fududaysad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fududaysad
m.l la-mid: fududaysasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fududaysad
-ka: (magac, lab, keli) culays iskaga dhigid la'aan. Dh: fududaysasho, fududaysi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fududaad
-ka: (magac, lab, keli) culays yaraan; wax fudud noqodka.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fududays
-ka: (magac, lab, keli) eeg fududayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fududaysi
m.l la-mid: fududaysasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fududaysi
-ga: (magac, lab, keli) eeg fududaysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fududayso
f.mg3 (-stay, -satay) 1. Wax culus fudayd ka dhigasho. 2. Wax adag sahal ka dhigasho. la-mid: fudaydso.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
fududayso
f.mg3 (-stay, -satay) 1. Wax culus fudayd ka dhigasho. 2. Wax adag sahal ka dhigasho. m.f.dh, fududaysasho. la-mid: fudaydso.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
fududayso
v. make something light; keep something easy; take lightly, belittle, undervalue
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fududayso
(fal) arrin, dhacdo iyo wixii la mid ah, wax fudud ka dhigo; culays ha iskaga dhigin.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
fududayso
a: fudaydso
de: make s.t. light; keep s.t. easy; take lightly, belittle, undervalue
lx: fududayso
pd: (fududaystay)
ps: v3b=tr
key: fududayso
Qaamuuska Ereybixinta: Xisaab (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Fududeysan
Simplified
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ladid
-da: (magac, dhedig, keli) si deggenaansho ku jiro u gam'id. Dh: ledid, ladis.
ladid-da: (magac, dhedig, keli) fudaydsiga hawl ay ahayd in la qabto. Dh: dhayalsi, fududaysad, dacdarrayn, sahlasho, ledid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sagrad
-ka: (magac, lab, keli) isku ladid; fududaysad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fududaysasho
m.f.dh eeg fududayso. la-mid: fudaydsad, fudaydsasho, fudaydsi, fududaysad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fududaysasho
-da: (magac, dhedig, keli) sahlasashada wax adayg laga filanayay.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fududay
(fal) culayska miisaanka wax ka dhin; wax aan cuslayn ka dhig.
fududay: (fal) hawl iyo wixii la mid ah, mid fudud oo dhib yar ka dhig.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fuudsad
m.l la-mid: fuudsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ududsad
-ka: (magac, lab, keli) maaraynta iyo abaabulka qorshe ama hawl cusub.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Fududaan
(Fududaan-ta)
Fudayd ahaan; culays la'aan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fududaan
m.f.dh eeg fudud. la-mid: fudayd, fudfudayd, fududaansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
fududaan
f. n., [abstract] lightness, easiness; state of being impatient
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fududaan
-ta: (magac, dhedig, keli) hawl yaraan; sahlanaan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
fududaan
de: lightness, easiness; state of being impatient
lx: fududaan
pd: (-ta)
ps: n0-f-abs
key: fududaan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Fududayn
(Fududayn-ta)
Fudayd ama wax fudud ka dhigid; culayska iyo dhibta ka bi'in.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fududayn
m.f.dh eeg fududee. la-mid: fudaydin.
Qaamuuska Ereybixinta: Xisaab (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Fududayn
Simplification
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
fududayn
f. n. easing, lightening; simplification; privilege, advantage
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
fududayn
-ta: (n) the act of making easy; simplification (simplifikeey- shin); facilitate (fasi li teyt)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fududayn
-ta: (magac, dhedig, keli) hawl mid sahlan ka dhigid, hawsha, mid fudud oo dhib yar ka dhigid. Dh: fududays.
fududayn -ta: (magac, dhedig, keli) culayska miisaanka wax ka dhimid. Dh: fududays.
fududayn-ta: (magac, dhedig, keli) si sahlan u dhigid. 1/2 waa fududaynta 5/10.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
fududayn
de: easing, lightening; simplification; privilege, advantage Alt sp: fududeyn
lx: fududayn
pd: (-ta)
ps: n2-f
key: fududayn
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kuddayad
(Kuddayad-ka)
Kuddayasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kuddayad
m.l la-mid: kuddayasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
kuddayad
vl. n. imitation, act of imitating
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kuddayad
-ka: (magac, lab, keli) qof wax uu sameeyaba kadaba samayn. Dh: iskayeelyeelid.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
kuddayad
a: kuddayasho (/da) [vn6-f]
de: imitation, act of imitating
lx: kuddayad
pd: (-ka)
ps: vn2a-m
key: kuddayad
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
uuraysad
-ka: (magac, lab, keli) uur yeelasho: cunug uurka haweenay ugu abuurmid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aaddaysad
-ka: (magac, lab, keli) cid kale, walaal iyo ehel ka yeelasho. Dh: huunnaysad, boowaysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
caddaysad
m.l la-mid: caddaysasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caddaysad
-ka: (magac, lab, keli) aragti u badheedhid; caddaysasho; bareerid.
caddaysad -ka: (magac, lab, keli) shaah iyo wax la mid ah, caano ku darsasho; caddaysad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fudaydsad
m.l la-mid: fududaysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fudfudayd
m.l la-mid: fududaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fudfudayd
-ka: (magac, lab, keli) abuur ahaan, firfircooni qofku u dhasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
guulaysad
-ka: (magac, lab, keli) guul helid; libin gaadhid; imtixaan helis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
muddaysan
(tilmaame) muddo go'an leh; muddo cayiman loo qabtay ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
siddaysad
m.l la-mid: siddaysasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tuugaysad
-ka: (magac, lab, keli) wax xadida; wax aan la arkayn ama aan raali laga ahayn xadid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xiddaysad
m.l la-mid: xiddaysasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
uduufaysad
-ka: (magac, lab, keli) wax liita ka dhigasho. Ganacsadahaasi, uduufaysadka wax buu ku jabsadaaye is ka jir.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
faadhumaysad
-ka: (magac, lab, keli) sallixidda iyo bannaysashada uu qof ama neef meel fadhi u bannaysto ama hagaajisto. Dh: gaafasho.
