fulmine
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
fùlmine
s.m. - biriq, danab.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
fulminer
fulminer, v. - cadho; xanaaq.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
cùlmine
s.m. - fiin, dhako.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Fulin
(Fulin-ta)
1. (xoolo) meesha ay u soo arooreen oo biyaha ka cabbeen ka kaxayn, ka wadid.
2. (arrin) meel marin; dhab ka dhigid; dhaqan gelin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fulin
m.f.dh eeg fuli.
Qaamuuska Ereybixinta: Barbaarinta Jirka (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1984]
fulin
execution
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
fulin
vl. n. fulfillment, accomplishment, satisfaction, implementation, execution
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
fulin
-ta: (n) the act of fulfilling; fulfilment (fulfilment)-, performance (peerfoor-mansi); completion
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Fulin
Esecuzione
Implementation; execution
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fulin
-ta: (magac, dhedig, keli) arrin ka dhabayn oo hirgelin. Dh: fulis.
fulin-ta: (magac, dhedig, keli) xoolo, meelsha ay u soo arooreen oo biyaha ka cabbeen ka kaxayn oo ka dareerin. Dh: fulis.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
fulin
de: fulfillment, accomplishment, satisfaction, implementation, execution
lx: fulin
pd: (-ta)
ps: vn2-f
key: fulin
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dulmin
m.dh la-mid: dulmiyid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dulmin
-ta: (magac, dhedig, keli) cid ku gefid oo caddaaladdarro kula dhaqmid.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
famine
/faamin/ (n) gaajo, cunno weyto.
Eraybixinta Af Soomaaliga ee Hawlaha Wasaaradaha (Soomaali-Ingiriis-Talyaani) - Guddiga Af Soomaaliga [1972]
Famine
Gaajo. Aqad
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
famine
famine, n.f. - gaajo; macaluul; abaar.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
famine
n., abaar, -ti, diihaal, -ki.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fuliye
m.l (-yayaal m.l/dh) Qof hawl ama arrin hirgeliya.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
fuliye
m. n. one who escorts animals home
fuliye m. n. executor, administrator
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Fuliye
Esecutore
Executor
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fuliye
-ha: (magac, lab, keli) qofka, xil la saaray hirgeliya.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kulmin
(Kulmin-ta)
Meel isugu keenid; shirin; isgaarsiin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kulmin
m.f.dh eeg kulmi. la-mid: kulmis¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kulmin
-ta: (magac, dhedig, keli) dad, meel isugu keenid. Dh: shirin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sulmin
m.f.dh eeg sulmi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dulmane
-ha: (magac, lab, keli) qof xaquu lahaa la duudsiyey.
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Kulmiye
name-m one who holds a meeting, convener. Lit: having many relatives or followers convened at his birth or one conceived unexpectedly
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Kulmiye
magac loo baxsho wiil ay dhalashadiisu heshiis dhex dhigtay labo dhinac ama la filayo in uu noqdo nin raganimo leh oo dadka urursha.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
culminate
/kalmineyt/ (v) marxaladda ugu dambaysa gaarid (ku dhammaansho).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dulmiley
m.dh Qof dumar ah oo dulmi samaysa.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dulmiley
m.dh Qof dumar ah oo dulmi samaysa.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
efféminé
efféminé, adj. - naag u eg (nin).
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
funzióne
s.f. - shaqo u gaar ah qof ama shay.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
goldmine
/goldh-mayn/ (n) 1. meesha dahabka laga qodo (n) 2. ganacsi ama hawl faa'iido badan dhalisa.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
fine
/fayn/ (n) (v) 1. ganaax, ganaaxid (n) 2. fiican (adj) 3. aad u-dhuuban. e.g. Do you have a pencil with a fine point?
