fudaydsi
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fudaydsi
m.l la-mid: fududaysasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fudaydsi
-ga: (magac, lab, keli) dhayalsiga waajib iyo xil.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fudaydi
f.g2 (-iyay, -isay) la-mid: fududee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fudaydi
(fal) hawl iyo wax la mid ah, ku gacan dhakhso qabashadeeda.
fudaydi: (fal) miisaanka, culayskiisa yaray oo wax ka dhin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fudaydso
f.g3 (-saday, -satay) la-mid: fududayso.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
fudaydso
v. make something light ~ easy; take lightly, belittle, undervalue
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fudaydso
(fal) wax dhayalso oo xil ha iska saarin.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
fudaydso
de: make s.t. light ~ easy; take lightly, belittle, undervalue
lx: fudaydso
pd: (fudaydsaday)
ps: v3a=tr
see: fududayso
key: fudaydso
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fududaysasho
m.f.dh eeg fududayso. la-mid: fudaydsad, fudaydsasho, fudaydsi, fududaysad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
basarxun
-ta: (magac, dhedig, keli) haweenay fudaydsi badan oo hannaaninta aqalkeeda ka wahsata. Basarxun lama guursado. Dh: basari.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhayalsi
-ga: (magac, lab, keli) fudaydsi ama yaraysi ama isku hawlid la'aan. Dh: fudaydsi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fallawaalli
-da: (magac, dhedig, keli) shaqo si fudud oo aan daacadnimo ku jirin u qabasho. Dh: fudaydsi.
fallawaalli-da: (magac, dhedig, keli) sixir ama fal lala waasho. Dh: waalli. Li: fayoobi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
halladaad
-da: (magac, dhedig, keli) fudaydsi wax la dhayalsanayo. Halladaadda maad iska daysid.
halladaad -da: (magac, dhedig, keli) xoolo si masuuliddarro ah u baylihin. Dh: daranyo, baylah, dayac. Li: baylahtir, dayactir.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hawlyaraysi
-ga: (magac, lab, keli) cagajiid iyo fudaydsi hawlaha, iyada oo aan culays badan la saarin. Dh: fududaysi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ladid
-da: (magac, dhedig, keli) si deggenaansho ku jiro u gam'id. Dh: ledid, ladis.
ladid-da: (magac, dhedig, keli) fudaydsiga hawl ay ahayd in la qabto. Dh: dhayalsi, fududaysad, dacdarrayn, sahlasho, ledid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fudaydsad
m.l la-mid: fududaysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Fudayd
(Fudayd-ka)
Culays iyo dhib la'aan; si fudud; sahal.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fudayd
m.l 1. Culaysyaraanta wax leeyihiin. 2. Dabci wax ka fiirsasho la'aaneed oo qof ku sifoobo. 3. la-mid: fududaan. Firfircooni.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
fudayd
m.l 1. Culaysyaraanta wax leeyihiin. 2. Dabci wax ka fiirsasho la'aaneed oo qof ku sifoobo. 3. la-mid: fududaan. Firfircooni.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
fudayd
m. n., [abstract] simplicity, easiness, lightness
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
fudayd
-ka: (n) the act of being not heavy: lightness (leeytnes); easiness (ii zi nes) simpleness ~ sahalnimo
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fudayd
-ka: (magac, lab, keli) wax miisaan yar.
fudayd-ka: (magac, lab, keli) culays iyo dhib la'aan.
fudayd -ka: (magac, lab, keli) qof aan dulqaad iyo dabeecad fiican lahayn.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
fudayd
de: simplicity, easiness, lightness
lx: fudayd
pd: (-ka)
ps: n2a-m-abs
key: fudayd
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fudaydin
m.dh la-mid: fududayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fudaydin
-ta: (magac, dhedig, keli) culays yarayn; miisaan ka dhimid. Dh: fudaydis.
fudaydin -ta: (magac, dhedig, keli) ku gacandhakhsashada hawl la qabanayo. Dh: fududays.
fudaydin-ta: (magac, dhedig, keli) itixaan iyo wax la mid ah, wax aan adkayn ka dhigid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fudaydis
-ka: (magac, lab, keli) eeg fudaydin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Furaadsi
(Furaadsi-ga)
Furaadsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
furaadsi
m.l la-mid: furaadsasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
furaadsi
vl. n. act of carrying a baby ~ some object on the back
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
furaadsi
-ga: (magac, lab, keli) eeg furaadsasho.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
furaadsi
a: furaadsasho (/da) [vn6-f]
de: act of carrying a baby ~ some object on the back
lx: furaadsi
pd: (-ga)
ps: vn2a-m
key: furaadsi
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fududaysi
m.l la-mid: fududaysasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fududaysi
-ga: (magac, lab, keli) eeg fududaysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fudaydsasho
m.dh la-mid: fududaysasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fudaydsasho
-da: (magac, dhedig, keli) dhayalsiga hawl ama xil ku saarnaa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dayrsi
m.l la-mid: dayrsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fedadi
(fal) sas iyo argagax lala cararo ku rid. Fedadi tuugta oo eryo. Dh: argagixi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fidays
-ka: (magac, lab, keli) eeg fidayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
futays
-ka: (magac, lab, keli) eeg futayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fuudsi
m.l la-mid: fuudsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kaydsi
m.l la-mid: kaydsasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
kaydsi
vl. n. saving, economy, preserving
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
kaydsi
-ga: (n) storing (istooring)-, stockpiling (istaakpaayling) ~ kaydin -ta
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kaydsi
-ga: (magac, lab, keli) wax urursi; wax dhigasho. Dh: maradhaadhsi.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
kaydsi
de: saving, economy, preserving Alt sp: keydsi
lx: kaydsi
pd: (-ga)
ps: vn2a-m, vn7-m
key: kaydsi
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
udarsi
-ga: (magac, lab, keli) qof ama wax kale, aad ugu baahasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ududsi
-ga: (magac, lab, keli) eeg udubsad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ufaysi
-ga: (magac, lab, keli) wax qadhmuun ka dhigasho. Ku maad ku xumaynaysa wax ufaysigan badheedhka ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bunaysi
m.l la-mid: bunaysasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bunaysi
-ga: (magac, lab, keli) eeg bunaysasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cadaysi
-ga: (magac, lab, keli) cadaysasho oo badheedhid.
