futay
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
futay
(fal) isku burburi oo isku laaq wax qoyan; gacanta la gal oo fudfud ka dhig. Dh: bojol.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
futayn
-ta: (magac, dhedig, keli) gacanta la galid oo fudfud ka dhigid. Dh: futays.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
futays
-ka: (magac, lab, keli) eeg futayn.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
futa
s.f. maro.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
fulay
m. n. (adj.): coward; cowardly, timid, shy, bashful
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
fulay
-ga: (n) fearful and hesitant person, chickenheart, timid, craven male; coward (kaawardh)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fulay
-ga: (magac, lab, keli) qofka beerka nugul ee halista aad uga cabsooda. Dh: fule.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
fulay
de: coward; [atr.] cowardly, timid, shy, bashful
lx: fulay
pd: (-ga)
ps: n2a-m
xe: He is a coward
xv: fule ~ fuley
key: fulay
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
fulay
جَبَان
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
furay
(fal) meel daloosha, fur qeli oo awd. Dh: gufay, gufee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
futee
(fal) eeg futay.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cuntay
(fal) cunto afka geli, calali, dabadeed na liq. Cali makhaayadda ayuu maanta ka cuntaynayaa. Dh: cuntee. Li: qad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Fudayd
(Fudayd-ka)
Culays iyo dhib la'aan; si fudud; sahal.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fudayd
m.l 1. Culaysyaraanta wax leeyihiin. 2. Dabci wax ka fiirsasho la'aaneed oo qof ku sifoobo. 3. la-mid: fududaan. Firfircooni.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
fudayd
m.l 1. Culaysyaraanta wax leeyihiin. 2. Dabci wax ka fiirsasho la'aaneed oo qof ku sifoobo. 3. la-mid: fududaan. Firfircooni.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
fudayd
m. n., [abstract] simplicity, easiness, lightness
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
fudayd
-ka: (n) the act of being not heavy: lightness (leeytnes); easiness (ii zi nes) simpleness ~ sahalnimo
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fudayd
-ka: (magac, lab, keli) wax miisaan yar.
fudayd-ka: (magac, lab, keli) culays iyo dhib la'aan.
fudayd -ka: (magac, lab, keli) qof aan dulqaad iyo dabeecad fiican lahayn.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
fudayd
de: simplicity, easiness, lightness
lx: fudayd
pd: (-ka)
ps: n2a-m-abs
key: fudayd
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
FULAAY
(Fulai) S, NFD, May Acacia zanzibarica (S. Moore) Taub. Mimosaceae.
NFD, S, May Acacia seyal Del. Mimosaceae.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
funnay
m.l Dibi, orgi, wan, fool xun oo aan qoodh ahayn.
Qaamuuska Ereybixinta: Barbaarinta Jirka (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1984]
furaya
opening
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
furayn
m.f.dh eeg furee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
furayn
-ta: (magac, dhedig, keli) awdidda iyo gufaynta meel soo bannaanayd. Dh: furays. furays -ka: (magac, lab, keli) eeg furayn.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
futaie
futaie, n.f. - kayn; ay; hawd jiq ah; xidh
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
outlay
/awt-ley/ (n) kharash (lacag hawl gaar ah lugu kharash gareeyo).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
futaysan
(tilmaame) wax la futeeyey oo xashan; wax rufaagan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Fay
(Fay-ga)
(wax) Af; caarad; dacal.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fay
fay¹: m.l (-yo, m.dh) 1. Kabihii waayadii hore haweenku qaadan jireen afkooda hore oo godan caaraddiisa. 2. Caarad; gees.
fay²: f.mg1 (-aaday, -ayday) Xaalad caafimaadqab ku sugnaansho; ladnaansho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
fay
f.mg1 (-aaday, -ayday) Xaalad caafimaadqab ku sugnaansho; ladnaansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
fay
m. n., loc. edge, side; part
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
fay
(v) cured (kiyuuridh)-, healed (hiilidh)-, recovered (ri-kaveridh). Ex: Cali fay buu noqday; Ali healed [recovered] successfully
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fay
(ereycodeed) lagu tilmaansado orod fudud oo dheer ama halmar xoog u boodid. Dh: gay.
fay-ga: (magac, lab, keli) kabihii waayadii hore haweenku qaadan jireen afkooda hore oo godan caaraddiisa.
fay-ga: (magac, lab, keli) wax ama meel, afkeeda meel hareerteed oo dhinac ah. Dh: baal, cidhif. Li: badhtan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
fay
de: edge, side; part
lx: fay
pd: (-ga)
ps: n2a-m-loc
key: fay
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tay
(-tay) dk.lh.dh la-mid: tayda².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tay
(fal) socod dareer oo xawli ah. Naaska hooyada caano ayaa ka soo tay yidhi.
tay-ga: (magac, lab, keli) qoorxidh raggu surka ku qaato. Dh: garabaati, karafaad.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
duty
/dyuti/ (n) 1. waajib (n) 2. canshuur.
