footamid
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
footamid
-da: (magac, dhedig, keli) caanawadaag ku tartamid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
borotamid
-da: (magac, dhedig, keli) taratan orad ah dad la gelid. Dh: tartamid, beretamid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Moogtamid
(Moogtamid-da)
Kaltamid; meertaysi; jilaysi; miilaysi; fillan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
moogtamid
m.f.dh eeg moogtan². la-mid: moogtan¹ (2).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
moogtamid
-da: (magac, dhedig, keli) kaayaysi; wax ku kaltamid. Dh: kaltamid, kaalaysi, kaayaysi.
moogtamid -da: (magac, dhedig, keli) ogaan kari waayid, ogaal la'aan. Dh: moogtamis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ulootamid
m.dh la-mid: ultamid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ulootamid
-da: (magac, dhedig, keli) ulo ku ciyaarid. Dh: ultamid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
footari
m. n. marble (as in game)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
footari
-ga: (magac, lab, keli) iniin yar oo kulucsan oo dhalo ka samaysan oo carruurtu ku ciyaarto. Dh: fataatiir, biliil.
footari -ga: (magac, lab, keli) quruurux yaryar oo laga sameeyo dhalo oo midabyo loo yeelo oo ay carruurtu ku ciyaarto. Dh: fataatiir, fadaadiir.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
footari
de: marble (as in game)
lx: footari
pd: (-ga)
ps: n2a-m
key: footari
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ortamid
m.f.dh eeg ortan².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ortamid
-da: (magac, dhedig, keli) eeg ortan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
faltamid
-da: (magac, dhedig, keli) wax kale, la falgelid ama hawlgelid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
filtamid
-da: (magac, dhedig, keli) hawl la bixinayo, dad badan wadaajin, u qaybin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
foorarid
m.dh la-mid: foororid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
foorarid
-da: (magac, dhedig, keli) qarqarka sare qalloocin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gaafootamid
(Gaafootamid-da)
Gaafeysi; kaltamid; toogaysi; jilaysi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gaafootamid
m.f.dh eeg gaafootan². la-mid: gaafootan¹ (2).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gaafootamid
-da: (magac, dhedig, keli) wax uu qofba kol qabto oo lagu kaltamo. Dh: kaayaysi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
godootamid
m.f.dh eeg godootan².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Booyaamid
(Booyaamid-da)
Hadal daroori ah tixid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
booyaamid
m.f.dh eeg booyaan². la-mid: booyaan¹ (2).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
booyaamid
-da: (magac, dhedig, keli) hadal aan kala joogsi lahayn dhurmid. Booyaamid hadal lagama dhergiyo muran baahi loo qabaye. Dh: daldalmid.
booyaamid -da: (magac, dhedig, keli) ku dhawaaqid cod ujeeddo leh. Booyaamid horey uma aqoon waase lay baraye. Dh: booyaamis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dooddamid
-da: (magac, dhedig, keli) dood ka qayb qaadasho. Hadduuse maanta dooddamo senguhu waan dagaal geliye.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
doorsamid
m.f.dh eeg doorsan¹. la-mid: doorsoomid, doorsoon¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
doorsamid
-da: (magac, dhedig, keli) beddelmid oo sidii hore si ka duwan noqosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Feertamid
(Feertamid-da)
Cayaarta feerka cayaarid; feer isla dhicid; is feerid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
feertamid
m.f.dh eeg feertan².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
feertamid
-da: (magac, dhedig, keli) feedh iskala hor tegid; feedh ku ciyaarid ama ku dagaallamid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fiiqtamid
m.f.dh eeg fiiqtan². la-mid: fiiqtan¹ (3).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fiiqtamid
-da: (magac, dhedig, keli) dad kale, habka fiiqsiga, caano iyo wax la mid ah u wadaagid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fooltegid
m.dh la-mid: foolhallaabid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Fooltubid
(Fooltubid-da)
Weji kaduudid; biriir iska kicin; jirxumayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fooltubid
m.f.dh eeg fooltub². la-mid: fooltub¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fooltubid
-da: (magac, dhedig, keli) wejixumayn.
fooltubid-da: (magac, dhedig, keli) foolraagid ama foosha oo adkaata.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gooraamid
m.f.dh eeg gooraan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Loodsamid
(Loodsamid-da)
Soo laabmid, soo nadoocsamid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
loodsamid
m.f.dh eeg loodsan¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
loodsamid
-da: (magac, dhedig, keli) wax horay u fidsanaa, soo qalloocsamid ama soo laabmid. Dh: xoodsamid, loolsamid. Li: toosid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Loollamid
(Loollamid-da)
Halgamid, dagaallamid; tartamid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
loollamid
m.f.dh eeg loollan².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
loollamid
-da: (magac, dhedig, keli) tartamid ama dagaallamid. Dh: loollamis, baratamid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
looyaamid
m.f.dh eeg looyaan².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Sooyaamid
(Sooyaamid-da)
Qaylin; qablamid; buuqid; bulaamid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sooyaamid
m.f.dh eeg sooyaan².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sooyaamid
-da: (magac, dhedig, keli) qaylin; qablamid; buuqid; bulaamid; sooyaamis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xoonsamid
m.f.dh eeg xoonsan¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xoonsamid
-da: (magac, dhedig, keli) meel bu ururid. Kolka shil dhaco xoonsamidda joojiya xoonsan: (tilmaame) urursan oo hareeraha la jooga. Dad meel ku xoonsan ayuu gaadhi jiray Dh: tuunsan, tuuran, urursan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bardootamid
m.dh la-mid: bardooddamid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baryootamid
m.f.dh eeg baryootan². la-mid: baryootan¹ (2).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baryootamid
-da: (magac, dhedig, keli) gacanta hoos dhigasho dad kale.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gorgortamid
m.f.dh eeg gorgortan². la-mid: gorgortan¹.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xaajootamid
m.f.dh eeg xaajootan².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xaajootamid
-da: (magac, dhedig, keli) xaajo wada galid oo isla falanqayn. Xaajootamid ayaa xoolo lagu xero geliyaa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Yooyootamid
(Yooyootamid-da)
Caraatamid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
yooyootamid
m.f.dh eeg yooyootan². la-mid: yooyootan¹ (2).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
yooyootamid
-da: (magac, dhedig, keli) ciyaar yooyootan ah isla ciyaarid, Yooyootamiddii waxaa ku badiyey gabdhihii. Dh: caraatamid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Oomid
(Oomid-da)
Biyo cabbid u baahasho; harraadid; surmiyid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
oomid
m.f.dh eeg oon³.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
oomid
-da: (magac, dhedig, keli) aad biyo ugu baahasho. Dh: harraadid, dhanqalmid.
