furuq
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Furuq
(Furuq-a)
Cudur daran oo lays qaadsiiyo; wuxuu lee yahay, qandho iyo mantag iyo nabarro badan oo jirka ka soo yaaca, kolkay biskoodaanna furuqdhoon ku reeba.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
furuq
m.l (daawo) Cudur la isqaadsiiyo oo muddo gaaban, waxaa keena fiirus. Astaamo: qandho iyo finan nabar ku reeba maqaarka.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
furuq
m.l (daaw.) Cudur la isqaadsiiyo oo muddo gaaban, waxaa keena fiirus. Astaamo: qandho iyo finan nabar ku reeba maqaarka.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
furuq
m. n., [collective] pock mark(s), pox; smallpox
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
furuq
-a: (n) smallpox (smoolpokis)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
furuq
-a: (magac, lab, keli) cudurrada la is qaadsiiyo mid ka mid ah oo oogada qofka finan millil iyo malax leh ku sameeya maqaarka.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
furuq
de: pock mark(s), pox; smallpox
lx: furuq
pd: (-a)
ps: n2a-m-col
key: furuq
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Fuuq
1. (Fuuq-a) Dhuunta xabbadda oo baaruuddu ku jirto, gumucana sidda; qashar.
2. (Fuuq-da) a) Shanqarta ka yeerta kolka biyaha, caanaha, kd., xoog loogu soo nuugo bushimaha oo urursan oo loo dhoweeyo; fiiq; fururuq. b) In yar oo kol la fuuqsado.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fuuq
fuuq¹: m.l (-qyo, m.dh) Dhuunta baaruudda xabbadda qarxisaa ku jirto; qashir.
fuuq²: m.dh 1. Shanqarta ka yeerta kolka biyaha, caanaha iyo wixi lamida xoog loogu soo nuugo bushimaha oo urursan oo loo dhoweeyo; fiq; fururuq. 2. In yar oo kol la fuuqsado. la-mid: fiiq².
fuuq³: f.g1 (-qay, -qday) Hoore si tartiib ah uga dhergid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
fuuq
fuuq¹: m.l (-qyo, m.dh) Dhuunta baaruudda xabbadda qarxisaa ku jirto; qashir.
fuuq²: f.g1 (-qay, -qday) Hoore si tartiib ah uga dhergid. m.f.dh, fuuqid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
fuuq
m. n. projectile, artillery shell
fuuq vl. n. act of sucking up; sip, slurp
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
fuuq
-a: (n) shell (sheet); projectile (projaktel); or piece of ammunition
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fuuq
-a: (magac, lab, keli) dhuunta xabbada ee baaruudu ku jirto ee qumacana sidda. Dh: qashar, qashir, maar. qolfi.
fuuq-a: (magac, lab, keli) dheecaan silloon oo ka soo baxa meel qoyan.
fuuq-da: (magac, dhedig, keli) sanqadha ka yeedha kolka biyaha, caanaha iyo wixii la mid ah, inta bushimaha oo urursan lagu dhoweeyo oo neef xooggan lagu soo nuugo. Dh: fiiq, fururuq.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Buruq
(Buruq-da)
Bari adag oo kankoonsan oo badanaa la cuno oo dhirta yaryar qaarkeed leedahay; geedka docdiisa hoose oo aasan bay ka baxdaa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
buruq
m.dh (-qo, m.l) 1. Bari dhirta qaarkeed dhanka hoose ka bixiso, adag, kuuskuusan oo la cuno. 2. Miro, sida qaraha, babbayga iyo wixi lamida inta jilicsan oo la cuno.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
buruq
m.dh (-qo, m.l) 1.Bari dhirta qaarkeed dhanka hoose ka bixiso, adag, kuuskuusan oo la cuno. 2. Miro, sida qaraha, babbayga iyo wixi lamida inta jilicsan oo la cuno.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
buruq
f. n. tuber species, rootcrop; any round fleshy object; eyeball
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
buruq
-da: (n) taproot (taapruut); the fleshy root of plant
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
buruq
-da: (magac, dhedig, keli) cad xumaada oo laga dhexsaaro boogaha. Buruq maleh boogti basar loo dhaye e'. Dh: cardhid, cajir, maal.
buruq -da: (magac, dhedig, keli) cidhibta dugaagga inta danbe ee buuran. Buruqda eyga iyo dawacada lama kala garto. Dh: cidhib.
