fuule
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Fuule
(Fuula-ha)
1. Docda fardaha laga fuulo.
2. Kan fuulaya ama fuula.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
fuule
m. n. rider, horseman
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fuule
-ha: (magac, lab, keli) dhinaca ama docda fardaha laga fuulo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
fuule
de: rider, horseman
lx: fuule
pd: (/ha)
ps: n7-m
key: fuule
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Fule
(Fula-ha)
Fuley.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fule
m.l la-mid: fuley.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
fule
m. n. coward
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fule
-ha: (magac, lab, keli) ninka cabsida badan leh. Fule hooyadii ma gablanto. Dh: fuley, fulay.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
fule
de: coward
lx: fule
pd: (/ha)
ps: n7-m
key: fule
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fuul
f.g1 (-uulay, -uushay) 1. Wax kor u tafid. 2. Wax dushiisa ku boodid. 3. Haweeney kufsasho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
fuul
f.g1 (-uulay, -uushay) 1. Wax kor u tafid. 2. Wax dushiisa ku boodid. 3. Haweeney kufsasho. m.f.dh, fuulid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
fuul
v. get on top of, climb up ~ on; mount, ride, board
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
fuul
-fuulay / fuushay: (n) climb (kaleem); board (boordh); mount (mawnt); ride (reeydh); go aboard, walk up ~ kor. Ex: fuul buurta; climb the mountain
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fuul
(fal) meel sare kor; wax dusha uga bax, Dh: kor. Li: deg, dhaadhac.
fuul -ka: (magac, lab, keli) nooc ka mid ah noocyada digirta.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
fuul
de: get on top of, climb up ~ on; mount, ride, board
lx: fuul
pd: (fuulay / fuushay)
ps: v1=
xe: Where did you get on?
xv: Xaggee baad ka soo fuushay?
key: fuul
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
BUULE
(Bule) S,C Dasysphaera robecchii Lopr., Amaranthaceae.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Duule
(Duula-ha)
1. Habaar-qabe; lala-tage; alla-qaad.
2. Ku colka duullaanka ah kamid ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
duule
duule: m.l (-layaal, m.l/dh) Qof dhibaato badan, dhallin yar.
dųule: m.l (-layaal, m.l/dh) Col; qof dųulaya.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
duule
m. n. aggressor, attacker, invader
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Duule
ama Duulaan, wiil dhashay xilli uu aabihii duullaan tegayay ama ku maqnaa. Waxa kale oo loo baxshaa wiil la rajaynayo in uu noqdo mid duula oo cadawga weerara.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
duule
de: aggressor, attacker, invader
lx: duule
pd: (/ha)
ps: n7-m
key: duule
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
foule
foule, n.f. - dad badan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fuuli
f.lg2 (-iyay, -isay) 1. Nafley meel aanay kori karin saarid. 2. Maxas gaadid ku qaadid. la-mid: fuulsii, fuushii.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
fuuli
v. put on top of; cause to mount; have someone sit on ~ ride something
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
fuuli
-yey / say: (v) cause to climb or ascend, make someone walk up ~ fuushii
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fuuli
(fal) korsii; dusha ka saar.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
fuuli
a: fuushii
de: put on top of; cause to mount; have s.o. sit on ~ ride s.t.
lx: fuuli
pd: (fuuliyey)
ps: v2a=tr
key: fuuli
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Guule
name-m giver of victory; God (pagan name)
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
QUULE
(Kule) NFD Acacia edgeworthii T. Anders. Mimosaceae.
NFD Acacia turnbulliana Brenan. Mimosaceae.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
foolery
/fuuleri/ (n) dheel-dheel, jees-jees, likaaco.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
horseman
/hoors-man/ (n) fuule (ninka farda fuulka ku-fiican).
