foodda dar
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
foodda dar
v. clash, be in conflict
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
foodda_dar
de: clash, be in ~ run into a conflict
lx: foodda dar
pd: (daray)
ps: v1=idiom
key: foodda_dar
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fooddad
m.l/dh (-do, m.l) Garbasaar.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Foodsaar
(Foodsaar-ka)
1. Legdan kd. toos iyo kafool kafool laysaga hor yimaado.
2. Wax soo socda oo bareer looga hor tago.
3. Raar aqalka fooddiisa la saaro.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
foodsaar
foodsaar¹: m.l (-rro, m.dh) 1. Raar aqalka miyiga wejiga hore laga saaro. 2. Gabbaad. 3. la-mid: foodshareer. Maro haweenku wejiga saartaan. 4. la-mid: foodsaarid.
foodsaar²: f.g1 (-ray, -rtay) 1. Wax kafool kafool uga hor tegid. 2. Meel ku gabbasho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
foodsaar
f.g1 (-ray, -rtay) 1. Wax kafool kafool uga hor tegid. 2. Meel ku gabbasho. m.f.dh, foodsaarid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
foodsaar
v., [compound] face (towards); confront; encounter
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
foodsaar
-ka: (magac, lab, keli) legdan iyo wixii la mid ah.
foodsaar-ka: (magac, lab, keli) hararrada aqal Soomaaliga dusha laga saaro ee daaha afkiisa kor ka soo gaadho.
foodsaar -ka: (magac, lab, keli) eray xisaabta loo isticmaalo oo ah labada xaglood ee iska soo hor jeeda ee is le'eg.
foodsaar -ka: (magac, lab, keli) wax soo socda oo badheedh looga hor tago.
foodsaar-ka: (magac, lab, keli) «u ~» sugidda wax lagu muransan yahay, caddayn uga dhig. Dh: daliil.
foodsaar -ta: (magac, dhedig, keli) shalmad yar oo gobol ah oo dumarku madaxa iyo garbaha saaraan. Kolkay habluhu aqalka joogaan foodsaar yar bay huwadaan. Dh: garbsaar.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
foodsaar
de: face (towards); confront; encounter
lx: foodsaar
nt: foodsaar (ka) [vn2-m] 'confrontation'
pd: (foodsaaray)
ps: v1=cmp
key: foodsaar
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hooddaar
m.l la-mid: hoodaar.
Qaamuuska Ereybixinta: Barbaarinta Jirka (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1984]
booddada sare
high jump
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
booddada sare
(n) high jump (haay.jamp)
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Foocaar
(Foocaar-ta)
Saddexda xiddigood oo godintu ka kooban tahay middood.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
foocaar
m.dh 1. Saddexda xiddigood oo godintu ka samaysantahay. 2. Meesha doonyaha iyo maraakiibta lagu xiro si aan dabayshu u qaadin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
foocaar
-ta: (magac, dhedig, keli) saddexda xiddigood ee godinta la yidhaa midkood. Ninka falag yaqaanow, foocaar ka sheekee. Dh: godin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Foohaar
(Foohaar-ka)
Xarrago dhar waaweyn loo qaato oo istustus iyo kibir ku jiraan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
foohaar
m.l Xarrago dhar waaweyn loo qaato oo is tustus iyo kibir ku jiraan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
foohaar
v. overdress
foohaar vl. n. showy dress; sharp dressing
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Foohaar
nickname-m sharp-dresser; elegant
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
foohaar
-ka: (magac, lab, keli) xarrago dhar waaweyn loo qaato oo kibir iyo istustus ku jiro. Dh: isqaadqaad, islaweni. Li: tawaaduc.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hoodaar
(Hoodaar-ka)
Diric; rag (ama hodaar).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hoodaar
m.l 1. H. ah: qof karti badan; diric; rag. 2. H. ah: qof nasiib badan. 3. (e.d) H.!: waa tahay! la-mid: hooddaar.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
hoodaar
m.l 1. H. ah: qof karti badan; diric; rag. 2. H. ah: qof nasiib badan. 3. (e.d) H.!: waa tahay! la-mid: hooddaar.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hoodaar
m. n. capable person, able man
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hoodaar
-ka: (magac, lab, keli) nin raganimo iyo dhiirrani u dhashay oo karti lehi Dh: haldoor, geesi, diric, hodaar, dhabar.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
hoodaar
cf: diric
de: capable person, able man
lx: hoodaar
pd: (-ka)
ps: n-m
key: hoodaar
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qoodaar
-ka: (magac, lab, keli) wareegga hadhka. Aabbo wuxu fadhiyaa hadh qoodaarka.
Qaamuuska Ereybixinta: Bayoolaji (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Food wab
Shalash
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fooladay
(fal) cid kale, foolad iyo xus farxadeed u samay.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fiiddadab
-ka: (magac, lab, keli) fiidka oo la bax.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
foodcadde
m.l (botani) Geed-nagaar, wada cad, leh bul weyn oo jilicsan oo dhiigga nabarrada ka socda lagu joojiyo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
foodcadde
m.l (botani) Geed-nagaar, wada cad, leh bul weyn oo jilicsan oo dhiigga nabarrada ka socda lagu joojiyo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
foodcadde
-ha: (magac, lab, keli) geednagaar, wada cad, leh bul weyn oo jilicsan oo dhiigga nabarrada ka socda lagu joojiyo.
foodcadde -ha: (magac, lab, keli) geednagaadh wada cad oo leh bul weyn oo jilicsan oo dhiigga nabarrada ka socda lagu joojiyo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
foodsaaro
-da: (magac, dhedig, keli) qof dhuumanayaa waxa uu ku gabbado. Dh: foodsaare.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fookhaday
(fal) fookhad u yeel.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
foolcarar
foolcarar¹: m.l Naasley foolanaysa oo xanuun la luntay. la-mid: foolcararid.
foolcarar²: f.mg1 (-ray, -rtay) Naasley xanuun la cararid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
foolcarar
v. go off ~ run away during labor pains (of animal)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
foolcarar
-ka: (magac, lab, keli) xanuunka foosha daraaddii la baxsasho. Dh: foolbaxsad.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
foolcarar
de: go off ~ run away during labor pains (of animal)
lx: foolcarar
pd: (foolcararay)
ps: v1=intr
key: foolcarar
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hoodadday
(fal) hadimay oo luggoo; dibindaabyay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hoosdadab
m.l H. ah: caws, raro iyo wixi lamida geed ama aqal hoos looga duggaaliyo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
mudda yar
n. phr., time: in a short time
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Foodshareer
(Foodshareer-ka)
Timaha foodda oo inta salxanyaha soo dhaafa wejiga yareeya oo foolxumeeya; wejiga qaarkiisa kore oo aan dadku badanaa time ku lahayn, timo ka baxa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
foodshareer
m.l (-rro, m.dh) 1. la-mid: foodsaar 1 (3) 2. Timaha foodda oo inta salxanyaha soo dhaafa wejiga yareeya oo foolxumeeya; wejiga qaarkiisa kore oo aan dadku badanaa timo ku lahayn, timo ka baxa.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
foodshareer
m. n., [compound] hair growing low over the face
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
foodshareer
-ka: (magac, lab, keli) timaha intooda foodda soo dhaafta oo salxaha wejiga intiisa bannaan soo kooba.
foodshareer-ka: (magac, lab, keli) cawska aqalka lagu xidho fooddiisa.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
foodshareer
de: hair growing low over the face
lx: foodshareer
pd: (-ka)
ps: n2-m-cmp
key: foodshareer