fooriggaalle
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fooriggaalle
m.l 1. Foori gaar ah oo geela lagu dheelmo. 2. Foori qofka faraxsani ku maararoobo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
fooriggaalle
m. n. whistle (used to call the camels to their shelter)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fooriggaalle
-ha: (magac, lab, keli) foodhi gaar ah oo geela loogu yeedho.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
fooriggaalle
de: whistle (used to call the camels to their shelter)
lx: fooriggaalle
pd: (/ha)
ps: n-m
key: fooriggaalle
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fooriggaallee
f.mg2 (-leeyay, -leysay) Foori gaalle samayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fooriggaallee
(fal) foodhinta geela loogu yeedho samee.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fooriggaalleyn
m.f.dh eeg fooriggaallee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fooriggaalleyn
-ta: (magac, dhedig, keli) foodhi gaar ah oo geela loogu yeedho samayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Googgaale
(Googgaala-ha)
Hadal gaaban oo sida maahmaahda xaraf ku dhisan oo laysku xiro; habkiisu waa sidaan: — Qofka wax xiraya: googgaa; — Qofka la xirayo: cadale (ama wax kale); — Qofka wax xiraya: col ku diley ciidan mood; — Qofka la xirayo: waa qodaxda.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
googgaale
m.l Halxiraale da'yartu isku maaweeliso, oo ay isku xujeeyaan sheegidda macnaha sarbeebta ah.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
googgaale
m.l Halxiraale da'yartu isku maaweeliso, oo ay isku xujeeyaan sheegidda macnaha sarbeebta ah.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
googgaale
m. n. riddle, guessing game
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
googgaale
-ha: (magac, lab, keli) sida maahmaahda hadal gaaban oo qaafiyad xaraf ku dhisan leh oo la isku halxidhaaleeyo habeenkiina lagu maaweelaysto.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
googgaale
a: Person posing the riddle says 'Googgaa' and the guesser says 'Cadale' or 'Cigale'
de: riddle, guessing game
lx: googgaale
pd: (/ha)
ps: n7-m
key: googgaale
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fooridhiille
m.dh Foori si degdeg ah geela loogu kiciyo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fooridhiillee
f.mg2 (-leeyay, -leysay) Si degdeg ah geel foori ugu kicin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dooryaale
-ha: (magac, lab, keli) saban ay colaad iyo abaari dhacday oo bakhtigii xoolaha dirxi iyo duqsi ka dhasheen.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
foojigaan
m.dh la-mid: feeyigaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fooritaan
-ka: (magac, lab, keli) eeg foorid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Fooxaalli
(Fooxaalli-ga)
Fulabbajis; bowdo-qaawis; dhood; jinatuur; cagajugleyn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fooxaalli
fooxaalli¹: m.l 1. Geesinnimo been ah oo la muujiyo. 2. Cagajuglayn been ah oo la muujiyo.
