fuudsiin
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Fuudsiin
(Fuudsiin-ta)
Fuud cabsiin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fuudsiin
m.f.dh eeg fuudsii.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fuudsiin
-ta: (magac, dhedig, keli) qof kale, fuud dhansiin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fuudhsiin
-ta: (magac, dhedig, keli) fuud cabsiin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fuudsii
f.g2 (-iiyay, -iisay) Nafley maraq cabsiin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
fuudsii
v.caus: give someone broth to sip
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fuudsii
(fal) fuud, waraabi oo raqsii.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
fuudsii
de: give s.o. broth to sip
lx: fuudsii
pd: (fuudsiiyey)
ps: v2a=caus
key: fuudsii
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
duudsiin
m.dh la-mid: duudsiyid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fuudniin
-ka: (magac, lab, keli) fuudidda lafteeda.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fuulsiin
m.dh la-mid: fuulin¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fuulsiin
-ta: (magac, dhedig, keli) cid kale, meel sare gaadhsiin sida geed iyo gaadiid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
muudsiin
m.dh la-mid: muursiin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
muudsiin
-ta: (magac, dhedig, keli) qarsoodi u saarid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
nashuugin
-ta: (magac, dhedig, keli) cid kale buuri fuudsiin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fuudin
m.f.dh eeg fuudi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fuudsi
m.l la-mid: fuudsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
duudsii
f.lg2 (-iiyay, -iisay) la-mid: duudsi³.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fuudhin
-ta: (magac, dhedig, keli) fuudh ku cabbirid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fuulsii
f.g2 (-iiyay, -iisay) la-mid: fuuli.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fuulsii
(fal) cid kale, meel sare gaadhsii sida geed iyo gaadiid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
muudsii
f.lg2 (-iiyay, -iisay) la-mid: muursii.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
muudsii
ditransitive v. give something to someone to suck on (as candy)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
muudsii
(fal) si qarsoodi ah u saar; kayn jiq ah si qarsoodi ah uga dhex dusi. Marka la kala hadhgalo ciidanka muudsii. Dh: dusi.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
muudsii
a: muursii
de: give s.t. to s.o. to suck on (as candy)
lx: muudsii
pd: (muudsiiyey)
ps: v2a=ditr
key: muudsii
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
rudsiin
m.f.dh eeg rudsii. la-mid: rudhsiin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fuulliin
-ka: (magac, lab, keli) eeg fuulid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fuulniin
-ka: (magac, lab, keli) koritaanka meel sare. Dh: fuulid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fuurniin
-ka: (magac, lab, keli) wax dibbiraad ama neef buuxisay kolkuu dhintay ahaan. Dh: fuurid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fuushiin
m.dh la-mid: fuulin¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fuushiin
-ta: (magac, dhedig, keli) cid kale, meel sare gaadhsiin sida geed iyo gaadiid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
luudniin
-ka: (magac, lab, keli) eeg luuditaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
muursiin
m.f.dh eeg muursii. la-mid: muudsiin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
affursiin
m.dh la-mid: affurin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Duudsiyid
(Duudsiyid-da)
Duudsi ka dhigid, ka yeelid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
duudsiyid
m.dh eeg duudsi³. la-mid: duudsin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
duudsiyid
-da: (magac, dhedig, keli) wax qof xaq u leeyahay badheedhe ugu diidid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gulucsiin
m.f.dh eeg gulucsii.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gulucsiin
-ta: (magac, dhedig, keli) isha guruxeeda rogrogid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hurdisiin
m.dh la-mid: hurdeysiin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qulubsiin
m.dh la-mid: qulbin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
quudhniin
-ka: (magac, lab, keli) quudhitaanka laftiisa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tuhunsiin
m.f.dh eeg tuhunsii.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fuudi
f.mg2 (-iyay, -isay) U f.: cunto jilicsan si tartiib ah cid u siin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
buusin
-ta: (magac, dhedig, keli) walax adag, hoos u diisin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Cuudin
(Cuudin-ta)
Cuud u shidid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cuudin
m.f.dh eeg cuudi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cuudin
-ta: (magac, dhedig, keli) masaajid, aqal iyo wixii la mid ah, cuud u shidid oo udgoon ka dhigid. Dh: cuudis.
cuudin-ta: (magac, dhedig, keli) (ka ~) duulal, ardooyin, quruumo iyo wixii la mid ah, ka shidid, ka bidin; ka cuudis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
duudin
m.f.dh eeg duudi. la-mid: duudis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Duudsi
(Duudsi-ga)
Mag ama gar kale oo qof lahaa oo aan wax laga soo qaadin ee ogaal iyo kas loo seejiyo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
duudsi
duudsi¹: m.l Xaq ama gar qof leeyahay oo la seejiyo.
duudsi²: m.l la-mid: duudsasho.
duudsi³: f.lg1 (-iyay, -iday; -iyi) Xaq qof lahaa seejin. la-mid: duudsii.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
duudsi
duudsi¹: m.l Xaq ama gar qof leeyahay oo la seejiyo.
duudsi³: f.lg1 (-iyay, -iday; -iyi) Xaq qof lahaa seejin. m.dh, duudsiyid. la-mid: duudsii.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
duudsi
v. deny, refute
duudsi vl. n. denial, refutation
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
duudsi
-ga: (n) injustice (in-jastis); violation of one's rights ~ caddaalad-daro
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Duudsi
Senza compenso
Forefeiture
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
duudsi
(fal) xaq qof uu lahaa weysii ama muran ka geli. Dh: dulmi.