buruq -da: (magac, dhedig, keli) badhida dhirta qaarkeed ee dhulka ku jirta, intii la qoto ama la rujiyo, la dhilo oo la cuno. Badhi Mandoo macaanaa qabayarana qodaxdiisu kululaa. Dh: bari, badhi.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
buruq
de: tuber sp., rootcrop; any round fleshy object; eyeball
lx: buruq
pd: (-da)
ps: n1-f
key: buruq
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Curuq
(Curuq-a)
Daal laga garto muruqyada iyo seedaha kolka fadhi lagu raago.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
curuq
curuq¹: m.l (-qyo, m.dh) 1. Laab ama guntin yar oo gala wax la tolayo. 2. Xanuun yar oo laga dareemo murqaha iyo seedaha kolka fadhi lagu raago. 3. la-mid: curqid.
curuq²: f.mg1 (-rqay, -ruqday; -rqi) 1. Shay la tolay ama la falkiyey guntiin yeelasho. 2. Kaddib markii fadhi lagu raago xanuun yar murqaha ka dareemid. Tusaale: “Lug baa i curuqday”.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
curuq
curuq¹: m.l (-qyo, m.dh) 1. Laab ama guntin yar oo gala wax la tolayo. 2. Xanuun yar oo laga dareemo murqaha iyo seedaha kolka fadhi lagu raago.
curuq²: f.mg1 (-rqay, -ruqday; -rqi) 1. Shay la tolay ama la falkiyey guntiin yeelasho. 2. Kaddib markii fadhi lagu raago xanuun yar murqaha ka dareemid. Tusaale: Lug baa i curuqday. m.f.dh, curqid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
curuq
m. n., [abstract] fatigue, muscle weakness
curuq v. feel fatigue, have soft muscles
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
curuq
-ay / day: (v) muscle stiffness resulting from prolonged sitting
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
curuq
-a: (magac, lab, keli) daal laga dareemo muruqyada iyo seedaha kolka fadhiga lagu raago.
curuq-a: (magac, lab, keli) cudur caajiska iyo cu daalka ka dhashay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
duruq
f.mg1 (-rqay, -ruqday; -rqi) la-mid: durug.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fujuq
(fal) wax dareera ah, muudso ku dhamee.
fujuq-da: (magac, dhedig, keli) wax dareera ah, muudsasho ku dhamayn oo idlayl, ka tirasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Furun
(Furun-ka)
Weel ama meel dhisan oo inta gudaha laga kululeeyo, cunnada lagu dubo ama lagu hogeeyo ama wax kale lagu engejiyo; hog; muufo; (ama furin).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
furun
furun¹: m.l 1. Rooti. 2. Tinnaarka rootiga lagu dubo. la-mid: furin¹.
furun²: m.dh 1. Maro ay raggu kor ka qaataan. 2. Goobta dagaalku ka aloosanyahay. la-mid: furin².
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
furun
m.l 1. Rooti. 2. Tinnaarka rootiga lagu dubo. la-mid: furin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
furun
m. n. oven, stove; bakery
furun [feminine] n. piece of cloth
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
furun
-ka: (n) 1. bread (bareedh). 2. oven (ooven) ~ furin
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
furun
-ka: (magac, lab, keli) weel ama meel dhisan oo inta gudaha laga kululeeyo, cunnada lagu dubo ama lagu hogeeyo ama wax kale lagu engejiyo. Dh: muufo, furin.
furun -ka: (magac, lab, keli) nooc cuntada ka mid ah oo ka samaysan daqiiq biyo lagu laaqay, fixiso lagu daray. Dh: rooti.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Furux
(Furux-a)
Kalaggoysyada oogada oo lafuhu iska haystaan qaarkood siiba kuwa dhudhummada iyo calaacalaha.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
furux
furux¹: m.l Kalagoosyada oogada oo lafuhu iska galaan midkood.
furux²: f.mg1 (-rxay, -ruxday; -rxi) Kala f.: murgacasho. la-mid: furxo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
furux
m.l Kalagoosyada oogada oo lafuhu iska galaan midkood.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
furux
m. n. joint of the body
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
furux
-a: (magac, lab, keli) kalagoysyada lafuhu iska hayaan qaarkood siiba kuwa calaalcalaha.
furux -da: (magac, dhedig, keli) aad u qoslid oo wikhlayn. Dh: firix.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
furux
de: joint of the body
lx: furux
pd: (-a)
ps: n2a-m
key: furux
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fusuq
m.l la-mid: fisqi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fusuq
-a: (magac, lab, keli) wixii diinta Islaamku ay reebtay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Muruq
(Muruq-a)
1. Xubnaha oogada nafleyda qaarkooda ka samaysan jiir soohan oo duuban oo kolna isku soo roora kolna kala baxa oo xubnaha kale dhaqdhaqaajiya.
