, shaqlan, saabsan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gadaaman
f.mg4 (-mnaa, -mnayd) Wax gadaan loo yeelay ahaansho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
gadaaman
f.mg4 (-mnaa, -mnayd) Wax gadaan loo yeelay ahaansho. m.f.dh, gadaamanaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gadaaman
(tilmaame) dhinacyada oo dhan laga istaagay oo la hareereeyey.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Aaddanaan
(Aaddanaan-ta)
Ku abbaarnaan; toosnaan; ekaan; beegnaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
aaddanaan
m.f.dh eeg aaddan³. la-mid: aaddanaansho.
Qaamuuska Ereybixinta: Xisaab (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Aaddanaan
Correspondence
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
aaddanaan
f. n., [abstract] alignment, parallelism; opposite; the fact of falling on a certain day, being due at a certain
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aaddanaan
-ta: (magac, dhedig, keli) «ka sii~> qof ama wax kale oo meel u sii jeeda ahaan.
aaddanaan-ta: (magac, dhedig, keli) (ku ~) (isku ~) ku beegnaanta iyo ku abbaarnaanta qof ama meel. Liiska isku aadanaanta kooxuhu wuu soo baxay. Dh: beegnaan, abbaarnaan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
aaddanaan
de: alignment, parallelism; opposite; the fact of falling on a certain day, being due at a certain time
lx: aaddanaan
pd: (-ta)
ps: n0-f-abs
key: aaddanaan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bayaansan
(tilmaame) wax cad oo aad u muuqda. Far bayaansan buu ku qoray baaqa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cadaadsan
f.mg4 (-naa, -nayd) Wax la cadaadiyey ahaansho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
cadaadsan
f.mg4 (-naa, -nayd) Wax la cadaadiyey ahaansho. m.f.dh, cadaadsanaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
cadaadsan
der. [adjective] oppressed, persecuted
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
cadaadsan
(adj) pressurized (pree-sharizid)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cadaadsan
(tilmaame) hoos u cadaadsan; hoos loo riixay.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
cadaadsan
de: oppressed, persecuted
lx: cadaadsan
pd: (cadaadsanaa)
ps: adj-der
key: cadaadsan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gaadaamin
m.f.dh eeg gaadaami. la-mid: gaadaamis.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
gaagaaban
adj., pl. short, small (ones)
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
gaagaaban
-aa: (adj) [Plural of gaaban] short, low or small (with plural nouns). Ex: guryo gaagaaban; small houses; gabdho gaagaaban; short girls
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gaagaaban
(tilmaame) wax aan dhaadheerayn. Dhir gaagaaban ayaa ka baxda meelaha bananka ah. Li: dhaadheer.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
gaagaaban
de: short, small (ones)
lx: gaagaaban
pd: (Sg: gaaban)
ps: adj-pl
key: gaagaaban
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gaagaxsan
f.mg4 (-naa, -nayd) la-mid: gaaggaxsan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gaagaxsan
(tilmaame) neef godladay oo inta uu wax diiday, godolkii joojiyay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gaajaysan
