fuq
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Fuq
(Fuq-a)
Afka labadiisa qalbac midkood; qal.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fuq
fuq¹: m.l (-qaq, m.l) 1. Labada daan oo afka midkood. 2. Wax, wax kale oo adag ka soo go'ay. 3. la-mid: fuqid.
fuq²: f.mg1 (-qay, -qday) Wax, wax uu ka mid ahaa ka soo go'id.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
fuq
f.mg1 (-qay, -qday) Wax, wax uu ka mid ahaa ka soo go'id. m.f.dh, fuqid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
fuq
v. be yanked off ~ out
fuq m. n. jaw; front, face
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
fuq
-ay / day: (v) come apart, fall apart, fall off; break up (bareek ap)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fuq
(fal) «ka ~» go'; ruq.
fuq -a: (magac, lab, keli) afka labadiisa qalbac, midkood. Dh: gafuur.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Cirrid
(Cirrid-ka)
Hilib ilkaha salkooda - labada fuqba - ku rogan oo aad ugu dhegsan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Fanqooq
(Fanqooq-a)
1. Wax meeshay ku dhegsanaayeen ka fuqa isagoo weli labada madax kaga dhegsan; fowliil.
2. Fadhi dhulka kor laysaga hayo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Fanqooqid
(Fanqooqid-da)
Meeshii lagu dhegsanaa kor uga soo fuqid; fowliilid.
2. Fadhiyid iyadoo dhulka kor laysa hayo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Fowliil
(Fowliil-ka)
Wax meeshuu ku dhegsanaa yare ka fuqay; fanqooq.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Fuqsad
(Fuqsad-ka)
Fuqsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Fuqsasho
(Fuqsasha-da)
Wax meel ku dhegsan xoog u soo goosasho; ruqsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Galdhacsasho
(Galdhacsasha-da)
(nabar) galka ama xuubka kore ka fuqid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qal
(Qal-ka)
Labada fuq oo afka midkood.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cirrid
cirrid¹: m.l (-dyo, m.dh) Hilibka ku yaal labada fuq ee afka nafleyda oo ilkaha haya.
cirrid²: m.l (cilmiga naflayda) Sooh xiriirka iyo xuubka daboola (mucous membrane) oo isku haya ilkaha iyo daamanka.
cirrid³: m.dh la-mid: cirid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daan
daan¹: m.l (-aaman, m.l) Afka labadiisa lafood oo ilkuhu ku yaalliin.
daan²: m.l (-aaman, m.l) (cilmiga naflayda) Nudo adag oo tiiriyayaal ah, ha ahaadaan laf ama carjaw kuwaas oo sameeya fuqa hoose ee xayawaanka qaarkood, gaar ahaan lafdhabarleyda. Shaqada ugu weyn ee daamanku waxa weeye inay ilkaha ka caawiyaan qaniinyada iyo calaalinta cuntada.
daan³: m.dh (-aamo, m.l) Webi, tog iyo wixi lamida labada dhinac midkood.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dillaac
dillaac¹: m.l Meesha bannaan ee u dhaxaysa wax is haystay oo in yar kala fuqay.
dillaac²: f.mg1 (-cay, -cday) 1. Wax jeexmid, qarxid. 2. Ciid, dagaal, iyo wixi lamida bilaabasho. 3. Wax beryid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dįiro
f.g3 (-rtay, -ratay) Wax qobka ka fuqsasho, Tus.” mooskii baan diirtay”.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fanqooq
fanqooq¹: m.l 1. Wax meel uu ku dhegganaa ka soo fuqay laakiin weli meel yar ka haysta. 2. Fadhi aan salka dhulka lagu hayn; kadalloob. 3. Wax meeshi ay saarnaayeen in yar kor uga kacay. 4. la-mid: fanqooqid.
fanqooq²: f.g/mg1 (-qay, -qday) 1. Wax meel ay saarnaayeen ama ku dhegganaayeen in yar kor uga kicid. 2. Kadalloob u fariisasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
faqiir
faqiir¹: m.l (-rro/fuqaraa, m.dh) Qof dan yar ah oo aan hanti lahayn; cayr, sabool.
faqiir²: f.mg1 (-ray, -rtay) Faqiir noqosho. la-mid: faqiirow, faqri².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
finiin
finiin¹: m.l (-nno, m.dh) 1. Cadad yaryar oo meeshi ay ku dhegganaayeen xoog iyo dhaqso uga soo fuqay, ama uga soo ganmay. 2. Ciyaar carruureed ah dhaqxaan yaryar oo faraha lagu gamayo. la-mid: faniin¹.
