fuqsad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Fuqsad
(Fuqsad-ka)
Fuqsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fuqsad
m.l la-mid: fuqsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fuqsad
-ka: (magac, lab, keli) wax meel ku dhegsan, xoog u soo goosasho. Dh: goosad, rujisad, fujisad, ruqsasho, rujisasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Fuuqsad
(Fuuqsad-ka)
Fuuqsasho; fuuqsi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fuuqsad
m.l la-mid: fuuqsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fuuqsad
-ka: (magac, lab, keli) dhammaynta wax, iyada oo aan waxba laga tegeyn; wada dhammaysi. Dh: fuuqsasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
fuqsan
der. [adjective] yanked
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
fuqsan
-aa / ayd: (adj) broken up; fallen apart
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fuqsan
(tilmaame) wax meeshii uu ku yaallay ka fuqay.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
fuqsan
de: yanked
lx: fuqsan
pd: (fuqsanaa)
ps: adj-der
key: fuqsan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Fursad
(Fursad-da)
Kansho, waqti.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fursad
m.dh (-do, m.l) 1. Xaalaad ku habboon in wax la qabsado. 2. Waqti wax la qabto.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

Qaamuuska Ereybixinta: Barbaarinta Jirka (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1984]
fursad
chance
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
fursad
f. n. chance, opportunity
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
fursad
-da: (n) opportunity (appartuniti); occasion (okeey-shin); chance (jaans); opening, break ~ munaasabad. Ex: fursad dahab ah; golden opportunity.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fursad
-da: (magac, dhedig, keli) munaasabad faa'iido lagu helayo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
fursad
de: chance, opportunity
lx: fursad
pd: (-da)
ps: n1-f
key: fursad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ruqsad
m.dh la-mid: ruqso¹.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ruqsad
f. n. leave, authorization, permission; visa
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
ruqsad
-da: (n) permission (peer-mi-shin); authorization (oo-thara-zeey-shin); consent (kon-sent), license (laay-sans) ~ fasax, rukhsad, ruqso, ogolaansho
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ruqsad
-da: (magac, dhedig, keli) oggolaansho qoraal ah oo la siiyo ruux. Ruqsaddii xoolo dhoofinta waa la i siyay Dh: rugso: fasaxaad, rukhso.
ruqsad-da: (magac, dhedig, keli) waxyaalo dadka wadaaddada qaba loo sameeyo oo waqtigoodu ka danbeeyo yabarada. Dh: rukhsad.
ruqsad-ka: (magac, lab, keli) eeg ruqaansi. ruqsad-ka: (magac, lab, keli) ruqashada ay lo'du rugato.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ruqsad
de: leave, authorization, permission; visa
lx: ruqsad
pd: (-da)
ps: n1-f
key: ruqsad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fuqsasho
m.f.dh eeg fuqso. la-mid: fujisasho, fuqsad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fuqsasho
-da: (magac, dhedig, keli) walax, meel ka soo fuqsad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
buqshad
m.dh la-mid: baqshad.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
buqshad
f. n. envelope; parcel
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
buqshad
-da: (magac, dhedig, keli) eeg boqshad.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
buqshad
a: baqshad ~ bukhshad
de: envelope; parcel
lx: buqshad
pd: (-da)
ps: n1-f
key: buqshad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Fiiqsad
(Fiiqsad-ka)
Fiiqsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fiiqsad
m.l la-mid: fiiqsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fiiqsad
-ka: (magac, lab, keli) heemis ama dhammayn; faaruqin iyo dhammaan laacid. Dh: fiiqsi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fuqsani
-da: (magac, dhedig, keli) ahaanta wax meeshii uu ku yiil laga rujiyay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fuudsad
m.l la-mid: fuudsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tuuqsad
m.l la-mid: tuuqsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
buqad
m.l la-mid: buqasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
buqad
-ka: (magac, lab, keli) wax buqanaya noqad Buqadka ka ilaaliya adhiga oo aayar hora.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
duqad
f. n. dent, bump (from a collision)
duqad [feminine] n., (mass n.): ground meat condiment
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
duqad
-da: (n) 1. dent (dhenf); depression in a surface made by pressure or a blow ~ daqar. Ex: duqada gaariga geeskissa ku taal; the dent in the side of the car. 2. ground meat (garawndh miit) ~ hilib shiishiid
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
duqad
-da: (magac, dhedig, keli) gaadhi matoorka waxyeello ka gaadhay ama matoorkiisu dhintay.
