fooxin
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fooxin
m.f.dh eeg fooxi. la-mid: fooxis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fooxin
-ta: (magac, dhedig, keli) (ka ~) foox kaga shidid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fooxi
f.g/mg2 (-iyay, -isay) 1. (f.g) Foox shidid. 2. (f.g) Foox ka faallin. 3. (f.mg) Cabsasho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
fooxi
f.g/mg2 (-iyay, -isay) 1. (f.g) Foox shidid. 2. (f.g) Foox ka faallin. 3. (f.mg) Cabsasho.m.f.dh, fooxin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
fooxi
v. perfume with burning incense
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fooxi
(fal) (ka ~) xaal ama wax kale, foox kaga shid.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
fooxi
de: perfume with burning incense
lx: fooxi
pd: (fooxiyey)
ps: v2a=tr
key: fooxi
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
foocin
m.f.dh eeg fooci.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
foocin
-ta: (magac, dhedig, keli) debedda u tuurid; meel ka saarid oo foocis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Foodin
(Foodin-ta)
(isu foodin) dad ama waxyaalo kale isu eegid, siday u kala wanaagsan yihiin; tartansiin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
foodin
m.f.dh eeg foodi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
foodin
-ta: (magac, dhedig, keli) «isu dad ama waxyaalo kale isu eegid, oo siday u kala wanaagsan yihiin u kala saarid. Dh: tartansiin, beretansiin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Foofin
(Foofin-ta)
(xoolo) dibad u dareerin; daaq geyn; soofin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
foofin
m.f.dh eeg foofi. la-mid: foofis, soofin, soofis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
foofin
-ta: (magac, dhedig, keli) xoolo daaq geyn. Dh: soofin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
foolin
m.f.dh eeg fooli . la-mid: foolis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
foorin
m.dh la-mid: fooryid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
foorin
-ta: (magac, dhedig, keli) foodhi samayn; foodhyid; fiijin; foodhis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fooxis
m.l la-mid: fooxin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fooxis
-ka: (magac, lab, keli) ka fooxin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tooxin
m.f.dh eeg tooxi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tooxin
-ta: (magac, dhedig, keli) qalloocin oo godida.
tooxin-ta: (magac, dhedig, keli) toox u dhudhumin, u cabbirid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xooxin
(Xooxin-ta)
Xoox kakeenid, kalisid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xooxin
m.f.dh eeg xooxi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xooxin
-ta: (magac, dhedig, keli) xoox ka lisid. Xooxinta ayaa saca caana lagaga helaa. Dh: xooxis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
murud
-ka: (magac, lab, keli) wax fartu soo qaaddo ama la mariyo oo la leefleefo. Dh: murdis, murin, murdin.
murud -ka: (magac, lab, keli) sheekh meel maqaam ah fadhiya oo fooxinta iyo siyaara qaadka maqaamka u xilsaaran. Mawlidka murudka ayaa akhriya Dh: muruud.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
muruud
-ka: (magac, lab, keli) sheekh meel maqaam ah fadhiya oo fooxinta iyo siyaara qaadka maqaamka u xilsaaran. Dh: murud.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
afooyin
-ka: (n) [plural of afo] wives (waayvis) ~ xaasas
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
foodhin
-ta: (magac, dhedig, keli) cod dheer oo dhuuban oo xoolaha lagu kexeeyo ama lagu daajiyo oo samaysma kolka inta afka la isku qabto oo in yar la furo neefta xoog loo soo tuuro. Dh: foodhi, foorin.
foodhin -ta: (magac, dhedig, keli) qalab ul gobays ama macdan ka samaysan oo dhexda ka daloola oo kolka la afuufo dhawaaq foodhin ahi ka soo baxo oo badanaa muusig ahaan loo adeegsado. Foodhin ayaan ficil u soo qaaday. Dh: siinbaar.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Foolxun
1. Foolxumo ka muuqato; aan qurux lahayn.
2. (Foolxun-ta) Kalluun.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
foolxun
f.mg4 (-umaa, -umayd) Wax aan qurxoonayn ahaansho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
foolxun
f.mg4 (-umaa, -umayd) Wax aan qurxoonayn ahaansho. m.f.dh, foolxumaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
foolxun
Comp. adj., (ie. n., adj.): ugly
foolxun [feminine] n., [collective] fish species
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
foolxun
(adj) ugly (agli) hideous (hide-yes), unsightly (anseeytli), ill-favored ~ arag-xun
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
foolxun
(tilmaame) mid aan qurux lahayn ama qaabdhismeed ba'an. Dh: qaabxun.
foolxun-ta: (magac, dhedig, keli) jaad ka mid jaadadka kalluun.