finiin²: f.mg1 (-nay, -ntay) 1. Wax ordaya xoog uga dhicid. Tusaale: “Baabuurkii ayuu xoog uga finiinay”. 2. Wax meeshii ay joogeen ama ku dhegganaayeen xoog uga soo go'id ama uga soo ganmid. Tusaale: “Dhagax baa soo finiinay”. 3. Xoolo gaar u cararid. Tusaale: “Faras baa naga finiinay”. la-mid: faniin².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fujisasho
m.dh la-mid: fuqsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fujiso
f.g3 (-stay, -satay) la-mid: fuqso.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Fuuq
1. (Fuuq-a) Dhuunta xabbadda oo baaruuddu ku jirto, gumucana sidda; qashar.
2. (Fuuq-da) a) Shanqarta ka yeerta kolka biyaha, caanaha, kd., xoog loogu soo nuugo bushimaha oo urursan oo loo dhoweeyo; fiiq; fururuq. b) In yar oo kol la fuuqsado.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fuuq
fuuq¹: m.l (-qyo, m.dh) Dhuunta baaruudda xabbadda qarxisaa ku jirto; qashir.
fuuq²: m.dh 1. Shanqarta ka yeerta kolka biyaha, caanaha iyo wixi lamida xoog loogu soo nuugo bushimaha oo urursan oo loo dhoweeyo; fiq; fururuq. 2. In yar oo kol la fuuqsado. la-mid: fiiq².
fuuq³: f.g1 (-qay, -qday) Hoore si tartiib ah uga dhergid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
fuuq
fuuq¹: m.l (-qyo, m.dh) Dhuunta baaruudda xabbadda qarxisaa ku jirto; qashir.
fuuq²: f.g1 (-qay, -qday) Hoore si tartiib ah uga dhergid. m.f.dh, fuuqid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
fuuq
m. n. projectile, artillery shell
fuuq vl. n. act of sucking up; sip, slurp
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
fuuq
-a: (n) shell (sheet); projectile (projaktel); or piece of ammunition
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fuuq
-a: (magac, lab, keli) dhuunta xabbada ee baaruudu ku jirto ee qumacana sidda. Dh: qashar, qashir, maar. qolfi.
fuuq-a: (magac, lab, keli) dheecaan silloon oo ka soo baxa meel qoyan.
fuuq-da: (magac, dhedig, keli) sanqadha ka yeedha kolka biyaha, caanaha iyo wixii la mid ah, inta bushimaha oo urursan lagu dhoweeyo oo neef xooggan lagu soo nuugo. Dh: fiiq, fururuq.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ufuq
m.l (-qyo, m.dh) (juqraafi) Xarriiqa lagu sheegi karo inay wareegsantahay oo xadeysa aragga eegaha, kaas oo ah dhulka dushiisa ama badda dusheeda, meesha dhulka ama baddu ay u muuqdaan inay cirka kula kulmaan. Ogaanta ufuqu waxay ku xirantahay joogga eegaha.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
ufuq
m.l (-qyo, m.dh) (juqraafi) Xarriiqa lagu sheegi karo inay wareegsantahay oo xadeysa aragga eegaha, kaas oo ah dhulka dushiisa ama badda ugaadh dusheeda, meesha dhulka ama baddu ay u muuqdaan inay cirka kula kulmaan. Ogaanta ufuqu waxay ku xirantahay joogga eegaha.
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Ufuq
Horizon
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ufuq
-a: (magac, lab, keli) xarriiqa lagu sheegi karo inay wareegsantahay oo xadeysa aragga eegaha, kaas oo ah dhulka dushiisa ama badda dusheeda, meesha dhulka ama baddu ay u muuqdaan inay cirka kula kulmaan. Ogaanta ufuqu waxay ku xirantahay joogga eegaha.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
uq
m.dh la-mid: cuq.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
uq
-da: (magac, dhedig, keli) eeg cuq.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Buq
(Buq-da)
1. Meel biyo ka soo burqadaan.
2. Ceel biyo badan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
buq
buq¹: m.dh (-qo, m.l) 1. Meesha ay biyaha ka soo burqadaan. 2. Ceel biyo badan leh. 3. Hogaha shaxda midka dhexda ku beegan.
buq²: m.dh (-qo, m.l) 1. (jooloji) Qulqul biyood joogto ama xilliyeed oo dhulka ka imaanaya, wuxuu samaysmaa marka biyaha roobku dhulka hoos u galaan ilaa bar gaar ah, halkaasoo ay ku ururaan aakhiritaankana ay kor u soo burqadaan. 2. (juqraafi) Loolalka dhexena waa xilliga jilaalka ku xiga, xiddigis ahaanna loo tixgeliyo inuu ku dhammaado kubbadbadhka woqooyi min caanomaallada isle'eg ee Guga (ilaa 21 maarso) ilaa hornaqa xagaaga (ilaa 21 juun).
