footoosintasis
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
footoosintasis
m.l (baayoloji) Dariiqadda kiimikeed ee ay dhirta cagaarani ku samaystaan iskudhisyo orgaanikeed iyaga oo ka samaysanaya kaarboon laba ogsaydh, biyo iyo ilays.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
footoosintasis
m.l (baay.) Dariiqadda kiimikeed ee ay dhirta cagaarani ku samaystaan iskudhisyo orgaanikeed iyaga oo ka samaysanaya kaarboon laba ogsaydh, biyo iyo ilays.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fotoosantasis
-ka: (magac, lab, keli) habka ay dhirta cagaarani u soo saarto sonkorta ay quudato iyada oo isticmaalaysa biyo, kaarboon, hawo iyo tamarta iftiinka qorraxda.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
alji
m.l.u (-iyo, m.dh) (baayoloji) Qayb badan oo ka duwan dhirta yar yar, hase yeeshee cagaariye leh (footoosintasis) cuntadiisa ku samaysan kara, kuna nool sabo biyood iyo dhulka saxansaxada leh. Geedkani waxa uu noqon karaa hal unugley ama unugyo badane. Isaga oo yeelan kara qaababkan: miiqaq, wareegsan ama saxan u eg. Aljiga hadda looma aqoonsana koox ablaablayneed, inkastaoo mararka qaarkood la raaciyo noolayaasha hoose ee boqortooyada borotista. Inta badan haddaba, kooxaha boqortooyadan waxa loo aqoonsanyahay qaybaha abla-ablayneed.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baabbaca-caleen
m.dh (-eemo, m.l) (baayoloji) Qaybta ballaaran ee caleenta. Waxay yeelan kartaa qaabab kala duwan. Dhirta qaar ka mid ah ayaa in ka badan hal nooc oo b. c. yeesha, kuwaas oo ay ka dhacaan footoosintasiska iyo biyo saariddu.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cagaariye
m.l (-yayaal, m.l/dh) (baayoloji) Walaxda mas'uulka ka ah midabka cagaaran ee dhirta badidoodu leedahay, molikiyuulka cagaariyuhu waa xudunta ugu muhimsan ee nuugista ilayska marka la eegayo falgallada ilayska ee footoosintasiska.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gulukows
m.dh (kiimika) Sonkor badankeeda laga helo dhirta iyo xaywaanka. G.tu waa il ay tamar badan ka helaan noolayaashu. Sonkorta xilliga neefsashada waxa ku dhaca ogsidhayn taas oo soo saarta kaarboon laba ogsaydh leh, biyo iyo tamar. Dhirtu waxay ku heshaa g.ta habka footoosintasiska, waxaanay u keydsantaa istaarj ahaan, xayawaankana waxay uga timaadaa dheefshiidka ku dhaca dhaysakaraydhyada iyo boolosakraydhyada, waxaanay u keydsantaa staarj xayawaan ahaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kaarboon laba-ogsaydh
m.l (kiimika) Neef aan ololin, midablaawe ah; urna aan lahayn oo samaysanta marka kaarboonka lagu gubo meel ogsijiintu ku badantahay. Neef-qaadashaduna way soo saartaa neeftaasi. Kaarboon laba-ogsaydhka ku jira atmosfeerku waa 0.03 % mug ahaan, dhirtuna waxay u rogtaa kaarboo-haydareytyo marka footoosintasisku dhacayo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
meertada Kaalfin
m.dh (baayoloji) Tallaabooyinka ka dhaca heerka mugdiga ee footoosintasiska, kaas oo uu yaraado karboonka laba ogsaydhku iyada oo la isticmaalayo haydroojiin la soo saaray heerkii ilayska; lagana sameeyey kaarboohaydaytyo, isla markaana la isticmaalayo tamarta ATP oo iyana samaysantay xilligii ilayska.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
alji