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
foolxun
قبيح
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
footing
/fuuting/ (n) 1. aasaas, sal (n) 2. dheelli-tir (n) 3. xiriir, cilaaqo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fooxiso
m.dh (-ooyin, m.l) Haweeney fooxa ka faallisa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fooxiye
m.l Nin fooxa ka faalliya.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
foin
foin, n.m. - caws (doog la jar jaray oo la galajiyay).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Foon
(Foon-ka)
Weel muggiisa wax lagu rido, oo la buuxsho, ama la miiso, wax lagu sii daro oo laga taalleeyo; cunnada weelka qarkiisa madaxa kala baxda oo fooca ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
foon
m.l Weel muggiisa wax lagu rido, oo la buuxsho, ama la miiso, wax lagu sii daro oo laga taalleeyo; cunnada weelka qarkiisa madaxa kala baxda oo fooca ah.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
foon
m. n., [collective] amount that fills a measure to the top (e.g., of grain)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
foon
-ka: (magac, lab, keli) weel muggiis wax lagu riday, la buuxshey ama lagu miisay, in lagu sii daro oo laga taalleeyo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
foon
de: amount that fills a measure to the top (e.g., of grain)
lx: foon
pd: (-ka)
ps: n-m-col
key: foon
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Foox
(Foox-a)
Xabag jaadad badan ah oo udgoon oo la shito; luubaan; beeyo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
foox
m.l Xabag laga helo geedaha qaarkood, sida maydiga oo loo shito udgin; beeyo; luubaan.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
foox
m.l Xabag laga helo geedaha qaarkood, sida maydiga oo loo shito udgin; beeyo; luubaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
foox
m. n., [collective] frankincense, incense
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
foox
-a: (n) frankincense (fraang ken-sees); incense (inseens) ~ luubaan, beeyo, cuud, maydi
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
foox
-a: (magac, lab, keli) jaad geedbeeyad ka mid ah oo axabagta la shito ee udgoon laga guro.
foox-a: (magac, lab, keli) xabag jaadad badan ah oo la shito oo udgoon oo geedka beeyada laga guro. Foox doon haddaad tahay dukaan furan ma waydeene! Dh: lubaan, beeyo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
foox
bw: Arabic
cf: beeyo, luubaan, mayddi
de: frankincense, incense
lx: foox
pd: (-a)
ps: n2a-m-col
key: foox
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
foox
لبان
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fooci
f.g2 (-iyay, -isay) 1. Wax kor u soo kuusid. 2. Jago ka qaadid (qof).
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
fooci
f.g2 (-iyay, -isay) 1. Wax kor u soo kuusid. 2. Jago ka qaadid (qof). m.f.dh, foocin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
fooci
v. make something swell ~ grow; make someone lose his position ~ job
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
fooci
-yey / say: (v) 1. exclude (ikiskuluudh); put out; expel. 2. —soo fooci -yey /say: (v) distend (disteendh); swell out, grow larger ~ soo taag
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fooci
(fal) debedda u tuur; meel ka saar.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
fooci
de: make s.t. swell ~ grow; make s.o. lose his position ~ job
lx: fooci
pd: (foociyey)
ps: v2a=tr
key: fooci
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
foodi
f.g2 (-iyay, -isay) Isu f.: laba wax ama ka badan isbarbardhigid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
foofi
f.g2 (-iyay, -isay) Xoolo daaq geyn. la-mid: soofi.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
foofi
f.g2 (-iyay, -isay) Xoolo daaq geyn. m.f.dh, foofin. la-mid: soofi.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
foofi
v. lead ~ drive (livestock) out to graze
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
foofi
-yey / say: (v) put out (grazing animals) to pasture
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
foofi
(fal) xoolo, dareeri oo daaq gee. Dh: soofi.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
foofi
de: lead ~ drive (livestock) out to graze
lx: foofi
pd: (foofiyey)
ps: v2a=tr
key: foofi
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fooli
f.g2 (-iyay, -isay) Dheddig foolanaya ilaalin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Foori
(Foori-da)
Shanqar ama yeer la maqlo kolka inta bushimaha la isu dhoweeyo, neef xoog leh la soo saaro; fiijis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
foori
foori¹: m.dh Dhawaaq yeera marka bushimaha laysu dhaweeyo oo neef xoog leh la afuufo.