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
fine
agg. - dhuuban, fiiqan.
s.f. dhammaad.
s.m. dan.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
fine
a., baxsan, quruxsan, qurux badan; n., (penalty) caasir, -ki; v.tr., set a fine upon, caasir.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Fule
(Fula-ha)
Fuley.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fule
m.l la-mid: fuley.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
fule
m. n. coward
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fule
-ha: (magac, lab, keli) ninka cabsida badan leh. Fule hooyadii ma gablanto. Dh: fuley, fulay.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
fule
de: coward
lx: fule
pd: (/ha)
ps: n7-m
key: fule
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fuli
f.g2 (-iyay, -isay) 1. Xoolo wabax ah ama dhaan cokan ceel ka wadid. 2. Hawl ama arrin hirgelin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
fuli
f.g2 (-iyay, -isay) 1. Xoolo wabax ah ama dhaan cokan ceel ka wadid. 2. Hawl ama arrin hirgelin. m.f.dh, fulin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
fuli
v. fulfill, accomplish, carry out; restrain, hold in
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
fuli
-yey I say: (v) carry out an order [for example]; fulfil (ful-fil); also fulfill, execute (ek sikiyuuf); perform (peerfoorm) ~ dhaqangali
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fuli
(fal) arrin ama ballan aad cid isku ogaydeen sideedii uga soo bax. Dh: oofi, hirgeli. Li: baaji.
fuli: (fal) xoolaha cabbay ceelka ka dareeri oo celi. Li: aroori.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
fuli
de: fulfill, accomplish, carry out; restrain, hold in
lx: fuli
pd: (fuliyey)
ps: v2a=tr
key: fuli
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
fume
/fyuum/fumes (n) 1. uuro, qaac (v) 2. dhirfid, caro la-qarxid.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
fune
s.f. - xarig.
Qaamuuska Ereybixinta: Xisaab (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Line
Xariiq
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
line
/layn/ (n) 1. xarriiq; xarriijin 2. saf (dad ama wax safan) 3. khadka teleefoonka 4. dariiqa; jihada. 5. xirfadda qofka (shaqadiisa).
Eraybixinta Af Soomaaliga ee Hawlaha Wasaaradaha (Soomaali-Ingiriis-Talyaani) - Guddiga Af Soomaaliga [1972]
Line
Sadar
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
line
n., diilin, -ti, sadar, -ki, tax, tixi; the line, lines of the hand, herro or herriyo, -adi; range in, tax, isku tax.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
mine
/mayn/ (pron) waxayga (kayga).
mine: /mayn/ (n) 1. godka macdanta laga qodo. 2. miino xabaalid ama qarxin.
Eraybixinta Af Soomaaliga ee Hawlaha Wasaaradaha (Soomaali-Ingiriis-Talyaani) - Guddiga Af Soomaaliga [1972]
Mine
Goobmacdaneed
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
mine
mine, n.f. - godka macdanta laga qodo.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
mine
(see Grammar).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
almin
m.f.dh eeg almi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
almin
-ta: (magac, dhedig, keli) xidhashada ama barashada dhigaalka qardhaasta iyo wixii la mid ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dulin
m.l (-nno, m.dh) 1. Cayayaanka yaryar ee xoolaha ku dul nool; qaniin; deriskunnoole.. 2. la-mid: dulmi¹.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dulin
m.l (-nno, m.dh) 1. Cayayaanka yaryar ee xoolaha ku dul nool; qaniin; deriskunnoole.. 2. la-mid: dulmi¹.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dulin
-ta: (n) parasite (paarasayt) ~ noole ku dhul nool kale
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dulin
-ka: (magac, lab, keli) shilinta ku dhalata xoolaha ee ku nool dhiigooda iyo dheecaankooda. Dh: qaniin, dulan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dulmi
(Dulmi-ga)
Wax faliddoodu gardarro cid wax u dhimaysa tahay; gaboodfal; julul.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dulmi
dulmi¹: m.l Fal sameyntiisu cid xadgudub ku tahay. la-mid: dulan¹, dulin (2), dulun¹.
dulmi²: f.g1/2 (-iyay, -iday/isay; -iyi) Cid dulun ku sameyn. la-mid: dulan², dulin², dulun².
