foocis
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
foocis
-ka: (magac, lab, keli) eeg foocin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fooci
f.g2 (-iyay, -isay) 1. Wax kor u soo kuusid. 2. Jago ka qaadid (qof).
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
fooci
f.g2 (-iyay, -isay) 1. Wax kor u soo kuusid. 2. Jago ka qaadid (qof). m.f.dh, foocin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
fooci
v. make something swell ~ grow; make someone lose his position ~ job
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
fooci
-yey / say: (v) 1. exclude (ikiskuluudh); put out; expel. 2. —soo fooci -yey /say: (v) distend (disteendh); swell out, grow larger ~ soo taag
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fooci
(fal) debedda u tuur; meel ka saar.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
fooci
de: make s.t. swell ~ grow; make s.o. lose his position ~ job
lx: fooci
pd: (foociyey)
ps: v2a=tr
key: fooci
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Foocid
(Foocid-da)
Fooc yeelasho; kor u soo buurasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
foocid
m.f.dh eeg fooc².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
foocid
-da: (magac, dhedig, keli) wax meel ka soo baxaya sida likaha ama dhullaxa; fooc yeelasho; kor u soo buurasho. Dh: foocis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
foocin
m.f.dh eeg fooci.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
foocin
-ta: (magac, dhedig, keli) debedda u tuurid; meel ka saarid oo foocis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
foofis
m.l la-mid: foofin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
foofis
-ka: (magac, lab, keli) eeg foofin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
foolis
m.l la-mid: foolin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
foolis
-ka: (magac, lab, keli) ruuxa kalkaaliya ee saacida gabadha umulaysa.
foolis-ta: (magac, dhedig, keli) (ka ~) dhib iyo wixii la mid ah, ka gudbid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fooris
m.dh la-mid: foorid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fooris
-ka: (magac, lab, keli) eeg foodhin.
fooris-ta: (magac, dhedig, keli) cid kale, duq kaga badin. Dh: foorid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fooxis
m.l la-mid: fooxin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fooxis
-ka: (magac, lab, keli) ka fooxin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
soocis
-ta: (magac, dhedig, keli) soocid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
toocis
-ka: (magac, lab, keli) eeg toocin.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
foolish
/fuulish/foolishness (adj) nacasnimo, doqonimo ah.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
fooltis
m. n. volt
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
fooltis
de: volt {Eng}
lx: fooltis
pd: (-ka)
ps: n2a-m
key: fooltis
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fooxiso
m.dh (-ooyin, m.l) Haweeney fooxa ka faallisa.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
fois
fois, n.f. - mar.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Fooc
(Fooc-a)
Wax sinnaa meel kamid ah, oo inta hoos ka soo riixantey, kor u soo buuran.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fooc
fooc¹: m.l (-cyo, m.dh) Dhul, jir iyo wixi lamida wax ka soo taagan.
fooc²: f.mg1 (-cay, -cday) 1. Wax siman kor u soo kuusmid. 2. Abuur dhul kasoo bixid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
fooc
fooc¹: m.l (-cyo, m.dh) Dhul, jir iyo wixi lamida, wax ka soo taagan.
fooc²: f.mg1 (-cay, -cday) 1. Wax siman kor u soo kuusmid. 2. Abuur dhul kasoo bixid. m.f.dh, foocid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
fooc
m. n. bulge, projection
fooc v. stick up, project, stand out; germinate, grow (of seeds)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fooc
(fal) (soo ~) wax horey u sinnaa meel ka mid ah, soo buurnaw oo sare u soo kac.
fooc-a: (magac, lab, keli) wax horey u sinnaa meel ka mid ah oo soo buurnaata ama sare u soo kacda. Dh: tuur, taag.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Foos
(Foos-ka)
Xoog; col.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
foos
m.l (-sas m.l) 1. Dad badan oo hubaysan. 2. F. ah: qofka qaybinaya turubka qofka ku xiga ee midig ka jira.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
foos
m.l (-sas m.l) 1. Dad badan oo hubaysan. 2. F. ah: qofka qaybinaya turubka qofka ku xiga ee midig ka jira.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
Foos
pr. n., [feminine] Fos
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
foos
m. n. front line, forefront; force, armed troops
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Foos
name-f front line, forefront; force, armed forces
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Foos
magac loo baxsho wiil jiidda dagaalka hore ka gala ama ciidanka qalabka sida ah.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
foos
-ka: (magac, lab, keli) xoog col ah ama ciidan.
