fudaydis
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fudaydis
-ka: (magac, lab, keli) eeg fudaydin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fudaydi
f.g2 (-iyay, -isay) la-mid: fududee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fudaydi
(fal) hawl iyo wax la mid ah, ku gacan dhakhso qabashadeeda.
fudaydi: (fal) miisaanka, culayskiisa yaray oo wax ka dhin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fudaydin
m.dh la-mid: fududayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fudaydin
-ta: (magac, dhedig, keli) culays yarayn; miisaan ka dhimid. Dh: fudaydis.
fudaydin -ta: (magac, dhedig, keli) ku gacandhakhsashada hawl la qabanayo. Dh: fududays.
fudaydin-ta: (magac, dhedig, keli) itixaan iyo wax la mid ah, wax aan adkayn ka dhigid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Fudayd
(Fudayd-ka)
Culays iyo dhib la'aan; si fudud; sahal.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fudayd
m.l 1. Culaysyaraanta wax leeyihiin. 2. Dabci wax ka fiirsasho la'aaneed oo qof ku sifoobo. 3. la-mid: fududaan. Firfircooni.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
fudayd
m. n., [abstract] simplicity, easiness, lightness
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
fudayd
-ka: (n) the act of being not heavy: lightness (leeytnes); easiness (ii zi nes) simpleness ~ sahalnimo
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fudayd
-ka: (magac, lab, keli) wax miisaan yar.
fudayd-ka: (magac, lab, keli) culays iyo dhib la'aan.
fudayd -ka: (magac, lab, keli) qof aan dulqaad iyo dabeecad fiican lahayn.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
fudayd
de: simplicity, easiness, lightness
lx: fudayd
pd: (-ka)
ps: n2a-m-abs
key: fudayd
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fudaydsi
m.l la-mid: fududaysasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fudaydsi
-ga: (magac, lab, keli) dhayalsiga waajib iyo xil.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fudaydso
f.g3 (-saday, -satay) la-mid: fududayso.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
fudaydso
v. make something light ~ easy; take lightly, belittle, undervalue
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fudaydso
(fal) wax dhayalso oo xil ha iska saarin.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
fudaydso
de: make s.t. light ~ easy; take lightly, belittle, undervalue
lx: fudaydso
pd: (fudaydsaday)
ps: v3a=tr
see: fududayso
key: fudaydso
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fudaydsad
m.l la-mid: fududaysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Furdaamis
(Furdaamis-ka)
Furdaamin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
furdaamis
m.l la-mid: furdaamin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
furdaamis
vl. n. act of lifting a spell, exorcism
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
furdaamis
-ka: (n) exorcism (eksorsiisim)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
furdaamis
-ka: (magac, lab, keli) eeg furdaamin.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
furdaamis
de: act of lifting a spell, exorcism
lx: furdaamis
pd: (-ka)
ps: vn2a-m
key: furdaamis
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fudaydsasho
m.dh la-mid: fududaysasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fudaydsasho
-da: (magac, dhedig, keli) dhayalsiga hawl ama xil ku saarnaa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Cuddis
(Cuddis-ka)
(samayo, waran) gilgilid; kilkilid; ka gariirsiin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cuddis
m.l la-mid: cuddin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cuddis
-ta: (magac, dhedig, keli) samay, waran iyo wixii la mid ah, gilgilid ama ka gariirsiin. Dh: gilgilid, kilkilid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daadis
m.l la-mid: daadin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daadis
-ka: (magac, lab, keli) eeg daadin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dayris
m.l la-mid: dayrin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dayris
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg dayrin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
faadis
-ta: (magac, dhedig, keli) rogidda maro ama daah. Dh: faadid.
faadis-ta: (magac, dhedig, keli) hurdo daal keenay la gam'id; hurdo aan waxba lala dareemin gam'id.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
faydid
-da: (magac, dhedig, keli) eeg faydasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fedadi
(fal) sas iyo argagax lala cararo ku rid. Fedadi tuugta oo eryo. Dh: argagixi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
feydis
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg feydid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fidays
-ka: (magac, lab, keli) eeg fidayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
futays
-ka: (magac, lab, keli) eeg futayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fuudis
-ta: (magac, dhedig, keli) fuud ama wax la mid ah, nuugis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xaydis
-ta: (magac, dhedig, keli) dhiig xayd ah keenis.
xaydis -ta: (magac, dhedig, keli) lugaha xaggooda hoose qaawin oo marada ka soo laalaabid. Dh: xaydid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fededis
-ka: (magac, lab, keli) eeg fededin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
furaadi
(fal) xal u hel. Adaa falaye furaadi. Dh: maaree, maaroodi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ukaadis
-ta: (magac, dhedig, keli) dib u dhigid; dib u riixid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Cadaadis
(Cadaadis-ka)
Cadaadinta.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cadaadis
cadaadis¹: m.l 1. Hawo c. saarid. 2. Xoogga ku dhaca halbeeg bed ah. 3. la-mid: cadadin.
cadaadis²: m.l (fiisikis) Xoogga lignaan u saaran halkii halbeeg ee bed ah ama waa saamiga xoogga iyo bedka. Waxa lagu cabbiiraa Baaskal ama N/m2 (H.C).
cadaadis³: m.l (siyaasad) Waa dawlad awoodsheegasho ku dhisan, caddaalad darro iyo hoggaamin xumo ku darsatay.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
cadaadis
cadaadis¹: m.l 1. Hawo c. saarid. 2. Xoogga ku dhaca halbeeg bed ah. 3. la-mid: cadadin.
cadaadis²: m.l (fiisikis) Xoogga lignaan u saaran halkii halbeeg ee bed ah ama waa saamiga xoogga iyo bedka. Waxa lagu cabbiiraa Baaskal ama N/m2 (H.C).
cadaadis³: m.l (siyaa.) Waa dawlad awoodsheegasho ku dhisan, caddaalad darro iyo hoggaamin xumo ku darsatay.