2. Xanuun ka yimaada muruq gala ama ku roora meel aan meeshiisii ahayn (sida kan lafta garabka hoosteeda gala).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
muruq
muruq¹: m.l (-qyo, m.dh) Xanuun ka yimaada muruq gala ama ku roora meel aan meeshiisii ahayn (sida kan lafta garabka hoosteeda gala).
muruq²: m.l (-qyo, m.dh) (cilmiga naflayda) Sooh unugyadiisu ay leeyihiin awood isku roor iyagoo sameynaya xoog ama dhaqaaq. Muruqyadu waxay leeyihiin, habab ay tamarta kiimikaad ugu rogi karaan tamar makaanikaad.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
muruq
muruq¹: m.l (-qyo, m.dh) Xanuun ka yimaada muruq gala ama ku roora meel aan meeshiisii ahayn (sida kan lafta garabka hoosteeda gala).
muruq²: m.l (-qyo, m.dh) (cilmiga naflayda) Sooh unugyadiisu ay leeyihiin awood isku roor iyagoo sameynaya xoog ama dhaqaaq. Muruqyadu waxay leeyihiin, habab ay tamarta kiimikaad ugu rogi karaan tamar makaanikaad.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
muruq
m. n. muscle; muscular ~ rheumatic pain
Magacyada Dhirta Ceel-Dheere iyo Buula-Burte (Soomaali-Laatiin) - D. Herloker, B. Kujar [1985]
MURUQ
Uvaria denhardtiana 10
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
muruq
-a: (n) [Plural muruqadda] muscle (ma-sal)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
muruq
-a: (magac, lab, keli) cad adag oo ku jin hilibka dhexdiisa oo seedo miidhan ah oo sid isbiriinka marna kala baxa marna isku soo uur
muruq -a: (magac, lab, keli) xanuun kayimaad muruqyada midkood oo si noqda oo qofka uu qab taa meeshaas xanuunaysa uu dhaqaajin karin aadna u xanuun kulul. Wiilkii muruq baa gab wuu ordi kari waayay. Dh: xidid.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
muruq
cf: jiiraggo', turuq
de: muscle; muscular ~ rheumatic pain
lx: muruq
pd: (-a)
ps: n2a-m
key: muruq
Magacyada Dhirta Ceel-Dheere iyo Buula-Burte (Soomaali-Laatiin) - D. Herloker, B. Kujar [1985]
SURUQ
Combretum contractum 10
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
SURUQ
(Surug) C Comretum contractum Engl. Combretaceae.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
suruq
(fal) si fudud u baxso.
suruq -da: (magac, dhedig, keli) faddaro; wisikh.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Turuq
(Turuq-a)
1. Cad kuusan oo adag; muruq.
2. Mudis; qodob.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
turuq
turuq¹: m.l (-qyo, m.dh) 1. Murqo waaweyn oo dadku yeesho. 2. Tolmo halhalluuq ah oo foolxun. 3. la-mid: turqid.
turuq²: f.mg1 (-rqay, -ruqday; -rqi) Qalab af fiiqan wax ku mudid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
turuq
m.l (-qyo, m.dh) 1. Murqo waaweyn oo dadku yeesho. 2. Tolmo halhalluuq ah oo foolxun.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
turuq
m. n. muscle
turuq v. prick, pierce, perforate
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
turuq
(fal) cid kale, wax af fiiqan leh ku mud. Dh: tafaq.
turuq-a: (magac, lab, keli) cad kuusan oo adag Feedh yahanka gacantiisu way turuq wayn tahay. Dh: muruq.
turuq-a: (magac, lab, keli) mudis, godob.
