fuusto
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fuusto
m.dh (-ooyin, m.l) Weel bir ah, adag, qaab dhululubo leh oo laba boqol oo litir qaada; barmiil. la-mid: foosto.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
fuusto
f. n. barrel, drum, large metal container
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
fuusto
-fuustada: (n) barrel (baarral); in the U.S. the barrel size varies, as a liquid measure, from 31 to 42 gallons [120 to 159 liters] as established by law or usage
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fuusto
-da: (magac, dhedig, keli) eeg foosto.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
fuusto
a: foosto
de: barrel, drum, large metal container
lx: fuusto
pd: (/da)
ps: n6-f
key: fuusto
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
fusto
s.m. - jirrid; dhex (dad), barmiil.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fuunto
m.dh.kh Ukun waqtigii la isticmaali lahaa dhaaftay oo aan waxtar lahayn. la-mid: fuundo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
fuunto
m.dh.kh Ukun waqtigii la isticmaali lahaa dhaaftay oo aan waxtar lahayn. la-mid: fuundo.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
fuunto
-fuutada: (n) stale or decayed, usually egg
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fuunto
-da: (magac, dhedig, keli) wax qudhmay. Fuunto qadhmuun baa uraysa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Birmiil
* (Birmiil-ka)
Haan weyn oo bir ah; fuusto.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
birmiil
m.l (-llo, m.dh) Weel weyn oo bir ah qaab dhululubo leh oo qaada labo boqol oo litir, fuusto. la-mid: barmiil.

booyad
m.dh (-do, m.l) 1. Baabuur fuusto weyn xambaarsan oo biyaha, baasiinka, naaftada iyo wixi lamida lagu qaado. 2. Haan weynoo laba lugood oo kuwa baabuurta ah leh oo biyaha lagu kaydsado.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
birmiil
m.l (-llo, m.dh) Weel weyn oo bir ah qaab dhululubo leh oo qaada labo boqol oo litir, fuusto. la-mid: barmiil.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
booyad
m.dh (-do, m.l) 1. Baabuur fuusto weyn xambaarsan oo biyaha, baasiinka, naaftada iyo wixi lamida lagu qaado. 2. Haan weynoo laba lugood oo kuwa baabuurta ah leh oo biyaha lagu kaydsado.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
barrel
/baarral/ (n) 1. fuusto (foosto) ama shay wax dareere ah ama cabbitaan lugu shubo. e.g. barrel of oil (n) 2. dhuunta qoriga ee xabbadu ka dhacdo.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
cistern
/sistern/ (n) fuusto ama haan biyaha lugu kaydiyo.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
barmiil
-ka: (n) [Pl. barmiilo-da] barrel (baa rel) ~ fuusto
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
birmiil
-ka: (n) [Pl. barmiilo-da] barrel (baarel) fuusto, barmiil
Qaamuus-Yare Ingiriis-Jiiddu-Soomaali - Saalim Caliyow Ibro [1998]
barrel (n)
barmiil
fuusto
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
entonnaison, n‚f.