cadaysi -ga: (magac, lab, keli) wax cad ka dhigasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
culaysi
f.g2 (-iyay, -isay) Wax culays saarid; cuslayn.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
culaysi
f.g2 (-iyay, -isay) Wax culays saarid; cuslayn. m.f.dh, culaysin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
culaysi
v. make heavy
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
culaysi
-yey / say: (v) make heavy or heavier; add weight (weeyt) ~ culaabee
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
culaysi
(fal) wax culus saar. Li: fududee.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
culaysi
de: make heavy
lx: culaysi
pd: (culaysiyey)
ps: v2a=
key: culaysi
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Eedaysi
(Eedaysi-ga)
Eed isu qabsi; garramid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
eedaysi
m.l la-mid: eedaysasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
eedaysi
m. n. accusation
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
eedaysi
-ga: (magac, lab, keli) cid kale, denbi ku eedayn.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
eedaysi
de: accusation
lx: eedaysi
pd: (-ga)
ps: n2-m
key: eedaysi
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Facaysi
(Facaysi-ga)
Facaysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
facaysi
m.l la-mid: facaysasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
facaysi
-ga: (magac, lab, keli) eeg facaysad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fanaysi
m.l la-mid: fanayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fanaysi
-ga: (magac, lab, keli) dhugdhugleyda, gammaanka iyo wixii la mid ah, xagga danbe fadhiisad.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
fidarsi
v.rifl. aaminid, ku kalsoonaasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Filaysi
(Filaysi-ga)
Filaysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
filaysi
m.l la-mid: facaysasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
filaysi
-ga: (magac, lab, keli) eeg filaysad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
furaadi
(fal) xal u hel. Adaa falaye furaadi. Dh: maaree, maaroodi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
furayso
f.g3 (-stay, -satay) Wax fur ku xirasho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
furayso
f.g3 (-stay, -satay) Wax fur ku xirasho. m.f.dh, furaysasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
furayso
v. put a lid ~ plug on for one's own benefit; obstruct
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
furayso
(fal) meel bannaanayd, fur ama dabool gasho.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
furayso
de: put a lid ~ plug on for one's own benefit; obstruct
lx: furayso
pd: (furaystay)
ps: v3b=tr
key: furayso
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gufaysi
m.l la-mid: gufaysasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gumaysi
-ga: (magac, lab, keli) dad iyo dhulkoodii oo cid kale oo dibad kaga timi haysato. Li: xornimo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hutaysi
-ga: (magac, lab, keli) is waydiisi calool xaadhasho ah. Hadaad iga hutayseen inaan, hadal idiin deexdo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kuraysi
(Kuraysi-ga)
Kuraysasho; kur; sagaalays.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kuraysi
m.l la-mid: kuraysasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kuraysi
-ga: (magac, lab, keli) hooyo haddeed umul u diyaar ah, kuraysasho. Dh: taraaraysi, sagaalaysi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
madaysi
-ga: (magac, lab, keli) made u yeelasho. Madaysiga beertaada ha lagula joogo. Dh: xadaysi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
midaysi
-ga: (magac, lab, keli) mid ka dhigasho. Midaysiga iska daa oo labayso. Dh: midaysasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mutaysi
-ga: (magac, lab, keli) xaq u yeelasho hedel iyo waxqabad lagu gaadho oo dadka kale looga hormaro; wax wanaagsan oo hedel dadka kale lagaga horreeyo lagu gaadho inta ogina ay girto. Dh: galabsi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qubaysi
-ga: (magac, lab, keli) jidhka maydhasho. Dh: maydhi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
rumaysi
m.l la-mid: rumaysasho.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
uuraysi
-ga: (n) conception (kon-sep-shiriy, conceiving (kon-ziiv-ing)-, getting pregnant ~ uur qaadid
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
uuraysi
-ga: (magac, lab, keli) haweeney uur yeelasho. Dh: rimid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xadaysi
-ga: (magac, lab, keli) eeg xadaysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
furaadso
f.g3 (-saday, -satay) Carruur furaad ku xambaarasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
furaadso
v. carry a baby in a sling; carry something on one's back
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
furaadso
(fal) furaad ku xambaaro; sida furaadka loo qaato oo kale, u qaado.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
furaadso
de: carry a baby in a sling; carry s.t. on one's back
lx: furaadso
pd: (furaadsaday)
ps: v3a=
key: furaadso
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kuudadsi
-ga: (magac, lab, keli) fadhi foolxun yoxoobsi. Dh: kamandhuur.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
muddaysi
-ga: (magac, lab, keli) muddo qabsasho. Dh: ballanxidhid, ballamid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Muraadsi
(Muraadsi-ga)
Muraad (ku) qunsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
muraadsi
m.l la-mid: muraadsasho.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
feudalism
/fiyuudalisim/ (n) dhul-goosi (nidaamkii dhul-goosiga)