fooxaalli²: f.mg1/2 (-iyay, -iday/isay; -iyi) 1. Geesinnimo been ah muujin. 2. Cagajuglayn been ah muujin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
fooxaalli
m. n. intimidation
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fooxaalli
-ga: (magac, lab, keli) bawdaqaawis iyo fulabajis; jinatuur iyo cagajuglayn. Dh: hanjebaad.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
fooxaalli
de: intimidation
lx: fooxaalli
pd: (-ga)
ps: n2a-m
key: fooxaalli
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ookiyaale
m.l (-llo, m.dh) Muraayad indhaha la gashado oo araggu ku saacido ama qorraxda laga gashado.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
ookiyaale
m.l (-llo, m.dh) Muraayad indhaha la gashado oo araggu ku saacido ama qorraxda laga gashado.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ookiyaale
m. n. eyeglasses, spectacles
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
ookiyaale
-ookiyaalaha: (n) eyeglass (eeygalaas)-, glasses (galaasis); spectacles (ispek 'tikalis) ~ muraayad, indha-gashi
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ookiyaale
-ha: (magac, lab, keli) eeg okiyaale.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ookiyaale
de: eyeglasses, spectacles {C & S < It}
lx: ookiyaale
pd: (/ha)
ps: n6-m, n7-m
key: ookiyaale
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
originale
agg. - asli ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Bootimaale
(Bootimaala-ha)
Cayaar ku dhisan booddo jaadad badan leh; bootin-cayaar.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bootimaale
m.l Tartan lagu tartamo bootin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
bootimaale
m. n., [collective] dance characterized by much jumping
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bootimaale
-ha: (magac, lab, keli) ciyaar geed, ood ama meel sare laga boodo. Bootimaale kaalay aan ciyaarnee.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
bootimaale
de: dance characterized by much jumping
lx: bootimaale
pd: (/ha)
ps: n0-m-col
key: bootimaale
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
firiimaale
m.l (botani) Geed gaab aan qodax lahayn oo leh laamo dhuudhuuban kana mid ah dhirta daawada.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
firiimaale
m.l (botani) Geed gaab aan qodax lahayn oo leh laamo dhuudhuuban kana mid ah dhirta daawada.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
foojignaan
m.dh la-mid: feeyigaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
foojignaan
-ta: (magac, dhedig, kali) eeg feejignaan.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
originally
/orijanali/ (adv) 1. bilowgii (asalkii hore) 2. sidii hore.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Soomaggale
(Soomaggala-ha)
Geed dhirta wax lagu daweeyo ka mid ah, cudbina ka baxo; soome, wancad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
soomaggale
m.l Geedgaab laamo iyo caleemo dhuudhuuban oo duf cadi ku rogan tahay leh, kana mid ah dhirta wax lagu daaweeyo. la-mid: soome, soone.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
soomaggale
m. n. medicinal herb species, which produces kapok (cotton-like fiber)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
soomaggale
-ha: (magac, lab, keli) geed ubixiisa ay dumarku makhaddadaha ku cabbaystaan oo geed gaab ah. Dh: soome, wancad.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
soomaggale
de: medicinal herb sp., which produces kapok (cotton-like fiber)
initial: s
lx: soomaggale
pd: (/ha)
ps: n-m
key: soomaggale
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
soorsugaal
m.l Cunto yar oo cunto dab saaran lagu sii sugo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
soorsugaal
-ka: (magac, lab, keli) Cunto yar oo cunto dab saran lagu sii sugo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dabaggaalle
(Dabaggaalla-ha)
Bahal yar oo jaadad badan ah oo dhirxagatada kamid ah; wuxuu lee yahay dhogor iyo dabo hunbulan; hadba labada danbuu isku taagaa; wuxuu cunaa oo jecel yahay quullaha;
soongur; tukulush.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dabaggaalle
m.l.u Nafley yar, dhir, xagatada ka mid ah oo leh midab guduud xigeen ah; seyn dheer oo dhogor badan leh oo sida badan labada lugood ee dambe isku taaga; tukulush; uunrays.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dabaggaalle
m.l.u Nafley yar, dhir, xagatada ka mid ah oo leh midab guduud xigeen ah; seyn dheer oo dhogor badan leh oo sida badan labada lugood ee dambe isku taaga; tukulush; uunrays.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dabaggaalle
m. n., [collective] squirrel
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dabaggaalle
(n) squirrel (iskwooral) ~ tukulush, uunrays
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dabaggaalle
-ha: (magac, lab, keli) xawayaan yar oo duurgale ah oo midhaha geedaha ku nool oo soongurka u eg. Dabagaalle timir gaadhi waayey qadhaadhaa buu yidhaahdaa.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dabaggaalle
de: squirrel
lx: dabaggaalle
pd: (/ha)
ps: n7-m-col
syn: uunrays
key: dabaggaalle
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
dabaggaalle
سنجاب
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
foojignaansho
m.l/dh la-mid: feeyigaan.
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Roob siigaale
Mud rain