entonnaison, n‚f. - lagu shubo haan ama fuusto.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fuuntow
f.mg1 (-oobay, -owday; -oobi) Ukun fuunto noqosho. la-mid: fuundow.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
fuuntow
f.mg1 (-oobay, -owday; -oobi) Ukun fuunto noqosho. m.f.dh, fuuntoobid. la-mid: fuundow.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fuuntow
(fal) eeg fuundow.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
fuso
s.m. - birta dheer ee fulaanadaha lagu tolo; (fusi orari: 24 ka dhigeed ee dhulka loo qaybiyey oo mid walba ku jaangoysan tahay hal saac).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
futo
m.dh 1. Afka malawadku ku dhammaado oo saxaradu ka baxdo. 2. Halka dhulka la dhigto marka dadku fariisanayo; sal.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
futo
m.dh 1. Afka malawadku ku dhammaado oo saxaradu ka baxdo. 2. Halka dhulka la dhigto marka dadku fariisanayo; sal.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
futo
f. n. anus; buttocks
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
futo
-futada: (n) anus (eenes); ass (aas); buttocks (batakis) ~ dabo
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
futo
-da: (magac, dhedig, keli) xubinta uu ka saxaroodo nooluhu. Futo aanad lahayn laguma xaaro. Wa: futooyin.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
futo
cf: malawad
de: anus; buttocks
lx: futo
pd: (/da)
ps: n6-f
key: futo
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
futo
شرج، شرج، است
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
busto
s.m. - qaarka hore ee jirka bani'aadamka.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
fiuto
s.m. - urin (ta).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fuqso
f.g3 (-saday, -satay) Wax meel ku dheggan ka ruqsasho. la-mid: fujiso.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
fuqso
f.g3 (-saday, -satay) Wax meel ku dheggan ka ruqsasho. m.f.dh, fuqsasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
fuqso
v. yank out ~ up, uproot (for oneself)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fuqso
(fal) wax meel ku dhajisan gooso; xoog ku rujiso. Dh: gooso, fujiso, rujiso.
fuqso -da: (magac, dhedig, keli) inta iscelinta qofku le'eg tahay.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
fuqso
de: yank out ~ up, uproot (for oneself)
lx: fuqso
nt: fuqsad (ka) [vn-m], fuqsasho (/da) [vn-f]
pd: (fuqsaday)
ps: v3a=
key: fuqso
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
furso
f.mg3 (-saday, -satay) Ka f.: Wax ka kaaftoomid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
furso
f.mg3 (-saday, -satay) Ka f.: Wax ka kaaftoomid. m.f.dh, fursasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
furso
(fal) «ka ~ iska daa; ka maaran.
furso-da: (magac, dhedig, keli) eeg fursad.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
furto
s.m. - dhac.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fusho
f.g3 (-shaday, -shatay) 1. Xoolo wabax ah ceel ka kaxaysasho. 2. Wax dani ku jirto qabsasho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
fusho
f.g3 (-shaday, -shatay) 1. Xoolo wabax ah ceel ka kaxaysasho. 2. Wax dani ku jirto qabsasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
fusho
v. fulfill, achieve something for one's own interest
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fusho
(fal) wax dantaada ah samee; hawl aad leedahay qabso.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
fusho
de: fulfill, achieve s.t. for one's own interest
lx: fusho
pd: (fushaday)
ps: v3a=tr
key: fusho
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
fusty
/fasti/ (adj) suyuc-badan, qurmuun suyuc ah leh.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
fuuti
-yey / say: (v) [with preposition u] forgive; give someone a break
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fuuti
(fal) denbi yar cid ka saamax ama ka dhaaf. Dh: cafi, saamax.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
gusto
/gastow/ (n) raaxa-sare (macaansi).
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
gusto
s.m. - dhadhan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Guuto
(Guuta-da)
