foojigan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
foojigan
f.mg4 (-gaa, -gayd) la-mid: feeyig.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
foojigan
-aa: (adj) cautious (koo-shas); careful (keerful) ~ feejigan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
foojigaan
m.dh la-mid: feeyigaan.
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Foojiga
nickname; name-f alert, cautious, careful
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
foojignaan
m.dh la-mid: feeyigaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
foojignaan
-ta: (magac, dhedig, kali) eeg feejignaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
feeyig
f.mg4 (-gaa, -gayd) 1. Wax digtoon ahaansho. 2. Wax dhiillo hayso ahaansho. la-mid: feejig, feejigan, feeyigan, foojig, foojigan.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
feeyig
f.mg4 (-gaa, -gayd) 1. Wax digtoon ahaansho. 2. Wax dhiillo hayso ahaansho. m.f.dh, feeyignaan. la-mid: feejig, feejigan, feeyigan, foojigan.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
prudènza
s.f. - foojigan.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
svéglio
agg. - soo jeed; foojigan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dabinkabbood
-ka: (magac, lab, keli) qof dhiifoon oo dhakhso u garta shirqoolka loo maleegayo. Dh: foojigan, feejigan, digtoon, dhooroofsan, soojeeda.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhiifoonaan
-ta: (magac, dhedig, keli) wax foojigan oo digtoon ahaan. Dh: digtoonaan, feejignaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
digtoon
(tilmaame) baraarugsan oo gaadmada cadawga ka foojigan. Nin digtoon looma duso.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
digtoonow
(fal) wax baraarugsan oo gaadmada cadawga ka foojigan ahaw.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ilaalaysad
-ka: (magac, lab, keli) si foojigan u eegasho.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
attention
n., feeyigan, or fooyigan, or foojigan, -ti.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
attentive
a., feeyig, fooyig or foojig; be attentive, fooyigow; be an attentive man, nin foojigan ahaw.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
care
n., (solicitude, heed) fooyigan or foojigan, -ti, ilaalo, -adi; take care, iska eeg, ilaali jir, ogow; v.r., is jir, iska jir, is ogow.
care: v.., (be anxious); what care you? maxaad u dan leedahay or maxaad u foojigantahay? he cares for nobody, ninna dan uma leh.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
mind
(see intellect).
mind, v.tr., hubso, fooyigow; mind well what I say, waxaan ku leeyahay aad u hubso; mind your business, dantaada fooyigow; mind your health, caafimaadkaa dhawr; I shall mind the boy, wiilkaan jiri; v.r., iska dhawr, iska eeg, iska jir, nin foojigan ahaw; v.tr., (put in mind) xusuusi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Foogan
Wax ku taagan: wax ku diran; taagan; kacsan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
foogan
f.mg4 (-gnaa, -gnayd) Wax soo taagan oo aan meel laga maro lahayn ahaansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
foogan
der. [adjective] raised, lifted; erected
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Foogan
nickname; name-f busy; raised, lifted; erected
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
foogan
(tilmaame) taagan ama qotoma.