foos-ka: (magac, lab, keli) meesha hogga ah ee biyaha musquluhu iskugu tegaan. Wa: foosas.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cooci
-ga: (magac, lab, keli) meel godan oo biyuhu isugu ururaan. Dh: ceerigale.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dooci
f.g2 (-iyay, -isay) Wax sugan ka raadin (qof). la-mid: doocdooci.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dooci
v. try to get some information ~ news; inquire
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dooci
(fal) war iyo hayb ka doon. Waar bal neefka ceelasha ka dooci.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dooci
de: try to get some information ~ news; inquire
lx: dooci
pd: (doociyey)
ps: v2a=
key: dooci
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
focus
/fookas/ (n) 1. barta-bartamaha, (bar-kulmis), sida barta fallaaraha ilayska iwm, lugu aadiyo. (v) 2. xoog-saarid, ahmiyad-saarid, sida bar-tilmaameed diirad lugu eego. (v) 3. ku-aaddin, ku-shiisid. e.g. She forgot to focus the camera.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
foodi
f.g2 (-iyay, -isay) Isu f.: laba wax ama ka badan isbarbardhigid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
foofi
f.g2 (-iyay, -isay) Xoolo daaq geyn. la-mid: soofi.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
foofi
f.g2 (-iyay, -isay) Xoolo daaq geyn. m.f.dh, foofin. la-mid: soofi.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
foofi
v. lead ~ drive (livestock) out to graze
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
foofi
-yey / say: (v) put out (grazing animals) to pasture
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
foofi
(fal) xoolo, dareeri oo daaq gee. Dh: soofi.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
foofi
de: lead ~ drive (livestock) out to graze
lx: foofi
pd: (foofiyey)
ps: v2a=tr
key: foofi
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fooli
f.g2 (-iyay, -isay) Dheddig foolanaya ilaalin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Foori
(Foori-da)
Shanqar ama yeer la maqlo kolka inta bushimaha la isu dhoweeyo, neef xoog leh la soo saaro; fiijis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
foori
foori¹: m.dh Dhawaaq yeera marka bushimaha laysu dhaweeyo oo neef xoog leh la afuufo.
foori²: f.mg1/2 (-ryay, -iday/isay; -ryi) Bushimaha oo laysu dhoweeyo oo neef xooggan lagu afuufo cod ka yeerin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
foori
foori¹: m.dh Dhawaaq yeera marka bushimaha laysu dhaweeyo oo neef xoog leh la afuufo.
foori²: f.mg1/2 (-ryay, -iday/isay; -ryi) Bushimaha oo laysu dhoweeyo oo neef xooggan lagu afuufo cod ka yeerin. m.f.dh, fooryid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
foori
vl. n. whistle (sound); act of whistling
foori v. whistle
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
foori
-yey / say: (v) whistle (wisal)
foori -da: (n) the act of whistling
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
foori
(fal) foodhin samay. Dh: fiiji, foori.
foori-da: (magac, dhedig, keli) eeg foodhin.
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
foori
صفير، صفار
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fooxi
f.g/mg2 (-iyay, -isay) 1. (f.g) Foox shidid. 2. (f.g) Foox ka faallin. 3. (f.mg) Cabsasho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
fooxi
f.g/mg2 (-iyay, -isay) 1. (f.g) Foox shidid. 2. (f.g) Foox ka faallin. 3. (f.mg) Cabsasho.m.f.dh, fooxin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
fooxi
v. perfume with burning incense
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fooxi
(fal) (ka ~) xaal ama wax kale, foox kaga shid.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
fooxi
de: perfume with burning incense
lx: fooxi
pd: (fooxiyey)
ps: v2a=tr
key: fooxi
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
oo'is
-ta: (magac, dhedig, keli) (ka ~) eeg oo'id.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
oodis
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg oodid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
oofis
-ka: (magac, lab, keli) eeg oofin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
oogis
-ta: (magac, dhedig, keli) dab aad u shidid. Dh: oogid.