duudsi -ga: (magac, lab, keli) cid waxay leedahay loo diido hadal qof yidhi oo uu iska diido. Dh: dafiraadda.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
fusion
/fyushan/ (n) 1. dhalaalin; isku-dhalaalin (n) 2. isku-xir, isku-dhejin
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
fusion
fusion, n.f. - dhalaalinta birta (kala scocidda).
point de fusion - barta dhalaalka
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fuudhi
(fal) fuudh ku cabbir. Fuudhi inta marada kaa dhiman. Dh: cabbir.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Fuudid
(Fuudid-da)
1. Fuud cabbid.
2. Wax la cabbo oo kulul, aayar cabbid; fiiqsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fuudid
m.f.dh eeg fuud².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fuudid
-da: (magac, dhedig, keli) sida fuudka u cabbid; fuud cabbid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fuudis
-ta: (magac, dhedig, keli) fuud ama wax la mid ah, nuugis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fuudso
f.g3 (-saday, -satay) Si tartiib ah hoore u cabbid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Fuulin
(Fuulin-ta)
(qof, kd.) meel kore ama wax korki geyn, gaarsiin, korsiin, saarid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fuulin
fuulin¹: m.f.dh eeg fuuli. la-mid: fuulis¹, fuulsiin, fuushiin.
fuulin²: m.l (-immo, m.dh) Muruqa bawdada ragga.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
fuulin
m.l (-immo, m.dh) Muruqa bawdada ragga.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fuulin
-ta: (magac, dhedig, keli) qof iyo wixii la mid ah, meel kore saarid. Dh: gaadhsiin, korsiin.
fuulin -ta: (magac, dhedig, keli) halka bawdada hilibkeedu ku soo rogmado ee jilibka ka sarreys.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fuuqsi
m.l la-mid: fuuqsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fuuqsi
-ga: (magac, lab, keli) dhammaynta dareere meel ku jira la heensado. Dh: heensasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fuusid
-da: (magac, dhedig, keli) wax loo tartansanaa, ku guulaysi. Dh: guulaysi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kuusin
m.dh Mayrax iyo wixi lamida oo geela la dhayayo geggabbada lagula mariyo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Luudin
(Luudin-ta)
Si tabar yar u socodsiin; aayar wadid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
luudin
m.f.dh eeg luudi². la-mid: luudis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
luudin
-ta: (magac, dhedig, keli) socod tallaabo yar oo itaaldarro ka muuqato cid kale aayar u wadid oo socodsiin. Saca luudin baan ku soo hooyay. Dh: tukubin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
muudin
m.f.dh eeg muudi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
muudin
-ta: (magac, dhedig, keli) si qarsoodi ah saarid; kayn jiq ah si qarsoodi ah uga dhex dusin.
muudin-ta: (magac, dhedig, keli) muud ka keen.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
muudsi
vl. n. act of sucking on something, dissolving in the mouth
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
muudsi
-ga: (magac, lab, keli) wax macaan muudsasho oo muuqa ku jira ka nuugid.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
muudsi
de: act of sucking on s.t., dissolving in the mouth
lx: muudsi
pd: (-ga)
ps: vn2a-m
key: muudsi
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Quudin
(Quudin-ta)
Quud siin; dheefin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
quudin
m.f.dh eeg quudi. la-mid: quudis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
quudin
-ta: (magac, dhedig, keli) cid baahan cuntaysiin, quud siin. Dh: dheefin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
quudsi
m.l la-mid: quudsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
quusin
-ta: (magac, dhedig, keli) ka samirsiin oo rajo tirid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
rudsii
f.lg2 (-iiyay, -iisay) Nafley cunto uu ridmo ka goosto siin. la-mid: rudhsii.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
rudsii
(fal) sii inyar ilkaha ha ku goostee.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tuudin
m.f.dh eeg tuudi. la-mid: tuudis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tuudin
-ta: (magac, dhedig, keli) wax tuumin; tuurid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tuudsi
m.l la-mid: tuudsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Ursiin
(Ursiin-ta)
Qof kale sankiisa wax u dhoweyn si uu ugu uro.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ursiin
m.f.dh eeg ursii.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ursiin
-ta: (magac, dhedig, keli) cid kale, ur dareensiin; qof kale sankiisa wax u dhoweyn. Ursiinta ayaa eygu cid ku bartaa oo dabadeed gartaa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
aadsiin
m.dh la-mid: aaddin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aadsiin
-ta: (magac, dhedig, keli) cid kale in ay tegto ama socoto, sabab u noqosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
buudhin
m.f.dh eeg buudhi. la-mid: buudhis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
buudhin
-ta: (magac, dhedig, keli) qaalin geel ah oo u baahata awr abaahiya. Buudhinta qaalintu barwaagadii baasha ka orgootay. Dh: buudhis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
buuxsin
-ta: (magac, dhedig, keli) ood ama jiitin culus oo kidinka xerada adhiga afka lagaga oodo. Buuxsin adag adhiga u soo goo. Dh: jiiddo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Cunsiin
(Cunsiin-ta)
(qof, kd.) aan cunno cuneen ama diiddan, inuu cuno yeelsiin, oggolaysiin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cunsiin
m.f.dh eeg cunsii.