gaadaansad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gaadaansad
m.l la-mid: gaadaansasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gaadaansan
f.mg4 (-naa, -nayd) Wax si gaadaan ah loo xiray ahaansho (awr la rarayo).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gaadaansan
(tilmaame) neef si qarqarsi ah loo xidhay sida awr la rarayo oo xoog lagu muquuniyo. Gaadaco: magac ama naanays loo baxsho wiil abuur ahaan laab weyn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Daandaansad
(Daandaansad-ka)
Xumaan iyo dagaal ka doondoon: maag; qodqod.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daandaansad
m.l la-mid: daandaansasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daandaansad
-ka: (magac, lab, keli) cid kale, ka cadhaysiin oo gardarro kula kicid. Daandaansadka adigaa bilaabay. Dh: gardarraysad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gaadaansi
m.l la-mid: gaadaansasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gaadaanso
f.g3 (-saday, -satay) Awr la rarayo si gaadaan ah u xirasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daddaansad
m.l la-mid: dandaansasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dandaansad

garwaansad
m.l la-mid: garwaansasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
garwaansad
-ka: (magac, lab, keli) ugaarsasho; gabraarad; gabraarasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gaadaansasho
m.f.dh eeg gaadaanso. la-mid: gaadaansad, gaadaansi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daandaansan
f.mg4 (-naa, -nayd) Wax wareersan ahaansho (nafley).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daandaansan
(tilmaame) ruux la wareersan, nabar iyo jug gaadhay darteed. Nin daandaansan dariiq ma maro.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
laadlaadsad
-ka: (magac, lab, keli) walax gacanta ama afku ku qaadasho, iyadoo hoos kaa jirta.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gaadaan
gaadaan¹: m.l Qarqarsi.
gaadaan²: f.g1 (-aamay, -aantay; -aami) Awr la rarayo luqunta iyo jeeniga hore iskaga xirid si aanu u kicin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gaadaan
-ka: (magac, lab, keli) qarqarsiga awrta oo xoog lagu fadhiisiyo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aaddaysad
-ka: (magac, lab, keli) cid kale, walaal iyo ehel ka yeelasho. Dh: huunnaysad, boowaysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Caadaysad
(Caadaysad-ka)
Caado ka dhigad; caado u noqod; (ama caadeysad).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
caadaysad
m.l la-mid: caadaysasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caadaysad
-ka: (magac, lab, keli) caado ka dhigad; joogtaysadka wax aad hore u fali jirin. Caadaysad bay kaa noqotay jaadka cunistiisu. Dh: caadaysi, joogtaysad.
caadaysad -ka: (magac, lab, keli) caad yeelashada cirka, indhaha, dhulka, iwm.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cawaansad
m.l la-mid: cawaansasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cawaansad
-ka: (magac, lab, keli) kaalmo iyo taageero ka doonid; xoog iyo ciidan bidid. Dh: cawaansasho, cawaansi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dawaansad
m.l la-mid: dawaansasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gaadaamid
m.f.dh eeg gaadaan².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gabaabsad
m.l la-mid: gabaabsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gabaabsad
-ka: (magac, lab, keli) wax badnaa oo yaraada ama is dhima.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gabbaanad
-da: (magac, dhedig, keli) wax dhacdo kaa joojiya ama xayira. Dh: xayirid, xidhid, joojin.
gabbaanad -ka: (magac, lab, keli) dhaqdhaqaaq iyo xarako.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gawaansan
(tilmaame) meel daaq leh; dhul urshi leh; meel uraad badan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
go'aansad
m.l la-mid: go'aansasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
go'aansad
-ka: (magac, lab, keli) go'aan qaadasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hamaansad
(Hamaansad-ka)
Hamaansasho; hamaansi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hamaansad
m.l la-mid: Hamaansasho; hamaa-nid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hamaansad
-ka: (magac, lab, keli) afka kala waaxis iska timaadda oo neef badan afka laga keeno, kolka la iska dareemo daal ama hurdo ama wax la mid ah. Dh: hamaansi, hamaansasho, hamaahsad, hamaahsi.
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
hamaansad
تُؤَبَاء
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Macaansad
(Macaansad-ka)
Macaansasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
macaansad
m.l la-mid: macaansasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
macaansad
-ka: (magac, lab, keli) dhadhan jeclaysi raaxo leh. Macaansadka shaahu yaanu ku hodine iska jooji. Dh: macaansi macaansasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tawaansad
m.l la-mid: dawaansasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhadhansad
(Dhadhansad-ka)
Dhadhansasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhadhansad
m.l la-mid: dhadhansasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhadhansad
-ka: (magac, lab, keli) carrabka ku dareemid oo sida uu yahay u fiirsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gaadiidsad
m.l la-mid: gaadiidsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gaadiidsad
-ka: (magac, lab, keli) muur ka dhigasho; gaadiid ka yeelasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
galdhacsad
m.l la-mid: galdhacsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
galdhacsad
-ka: (magac, lab, keli) galka sare iska ridid; xuubsiibad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gargaarsad
m.l la-mid: gargaarsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gargaarsad
-ka: (magac, lab, keli) taageersad, cid kale.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Garraarsad
(Garraarsad-ka)
Garraarsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
garraarsad
m.l la-mid: garraarsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
garraarsad
-ka: (magac, lab, keli) garraar xidhasho. Dh: garraarsi, garraarsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
garwaaqsad
m.l la-mid: garwaaqsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
garwaaqsad
-ka: (magac, lab, keli) wax la illowsanaa soo xusuusasho.