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dulmi
dulmi¹: m.l Fal sameyntiisu cid xadgudub ku tahay. la-mid: dulan, dulin, dulun.
dulmi²: f.g1/2 (-iyay, -iday/isay; -iyi) Cid dulun ku sameyn. m.dh, dulmiyid. la-mid: dulan, dulin, dulun.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dulmi
m. n. wrong, injustice, outrage
dulmi v. wrong, treat unjustly
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dulmi
-ga: (n) injustice (injastis); oppression (o-pareeshin); unjust act; inequity (in-ek-wati); harsh treatment ~ dulun, cadaadis
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dulmi
-ga: (magac, lab, keli) wax aan jid ahayn, aan cidina raalli ka ahayn in nafteeda loo gaysto. Dh: xaqdaro, gardarro. Li: xaq, gar, caddaalad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dumin
(Dumin-ta)
Wax dhisan (aqal, kd.) oo la jebsho, la soo rido.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dumin
m.f.dh eeg dumi. la-mid: dumis¹.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dumin
-ta: (n) destruction (dis-tarak-shin); demolition (dhe-mi-lishin); tearing apart ~ burburin
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Dumin
Demolizione
Demolition
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dumin
-ta: (magac, dhedig, kali) dhisme taagnaa, burburin ama baabi'in. Wax dumin way fudduddahay wax dhisidna way cululstahay. Li: dhisid.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
félin
félin, n.m. - jalaqsanaan; jiljilicsanaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Filin
(Filin-ka)
Filim.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
filin
m.l (-mmo/aflaam, m.dh) 1. Daliig dheer, dhuuban, xalleefsan oo dusha laga mariyo maaddo dareemi og iftiinka oo wax lagu sawiro. 2. Muuqaallo sawirro ah, dhaqdhaqaaqa hadala oo la daawado. 3. Fagaaraha lagu daawado aflaanta; shaneemo. la-mid: filim.
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Filin
Film
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
filin
m. n. film, movie
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
filin
-ka: (n) [pl. filamda] film (filim), movie (muu-vi), motion picture ~ filim, shaneemo
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
filin
-ka: (magac, lab, keli) cajalado ka samaysan maaddooyin iftiinka aad u dareema oo bildhaamaha sawirrada soo mara kaydsha.
filin -ka: (magac, lab, keli) masawirro isku xidhiidhsanaantooda iyo dheeraynta isdabajooggooda darteed la moodo wax dhaqdhaqaaqaya oo nool. Dh: shaneemo, sinimoo.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
filin
filin, n.m. - xadhig.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
filin
cf: shaneemo {Eng}
de: film, movie
lx: filin
pd: (-ka)
ps: n2c-m
key: filin
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
fling
/fling/ (v) 1. halgaadid, tuurid (n) 2. waqti-qaadasho (raaxaysi)
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
fling
v.tr., rid, rido, ku rid.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
flint
/flint/ (n) 1. dhagax-adag oo dhaliya is-lis dab kolkii bir lugu xoqo. (n) 2. maaddo macdan-adag ah, oo loo adeegsado dab-dhalinta sida garxisada sigaarka lugu shito.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
flint
(silex), n., dhagax madow, -gi, ducun, -ti.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
folie
folie, n.f. - waali aan miyirqab lahayn; waali.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
fuite
fuite, n.f. - cararidda; fakadka
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Fujin
(Fujin-ta)
Wax meel ku dhegsanaa xoog uga goyn; rujin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fujin
m.f.dh eeg fuji.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fujin
-ta: (magac, dhedig, keli) wax meel ku dheg sanaa xoog uga goyn; xididdada u siibid, wax meeshiisii laga soo gooyo. Dh: rujin, rugin, fujis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Fulid
(Fulid-da)
1. (xoolo) meesha ay u soo arooreen oo biyaha ka cabbeen kategid, ka noqosho.
2. (arrin) meel marid; dhaboodid; dhaqan gelid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fulid
m.f.dh eeg ful.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fulid
-da: (magac, dhedig, keli) geel ka noqosho adoo biyo wata ama waraabshay xoolahii. Xooluhu way cabbeen oo fulid bay u dhaqaaqeen. Dh: fulis.
fulid-da: (magac, dhedig, keli) arrin iyo talo lagu jiray, dhaboobid oo dhaqangelid. Dh: meelmarid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fulis
-ka: (magac, lab, keli) eeg fulin.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
fumée
fumée, n.f. - qiiq
nuage de fumée. - buuq; arbush.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
furie
furie, n.f. - xanaaq aad kulul.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Furin
(Furin-ta)
Cad maro ah oo aan weyneyn; go'; qeyd.