buq³: f.mg1 (-qay, -qday) Biyo, neef, gaas iyo wixi lamida oo inta xoog ku soo baxa, daboolkii celinayay tuura ama jeexa; dillaacid; burqasho; qarxasho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
buq
buq¹: m.dh (-qo, m.l) 1. Meesha ay biyaha ka soo burqadaan. 2. Ceel biyo badan leh. 3. Hogaha shaxda midka dhexda ku beegan.
buq²: m.dh (-qo, m.l) 1. (jool.) Qulqul biyood joogto ama xilliyeed oo dhulka ka imaanaya, wuxuu samaysmaa marka biyaha roobku dhulka hoos u galaan ilaa bar gaar ah, halkaasoo ay ku ururaan aakhiritaankana ay kor u soo burqadaan. 2. (juqraafi) Loolalka dhexena waa xilliga jilaalka ku xiga, xiddigis ahaanna loo tixgeliyo inuu ku dhammaado kubbadbadhka woqooyi min caanomaallada isle'eg ee Guga (ilaa 21 maarso) ilaa hornaqa xagaaga (ilaa 21 juun).
buq³: f.mg1 (-qay, -qday) Biyo, neef, gaas iyo wixi lamida oo inta xoog ku soo baxa, daboolkii celinayay tuura ama jeexa; dillaacid; burqasho; qarxasho. m.f.dh, buqid.
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Buq
Fountain
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
buq
v. burst, split
buq [feminine] n. source of a stream; spring
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
buq
(ereycodeed) lagu tusmeeyo sanqadha wax bud lagu dhuftay oo kale.
buq-da: (magac, dhedig, keli) il biyo ka soo burqdaan. Buqda ceelka biyaha ka soo baxaa harraad lagu daweeyaaye.
buq-da: (magac, dhedig, keli) ceel aad u af yar.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Cuq
(Cuq-da)
Dulfariisadka shinbiruhu ugaxdooda dul fariistaan oo u kululeeyaan taniyo inta ay ka dillaacaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cuq
m.dh 1. Muddo kooban oo ay digaagaddu ku fadhido ukumaha si ay u dillaacaan. 2. C. ah: digaag ku jirta muddadii fadhiga ee ay ukunta ku dillaacin lahayd. la-mid: uq.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
cuq
m.dh 1. Muddo kooban oo ay digaagaddu ku fadhido ukumaha si ay u dillaacaan. 2. C. ah: digaag ku jirta muddadii fadhiga ee ay ukunta ku dillaacin lahayd. la-mid: uq.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
cuq
f. n. incubation
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
cuq
-da: (n) complex (kompalakis); repressed feelings or thoughts ~ cuqdad, cuqdo
cuq -da: (n) incubation (in ku bey shin); the act of egg hatching
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cuq
-da: (magac, dhedig, keli) dulfadhiisadka ay shinbiraha ama digaaggu ugxantooda dul fashiistaan ee ay u kululeeyaan tan iyo inta ay ka dillaacayaan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
cuq
de: incubation
lx: cuq
pd: (-da)
ps: n0-f
key: cuq
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Duq
1. (Duq-a) ) Nin fil weyn; waayeel; oday. b) Madax, taliye. c) Gaboobey.
2. (Duq-da) a) habar. b) (cayaar) foorad, dhibic.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
duq
duq¹: m.l (-qey/-qeyti, m.dh) 1. (-qow, m.dh) Qof da' weyn. 2. (-qey/qeyti, m.dh) Qof bulsho madax u ah. 3. D. ah: wax gaboobay.
duq²: m.l Biciid dheddig oo curad ah.
duq³: m.dh 1. Haweenay da' weyn. 2. Foorad, dhibic (cayaar).
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
duq
m.l (-qey/-qeyti, m.dh) 1. (-qow, m.dh) Qof da' weyn. 2. (-qey/qeyti, m.dh) Qof bulsho madax u ah. 3. D. ah: wax gaboobay.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
duq
m. n. old man
duq m. n. elder, leader, chief; mayor
duq [feminine] n. old woman
duq [feminine] n. old female camel
duq [feminine] n. winning point (in game) {sports}
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
duq
-a: (n) 1. elder (eldherf, chief (jiif) ~ odaga, madaxa.. 2. old man. 3. duq -da: (n) old woman ~ islaanta
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Duq
Vecchio; anziano
Old; senior
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
duq
-a: (magac, lab, keli) noole muddo dheer jirey. Dh: waayeel.
duq -da: (magac, dhedig, keli) ruux dumar ah oo da'weyn ama waayeel ah. Dh: habar. Li: dhoorray.
