g
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
G
(ga')
Xarafka 7d oo alifka Soomaalida. Waa shibbane.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
g
m.dh (ga') Xarafka toddobaad ee xuruufta afka Soomaaliga, ahna shibbane.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
g
(ga') m.dh Xarafka toddobaad ee xuruufta afka Soomaaliga, ahna shibbane.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
g
-da: (n) the seventh [7lh ] letter of the Somali alphabet, according to the style adopted by this dictionary, it is consonant, pronounced (ga) like God, good, get ~ shibbane Ex: gabar; girl
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
g
(ga'): xarafka toddobaad ee xuruufta Far Soomaaliga; waa shibbane u qorma: G, g. 9.g.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
A
a: (a')
Xarafka koowaad oo Alifka Soomaalida. Waa shaqal.
-a: (naxwe) qodob raaca ereyada lab oo kelida ah oo 6 shibbane ku dhammaada (c, h, kh, q, x iyo hamsa, sida: magac-a, daah-a, jookh-a, maraq-a, madax-a iyo go'-a).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Aabayeelid
(Aabayeelid-da)
U dan gelid; tixgelin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Aabi
(Aabi-ga)
Arrin aan jid ahayn oo cid lagula kaco; gardarro; maag; daandaansi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Aafeyn
(Aafeyn-ta)
Aafo gaarsiin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Aanaysi
(Aanaysi-ga)
Godob u raadsi; xigtaysi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Aano
(Aana-da)
Xumaan hore oo lays gaarsiiyey oo in laga aarguto uurka lagu hayo; godob; utun; asaaye; aarsi; dakano.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Aar
(Aar-ka)
1. Libaax weyn oo lab.
2. Aan biqin; geesi.
3. Aarsi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Aaran
(Aaran-ka)
1. Qaalmaha yaryar oo geela; qaan.
2. Doog iyo barwaaqo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Aarnimo
(Aarnima-da)
Aar ahaansho; geesinnimo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Aarsi
(Aarsi-ga)
Aargudad; aarsad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Ab'ogaa
(Ab'ogaa-ga)
Dad dalka gudihiisa weligii degganaa; aan gadaal-ka-imaad ahayn; waddani (ab'ogaa iyo abaarikeentay).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Abaahi
(Abaahi-ga)
Isutagga awrka iyo hasha.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Abaaji
(Abaaji-ga)
Lumid waa danbe la tabo; tasow.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Abaal
(Abaal-ka)
Samafal laysu galay, xusuusta wanaagsan iyo mahadda laysaga hayo; lib; gallad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Abaaldhac
(Abaaldhac-a)
Abaal laysu falay been iyo asaraar ku gudid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Abaaldhicid
(Abaaldhicid-da)
Abaal laysu galay oo la asaraaro, oo la beeniyo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Abaalgud
(Abaalgud-ka)
Wanaag iyo samafal laysu galay oo wanaag kale lagu gudo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Abaarikeentay
(Abaarikeentay-da, Abaarikeentay-ga)
Dad aan dhulka ku dhalan oo waa danbe dalaw ku yimid; gadaalka'imaad; kooyto (ab'ogaa iyo abaarikeentay).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Abaqaal
(Abaqaal-ka)
(geed, dad) meel laga rujiyo oo meel kale lagu abuuro; meel kale lagu koriyo: tallaal.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Abaqaalid
(Abaqaalid-da)
(geed, dad) meel ka rujin oo meel kale ku abuurid; meel ka wadid oo meel kale ku korin; tallaalid.