m.l.u (-iyo, m.dh) (baay.) Qayb badan oo ka duwan dhirta yar yar, hase yeeshee cagaariye leh (footoosintasis) cuntadiisa ku samaysan kara, kuna nool sabo biyood iyo dhulka saxansaxada leh. Geedkani waxa uu noqon karaa hal unugley ama unugyo badane. Isaga oo yeelan kara qaababkan: miiqaq, wareegsan ama saxan u eg. Aljiga hadda looma aqoonsana koox abla-ablayneed, inkastaoo mararka qaarkood la raaciyo noolayaasha hoose ee boqortooyada borotista. Inta badan haddaba, kooxaha boqortooyadan waxa loo aqoonsanyahay qaybaha abla-ablayneed.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
baabbaca-caleen
m.dh (-eemo, m.l) (baay.) Qaybta ballaaran ee caleenta. Waxay yeelan kartaa qaabab kala duwan. Dhirta qaar ka mid ah ayaa in ka badan hal nooc oo b. c. yeesha, kuwaas oo ay ka dhacaan footoosintasiska iyo biyo saariddu.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
gulukows
m.dh (kiim.) Sonkor badankeeda laga helo dhirta iyo xaywaanka. G.tu waa il ay tamar badan ka helaan noolayaashu. Sonkorta xilliga neefsashada waxa ku dhaca ogsidhayn taas oo soo saarta kaarboon laba ogsaydh leh, biyo iyo tamar. Dhirtu waxay ku heshaa g.ta habka footoosintasiska, waxaanay u keydsantaa istaarj ahaan, xayawaankana waxay uga timaadaa dheefshiidka ku dhaca dhaysakaraydhyada iyo boolosakraydhyada, waxaanay u keydsantaa staarj xayawaan ahaan.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
kaarboonlaba-ogsaydh
m.l (kiim.) Neef aan ololin, midablaawe ah; urna aan lahayn oo samaysanta marka kaarboonka lagu gubo meel ogsijiintu ku badantahay. Neef-qaadashaduna way soo saartaa neeftaasi. Kaarboon laba-ogsaydhka ku jira atmosfeerku waa 0.03 % mug ahaan, dhirtuna waxay u rogtaa kaarboo-haydareytyo marka footoosintasisku dhacayo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
meertada kaalfin
m.dh (baay.) Tallaabooyinka ka dhaca heerka mugdiga ee footoosintasiska, kaas oo uu yaraado karboonka laba ogsaydhku iyada oo la isticmaalayo haydroojiin la soo saaray heerkii ilayska; lagana sameeyey kaarboohaydaytyo, isla markaana la isticmaalayo tamarta ATP oo iyana samaysantay xilligii ilayska.
meertada kaarboon m.dh (baay.) Silsilad ama dhacdooyin meerto ah, taas oo ah wareegidda kaarboonka ee degaanka iyo noolayaasha. Dhirtu waxay ka qaadataa kaarboon laba ogsaydh gibilka, waxaanay u beddeshaa kaarboonaydraytyo, borotiino iyo dux. Qaar ka mid ah kaarboonka laba ogsaydh waxay dib ugu noqdaan gibilka dhirta waxa cuna daaq cunayaasha, kuwaas oo iyagana ay sii cunaan hilib cunayaashu. Marka ay daaq cunayaasha iyo hilib cunayaashu dhintaan waxaa quuta bakhti-ku-noollada iyo kala-bixiyayaasha, sidaa darteed kaarboonku wuxuu ku noqdaa ciidda ama wuxuu gelaa gibilka, isaga oo ah maxsuulka neefsashada bakteeriyada iyo fangiga.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kaarboonlaba'gsaydh
-ka: (magac, lab, keli) neef aan ololin, midablaawe ah; urna aan lahayn oo samaysanta marka kaarboonka lagu gubo meel ogsijiintu ku badantahay. Neefqaadashaduna way soo saartaa neeftaasi. Kaarboon laba-ogsaydhka ku jira atmosfeerku waa 0.03 % mug ahaan, dhirtuna waxay u rogtaa kaarboohaydareytyo marka footoosintasisku dhacayo.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
fotosintesi
s.f. footosintesi.
Qaamuuska Ereybixinta: Bayoolaji (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Homeostasis
Homiostaasis
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Footoodanabyo
Photoelectrons
Qaamuuska Ereybixinta: Bayoolaji (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Photosynthesis
Fotosentesis
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
foororsanaansho
m.l/dh la-mid: foororsanaan.