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
duq
شیخ
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Faq
(Faq-a)
Hadal hoos laysugu sheego ama laysugu qarsado.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
faq
faq¹: m.l Hadal hoos la isugu sheegid.
faq²: f.mg1 (-qay, -qday; fiqi) Hadal hoos isugu sheegid; shawrid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
faq
faq¹: m.l Hadal hoos la isugu sheegid.
faq²: f.mg1 (-qay, -qday; fiqi) Hadal hoos isugu sheegid; shawrid. m.f.dh, faqid.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
faq
-a: (n) whisper (wispar)-, soft speak
faq -ay / day: (v) speak quietly and privately
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
faq
(fal) fadh oo god iyo wax la mid ah qod; ciidda god ka soo quf. Dh: qod. Li: aas.
faq-a: (magac, lab, keli) (la ~) la xanshaashaq: hoos ula hadal.
faq-a: (magac, lab, keli) hadal labo qof iyo in ka badani si gaar ah ugu wada hadasho si qarsoodi ah oo ay wax isku weydiiyaan. Dh: sir.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fiq
m.dh Buurta meesha ugu sarreysa. la-mid: fig.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
fiq
m.dh Buurta meesha ugu sarreysa. la-mid: fig.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
fiq
v. talk secretly, take someone aside to talk privately
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fiq
(ereycodeed) lagu tilmaansado wax si kedis ah u booday, sida harraatida dameeraha.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
fiq
a: faq
de: talk secretly, take s.o. aside to talk privately
lx: fiq
pd: (fiqay)
ps: v1=
key: fiq
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Fud
(Fud-ka)
Cad yar oo kankoonsan oo is haysta; bur; fudul.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fud
m.l (-dad, m.l) Kuus ciid ah oo is haysta.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
fud
m.l (-dad, m.l) Kuus ciid ah oo is haysta.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
fud
m. n. lump (of soil)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fud
-ka: (magac, lab, keli) cad ama guntin yar oo kankoonsan oo is haysata. Dh: fudul.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
fud
cf: fudul
de: lump (of soil)
lx: fud
pd: (-ka Pl: fudad (ka))
ps: n4-m
key: fud
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Fuf
(Fuf-ka)
Daaq aan roob ku bixin ee xilli ku baxa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fuf
fuf¹: m.l Dhir la jaray ama la daaqay fiidda ka soo baxda iyadoo aan roob ku di'in.
fuf²: f.mg1 (-fay, -ftay) Dhir la jaray ama la daaqay iyadoo aan roob ku di'in fiid bixin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
fuf
f.mg1 (-fay, -ftay) Dhir la jaray ama la daaqay iyadoo aan roob ku di'in fiid bixin. m.f.dh, fufid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
fuf
m. n. grass that grows in dry conditions
fuf v. bloom, grow fast, produce dry-season pasture (of the earth)
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
fuf
-ay / tay: (v) become grassy.; lush or overgrown
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fuf
(fal) (soo ~) abuur iyo wixii la mid ah gabaabsi ka bax.
fuf -ka: (magac, lab, keli) daaq xilliyeed aan roob ku bixin oo adhigu ku bukoodo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fug
(ereycodeed) lagu tilmaansado raadka iyo codka tantoomo iyo wixii la mid ah oo meel lagu dhuftay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ful
f.mg1 (-ulay, -ushay) 1. Xoolo wabax ah ama dhaan cokan ceel ka tegid. 2. Hawl ama arrin hirgelid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
ful
f.mg1 (-ulay, -ushay) 1. Xoolo wabax ah ama dhaan cokan ceel ka tegid. 2. Hawl ama arrin hirgelid. m.f.dh, fulid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ful
v. be achieved, implemented ~ fulfilled; become satisfied
ful v. go home after being watered (of animals)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ful
(fal) ceel ka cab oo ka noqo adoo cokan. Waad acabtee kolka ceelka ka ful.
ful: (fal) arrin ama hawl, dhabow oo dhaqangal; meel mar.
ful -ka: (magac, lab, keli) mareeg ubax qurxoon ka samaysan oo caroosyada ama cidda la sharfinayo qoorta loo sudho.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
fun
/fan/ (n) 1. waqti-fiican, raaxo. e.g. I had a lot of fun at the party. (n) 2. maad, dheel.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
fun
n., kaftan, -ki.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Fur
1. (Fur-ka) — Wixii meel daloosha lagu awdo; dabool; guf.