Qaamuuska Ereybixinta: Bayoolaji (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Ootid
Ootidh
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Doomid
(Doomid-da)
(ceel, kd.) Doon ka soo saarid, ka soo bixin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
doomid
m.f.dh eeg doon². la-mid: doonis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
doomid
-da: (magac, dhedig, keli) ciidda ka soo saarid. Doomidda godka, ku dhaqso. Dh: qodid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Foocid
(Foocid-da)
Fooc yeelasho; kor u soo buurasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
foocid
m.f.dh eeg fooc².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
foocid
-da: (magac, dhedig, keli) wax meel ka soo baxaya sida likaha ama dhullaxa; fooc yeelasho; kor u soo buurasho. Dh: foocis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Foofid
(Foofid-da)
(xoolo) dibad u dareerid oo u daaqdoonasho; soofid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
foofid
m.f.dh eeg foof². la-mid: foof¹ (6), soof¹, soofid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
foofid
-da: (magac, dhedig, keli) xoolo dibad u dareerid; daaq doonasho, soof tegid. Dh: aaqtegid, soofid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Foolad
(Foolad-ka)
Foolasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
foolad
m.l la-mid: foolasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
foolad
vl. n. childbirth, labor
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
foolad
-da: (magac, dhedig, keli) xus yar oo sharaab iyo macmacaan loogu sameeyo qof wax wanaagsan qabtay ama arday itixaan dhaafay. Dh: takriim.
foolad -ka: (magac, lab, keli) xaaladda xanuunka iyo dihashada leh ee ay dhedig oo dhami maraan. marka ay dhalayaan. Weli foolad ayay ku jirtaa gabadhii ma umulin. Dh: foolasho.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
foolad
a: foolasho (/da) [vn-f]
cf: foolo
de: childbirth, labor
lx: foolad
pd: (-ka)
ps: vn-m
key: foolad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Foolid
(Foolid-da)
(ka foolid) Dhib ama baxnaanis ka bixid. ka gudbid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
foolid
m.f.dh eeg fool4.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
foolid
-da: (magac, dhedig, keli) (ka ~) dhib ka bixid; ka gudbid. Dh: foolis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Foorad
(Foorad-da)
Qaybaha cayaaraha (turub, kd.) la isu tirsado oo lagu kala badiyo, middood; guul; duq.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
foorad
m.dh Hal mar oo qof ciyaar turub, dubnad iyo wixi lamida looga dhaco. la-mid: fooro.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
foorad
m.dh Hal mar oo qof ciyaar turub, dubnad iyo wixi lamida. looga dhaco. la-mid: fooro.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
foorad
vl. n. winning (of game), win
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
foorad
-da: (n) [Pl. fooradood] Sports & Games; the deciding points in game
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
foorad
-da: (magac, dhedig, keli) qaybaha ciyaaraha lagu kala badiyo oo la isku tirsado middood. Dh: guul, duq.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
foorad
cf: dhibic, duq
de: winning (of game), win
lx: foorad
pd: (-da)
ps: vn1-f
key: foorad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Foorid
(Foorid-da)
(turub; kd.) Foordad helid, ka dhicid; adkaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
foorid
m.f.dh eeg foor. la-mid: fooris.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
foorid
-da: (magac, dhedig, keli) gorodda rogid.
foorid -da: (magac, dhedig, keli) ciyaar tartan ah, duq ku badin; foorad helid; ka dhicid. Dh: fooris.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
footan
(fal) caanadhamid ku tartan.
footan-ka: (magac, lab, keli) caanowadaag ay dad tiro ahi ku kulmaan. Dh: wadaag.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
koomid
-da: (magac, dhedig, keli) barar yar ama xaasaasiyad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
oodmid
m.f.dh eeg oodan³.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
oodmid
-da: (magac, dhedig, keli) dhinac kasta ka soo xidhmid. Ma gar oodmid goloskii ku dhalay geed intuu tegey.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
oogmid
m.f.dh eeg oogan¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
oogmid
-da: (magac, dhedig, keli) shidmid oo olol dheer yeelasho. Dabaysha ayaa dabka oogmidda ugu wacan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qoomid
m.f.dh eeg qoon³.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qoomid
-da: (magac, dhedig, keli) dhaawac gaadhsiin; wax yeellayn; dakhar ku dhifasho. Dh: dakhrid, dhaawicid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Soomid
(Soomid-da)
Soon gudasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
soomid
m.f.dh eeg soon².
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
soomid
vl. n. fasting in the holy month of Ramadan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
soomid
-da: (magac, dhedig, keli) soon gudasho, cunto iska dayn maalintii bisha ramadaan. Li: cunid, afurid.