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Cadaadis
Pressure
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
cadaadis
vl. n. harassment
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Cadaadis
Perseguitamento
Persecution
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cadaadis
-ka: (magac, lab, keli) xoog ku dhaca halbeegbedeedka.
cadaadis -ka: (magac, lab, keli) cid kale kadeedid oo dhibaatayn.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
cadaadis
de: harassment
lx: cadaadis
pd: (-ka)
ps: vn2-m
key: cadaadis
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
guhaadis
m.l la-mid: guhaadin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
midaadis
-ka: (magac, lab, keli) geed dhulka ku dagaaga oo khudradda ka mid ah oo ciida hoosteeda ku yeesha xidid buruq ah oo inta la kariyo la cuno aadna u macaan. Dh: sonkorqandi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mudmudis
-ta: (magac, dhedig, keli) irbado ku daldaloolin; turturqid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
badbaadis
m.l la-mid: badbaadin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
badbaadis
-ta: (magac, dhedig, keli) dhimasho ama dhibaato kale ka samatabixis. Doonni ayaa loo diray badbaadista dad ay doonni la rogmatay. Dh: samatabixis.
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Dulxaadis
Strip mining
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
eedqaadis
m.dh la-mid: eedqaadid.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
feudalism
/fiyuudalisim/ (n) dhul-goosi (nidaamkii dhul-goosiga)
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
friandise
friandise, n.f. - cuno khafiif ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fududaysi
m.l la-mid: fududaysasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fududaysi
-ga: (magac, lab, keli) eeg fududaysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Fulaaliso
(Fulaalisa-da)
Duco ama wax kale oo loo sameeyo haweenka fooshu hayso, si ay xanuunyari u dhalaan darteed; (ama falaaliso).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fulaaliso
m.dh (-ooyin, m.l) (dii.) Ducooyin la akhriyo ama cashar la qoro marka haweenay foolanaaysaa sahal u dhali weydo. la-mid: falaaliso.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
fulaaliso
m.dh (-ooyin, m.l) (dii.) Ducooyin la akhriyo ama cashar la qoro marka haweenay foolanaaysaa sahal u dhali weydo. la-mid: falaaliso.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
fulaaliso
f. n. prayers for a woman about to give birth
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fulaaliso
-da: (magac, dhedig, keli) duco iyo Allabari loo sameeyo haweenka fooshu hayso si ay dhibyari ugu dhalaan darteed. Dh: xaawiyafaadumo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
fulaaliso
de: prayers for a woman about to give birth
lx: fulaaliso
pd: (/da)
ps: n6-f
key: fulaaliso
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fulabajis
-ka: (magac, lab, keli) fule, ka cabsiin oo baqe gelin.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
fulaynimo
-fulaynimada: (n) lack of daring; cowardice (kaawadis); timidity (timiditi), cravenness (kareeyvennes); scaredness (iskeeridhnes); alarm; fright (faraayt); fear (fiyar) ~ fuleynimo, cabsi, baqdin
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fulaynimo
-da: (magac, dhedig, keli) wax iska celin la'aan. Li: geesinimo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Furdaamin
(Furdaamin-ta)
Qof la falay ama la sixray, wax falka iyo sixirka ka saara kula kicid; sixirfuryo u samayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
furdaamin
m.f.dh eeg furdaami. la-mid: furdaamis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
furdaamin
-ta: (magac, dhedig, keli) qof la falay ama la sixray, falka iyo sixirka ka saarid oo sixirfuryo u samayn.
furdaamin -ta: (magac, dhedig, keli) arrin adag xal u helid. Furdaaminta arrintii waad ku guulaysatay. Dh: xallin, furdaamis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gadgaddis
m.l la-mid: gedgeddiyid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gadgaddis
-ka: (magac, lab, keli) rogrogista wax kolba si laga dhigo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gardaadis
m.l la-mid: gardaadin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
haddaydin
conj., vl. pron. when you ...; if you all ...
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
haddaydin
de: when you ...; if you all ... = haddii + aydin
lx: haddaydin
pd: (haddeydin)
ps: conj + vpro
key: haddaydin
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kulayliso
-da: (magac, dhedig, keli) qalab bir ama caag ka samaynsan oo wixii gudaha loogu rido kulaylkoodii ku haysa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Nabdaadis
(Nabdaadis-ka)
Nabdaadin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
nabdaadis
-ka: (magac, lab, keli) cid kale, nabadda ka qaadis.