foogan: (tilmaame) «ku ~» ku mashquulsan oo ka shaqaynaya. Dh: taagan, hawllan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
foogan
de: raised, lifted; erected
lx: foogan
pd: (foognaa)
ps: adj-der
syn: taagan
key: foogan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
foojig
f.mg4 (-gaa, -gayd) la-mid: feeyig.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
foojig
[adjective] alert, cautious, careful
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Foojig
nickname; name-m alert, cautious, careful
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
foojig
a: feeyig ~ feejig
de: alert, cautious, careful
lx: foojig
ps: adj
key: foojig
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
feejigan
f.mg4 (-naa, -nayd) la-mid: feeyig.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
feejigan
f.mg4 (-naa, -nayd) la-mid: feeyigan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
feejigan
der. [adjective] attentive, ready, careful
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
feejigan
-aa: (adj) alert (aleert); attentive (aten-,iv); vigilant (vij-i-lant); careful; countious
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
feejigan
(tilmaame) mid baraarugsan oo isjira. Dh: digtoon, foojigan. Li: isdhigtay
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
feejigan
de: attentive, ready, careful
lx: feejigan
pd: (feejignaa)
ps: adj-der
key: feejigan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
foojigni
-da: (magac, dhedig, keli) dareen cabsiyeed qabid oo digtoonaan.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
hooligan
/huuligan/ (n) fallaago (rabshoole aad wax u kharriba).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
feejigaan
m.dh la-mid: feeyigaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
feejigaan
f. n., [abstract] carefulness, alertness
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
feejigaan
-ta: (n) vigilance (fiji-lansi); awareness (a-weer-nes)-, watchfulness
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
feejigaan
a: feejignaan, feeyigaan
de: carefulness, alertness
lx: feejigaan
pd: (-ta)
ps: n0-f-abs
key: feejigaan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
foocitaan
-ka: (magac, lab, keli) sare u kicitaan; soo foocniin; soo fuuritaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
foofitaan
-ka: (magac, lab, keli) xoolo, dibad u dareeritaan oo u soofitaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
foolitaan
-ka: (magac, lab, keli) (ka ~) dhib ama wax kale, ka gudbitaan oo u dhabar'adayg.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fooritaan
-ka: (magac, lab, keli) eeg foorid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
soojiitan
v. drag on; drag one's heels, walk slowly
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
soojiitan
de: drag on; [fig.] drag one's heels, walk slowly
initial: s
lx: soojiitan
pd: (soojiitamay)
ps: v1=
key: soojiitan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
toomigaan
m.l (-nno, m.dh) Nooc buntukhda ka mid ah oo darandoori u dhaca.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Oogan
La oogey; aad u shidan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
oogan
oogan¹: f.mg1 (-gmay, -gantay; -gmi) 1. Dab wax la oogay noqosho. 2. Dacwo, rabsho iyo wixi lamida wax la oogay noqosho.
oogan²: f.mg4 (-gnaa, -gnayd) 1. Dab wax la oogay ahaansho. 2. Wax si wanaagsan loo fuliyey ahaansho (salaad). 3. Dacwo, rabsho iyo wixi lamida wax la oogay ahaansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
oogan
der. [adjective] blazing, afire
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
oogan
(tilmaame) aad u abaabulan.
oogan: (tilmaame) ah dab aad u shidan, belbelaya, ololaya.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
oogan
de: blazing, afire
lx: oogan
pd: (oognaa)
ps: adj-der
key: oogan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Boojin
(Boojin-ta)
Qof aan raalli ahayn xoog kula tegid ama ku haysasho, badanaa gabar guur laga rabo ama qof la doona hayo inuu xoolo isku furto ama lagu furto; Afduub.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
boojin
m.f.dh eeg booji.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
boojin
-ta: (magac, dhedig, keli) xoolo ama ruux aan raalli ahayn qasab kula tegid. Boojin baa lagu qaatay gabadhii. Dh: afduubid, qafaalid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Doojin
(Doojin-ta)
1. (xoolo, kd.) meel doogatey ama kolkaasba roob hayo, degdeg ugu kaxayn oo u gaarsiin; doogdhaw.
2. (wadaan, kd.) Biyo ka buuxin; jilayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
doojin
m.f.dh eeg dooji. la-mid: doojis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
doojin
-ta: (magac, dhedig, keli) marka xoolaha abaarta lagala xarbiyayo in aanay wax yeellayn.
doojin -ta: (magac, dhedig, keli) buuxinta wadaanta ceelka. Halkii laas daloolaa ku yaal, doojimiyo ceelal.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
foocin
m.f.dh eeg fooci.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
foocin
-ta: (magac, dhedig, keli) debedda u tuurid; meel ka saarid oo foocis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Foodin
(Foodin-ta)
(isu foodin) dad ama waxyaalo kale isu eegid, siday u kala wanaagsan yihiin; tartansiin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
foodin
m.f.dh eeg foodi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
foodin
-ta: (magac, dhedig, keli) «isu dad ama waxyaalo kale isu eegid, oo siday u kala wanaagsan yihiin u kala saarid. Dh: tartansiin, beretansiin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Foofin
(Foofin-ta)
(xoolo) dibad u dareerin; daaq geyn; soofin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
foofin
m.f.dh eeg foofi. la-mid: foofis, soofin, soofis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
foofin
-ta: (magac, dhedig, keli) xoolo daaq geyn. Dh: soofin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
foolin
m.f.dh eeg fooli . la-mid: foolis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
foorin
m.dh la-mid: fooryid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
foorin
-ta: (magac, dhedig, keli) foodhi samayn; foodhyid; fiijin; foodhis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
footan
(fal) caanadhamid ku tartan.