duqad-da: (magac, dhedig, keli) hilib lagu ridqay mashiin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Fuqid
(Fuqid-da)
Soo go'id; ka dhicid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fuqid
m.f.dh eeg fuq². la-mid: fuq¹ (3).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fuqid
-da: (magac, dhedig, keli) «ka meel ka go'id. Dh: ruqid, ruqis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fuqsi
-ga: (magac, lab, keli) eeg fuqsad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fuqso
f.g3 (-saday, -satay) Wax meel ku dheggan ka ruqsasho. la-mid: fujiso.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
fuqso
f.g3 (-saday, -satay) Wax meel ku dheggan ka ruqsasho. m.f.dh, fuqsasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
fuqso
v. yank out ~ up, uproot (for oneself)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fuqso
(fal) wax meel ku dhajisan gooso; xoog ku rujiso. Dh: gooso, fujiso, rujiso.
fuqso -da: (magac, dhedig, keli) inta iscelinta qofku le'eg tahay.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
fuqso
de: yank out ~ up, uproot (for oneself)
lx: fuqso
nt: fuqsad (ka) [vn-m], fuqsasho (/da) [vn-f]
pd: (fuqsaday)
ps: v3a=
key: fuqso
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Luqad
(Luqad-da)
Af; hadal; (ama luqo).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
luqad
m.dh la-mid: luuqad.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
luqad
f. n. language
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
luqad
-da: (n) language (laanguweeyj) ~ luuq-da, af
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
luqad
-da: (magac, dhedig, keli) af lagu hadlo. Dh: lugo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
luqad
bw: luqo, luuqo, luuqad
de: language
lx: luqad
pd: (-da)
ps: n1-f
syn: af, hadal
xv: Arabic
key: luqad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ursad
m.dh 1. Cudur ku dhaca eyga iyo naasleyda la bahda ah oo ay calaamo u tahay biyonicid iyo laystaannimo. 2. la-mid: ursasho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
ursad
m.dh Cudur ku dhaca eyga iyo naasleyda la bahda ah oo ay calaamo u tahay biyonicid iyo laystaannimo.
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Ursad
name-m to smell or sniff. Lit: first born girl after a long period of time of childlessness. Syn: Ursi
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Ursad
ama Ursi, magac loo baxsho ilmo dhalashadiisa muddo la sugay guurkii ka dib oo jacayle awgeed loo ursaday.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ursad
-ka: (magac, lab, keli) eeg ursasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xuqad
-da: (magac, dhedig, keli) kolmo yaryar oo cunaha hoose ku yaal. Xugadaha fayow lama gooyo. Dh: quman.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baqsad
-ka: (magac, lab, keli) baqagelin oo naftaada baqo ha laga qaado. Baqsad ka rido. Dh: didsad, eryoood.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Buqcad
(Buqcad-da)
Bugcad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
buqcad
m.dh la-mid: bugcad.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
buqcad
f. n. plot of land, lot
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
buqcad
-da: (n) a piece of land; distinct portion of a land; lot (laat) ~ booto
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
buqcad
-da: (magac, dhedig, keli) deegaan ama meel.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
buqcad
a: bugcad
de: plot of land, lot
lx: buqcad
pd: (-da)
ps: n1-f
key: buqcad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bursad
m.l la-mid: bursasho.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
bursad
-ka: (n) pursuing (peer-suuing); chasing (jeeysing)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bursad
-ka: (magac, lab, keli) inta badan qaadasho; dheeraad ku darsasho. Bursad baad ku heshaa waxaad doonto adiguye. Dh: badsad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Cuqdad
1. (Cuqdad-da) (qof) wax waa hore gaarey ama ku dhacay oo xusuustii lahan, maskaxda ku reebtay, welina uusan arrintaas si fiican ugu soo jeensan oo u foodsaarin oo laabtiisa uga tirtirin; cudur (maan) oo qofku moodo inuu dadka ka liito, ama ku abuura qabweyni iyo inuu dadkoo dhan ka fiican yahay; iin (soo qaadiddeeda qofku neceb yahay, ama jecel yahay in had iyo goor, la hadal hayo).