faadhumaysad -ka: (magac, lab, keli) neef geel ab oo dhedig, kolka loo godlo ee la doonayo in la lisa a lugaha kala durkin. Hashu kolkaa labada lugood bay dib ula baxdaa oo lisid bay isu diyaarisaa, Dh: faadhumaysasho, faadhumaysi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cudurdaarad
-ka: (magac, lab, keli) gef la sameeyay, garawshiinyo iyo wax laga garaabi karo ku sababayn. Dh: raalligelin, garowshiinyo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
faa'idaysad
-ka: (magac, lab, keli) wax aanad hore u hayn, soo biirso oo faa'ideyso.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
faarumaysad
m.l la-mid: faarumaysasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
faarumaysad
-ka: (magac, lab, keli) geel, kolka la lisayo, lugaha kala firkin. Dh: faadhumaysad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fududaansho
m.l/dh eeg fududow. la-mid: fududaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fududaansho
-ha: (magac, lab, keli) mid aan cuslayn ahaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qurdudumsad
m.l la-mid: qurdudumsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhuqdhuqaysad
m.l la-mid: dhuqdhuqaysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
duudsad
m.l la-mid: duudsasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
fulayad
f. n. coward (female)
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
fulayad
-da: (n) coward woman [female]
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
fulayad
de: coward (female) Alt sp: fuleyad
lx: fulayad
pd: (-da)
ps: n1-f
key: fulayad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Fuuqsad
(Fuuqsad-ka)
Fuuqsasho; fuuqsi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fuuqsad
m.l la-mid: fuuqsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fuuqsad
-ka: (magac, lab, keli) dhammaynta wax, iyada oo aan waxba laga tegeyn; wada dhammaysi. Dh: fuuqsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
muddays
-ta: (magac, lab, keli) muddo la wada og yahay qabasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
muudsad
-ka: (magac, lab, keli) wax muud leh carrabka iyo faruuryaha ku nuugid iyadoo muudka neef dib loogu jiidayo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ufaysad
-ka: (magac, lab, keli) wax qadhmuun ka dhigasho. Wax ufaysadkiisa ayaa aad u badan. Dh: ufaysasho, ufaysi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
adkaysad
m.l la-mid: adkaysasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
adkaysad
-ka: (magac, lab, keli) «u» u dhabaradaygga iyo xammilidda wax culus ama dhib badan leh. Marka la isla oogsado, u adkaysadkaagaan. inanyahaw ka yaabaa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Bunaysad
(Bunaysad-ka)
1. Bun cabbid.
2. Sharuur cunid ama marsad; bunaysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bunaysad
m.l la-mid: bunaysasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
bunaysad
vl. n. drinking coffee; eating coffee beans
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bunaysad
-ka: (magac, lab, keli) bun samaysasho.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
bunaysad
de: drinking coffee; eating coffee beans
lx: bunaysad
pd: (-ka)
ps: vn2-m
key: bunaysad
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
cududaar
-ka: (n) excuse (ekis kiyuus), justification (jas-ti-fikaayshin); alibi (alabaay) ~ cududaar
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dadabsad
m.l la-mid: dadabsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dadabsad
-ka: (magac, lab, keli) ka leexsashada qof habkii uu u dhaqmayey. Dadabsadka dadka waalan ka ilaasho carruurta.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Danaysad
* (Danaysad-ka)
Danaysasho; danaysi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
danaysad
m.l la-mid: danaysasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
danaysad
vl. n. following after one's own interests; self-seeking
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
danaysad
-ka: (magac, lab, keli) dan la imasho.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
danaysad
a: danaysasho (/da) [vn6-f], danaysi (-ga) [vn2-m]
de: following after one's own interests; self-seeking
lx: danaysad
pd: (-ka)
ps: vn2-m
key: danaysad
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
ducaysan
-aa / ayd: (adj) blessed
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ducaysan
(tilmaame) qof loo duceeyey oo doobir qaba.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Duceysad
(Duceysad-ka)
Duceysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
duceysad
m.l la-mid: duceysasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
duceysad
-ka: (magac, lab, keli) duco samaysasho. Dh: ducaysad; ducaysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dufaysan
(qof) duf qaba ama duf ku baxay; Alle doorshey.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dufaysan
f.mg4 (-snaa, -snayd) Wax la dufeeyey ahaansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dufaysan
der. [adjective] gone from good to bad, degraded; humiliated, disgraced
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dufaysan
(adj) disgraced (dis-graysidh); degraded (di-gareeydhidh) ~ liita
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dufaysan
(tilmaame) wax baaba'san oo la xumeeyey.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dufaysan
de: gone from good to bad, degraded; humiliated, disgraced
lx: dufaysan
pd: (dufaysnaa)
ps: adj-der
key: dufaysan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Facaysad
(Facaysad-ka)
Facaysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
facaysad
m.l la-mid: facaysasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
facaysad
-ka: (magac, lab, keli) in uu qof kale kula fac yahay ku doodid; factirsasho la factirsado.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
filaysad
m.l la-mid: facaysasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
filaysad
-ka: (magac, lab, keli) cid kale, fil iyo fac la mid ah ka dhigasho.
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Fududavn
Facilitazione
Facilitation