foori²: f.mg1/2 (-ryay, -iday/isay; -ryi) Bushimaha oo laysu dhoweeyo oo neef xooggan lagu afuufo cod ka yeerin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
foori
foori¹: m.dh Dhawaaq yeera marka bushimaha laysu dhaweeyo oo neef xoog leh la afuufo.
foori²: f.mg1/2 (-ryay, -iday/isay; -ryi) Bushimaha oo laysu dhoweeyo oo neef xooggan lagu afuufo cod ka yeerin. m.f.dh, fooryid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
foori
vl. n. whistle (sound); act of whistling
foori v. whistle
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
foori
-yey / say: (v) whistle (wisal)
foori -da: (n) the act of whistling
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
foori
(fal) foodhin samay. Dh: fiiji, foori.
foori-da: (magac, dhedig, keli) eeg foodhin.
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
foori
صفير، صفار
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Oofin
(Oofin-ta)
Ballan la qaaday fulin; dhammayn; gudid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
oofin
m.f.dh eeg oofi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
oofin
-ta: (magac, dhedig, keli) axdi ama ballan hore sidii ay ahayd u fulin. Oofinta ballantu waa waajib. Dh: gudid, buuxin, oofis. Li: burin.
oofin-ta: (magac, dhedig, keli) dhedig rimaya saarasho. Dh: rimin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Oohin
(Oohin-ta)
Baqdin weyn ama naxdin ama wax kale saamayskood muujin, oo inta badan qaylo iyo ilmo indhaha ka timaaddaa weheshaan; (ama boohin).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
oohin
oohin¹: m.f.dh eeg oohi. la-mid: boohin.
oohin²: m.dh Dareen qofka ilmo ka keena.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
oohin
m.dh Dareen qofka ilmo ka keena.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
oohin
vl. n. crying, weeping
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
oohin
-ta: (n) cry (karaay)-, sobbing (soobing)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
oohin
-ta: (magac, dhedig, keli) ilmo iyo dhawaaq wada socda oo lagu cabbiro ciil iyo tiiraanyo xanuun badan ama farxad xad dhaaf ah. Inantii la uleeyey oohin bay afka waaxday. Dh: boohin. Li: farxad, qosol.
oohin -ta: (magac, dhedig, keli) cid kale inay oydo sabab u noqosho.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
oohin
cf: ooy
de: crying, weeping
lx: oohin
pd: (-ta)
ps: vn2-f
key: oohin
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
oohin
بكاء
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
oolin
-ka: (magac, lab, keli) meel muddo badan la deggaa ama dadku aad u dego oo shilin yeelatay. Dh: guricas.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Oomin
(Oomin-ta)
Biyo lagu harraadbeelo siin la'aan; harraad ku jirrabid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
oomin
m.f.dh eeg oomi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
oomin
-ta: (magac, dhedig, keli) cid kale biyo u diidid. Dh: harraadin.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
ooyin
-ta: (n) cry (karaay)-, sobbing (soobing) ~ oohin
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tooxi
f.g2 (-iyay, -isay) Qaanso boqon ku giijin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tooxi
(fal) toox u dhudhumi, u cabbir.
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Toxin
Mariid
Qaamuuska Ereybixinta: Bayoolaji (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Toxin
Mariid
Qaamuus-Yare Caafimaad: Ingiriis-Soomaali - Deeqa Cali [1999]
toxin
(n) a poison.
sun
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xooxi
f.g/mg2 (-iyay, -isay) 1. (f.g) Candho xoox ka maalid. 2. (f.mg) Candho irmaan xoox yeelasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
xooxi
v. milk for the first flow only
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xooxi
(fal) xoox ka keen; xoox ka lis. Laxda ii xooxi an xiraad ku sugee.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
xooxi
de: milk for the first flow only
initial: x
lx: xooxi
pd: (xooxiyey)
ps: v2a=tr
see: xoox
key: xooxi
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Boohin
(Boohin-ta)
Baqdin weyn ama naxdin ama wax kale saamayskood muujin, inta badan qaylo iyo ilmo indhaha ka timaaddaa weheshaan; (ama oohin).