garwaaqsad -ka: (magac, lab, keli) gef aad geysatay. garwsi oo aqoonsad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gaylaansan
(tilmaame) wax dhulka yaalla; wax dhulka jiifa. Li: taagan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
haldhansad
m.l la-mid: haldhansasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qabbaansad
(Qabbaansad-ka)
Qabbaansasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qabbaansad
m.l la-mid: qabaansasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qabbaansad
-ka: (magac, lab, keli) eeg qabbaanasho.
qabbaansad -ka: (magac, lab, keli) meel qariib lagu yahay, cid dhawaale ah ka raadsasho. Magaalada ma garanayne qabbaansad ayaan kuu imid. Dh: qaraabaysi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qasmaansad
m.l la-mid: qasmaansasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xaaraansan
f.mg4 (-naa, -nayd) Wax la xaaraameeyey ahaansho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
xaaraansan
f.mg4 (-naa, -nayd) Wax la xaaraameeyey ahaansho. m.f.dh, xaaraansanaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xaaraansan
(tilmaame) xaaraan ah; mamnuuc ah sharci ahaan oon loo dhawaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xoodaansad
-ka: (magac, lab, keli) xoodaan la dhicid oo macaansasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gaadaansanaan
m.f.dh eeg gaadaansan. la-mid: gaadaansanaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qayladhaansad
m.l la-mid: qayladhaansasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qayladhaansad
-ka: (magac, lab, keli) gurmad cid kale u dirsasho. Dh: qayladhdhaansasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
caddaansadaf
m.l Midab caddaan xigeen ah oo dhalaal ku jiro.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caddaansadaf
(tilmaame) midab aan caddaan xuruur ah ahayn oo ka sadafta ilkaha la geliyo oo kale ah. Maro caddaansadaf ah ayaan shamiis ka toshay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gaashaanqaad
(Gaashaanqaad-ka)
Qof gaarey da'dii uu gaashaanka qaadi lahaa oo duullaammada ka qayb geli lahaa; gaashaanxajis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gaashaanqaad
m.l (-dyo, m.dh) Qof qaangaaray oo dagaal ka qaybgali karo. la-mid: gaashaanxajis.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
gaashaanqaad
m. n., [compound] young man of age to bear arms; military service
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
gaashaanqaad
-ka: (n) a man who has reached full natural growth; mature (ma.tyuur) man; adult
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gaashaanqaad
-ka: (magac, lab, keli) qof gaadhay da'dii uu ku dagaalgeli kari lahaa. Gaashaanqaad ma habaabo. Dh: hanaqaad, baaluq, muddakar.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
gaashaanqaad
cf: shaqada ciidanka
de: young man of age to bear arms; [ext.] military service
lx: gaashaanqaad
pd: (-ka)
ps: n2a-m-cmp
key: gaashaanqaad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gardarraysad
(Gardarraysad-ka)
Gardarraysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gardarraysad
m.l la-mid: gardarraysasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gardarraysad
-ka: (magac, lab, keli) cid kale, gardarro ku samayn. Dh: gardaraysasho.
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
CADDAAN-CAD
(Adan-ad) N Fagonia bruguieri DC. Zygophyllaceae.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhandhansad
m.l la-mid: dhadhansasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhandhansad
-ka: (magac, lab, keli) wax aad afka gelisay, macaansad oo sii dareemid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
faataxaysad
m.l la-mid: faataxaysasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
faataxaysad
-ka: (magac, lab, keli) ducaysasho iyada oo Faataxada la akhrisanayo. Dh: faataxaysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gaabnaansho
m.l/dh la-mid: gaabnaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gaafnaansho
m.l/dh la-mid: gaafnaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gaafnaansho
-ha: (magac, lab, keli) dhis tabar yar oo muuqaalkiisu inuu roon yahay la moodo ahaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gaashaanaan
-ta: (magac, dhedig, keli) ahaanta wax gaashaaman.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gabaddanood
m.f.l eeg gabadanoo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gabaddanood
-ka: (magac, lab, keli) dhaxan iyo qabaw dareemid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gacanqabsad
m.l la-mid: gacanqabsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gaggabaysad
m.l la-mid: goggobeysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
galladaysad
m.l la-mid: galladaysasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
galladaysad
-ka: (magac, lab, keli) cid kale, wanaag gashad. Dh: galladaysasho, galladaysi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gondaqabsad
m.l la-mid: gondaqabasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kaladaadsan
(tilmaame) waxyaabo isku dhexyaacsan; aan nidaamsanayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
laadlaadsan
(tilmaame) walax soo lulata ama soo deldelan. Dh: laalaadasan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
taagtaagsad
-ka: (magac, lab, keli) «ku ~» cid kale oo taag yar, muquunin oo dulmin. Dh: taagtaagsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
waaxwaaxsad
-ka: (magac, lab, waadhwaadhsasho oo lugaha kala fogayn. waaxwaaxsadka daa oo saani u tallaabso.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
walalaaxsad
-ka: (magac, lab, keli) socod lugaha la kala fogaynayo.

cilladhaansad
m.l la-mid: qayladhaansasho.