1. Ciidanka dagaallama qaybihiisa, qayb kamid ah.
2. Dad aan yarayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
guuto
m.dh.u (-ooyin, m.l) 1. Qaybaha ciidamadu u qaybsanyihiin mid ka mid ah oo gaasna ka yar, ururna ka badan. 2. Dad badan oo wadajira.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
guuto
m.dh.u (-ooyin, m.l) 1. Qaybaha ciidamadu u qaybsanyihiin mid ka mid ah oo gaasna ka yar, ururna ka badan. 2. Dad badan oo wadajira.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
guuto
f. n., [collective] group of warriors, squad, brigade; mature people
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
guuto
-guutada: (n) [military] brigade (brigeeydh)
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Guuto
Brigata
Brigade
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
guuto
-da: (magac, dhedig, keli) col fara badan, ciidan nabar ah. Guuto ciidan ah ayaa loo diray dembiilayaashii dadka laayey.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
guuto
de: group of warriors, squad, brigade; mature people
lx: guuto
pd: (/da)
ps: n6-f-col
key: guuto
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
guuto
لوَاء سَرِيَّة
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
muuso
m.dh Qosol yar oo dhoolluhu muuqdaan.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
muuso
m.dh Qosol yar oo dhoolluhu muuqdaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
quuso
f.mg3 (-stay, -satay) Wax ka samrid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
quuso
f.mg3 (-stay, -satay) Wax ka samrid. m.f.dh, quusasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
quuso
v. lose heart, despair, become discouraged, give up
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
quuso
-quustay / quusatay: (v) lose hope; give up hope; be desperate (des-pereeyt)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
quuso
(fal) ka rajo go', ha sugin, ka samir. Lacagti aan Warsame amaahiyay: waan ka quustay.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
quuso
de: lose heart, despair, become discouraged, give up
lx: quuso
nt: quusad (ka) [vn-m], quusasho (/da) [vn-f]
pd: (quustay)
ps: v3b=intr
key: quuso
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
quuto
-da: (magac, dhedig, keli) eeg quutaquuto.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Buunto
* (Buunta-da)
Kaabad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
buunto
m.dh la-mid: buundo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
buunto
f. n. bridge
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
buunto
-da: (magac, dhedig, keli) kaabad webi ama dix ka tallawda. Buuto weyn ayaa dixda xumbuli ka dhisan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
buunto
a: buundo {It}
de: bridge
lx: buunto
pd: (/da)
ps: n6-f
key: buunto
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
duusho
-da: (magac, dhedig, keli) jaad ka mid ah noolaha badda oo ay qolof aad u jilicsan leh.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
flusso
s.m. - qulqul.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
foosto
m.dh (-ooyin, m.l) la-mid: fuusto.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
foosto
m.dh (-ooyin, m.l) la-mid: fuusto.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
foosto
f. n. barrel, 40-gallon drum
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
foosto
-da: (magac, dhedig, keli) weel bir adag ka samysan oo saliidda iyo shidaalka lagu iibgeeyo. Foosto gaas ah ayaan tukaanka dhigay. Dh: barmiil, marmiil.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
foosto
a: fuusto {It}
de: barrel, 40-gallon drum
lx: foosto
pd: (/da)
ps: n6-f
key: foosto
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
frusta
s.f. - karbaash.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fuudso
f.g3 (-saday, -satay) Si tartiib ah hoore u cabbid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fuulmo
m.dh 1. Galmo. 2. la-mid: fuulid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
fuulmo
vl. n. getting on top of something; sexual intercourse
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fuulmo
-da: (magac, dhedig, keli) eeg fuulitaan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
fuulmo
a: fuulid
de: getting on top of s.t.; [fig.] sexual intercourse
lx: fuulmo
pd: (/da)
ps: vn-f
key: fuulmo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fuundo
m.dh la-mid: fuunto.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
fuundo
f. n. rotten thing (egg, fruit, etc); injured eye
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fuundo
-da: (magac, dhedig, keli) naalo ama ukun xumaatay.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
fuundo
a: fuunto {S & C}
de: rotten thing (egg, fruit, etc); [ext.] injured eye
lx: fuundo
pd: (/da)
ps: n6-f
key: fuundo
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fuunyo
-da: (magac, dhedig, keli) eeg fiinyo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fuuqso
f.g3 (-saday, -satay) Wax hiinsasho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
fuuqso
f.g3 (-saday, -satay) Wax hiinsasho. m.f.dh, fuuqsasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
fuuqso
v. suck in short bursts, especially from a vessel with a spout
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
fuuqso
-fuuqsaday I fuuqsatay: (n) draw or suck liquid into the mouth
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fuuqso
(fal) dhammee oo wax ba ha ku reebin. Fuuqso caanaha. Dh: heemi, heenso, dhammayso.