fullaacsi
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fullaacsi
m.l la-mid: fullaacsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fullaaci
f.g2 (-iyay, -isay) Wax, wax uu ka mid ahaa ka dillaacin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
fullaaci
v. detach, separate, take off, remove
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
fullaaci
-yey / say: (v) break, burst, or rip apart with force into layers: split (ispiliit); rend (reendh)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fullaaci
(fal) ka la dillaaci wax isku yaalla. Ka la fullaaci qoriga. Dh: jeex.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
fullaaci
de: detach, separate, take off, remove
lx: fullaaci
pd: (fullaaciyey)
ps: v2a=tr
key: fullaaci
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fullaacso
f.g3 (-saday, -satay) Wax, wax kale ka dillaacsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fullaacso
(fal) wax meel ka soo gooso ama ka soo jeexo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fullaacsad
m.l la-mid: fullaacsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fullaacsad
-ka: (magac, lab, keli) wax meel ku yaalla, soo rujisad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fullaacsan
f.mg4 (-naa, -nayd) Wax la fullaaciyey ahaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fullaacsan
(tilmaame) kala dillaacsan; kala jeeman; kala jeexan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fullaac
fullaac¹: m.l (-cyo m.dh) Cad yar oo ka soo dillaacay shay uu ka mid ahaa (qori).
fullaac²: f.mg1 (-cay, -cday) Cad yar sida qori iyo wixi lamida shay uu ka mid ahaa ka soo dillaacid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
fullaac
m. n. piece ~ splinter that is separated from something longitudinal; part separated from the whole (an animal from the flock)
fullaac v. detach, be separated, come off
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fullaac
(fal) wax meel ku dheggan ama wax kale oo socda, ka soo dhanbalan oo ka soo jeexan.
Ereybixinta Qalabka Farsamada Gacanta - Maxamuud Iimaan Aadan [1975]
Fullaac
Xalleef, xalluuf. Qoriga waxaa ka jabay loox yar oo xalluuf ah.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hullaaci
(fal) mantag, soo daa oo si badan u shub. Dh: butaaci.
hullaaci: (fal) shaaca ka qaad arrin dadka ka qarsoonayd. Dh: kashif, caddee, sheeg.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dillaacsi
m.l la-mid: dillacsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dillaacsi
-ga: (magac, lab, keli) eeg dillaacsasho.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
fullaac_1
de: piece ~ splinter that is separated from s.t. longitudinal; part separated from the whole (an animal from the flock)
hm: 1
lx: fullaac
pd: (-a)
ps: n2a-m
key: fullaac_1
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
fullaac_2
de: detach, be separated, come off
hm: 2
lx: fullaac
pd: (fullaacay)
ps: v1=intr
key: fullaac_2
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fullaacid
m.f.dh eeg fullaac².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fullaacid
-da: (magac, dhedig, keli) ka soo go'id; ka soo dhanbalmid; ka soo jeexmid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fullaacin
m.f.dh eeg fullaaci.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fullaacin
-ta: (magac, dhedig, keli) walax kala rujin oo kala soocid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
mullaaxsi
m.l la-mid: mullaaxsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mullaaxsi
-ga: (magac, lab, keli) mullaaxda ka diirasho. Laanta mullaaxsi ayaan u qaatay. Dh: mullaaxsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fullac
-a: (magac, lab, keli) eeg fullaac.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dillaaci
f.g2 (-iyay, -isay) Wax dillaac u yeelid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dillaaci
f.g2 (-iyay, -isay) Wax dillaac u yeelid. m.f.dh, dillaacin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dillaaci
v. crack, rupture; tear something off
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dillaaci
-yey I say: (v) tear up (teerap); rend (rend); burst (beerst); break (bareek); rip apart with force; split (ispiliit) ~ jeexjeex
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dillaaci
(fal) maro iyo wax la mid ah, kala jeex. Dillaaci marada oo nabarka ku duub.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dillaaci
de: crack, rupture; tear s.t. off
lx: dillaaci
pd: (dillaaciyey ~ dillaacshey)
ps: v2a=tr
key: dillaaci
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Furaadsi
(Furaadsi-ga)
Furaadsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
furaadsi
m.l la-mid: furaadsasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
furaadsi
vl. n. act of carrying a baby ~ some object on the back
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
furaadsi
-ga: (magac, lab, keli) eeg furaadsasho.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
furaadsi
a: furaadsasho (/da) [vn6-f]
de: act of carrying a baby ~ some object on the back
lx: furaadsi
pd: (-ga)
ps: vn2a-m
key: furaadsi
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kullaabi
(Kullaabi-da)