2. (Fur-ta) (xoolo) summad dhegta loo yeelo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fur
fur¹: m.l (-rar, m.l) Wax afka looga shiro weel, sida buraashad, dhalo, iyo wixi lamida.
fur²: m.dh (-ro, m.l) Summad xoolaha lagu asteeyo oo dhegta inteeda sare la gooyo.
fur³: f.g1 (-ray, -rtay) 1. Albaab, dariishad iyo wixi lamida ballaqid. 2. Guntin xarig kala bixin. 3. Gaadiid rar ka dhigid. 4. Halxiraale fasirid. 5. Mashruuc, dhisme iyo wixi lamida ballaarintooda ku dhawaaqid. 6. Xabbado badan ridid. 7. Wax meel ku jira sii dayn. 8. Haweeney la qabo dalaaqid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
fur
fur¹: m.l (-rar, m.l) Wax afka looga shiro weel, sida buraashad, dhalo, iyo wixi lamida.
fur²: f.g1 (-ray, -rtay) 1. Albaab, dariishad iyo wixi lamida ballaqid. 2. Guntin xarig kala bixin. 3. Gaadiid rar ka dhigid. 4. Halxiraale fasirid. 5. Mashruuc, dhisme iyo wixi lamida ballaarintooda ku dhawaaqid. 6. Xabbado badan ridid. 7. Wax meel ku jira sii dayn. 8. Haweeney la qabo dalaaqid. m.f.dh, furid.
Qaamuuska Ereybixinta: Bayoolaji (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Fur
Dhogor
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
fur
v. open; disclose; unload (camel); set free; decipher; untie
fur m. n. cork; plug, stopper; cover, lid
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
fur
/fer/ (n) dufta ama dhogorta xayawaanka qaarkood.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
fur
-ay / tay: (v) 1. open (oopin). Ex: albaabka fur; open the door. 2. untie (antaay). Ex: xariga ka fur; untie the rob
fur -yey I tay: (v) divorce (di-voorsi)
fur -ka: (n) stopper (stoop par)-, a device, such as a cork, plug or lid ~ aabbur
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fur
(fal) reer raran oo socoto ah, halkii loo tusmeeyay deji.
fur: (fal) halxidhaale lagugu xujeeyay, waxa loola jeedo, sheeg.
fur: (fal) radyaw, telefishan, kombiyuutar iyo wixii la mid ah, daar oo shid.
fur: (fal) meel ama wax xidhan, barax oo ballaq.
fur: (fal) wax isku guntan, sida xadhig iyo wixii la mid ah, kala bixi. Labada xadhig kala fur.
fur: (fal) markhaati laguu qabsaday, waxaad ka ogtahay sheeg. Dh: maragfur.
fur: (fal) gabadh guur iyo meher kuugu xidhna, dalaaq.
fur: (fal) xaflad ama xus la isugu yimi, bilaw Shirka waxa furay guddoomiyaha xisbiga
fur-ka: (magac, lab, keli) wixii meel daloosha lagu awdo ama lagu gufeeyo.
fur -ka: (magac, lab, keli) wax kaste oo weel ay wax ku jiraan afka lagaga xidho. Dh: dabool.
fur -ka: (magac, lab, keli) waxa xoog lagu dhaco oo dhan; wax kaste oo boojimo lagu helo.
fur -ta: (magac, dhedig, keli) hashu kolka ay dhasho guf yar oo ibaha naasaheeda ku jira co laga saaro si caanuhu uga soo baxaan oo aanay ugu xidhmin. Dh: ibaggaleen.
fur -ta: (magac, dhedig, keli) sumad xoolaha lagu dhigo oo jeex yar dhegta loogu yeelo.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
fur
n., yilix, -di, dhogor, -ti.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
huq
m.dh 1. Dareen xooggan oo murugo leh. 2. Uurkutaallo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
huq
m.dh 1. Dareen xooggan oo murugo leh. 2. Uurkutaallo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
huq
-da: (magac, dhedig, keli) saamayska kuddada ah ee naxdintu keento; naxdin degdeg ah. Dh: haq.
huq-da: (magac, dhedig, keli) ciil iyo caloolxumo. Dh: ciil. Li: farxad.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
juq
v. swallow
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
juq
(fal) ka hel oo aad ugu bog: isaga buseel oo caashaq xad-dhaaf ah u qab. Li: dhibso.
juq: (ereycodeed) tilmaama wax caaro yuuban leh oo meel lagu muday.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
juq
bw: juqsii
de: swallow
lx: juq
pd: (juqay)
ps: v1=
syn: dhunji, liq
key: juq