Ereybixinta Qalabka Farsamada Gacanta - Maxamuud Iimaan Aadan [1975]
Turuq
Mud, wareem.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Afgaab
(Afgaab-ka)
Cudur sida furuqa oogada nabarro biyo leh ka soo yaaciya; furuqbiyoole.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Fadfad
(Fadfad-ka)
Godgod yaryar sida raadka furuqu oogada dadka ku reebo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Furuqbiyoole
(Furuqbiyoola-ha)
Furuq biyo leh.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Furuqdhoon
(Furuqdhoon-ka)
Godgod yaryar oo nabarrada furuqu wejiga ku reebaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Giir
(Giir-ka)
1. (midab) isku dhafan; baraashirix.
2. Surka xaggiisa danbe; jeego; qadaad.
3. Joof; gan; bulbul.
4. Biriir; wejitub; fooltub.
5. Dhibco ama baro yaryar oo wejiga ku yaal; furuqdhoon.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Tallaal
(Tallaal-ka)
1. Sac furuq qaba malax laga soo qaado oo dabadeed qof jirki la geliyo, si qofkaasi cudurka furuqa uga nabadgalo oo guri ama kabbax uga noqdo; tariib.
2. Wixii sida malaxdaas ka samaysan bahallada cudurrada keena oo dhintay, oo oogada la geliyo ama lagu mudo, si cudur looga hortago oo guri looga noqdo.
3. Hawsha ama farsamada tallaalka lafteeda.
4. Geed yar oo meel laga rujiyo oo meel kale lagu beero.
5. Labo geed oo kala jaad ah oo inta mid laan ama cad laga gooyo midka kale dhexdiisa la geliyo oo lagu xiro, si labada geed u midoobaan oo miro hor leh oo kuwi hore ka wanaagsan u dhalaan.
6. Labo geed oo isku jaad ah (mid lab iyo mid dheddig) oo sidoo kale laysugu dhufto; faxal; awrdhaw.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
afgaab
m.l Cudur dadka ku dhaca oo oogada sida furuqa nabarro biyo leh u yeela.

fadfad
fadfad¹: m.l.u Godgod yaryar oo cudurka furuqu ku reebo jirka nafleyda; furuqdhaw, furuqdhoon.
fadfad²: f.mg1 (-day, -dday) 1. Jir nafley humbuluuluqid. 2. Raashin karaya tiqid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
farfar
farfar¹: m.l 1. F. ah: meel biyo dhow oo laasaska laga qoto; xaarxaar. 2. Furuqdhoon. la-mid: faarfaar¹.
farfar²: f.g1 (-ray, -rtay) Dix biyo ka gureen iyo wixi lamida qodqodid. la-mid: faarfaar².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
furuqbiyoole
m.l (daawo) Nooc furuqa ka mid ah oo halkii ay nabarrada malaxi ka geli lahayd biyo ka galaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
furuqdhaw
m.l la-mid: furuqdhoon.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
furuqdhoon
m.l Godad yaryar oo furuqu jirka dadka ku reebo. la-mid: furuqdhaw.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
giir
giir¹: m.l 1. Madow iyo caddaan si isle'eg isuga jira; jiir. 2. Dhogor dhaadheer oo orgida, dameeraha, biciidka iyo wixi lamida tunkooda ka baxda. 3. Wejitub; biriir; u furuqdhoon.
giir²: f.g1 (-ray, -rtay) Midabbo kala duwan wax u yeelid; giir u yeelid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
afgaab
m.l Cudur dadka ku dhaca oo oogada sida furuqa nabarro biyo leh u yeela.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
furuqbiyoole
m.l (daaw.) Nooc furuqa ka mid ah oo halkii ay nabarrada malaxi ka geli lahayd biyo ka galaan.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
giir
giir¹: m.l 1. Madow iyo caddaan si isle'eg isuga jira; jiir. 2. Dhogor dhaadheer oo orgida, dameeraha, biciidka iyo wixi lamida tunkooda ka baxda. 3. Wejitub; biriir; u furuqdhoon.
giir²: f.g1 (-ray, -rtay) Midabbo kala duwan wax u yeelid; giir u yeelid. m.f.dh, giirid.
Qaamuuska Ereybixinta: Bayoolaji (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Variola
Furuq
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
pit
/pit/ (n) 1. bohol (god dheer) 2. furuq-dhoon 3. fadhiga gadaale ee masraxa 4. meesha baabuurta tartamaysa lagu yara hagaajiyo.
pit: /pit (v) 1. iniin (lafta miraha) 2. iniin bixin (miro lafaha laga guro).