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
cavaliére
s.m. farda fuule.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
koore
-ha: (magac, lab, keli) qalab loo adeegsado farda fuulka oo faraska lagu heenseeyo. Kooraha i sii faraska aan fuulee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
furunle
-ha: (magac, lab, keli) qofka furinkat sameeya, iibsha ama ka shaqaysta. Dh: roodhiile, furinle.
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Buulle
nickname-m hut owner, nestler; lit: hut owner or he who lives in a nest
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
buulle
-ha: (magac, lab, keli) qof buul iyo dhogor jirkiisu ku rogantahay. Dh: timo, duf, dogor. buulle: magac ama naanays loo baxsho wiil timo weyn oo buul u eg leh.
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Dhuule
nickname-m he who dresses in a leather a garment
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Dhuule
magac loo baxsho wiil hu' ahaan loo xidhay lebbis harag laga sameeyay.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
duufle
-ha: (tilmaame) nin doqon ah oo had iyo jeer sankiisu qoyanyahay. Dh: siinle.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
feuler
feuler, v. - ciyid shabeel.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
fouler
fouler, v. - ku tumasho.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
fucile
s.m. - bunduq.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fululi
f.g2 (-iyay, -isay) Wax aasnaa sida xidid iyo wixi lamida dibad u soo bixid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
fululi
v. pull up, uproot
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fululi
(fal) jileec iyo adayg ka dhig.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
fululi
de: pull up, uproot
lx: fululi
pd: (fululiyey)
ps: v2a=tr
key: fululi
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
fumble
/fambel/ (v) 1. faanbiyid, baarid, siiba si-sirgaxan ama farafarayn ah. (v) 2. si-xun u qabasho, ama ridid. e.g. He fumbled and dropped the ball.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
furale
m. n. keyman, one who sells keys
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
furale
de: keyman, one who sells keys
lx: furale
pd: (/ha)
ps: n5b-m, n7-m
key: furale
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
futile
/fyutal/ (adj) macna-darro, faa'iido-darro
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
fùtile
agg. aan micna lahayn.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
futile
futile, adj. - aan macno lahayn; qiimo lahayn.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
future
/fyujar/ (n) 1. mustaqbal (n) 2. aayatiin, aayo
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
future
n., kolka dambe, marka dambe.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Fuulid
(Fuulid-da)
Korid; tafid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fuulid
m.f.dh eeg fuul. la-mid: fuulis², fuullimaad, fuulmo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
fuulid
vl. n. boarding, act of getting on a vehicle
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fuulid
-da: (magac, dhedig, keli) wax dusha uga bixid; dushiisa korid. Dh: fuulis, koris.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
fuulid
de: boarding, act of getting on a vehicle
lx: fuulid
pd: (-da)
ps: vn1-f
key: fuulid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Fuulin
(Fuulin-ta)
(qof, kd.) meel kore ama wax korki geyn, gaarsiin, korsiin, saarid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fuulin
fuulin¹: m.f.dh eeg fuuli. la-mid: fuulis¹, fuulsiin, fuushiin.
fuulin²: m.l (-immo, m.dh) Muruqa bawdada ragga.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
fuulin
m.l (-immo, m.dh) Muruqa bawdada ragga.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fuulin
-ta: (magac, dhedig, keli) qof iyo wixii la mid ah, meel kore saarid. Dh: gaadhsiin, korsiin.
fuulin -ta: (magac, dhedig, keli) halka bawdada hilibkeedu ku soo rogmado ee jilibka ka sarreys.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Fuulis
(Fuulis-ta)
Fuulin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fuulis
fuulis¹: m.l la-mid: fuulin¹.