1. Aan waqti badan cunno cunin; gaajo hayso.
2. Qatan; baahan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gaajaysan
f.mg4 (-snaa, -snayd) Wax gaajo hayso ahaansho. la-mid: qaajaysan.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
gaajaysan
f.mg4 (-snaa, -snayd) Wax gaajo hayso ahaansho. m.f.dh, gaajaysnaan. la-mid: qaajaysan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
gaajaysan
der. [adjective] hungry
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
gaajaysan
-aa: (adj) hungry (hanggari); hungering; wanting food ~ baahan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gaajaysan
(tilmaame) mid cunto u baahan; calool madhan. Li: dheregsan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
gaajaysan
a: gaajeysan
de: hungry
lx: gaajaysan
ps: adj-der
key: gaajaysan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gadfanaan
m.f.dh eeg gadfan. la-mid: gadfanaansho, gedfanaan, gedfanaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gadfanaan
-ta: (magac, dhedig, keli) dahaadh u yeelid; wax la rabay oo dahaadhan ahaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gedaadsan
f.mg4 (-naa, -nayd) la-mid: gadoodsan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gidaadsan

giraansan
f.mg4 (-naa, -nayd) Wax qaab wareegsan leh noqosho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
giraansan
(tilmaame) wax siddii giraangirtii oo kale ah.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hayaansan
(tilmaame) cid kaynaansan ama hayaan ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
mataansan
f.mg4 (-naa, -nayd) 1. Ku m. wax, wax kale mataan la ah ahaansho. 2. Wax, wax kale lagu biiriyey ahaansho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
mataansan
f.mg4 (-naa, -nayd) 1. Ku m. wax, wax kale mataan la ah ahaansho. 2. Wax, wax kale lagu biiriyey ahaansho. m.f.dh, mataansanaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
nadaamsan
f.mg4 (-naa, -nayd) la-mid: nidaamsan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
nadaamsan
(tilmaame) habaysan oo si wanaagsan iskufu dubbadhacsan ah. Shaqo nadaamsan laguma rafaado. Dh: nidaambsan, habaysan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Daadsanaan
(Daadsanaan-ta)
Qubnaan; wax daadsan ahaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daadsanaan
m.f.dh eeg daadsan. la-mid: daadsanaansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
daadsanaan
f. n. spillage, state of being spilled, being scattered
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daadsanaan
-ta: (magac, dhedig, keli) ahaanshaha wax firirsan. Dh: bahsanaan, filiqsaan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
daadsanaan
de: spillage, state of being spilled, being scattered
lx: daadsanaan
pd: (-ta)
ps: n2-f
key: daadsanaan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daddaansad
m.l la-mid: dandaansasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dandaansad

farxaansan
f.mg4 (-naa, -nayd) la-mid: faraxsan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
farxaansan
(tilmaame) mid farad iyo raynrayn ku jira.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gaaggaxsan
f.mg4 (-naa, -nayd) Xoolo gaaggaxay ahaansho. la-mid: gaagaxsan.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
gaaggaxsan
f.mg4 (-naa, -nayd) Xoolo gaaggaxay ahaansho. m.f.dh, gaaggaxsanaan. la-mid: gaagaxsan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gaallanaan
m.f.dh eeg gaallan. la-mid: gaallanaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gaannanaan
(Gaannanaan-ta)
1. Gaan ahaan; xoog iyo waxtar badnaan.
2. Dihnaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gaannanaan
m.f.dh eeg gaannan. la-mid: gaannanaansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
gaannanaan
f. n. full growth, full strength
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gaannanaan
-ta: (magac, dhedig, keli) neef dihin oo aan la lisin ahaan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
gaannanaan
cf: xoog
de: full growth, full strength
lx: gaannanaan
pd: (-ta)
ps: n-f
key: gaannanaan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gaashaysan
(tilmaame) shey aan isku ekayn oo kala noocnooc ah sida harrarka goosgooska ah. Dh: midabaysan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gaaxsanaan
(Gaaxsanaan-ta)
Neef gaaxsan ahaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gaaxsanaan
m.f.dh eeg gaaxsan. la-mid: gaaxsanaansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
gaaxsanaan
f. n., [abstract] state of being left unmilked (animal); uncultivated, virgin, untouched (land)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gaaxsanaan
-ta: (magac, dhedig, keli) neef gaaxsan ahaan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
gaaxsanaan
de: state of being left unmilked (animal); uncultivated, virgin, untouched (land)
lx: gaaxsanaan
pd: (-ta)
ps: n0-f-abs
key: gaaxsanaan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gadaamnaan
-ta: (magac, dhedig, keli) wax hareeraha oo dhan laga istaagay ahaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gardarnaan
m.f.dh eeg gardaran. la-mid: gardarnaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gardarnaan
-ta: (magac, dhedig, keli) qof gardaran oo gadoobfal badan ahaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
garwaansad
m.l la-mid: garwaansasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
garwaansad
-ka: (magac, lab, keli) ugaarsasho; gabraarad; gabraarasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
garwaaqsan
f.g4 (-naa, -nayd) Wax, dhibaato, arrin, iyo wixi lamida in ay jiraan xusuusan ahaansho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
garwaaqsan
f.g4 (-naa, -nayd) Wax, dhibaato, arrin, iyo wixi lamida in ay jiraan xusuusan ahaansho. m.f.dh, garwaaqsanaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
garwaaqsan
der. [adjective] recalling, remembering; convinced (of), persuaded