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
small pox
/smool boks/ (n) furuq.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
vaccinate
/vaaksaneyt/ (v) tallaalid (sida tallaalida furuqa, daacuunka iwm).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
curuuq
m.dh.u Xididdada yaryar ee dhiigga qaada.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
curuuq
m.dh.u Xididdada yaryar ee dhiigga qaada.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
curuuq
-da: (magacwadareed) xididdada yaryar ee dhiigga qaada.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
durruq
durruq¹: m.l.kh D. ah: neef, cudur iyo da' la tabar darreeyey.
durruq²: f.mg1 (-qay, -qday) Neef, cudur iyo da' awgeed la tabar darreyn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
durruq
(fal) irbad wax ku mud.
durruq-a: (magac, lab, keli), neef, cudur iyo da la tabar darreeyey.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
faaruq
faaruq¹: m.l.kh F. ah: weel aan wax ku jirin ama meel aan wax oollin.
faaruq²: f.g1 (-qay,- qday) Wax maran, wixii ku jiray laga saaray.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
faaruq
faaruq¹: m.l.kh F. ah: weel aan wax ku jirin ama meel aan wax oollin.
faaruq²: f.g1 (-qay, -qday) Wax maran, wixii ku jiray laga saaray. m.f.dh, faaruqid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
faaruq
m. n., [abstract] (adj.): emptiness; empty
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
faaruq
-ah: (adj) empty (em ti); vacant (veey kant) ~ muran. —Syn: blank, void, vacuous, bare, barren. Ex: koob faaruq ah isii; give me an empty cup
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
faaruq
(tilmaame) weel ama wax kale oo madhan ama aan waxba ku jirin. Dh: madhan, baabbah, eber. Li: budh, buux, daf, tif.
faaruq-a: (magac, lab, keli) xaaladda wax madhar xaaladda weel ama meel aan waxba ku jirin.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
faaruq
de: emptiness; [atr.] empty
lx: faaruq
pd: (-a)
ps: n0-m-abs
xe: Bring me the empty bottles.
xv: Dhalooyinka faaruqa ah i keen.
key: faaruq
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
farmuq
f.g1 (-qay, -qday) Cid wax ku tuhmid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
furdug
-ta: (magac, dhedig, keli) meel si kadis ah ama kudo ah ugu boodid.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
fureur
fureur, n.f. - cadbo; cadhooday.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Furfur
(Furfur-ka)
Hab gaar ah oo badarka qaarkiis loo karsho: bisayl haddana iniinihii kala yaaca hayaan oo ayan is qabqabsana hayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
furfur
furfur¹: m.l.kh F. ah: soor gallay oo maraq lagu kariyay oo aan budo lagu darin si ayna isku dhegin.
furfur²: f.g1 (-ray, -rtay) 1. Wax xubnihii uu ka koobnaa kala bixbixin. 2. Arrin xalkeeda fududayn.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
furfur
furfur¹: m.l.kh F. ah: soor gallay oo maraq lagu kariyay oo aan budo lagu darin si ayna isku dhegin.
furfur²: f.g1 (-ray, -rtay) 1. Wax xubnihii uu ka koobnaa kala bixbixin. 2. Arrin xalkeeda fududayn. m.f.dh, furfurid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
furfur
m. n., (mass n.): couscous (rice ~ grain preparation)
furfur v. loosen one thing from a bundle ~ collection, disconnect, keep on opening something; dismantle; explain; confiscate
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
furfur
-ay/tay: (v) 1. unfix (anfiiks); unfasten (un faasen); unpack (anpaak). 2. furfur -ka: (n) not sticky or loose cooked rice; floppy (falaapi); (tender (ten der)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
furfur
(fal) wax aad iskugu xidhxidhan, kala daadaadi. Li: xidhxidh.
furfur -ka: (magac, lab, keli) hab gaar ah oo badarka qaarkii loo karsho; bisayl haddana iniinihii kala yaacayaan oo ayan isqabqabsanayn.
furfur -ka: (magac, lab, keli) jilcinta iyo kala dhigdhigidda isle'eg xisaabeed; helidda qiimaha dahsoon ee isle'egta 2x+4=10-10 2x=10-4, 2X/26/2x=3.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
furgux
-da: (magac, dhedig, keli) boodid naxdin leh.