2. (Cuqdad-ka) Ciriiri; qaad iyo mug yar.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cuqdad
cuqdad¹: m.l Meel ciriiri ah.
cuqdad²: m.dh (-do, m.l) (c.naf) Cudur nafsaani ah oo qofka ku beera shaki iyo kalsooniddarro uu ka qabo naftiisa iyo dadka kaleba. la-mid: cuqdi, cuqdo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
cuqdad
m.dh (-do, m.l) (c.nafsi) Cudur nafsaani ah oo qofka ku beera shaki iyo kalsooniddarro uu ka qabo naftiisa iyo dadka kaleba. la-mid: cuqdi, cuqdo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
cuqdad
m. n. having little capacity
cuqdad [feminine] n. complex, phobia, psychological problem; suspicions
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
cuqdad
-da: (n) complex (kom palakis); repressed feelings or thoughts ~ cuq
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cuqdad
-da: (magac, dhedig, keli) xusuus dheeriya oo dhibaato hore u soo martay ama ku dhacday ay qof ku reebto oo saamayn weyn ku yeelata noloshiisa. Dh: uqdad.
cuqdad -ka: (magac, dhedig, keli) cidhiidhi ah oo qaad iyo mug yar.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dugsad
(Dugsad-ka)
Dugsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dugsad
m.l la-mid: dugsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dugsad
-ka: (magac, lab, keli) dhaxan kaga gabbasho oo dugsi ka dhigasho. Dh: dugaalsad, dugsash.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
duxsad
m.l la-mid: duxsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
faqrad
m.dh Qayb kastoo ka mid ah qaybo qoraal.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
faqrad
m.dh Qayb kastoo ka mid ah qaybo qoraal.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
farsad
-da: (magac, dhedig, keli) isrogrogga waayaha iyo kaalinta kolba la joogo. Dh: fursad. Wa: farsado.
farsad -da: (magac, dhedig, keli) shaqo ama hawl kolba cid gaar ah loo daayo. Farsad baa loo kala sameeyey basaskii is dhex yaacayey. Dh: malko, kal, kaaye.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fidsad
-ka: (magac, lab, keli) wax duubnaa fidsasho; wax laabnaa kala furasho.
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Fu'aad
name-m heart
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Furaad
(Furaad-ka)
Idiin xarar iyo faraq lagu qurxiyey oo carruurta yaryar lagu xanbaaro; dhereb.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
furaad
m.dh (-dyo, m.dh) Idiin si gaar ah loo qurxiyey oo carruurta lagu xambaaro.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
furaad
m. n. sling for carrying a baby on the back
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
furaad
-ka: (magac, lab, keli) idiin xadhadh iyo faraqyo qurux badan lagu qurxiyey oo carruurta lagu xambaaro. Ma furaad baan kuu xidhaa, ma filkaa baan ku dhaafiyaa. Dh: dhereb.
furaad -da: (magac, dhedig, keli) furitaanka iyo dalaaqa reer meher ku xidhnaa.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
furaad
de: sling for carrying a baby on the back
lx: furaad
pd: (-ka)
ps: n2a-m
key: furaad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
furdad
m.dh la-mid: furdo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
furdad
m.dh la-mid: furdo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
furdad
f. n. wharf, quay; custom-house, customs office ~ operations
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
furdad
-da: (magac, dhedig, keli) qayb albaabka ka mid ah, albaab labo qabcadood ah middood. Dh: qayb.
furdad-da: (magac, dhedig, keli) dekadda maraakiibtu ku soo xidhato. Dh: deked.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
furdad
bw: Arabic
de: wharf, quay; [ext.] custom-house, customs office ~ operations
lx: furdad
pd: (-da)
ps: n1-f
key: furdad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fushad
m.f.l eeg fusho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fuusid
-da: (magac, dhedig, keli) wax loo tartansanaa, ku guulaysi. Dh: guulaysi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hubsad
(Hubsad-ka)
Hubsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hubsad
m.l la-mid: hubsasho.