Eraybixinta Af Soomaaliga ee Hawlaha Wasaaradaha (Soomaali-Ingiriis-Talyaani) - Guddiga Af Soomaaliga [1972]
Duty
Cashuur
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
duty
n., (tax) cashuur, -ti.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
faay
faay¹: m.dh la-mid: faayid.
faay²: f.mg1 (-yay, -yday) Caafimaad qabid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
faay
v. be well ~ healthy
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
faay
-faaydaa: (adj.) all right or alright. Ex: ma faaydaa? are you all right? or how are you doing?
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
faay
a: fay {S & UJ}
de: be well ~ healthy
lx: faay
pd: (faayay / fayday)
ps: v1=
key: faay
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
flay
v.tr., (strip off) duubka ka bixi, haragga or saanta ka mudhxi.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
fray
/frey/ (v) 1. tifmid, siib-siibmid, badanaa dhammaansho darteed. (n) 2. dagaal ama muran.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
fuga
s.f. - baxsasho(da), cararid (da).
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
fury
/fyuri/ (n) umal (xanaaq daran)
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
fury
n., cadho, cadhadi (the fury).
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
futé
futé, adj. - caqli badan; maskax badan;garasho badan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
futo
m.dh 1. Afka malawadku ku dhammaado oo saxaradu ka baxdo. 2. Halka dhulka la dhigto marka dadku fariisanayo; sal.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
futo
m.dh 1. Afka malawadku ku dhammaado oo saxaradu ka baxdo. 2. Halka dhulka la dhigto marka dadku fariisanayo; sal.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
futo
f. n. anus; buttocks
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
futo
-futada: (n) anus (eenes); ass (aas); buttocks (batakis) ~ dabo
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
futo
-da: (magac, dhedig, keli) xubinta uu ka saxaroodo nooluhu. Futo aanad lahayn laguma xaaro. Wa: futooyin.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
futo
cf: malawad
de: anus; buttocks
lx: futo
pd: (/da)
ps: n6-f
key: futo
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
futo
شرج، شرج، است
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
stay
/stey/ (v) 1. joogid (n) 2. joogis (deganaan) (n) 3. ajalid (dib u- dhig).
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
stay
n., fadhi, -gi, joog, -gi, rug, -ti; (delay) raagniin, -ti; v.i., fadhi, joog, rugayso, raag; v.tr. (delay) raaji.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
tuta
s.f. - gambaluus, tuuta.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ufay
(fal) wax qadhmuun ka dhig si loo naco. Maxaad horta u ufaysaa dadka!
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ugay
-ga: (magac, lab, keli) qori wax lagu cugo. Dh: culay.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ulay
(fal) qof ul la dhac ama ku garaac. Ulay inanka edeb ha yeeshee. Dh: dhengeday.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
-atay
de: you / she did (X)
lx: -atay
ps: v3-2sg/3f-past
xe: she died
xv: =-atey
key: -atay
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
astay
(fal) astaan u yeel; asto ama sumad u yeel. Dh: amaaradee, calaamadee
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
batay
-da: (magac, dhedig, keli) macdan cad oo durba shiilmi og, oo birta alluminiyumka ku bah ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bulay
m.l Mayrax feeran oo haamaha bul lagu catireeyo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bulay
(fal) bul iyo shaash u yeel. Googoradda inanta yar bulay. Dh: bulee.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
buray
buray¹: m.dh la-mid: buro¹.
buray²: m.dh la-mid: buro².
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
butac
m. n. fat person
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cufay
(fal) meel daloosha, gufay; gufee.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cugay
m.l la-mid: culay.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
cugay
m. n. bundle of certain kinds of wood ~ twigs used to smoke a milk vessel; act of purifying a milk vessel with this
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cugay
-ga: (magac, lab, keli) qoryo gaar ah oo qallalan oo udgoon oo weelasha caanaha lagu cugto. Dh: culay, qoriqadiid.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
cugay
a: culay
de: bundle of certain kinds of wood ~ twigs used to smoke a milk vessel; act of purifying a milk vessel with this
lx: cugay
pd: (-ga)
ps: n-m
key: cugay
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cukay
(fal) dhegta cukayga ka gur oo ka nadiifi. Ilmaha dhegta ka cukay.
