g,g
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
G,g
/jii/ xarafka toddobaad ee alifbeetada ingiriisiga.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
adkayso
f.g/mg3 (-stay, -satay) 1.(f.g) Gunti, xarig iyo wixi lamida oo dabacsan dhuuqsasho. 2. ku a.: hadal, fikrad, mowqif iyo wixi lamida iska beddelid la'aan. 3. (f.mg) U a.: dhibaato dulqaad u yeelasho; hawl, dhib, xanuun adkaysi u lahaansho; dulqaadasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
barjee
f.g/mg2 (-jeeyay, -jaysay) 1. (f.g) Galmoo. 2. (f.mg) Meel goglan oo barkimooyin lagu tiirsado leh jaad ku cunid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhaado
f. g/mg3 (-aatay, -aadatay) 1. (f.g) Dhaad ka xirasho (neef). 2. (f.g) Gabar doonid. 3. (f.mg) Ku dh.: cid si kalsooni ah isugu hallayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhal
dhal¹: m.l (-lal/-llal, m.l) 1. Ubad yaryar oo nafley; dhallaan; carruur; ilmo. 2. Firfir yaryar oo subag ah oo ay yeeshaan caano la lulayo.
dhal²: f.g/mg1 (-alay, -ashay) 1. (f.g) Nafley rimman ubad dihasho. 2. (f.g) Geed miro iyo wixi lamida yeelasho. 3. (f.g) Caano la lulay subag yeelasho. 4. (f.mg) Ilmo if imaan. Tusaale: “Wiil baa dhashay”.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhambalo
f.g/mg3 (-ashay, -alatay) 1. (f.g) Wax si dherer ah u kala dillaacsasho. 2. (f.g) Galley hal mar ku shiidasho. 3. (f.mg) Ka dh.: maanso cid ka dheegasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gaaddabbuur
gaaddabbuur¹: m.l 1. Orod aan dheereyn. 2. Faalaxgooddi dad badan sameeyaan oo cid lagu guulguulayo.
gaaddabbuur²: f.mg1 (-ray, -rtay) U g.: guulguul samayn (cid).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gaar
gaar¹: m.l 1. Wax cid si gooni ah u khuseeya. 2. Qof loo xilsaaray, inuu ilaaliyo xafiis, dukaan iyo wixi lamida. 3. G. ah: khaas ah.4. Dhaawac callirsan.
gaar²: m.l (naxwe) Magac guud iyo magac g.
gaar³: f.g/mg1 (-ray, -rtay) 1. (f.g) Meel tegid. 2. (f.g) Cid, cid ka horreysa ka daba tegid. 3. (f.g) Jir cananno ku suntid. 4. (f.g) Dhiil, abxad iyo wixi lamida dahaarid. 5. (f.mg) Wax, wax ku filnaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gaboodfal
gaboodfal¹: m.l 1. Gardarro bareer ah oo cid lagu sameeyo. 2. la-mid: gaboodfalid.
gaboodfal²: f.mg1 (-alay, -ashay) Ku g.: gardarro bareer ah cid ku samayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gal
gal¹: m.l (-lal, m.l) 1. Meel godan oo biyo ku jiraan. 2. Warqad adag oo xaashiya lagu kaydiyo; fayl.
gal²: m.l/dh (-lal, m.l) 1. Nuur dayaxa isku wareejiya. 2. Buqshad. 3. Shay wax lagu xafido (sida seef, billaawe iyo wixi lamida).
gal³: f.g/mg1 (galay, gashay; geli) 1. (f.g) Wax dhexdi ama gudihii gaarid. 2. (f.g) Arrin, hawl iyo wixi lamida wax ka qabasho. 3. (f.mg) Ka g.:god muhiim ah qof uga hor marid (shax). 4. (f.mg) U g.: shisheey isu dhiibid. 5. (f.mg) U g.: cid maqan howl u qabasho. 6. (f.mg) U g.: cid meel ugu gabbasho. 7. (f.mg) Ku g.: Wax laga quustay heliddooda noqosho (baadi).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
galabayso
f.mg3 (-stay, -satay) Ku g.: galab meel joogid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ganacso
f.mg3 (-saday, -satay) Ka g.: ganacsi sameyn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gur
gur: f.g/mg1 (-ray, -rtay) 1. (f.g) Geedo, timo iyo wixi lamida jarid. 2. (f.g) Wax meel yiil ka qaadid. 3. (f.g) Cunto digsi ku jirta ka bixin. 4. (f.g) Miro geed ku yaal ka goyn. 5. (f. g) War qof ka jiibin. 6. (f.mg) la-mid: gųr².
gųr¹: m.dh 1. Gacanta bidix. 2. Gardarro.