footan-ka: (magac, lab, keli) caanowadaag ay dad tiro ahi ku kulmaan. Dh: wadaag.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fooxin
m.f.dh eeg fooxi. la-mid: fooxis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fooxin
-ta: (magac, dhedig, keli) (ka ~) foox kaga shidid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Goojin
(Goojin-ta)
(geel, kd.) dabada kor u taagid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
goojin
m.f.dh eeg gooji. la-mid: goojis, goojo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
goojin
-ta: (magac, dhedig, keli) geel, dabada kor u taagid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hoojin
(Hoojin-ta)
Hoog ku ridid, badid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hoojin
m.f.dh eeg hooji.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hoojin
-ta: (magac, dhedig, keli) dhib culus iyo ba' ku ridid; hoog ku ridid. Dh: bi'in, ba'ayaalin, hoojis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Joojin
(Joojin-ta)
Wax socona haya ama dhaqdhaqaaqa haya qabasho; istaajin; celin; taagid; reebid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
joojin
m.f.dh eeg jooji. la-mid: joojis.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
joojin
vl. n. breaking, stopping, stoppage, halting, stay; preventing; ban
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
joojin
-ta: (n) the act of stopping; cessation (saseey-shiny, stoppage (istaapeeyj) ~ joojis. Ex: xabad joojin; cease fire
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Joojin
Sospensione
Suspension
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
joojin
-ta: (magac, dhedig, keli) wax socday is taajin.
joojin -ta: (magac, dhedig, keli) wax jiifay ama yaallay kor u qotomin.
joojin-ta: (magac, dhedig, keli) wax la qabanayay iska dayn.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
joojin
de: breaking, stopping, stoppage, halting, stay; preventing; ban
lx: joojin
pd: (-ta)
ps: vn1-f
key: joojin
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
noogan
f.mg4 (-gnaa, -gnayd) Wax noogay ahaansho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
noogan
f.mg4 (-gnaa, -gnayd) Wax noogay ahaansho. m.f.dh, noognaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
noojin
m.f.dh eeg nooji.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
noojin
-ta: (magac, dhedig, keli) cid kale, daalin Shaqada badani noojin ayey keentaa.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
oorgan
-ta: (n) organ (oor-gari)-, piano (piyaano) ~ qalab muusiko
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
oorgan
-ka: (magac, lab, keli) qalabka muusikada mid ka mid ah oo codad aad u badan oo kala duwani ka soo baxaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qoojin
-ta: (magac, dhedig, keli) ka qooqsiin; hammad gelin. Dh: googin, qoojis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Soogan
La soogey; kala jiidan; taagan; miiqan; togan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
soogan
f.mg4 (-gnaa, -gnayd) 1. Cid meel taagan oo aan dhaqdhaqaaqayn ahaansho. 2. Qof dhuuban oo xoog leh ahaansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
soogan
der. [adjective] stretched (out); thin
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
soogan
(tilmaame) mid kala jiidan; mid tataagan oo aan fadhi iyo socod toona lahayn. Col soogan baan u galay. Dh: taagan, qotoma.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
soogan
de: stretched (out); [ext.] thin
initial: s
lx: soogan
pd: (soognaa)
ps: adj-der
key: soogan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
woojin
-ta: (magac, dhedig, keli) lo' biyo ugu yeedhyeedhid. Lo'du way harradan tahaye woojinta ka daa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xoojin
(Xoojin-ta)
1. Xoog u yeelid; adkayn; xoogeyn.
2. (ka-xoojin, u-xoojin) Hawl qabasho; shaqayn.