oogis-ta: (magac, dhedig, keli) abaabulid, dardar cusub galen. Dh: oogid
oogis-ta: (magac, dhedig, keli) salaad iyo wixii la mid ah, samaynteeda si niyadsami ah ugu istaagid. Oogidda salaaddu waa rukun asaasi ah.
oogis-ta: (magac, dhedig, keli) dacwad samayn oo cid ku eedayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
oohis
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg oohin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Oolis
magac loo baxsho wiil dhashay reerka oo inuu guuro doonayay haseyeeshee dhalashadiisa darteed u nagaaday: Waxa kale oo loo baxshaa wiil hooyadii la rabay in la furo oo isaga sababtiisa lagu dhaafay.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
oolis
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg oolid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
oomis
-ka: (magac, lab, keli) eeg oomin
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ooyis
-ta: (magac, dhedig, keli) ilmayn iyo qaylin ciilkaambi ah oo ay keento xanuun, dilmo, murugo iyo wixii la mid ah. Dh: ooyid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tooci
tooci¹: m.l Bannaan furan oo aan lahayn gabbaad.
tooci²: f.g2 (-iyay, -isay) Wax xoog u ereyid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
tooci
v. try out the paces of a horse
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tooci
(fal) wax aad u eryo. Dameeraha tooci oo gurigii sidaa ku gaadhsii. Dh: baacso.
tooci: (fal) 'faras' baxaalligii iyo dhalankiisa tijaabi. Tooci faraska si aad u ogaato baaxaalligiisa.
tooci: (fal) ul ruxrux adiga oo qiyaasaya inta nabarkeedu le'eg yahay.
tooci -ga: (magac, lab, keli) meel aan gabbaad lahayn oo dabaysha iyo roobka ba soo daysa.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
tooci
de: try out the paces of a horse
initial: t
lx: tooci
pd: (toociyey)
ps: v2a=tr
key: tooci
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
boodis
-ta: (magac, dhedig, keli) bootin samayn.
boodis -ta: (magac, dhedig, keli) ka cadhooshaha fikir la soo jeediyey.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
boojis
m.l/dh (-syo, m.dh) Qof hubeysan oo si sharci darro u laayo ugaarta si uu uga ganacsado haraggooda, iliggooda iyo wixi lamida.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
boojis
m.l/dh (-syo, m.dh) Qof hubeysan oo si sharci darro u laayo ugaarta si uu uga ganacsado haraggooda, iliggooda iyo wixi lamida.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
boojis
-ka: (magac, lab, keli) boojin samayn.
boojis -ka: (magac, lab, keli) dhacista xoolaha gaar ahaan waqtiga dagaallada. Boojiskii waxba igama soo gaadhin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
boolis
m. n., [collective] police
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
boolis
de: police
lx: boolis
pd: (-ka)
ps: n-m-col
see: booliis {Eng}
key: boolis
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
booris
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg boorid.
Ereybixinta Qalabka Farsamada Gacanta - Maxamuud Iimaan Aadan [1975]
Booris
Dabayl kiisid, dabayl cabbayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bootis
m.l la-mid: bootin (1).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bootis
-ka: (magac, lab, keli) bootin samayn. Bootis badan iyo kibir ba waa lagu jabaa.
bootis-ka: (magac, lab, keli) bootin u samayn arday xariifnimo dhaafay. Bootis mal eh ardaygaan casharro soo barane.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
concis
concis, adj. - Hadal gaban ujeeddadii oo dhani ku dhan tahay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Doocin
(Doocin-ta)
(war, kd.) ka doonid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
doocin
m.f.dh eeg dooci. la-mid: doocdoocin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
doocin
-ta: (magac, dhedig, keli) cid maqan, war iyo wacaal ka doonid. Weli doocin ayaan wadaaye wax la taaban karo ma hayo. Dh: xograadis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Doodis
(Doodis-ta)
Doodid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
doodis
m.dh la-mid: doodid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
doodis
vl. n. argument
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
doodis
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg doodid.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
doodis
de: argument
lx: doodis
pd: (-ta)
ps: vn2a-f
key: doodis
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
doojis
m.l la-mid: doojin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
doonis
m.dh la-mid: doomid. doonid.