1. Xiddo weyn oo ballaaran.
2. Marada xiddadaas leh, lafteeda.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kullaabi
m.dh (-iyo, m.l) 1. Xiddo weyn oo ballaaran. 2. Marada xiddadaas leh lafteeda.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
kullaabi
f. n. fringe, wide decorative border (on a cloth)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kullaabi
-da: (magac, dhedig, keli) xiddo wayn oo ballaadhan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
kullaabi
de: fringe, wide decorative border (on a cloth)
lx: kullaabi
pd: (-da)
ps: n1-f
key: kullaabi
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
mullaaxi
f.g2 (-iyay, -isay) Geed mullaax ka diirid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mullaaxi
(fal) geed mullaax ka diir.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ballaarsi
m.l la-mid: ballaarsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bullaacad
m.dh (-do, m.l) God musqul, dhuumaha qaada wasakhda musqulaha.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
bullaacad
m.dh (-do, m.l) God musqul, dhuumaha qaada wasakhda musqulaha.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dillaacso
f.g3 (-saday, -satay) Wax qayb ka jeexasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dillaacso
v. tear, crack open for oneself
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dillaacso
(fal) maro iyo wax la mid ah, in ka jeexo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dillaacso
de: tear, crack open for oneself
lx: dillaacso
pd: (dillaacsaday)
ps: v3a=
key: dillaacso
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hullaacin
-ta: (magac, dhedig, keli) xoog u hunqaacid. Dh: hullaacis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hullaanji
(fal) (ka ~) bahal iyo wixii la mid ah, ka cadhaysii. Dh: dhidhi.
hullaanji: (fal) qoryo dab dul yaal isku ururi. Dabka hullaanji aqalkiibaa nagu madoobaaday.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
mullaaxso
f.mg3 (-saday, -satay) Geed mullaax ka diirasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mullaaxso
(fal) mullaax ka diiro. Mullaaxso laant oo xobki. Dh: mulaaxso.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tallaabsi
m.l la-mid: tallaabsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tallaabsi
-ga: (magac, lab, keli) u holladka in la dhaqaaqo. Tallaabsiga dedeji.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tillaabsi
m.l la-mid: tallaabsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tillaabsi
-ga: (magac, lab, keli) tallaabsasho; tallaabsad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fullaacsasho
m.f.dh eeg fullaacso. la-mid: fullaacsad, fullaacsi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fullaacsasho
-da: (magac, dhedig, keli) in ka soo goosasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ballaadhsi
-ga: (magac, lab, keli) firkisashada wax duubnaa ama koobnaa.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cilladaysi
-ga: (magac, lab, keli) eeg cilladaysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dillaacsad
m.l la-mid: dillaacsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dillaacsan
Jeexniin ku yaal; jeexan; dhanbalan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dillaacsan
f.mg4 (-naa, -nayd) Wax dillaac leh ahaansho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dillaacsan
f.mg4 (-naa, -nayd) Wax dillaac leh ahaansho. m.f.dh, dillaacsanaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dillaacsan
der. [adjective] cracked, ruptured; torn
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dillaacsan
(adj) torn (toon); rended (reendhidh); shredded (sha-reedhidh); cracked (kraakidh)
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dillaacsan
de: cracked, ruptured; torn
lx: dillaacsan
pd: (dillaacsanaa)
ps: adj-der
syn: dhanbalan, jeexan
key: dillaacsan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dullalaati