gųr²: f.mg1 (-ray, -rtay) 1. Neef irmaanaa candhadiisa caano ka idlaasho. 7. Ceel biyo lahaa dawrid. la-mid: gur² (6).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jarree
f.g/mg. 2 (-reeyay, -raysay) 1. (f.g) Goor subax ah qof cunto doonaya reer ku waaberiisasho. 2. (f.g) Goor subax ah marti cunto siin. 3. (f.mg) Cid wax ka rajayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kaynaani
f.g/mg2 (-iyay, -isay) 1. (f.g) Geeddi dheer oo aan nasasho lahayn wadid. 2. (f.mg) Ku k.: cid wax ku tuurid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kud
kud¹: m.l Cudur dadka iyo xoolahaba ku dhaca oo badanaa aan laga kicin.
kud²: f.g /mg1 (-day, -dday) 1. (f.g) Gam-maan is abaahin. 2. (f.mg) Orod bootin ku bilaabid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
laac
laac¹: m.l Muuqaalka guud ee geedaha cagaaran.
laac²: f.g/mg1 (-cay, -cday) 1. (f.g) Gacan fidsan wax ku tiigsasho. 2. (f.mg) Ka l.: cunto, cabbitaan iyo wixi lamida degdeg u dhammaysasho. 3. (f.mg) Naq baxay muuqasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
lulo
lulo¹: m.dh la-mid: lulmo.
lulo²: f.g/mg3 (-ushay, -ulatay) 1. (f.g) Caano iyo wixi lamida si subag looga dhaliyo ruxasho. 2. (f.g) Geed si miro looga daadiyo ruxasho. 3. (f.mg) Barwaaqo ku noolaansho. 4. (f.mg) Ka l.: wax meel sare ka soo laallaadsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
naq
naq¹: m.l 1. Caleenta iyo cawska ay soo saaraan biyo ama roob; doog; tigaad. 2. Hadal dood iyo dacwad isugu jira.
naq²: f.g/mg1 (-qay, -qday) 1. (f.g) Wax meeshii uu ka yimid ku celin. 2. (f.g) Gar qaadid. 3. (f.g) Cid dood iyo dacwo u jeedin. 4. (f.mg) U n.: u meerin, u akhrin. 5. (f.mg) Ku n.: ku celi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
odayee
f.g/mg2 (-deeyay, -deysay) 1. (f.g) Geel la lisayo caanihiisa qeybin. 2. (f.mg) Ka o.: hawl, arrin iyo wixi lamida si xilkasnimo leh u dhexgelid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shir
shir¹: m.l (-rar, m.l) 1. Isu imaadka dad badan isugu imaadaan meel si ay arrimo waaweyn oo u dan ah uga wada hadlaan. 2. Baabuur intiisa hore, meesha uu waduhu fariisto. 3. Waqti, goor. 4. Cayaar sacab, jaan iyo jiiba leh oo ka mid ah cayaaraha hiddaha iyo dhaqanka Soomaaliyeed oo hab dhoolatusad ah loo soo bandhigo.
shir²: m.dh Ciyaar sacab, jaan iyo miro leh kana mid ah hiddaha iyo dhaqanka Soomaaliyeed, hab dhoola tusad ahna leh.
shir³: f.g/mg1 (-ray, -rtay) 1. (f.g) Meel daloosha daboolid. 2. (f.g) Gabar la guday tolid. 3. (f.mg) Dad badan si ay uga wada hadlaan arrimo u dan ah meel ku kulmid. 4. (f.mg) Dhallinyaro cayaarta shirka dheelid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gag
m.dh 1. (sh.r) cod lagu muujiyo jug xoog leh. 2. G. ah: qof mintid ah oo gacan'adag.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
gag
f. n., (mass n.): wax
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
gag
/gaag/ (n) 1. af-xir, gabal maro ah oo qof afka looga xiro, si uusan u hadlin 2. maad, xifaalo (v) 3. af-xirid, afka ka-gufayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gag
-ta: (magac, dhedig, keli) qof mintid ah oo gacan'adag.
gag: (ereycodeed) tusmeeya sanqadha uu sameeyo xadhig go'ay ama qof naxay.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
gag
de: wax
lx: gag
pd: (-ta)
ps: n2a-f-mass
key: gag
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
gag
v.tr., af duub; gagging, n., af duub, -ki.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
gig
v. stretch out (to smooth ~ remove wrinkles)
gig [feminine] n., idiom: rustic person; extremist
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gig
(tilmaame) maro iyo wax la mid ah oo inta la fidiyay la sigibtiray.
gig: (ereycodeed) tusmeeya sanqadha ay sameeyaan labo wax oo ad'adag oo isku dhaca ama la isku dhuftay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gog
(Gog-ga)
Saanta dhinaca geela.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gog
gog¹: m.l (-gag, m.l) Dheegga geela saantiisa.
gog²: f.g/mg1 (-gay, -gtay) 1. Wax is haysta, wax ka jarid. 2. Ka g.: Qaan horay loo qabay xoog cid uga godid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
gog
m. n. camel's hide
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gog
-ga: (magac, lab, keli) saanta labada dheeg ee geela laga bixiyo oo dabadeed qunbaha subagga lagu shubo laga dhigo. Goggii subagga laga dhoobi jirey, haatan gorofaadye.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
gog
de: camel's hide
lx: gog
pd: (-ga Pl: gogag (ga))
ps: n4-m
key: gog