fuulis²: m.dh la-mid: fuulid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
fuulis
vl. n. act of putting something on top of something else
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fuulis
-ka: (magac, lab, keli) eeg fuulin.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
fuulis
de: act of putting s.t. on top of s.t. else
lx: fuulis
pd: (-ta)
ps: vn2a-f
key: fuulis
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fuulmo
m.dh 1. Galmo. 2. la-mid: fuulid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
fuulmo
vl. n. getting on top of something; sexual intercourse
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fuulmo
-da: (magac, dhedig, keli) eeg fuulitaan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
fuulmo
a: fuulid
de: getting on top of s.t.; [fig.] sexual intercourse
lx: fuulmo
pd: (/da)
ps: vn-f
key: fuulmo
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
guudle
-ha: (magac, lab, keli) shimbir salamadhlahana ka weyn, dhanna gorayada uga eg dhanna digirrinka, oo habeenkii baalasha sida sacabka u tuma. Dh: galaw, fiin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Guulle
(Guulla-ha)
Keligi guusha leh oo cidduu doono siiya; Ilaah; Eebbe; Rabbi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
guulle
m.l Ilaah; Eebbe.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
guulle
m.l Ilaah; Eebbe.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
Guulle
m. n. giver of victory; God
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
guulle
-ha: (magac, lab, keli) Ilaaha wax kaste abuuray ee awoodda badan. Dh: Eebbe, Rabbi.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
Guulle
de: giver of victory; God
lx: Guulle
pd: (/ha)
ps: n0-m
key: Guulle
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
queule
queule, n.f. - gafuurka xayawaanka (sida eyda ama dawacada).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
quufle
-ha: (magac, lab, keli) waaya hore, wakhti tegay. Quufle ayuu dhintay ninkaad i weydinys Dh: samaan, beri-hore.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
quugle
-ha: (magac, lab, keli) qof qayla badan oo hadal aan macne lahayn ku hadla
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Quulle
(Quulla-ha)
Miraha jeerinka.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
quulle
m.l.u Miraha geedka jeerinka, lacagaalaha, dheerdheerada, jiiqjiiqlaha iyo wixi lamida.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
quulle
m.l.u Miraha geedka jeerinka, lacagaalaha, dheerdheerada, jiiqjiiqlaha iyo wixi lamida.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
quulle
m. n., [collective] wild berry species
Magacyada Dhirta Ceel-Dheere iyo Buula-Burte (Soomaali-Laatiin) - D. Herloker, B. Kujar [1985]
QUULLE
Acacia turnbulliana 01: fr
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Quulle
name-m wild nut; lit: born closeby or an environment full of that wild nut-tree
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
quulle
-ha: (magac, lab, keli) midhaha jeerinka
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
quulle
cf: jeerin
de: wild berry sp.
lx: quulle
pd: (/ha)
ps: n0-m-col
key: quulle
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
quuqle
m.l (-layaal, m.l/dh) Qof qayla badan oo hadal aan macne lahayn ku hadla.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
quuqle
m.l (-layaal, m.l/dh) Qof qayla badan oo hadal aan macne lahayn ku hadla.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tuurle
-ha: (magac, lab, keli) qof dhabarka tuur ku leh.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fulfulec
-a: (magac, lab, keli) fuqfuqsanaan ama dildilaacsanaan. Dh: dildilaac.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
furuncle
n., (ambury) dhullax, -i, mal, mashi, kasoo bax, -i.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ful
f.mg1 (-ulay, -ushay) 1. Xoolo wabax ah ama dhaan cokan ceel ka tegid. 2. Hawl ama arrin hirgelid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
ful
f.mg1 (-ulay, -ushay) 1. Xoolo wabax ah ama dhaan cokan ceel ka tegid. 2. Hawl ama arrin hirgelid. m.f.dh, fulid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ful
v. be achieved, implemented ~ fulfilled; become satisfied
ful v. go home after being watered (of animals)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ful
(fal) ceel ka cab oo ka noqo adoo cokan. Waad acabtee kolka ceelka ka ful.
ful: (fal) arrin ama hawl, dhabow oo dhaqangal; meel mar.
ful -ka: (magac, lab, keli) mareeg ubax qurxoon ka samaysan oo caroosyada ama cidda la sharfinayo qoorta loo sudho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
uul
(tilmaame) midab madaw dhalaalaya ah leh.