-ga: (magac, lab, keli) dalool yar oo ka bannaan wax is haysta ama jiq oo cirku muuqdo iga hayaa. Dh: dululaati.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Fallaansho
(Fallaansha-ha)
Qof la falay ama sixran ahaansho; sixranaan; waallaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
fallaansho
vl. n., stative v. state of being bewitched
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
fallaansho
de: state of being bewitched
lx: fallaansho
pd: (/ha)
ps: vn6-m-st
key: fallaansho
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Fillaansho
(Fillaansha-ha)
Wax wax ku filan ahaansho; deeqid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
fillaansho
vl. n., stative v. sufficing, sufficiency, state of being sufficient
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
fillaansho
-fillaanshaha: (n) [with preposition ku] the state of being sufficient; sufficiency (safi shan si); adequacy (aadhik-wasi)
isku fillaansho -ha: (n) self-reliance (salaf-ri-laayan si), self-confidence, independence
ku fillan -aa: (adj) sufficient, adequate (saf-fi-shint), (adhik weeyr); enough (i-naaf)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fillaansho
-ha: (magac, lab, keli) ku kaaftoomid ama deeqid intii looga baahnaa. Dh: deeqid.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
fillaansho
de: sufficing, sufficiency, state of being sufficient
lx: fillaansho
pd: (/ha)
ps: vn6-m-st
key: fillaansho
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Galladaysi
(Galladaysi-ga)
Galladaysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
galladaysi
m.l la-mid: galladaysasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
galladaysi
-ga: (magac, lab, keli) cid kale, nimcad iyo wanaag siin. Dh: gallaysasho, galladaysad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
illaacaysi
m.l la-mid: illaacaysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
lallabaysi
m.l la-mid: lallabaysasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
lallabaysi
-ga: (magac, lab, keli) lallabaysasho: lallabaysad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
mullaaxsad
m.l la-mid: mullaaxsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mullaaxsad
-ka: (magac, lab, keli) mullaaxda ka diirasho. Laanta mullaaxsad kuma hadhin. Dh: mulaaxsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
walalaaxsi
-ga: (magac, lab, keli) socod lugaha la kala fogeeyo oo ay isdhawridi ku jirto. Dh: waadhwaadhsi, waarwaarsi.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dhulbalaarsi
-ga: (n) territorial expansion (tere-tori-yaal ikis-paan-shin)
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baacsi
m.l la-mid: baacsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baacsi
-ga: (magac, lab, keli) wax duubnaa ama laabnaa, fidsasho oo ballaadhsasho. Dh: ballaadhsi, fidsi.
baacsi -ga: (magac, lab, keli) cid kale, aad u eryasho oo caydhsi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
faarsi
faarsi¹: m.l la-mid: faarsasho.
faarsi²: m.l Noocyada kallunka ka mid ah. la-mid: faardi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
faarsi
-ga: (magac, lab, keli) jaad kalluunka ka mid ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
falaas
m.l 1. Nooc ka mid ah cayaaraha turubka oo qof kasta oo cayaaraya saddex xabbo la siiyo. 2. Tarmuus.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
falaas
m.l 1. Nooc ka mid ah cayaaraha turubka oo qof kasta oo cayaaraya saddex xabbo la siiyo. 2. Tarmuus.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
falaas
-ka: (n) porker (poo-ker)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
falaas
-ka: (magac, lab, keli) weel shaaha iyo biyaha lagu shubto, oo qabawga iyo kulaylka labadaba xajiya. Dh: darmuus.
falaas-ka: (magac, lab, keli) jaad cayaaraha turubka ka mid ah oo qof kasta oo cayaaraya saddex xabbo la siiyo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fujaas
fujaas¹: m.l la-mid: fajaas¹.
fujaas²: f.g1 (-say, -stay) la-mid: fajaas².