cukay-ga: (magac, lab, keli) dheecaan xabag u eg oo dhegta dhexdeeda ku samaysma. Dhegta cukayga ka gur.
cukay-ga: (magac, lab, keli) dhegta inta durbaanka ka sokaysa ee fartu gaadhi karto. Cukayga dhegta ayaa bararsan gabadha.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Culay
(Culay-ga)
Qoryo gaar ah oo qallalan oo udgoon oo weelasha qaarkood lagu culo: qoriqadiid; (ama cugay).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
culay
m.l Qoryo geedo gaar ah laga jaray oo iyaga oo dab leh weelasha caanaha iyo biyaha lagu nadiifiyo. la-mid: cugay.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
culay
m. n. bundle of dry wood burnt to purify a milk vessel
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
culay
(fal) weel, culay ku same.
culay-ga: (magac, lab, keli) qoryo udgoon oo inta dab la gesho iyaga oo kulul amaba belbelaya weelka la culayo gudihiisa lagu rido oo lagu aabudho oo lagu rogrogo, si jeermiska looga dilo. Dh: qoriqadiid, cugay.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
culay
de: bundle of dry wood burnt to purify a milk vessel
lx: culay
pd: (-ga)
ps: n-m
see: cugay
key: culay
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cutad
m.l Harag ama saan isku jactadsan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
duray
m.l (daawo) Cudur fiirus keeno oo dunida oo dhan ku faafsan kaas oo keena halamacoodka sanka, cunaha iyo dhuumaha neefta. Cudurka waxa la isku qaadsiiya qufaco iyo hindhisada.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
duray
m. n. cold
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
duray
-ga: (n) common cold; flu (fuluuf influenza (in fuluu-weens dy, cold (kooldhiy coryza (koraayza) ~ durey, ifilo, hargab
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
duray
-ga: (magac, lab, keli) xanuun qufac iyo xummad leh oo inta badan qofka cabbudhiya. Dh: hargab.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
duray
de: cold
lx: duray
pd: (-ga)
ps: n-m
see: durey
key: duray
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fajay
(fal) qof oogadiisa faraha marmari oo ku duug: qof oogadiisa, farahaaga aad ugu mudmud, si jidhku u baraarugo. Fajay Aabbahaa muruq baa hayee. Dh: duug.
Magacyada Nafleyda Soomaaliyeed (Laatiin-Talyaani-Ingiriis-Soomaali) - Funayooli, Simoneeta [1985]
Faray
(I) Cavallo bianco;
(E) White Horse
(S) FARAY (S. c. m.: Frai)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
faray
(fal) faraha la gal oo ku taabtaabo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Fatah
(Fatah-a)
Wax badan oo meel ku wada jirey oo isku mar la wada daadsho ama la qubo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fatah
fatah¹: m.l la-mid: fatihid.
fatah²: f.g/mg1 (-hay, -hday; -tihi) 1. (f.g) Wax meel ku jira ka daadin. 2. (f.mg) Ku f.: cid si xisaab la'aan ah wax u siin. 3. (f.mg) Biyo meel ku faafid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
fatah
f.g/mg1 (-hay, -hday; -tihi) 1. (f.g) Wax meel ku jira ka daadin. 2. (f.mg) Ku f.: cid si xisaab la'aan ah wax u siin. 3. (f.mg) Biyo meel ku faafid. m.f.dh, fatihid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
fatah
v. overflow; be talkative, tell tales, be a blabbermouth
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
fatah
-ay / day: (v) 1. flood; gush (gaash). 2 vent (veent); express (ikisparees)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fatah
(fal) buuxdhaaf oo karkaarka jebi.
fatah-a: (magac, lab, keli) sheyga oo muggiisa caadiga ah dhaafa, buuxdhaaf. Dh: fatahaad, butaac, gellijab.
fatah-a: (magac, lab, keli) dix, webi iyo wixii la mid ah markay biyo ka bataan ee ay butaacaan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
fatah
de: overflow; [fig.] be talkative, tell tales, be a blabbermouth
lx: fatah
nt: fatah (a) [vn-m]
pd: (fatahay)
ps: v1=intr
key: fatah
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
fatah
إغراق
Qaamuus-Yare Caafimaad: Ingiriis-Soomaali - Deeqa Cali [1999]
fatal
(adj) causing death, deadly; mortal; lethal.
waxa sababa geeri ama halis ah
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
fatal
/feytal/ (adj) 1. dilaa-ah, dhimasho-keenaya. e.g. a fatal accident (adj) 2. halis-ah, aad u-daran.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
fatal
fatal, adj. - khasaaro.