fogaysiin
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fogaysiin
-ta: (magac, dhedig, keli) dheereyn oo meel fog geyn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ogaysiin
vl. n. announce, informing; announcement
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
ogaysiin
-ta: (n) notification (noo 'tifikeeyshin); notifying (noo 'tifaaying); notice (now'tis); announcing (a nawns ing); informing (in-foorming) ~ ogeysiin
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ogaysiin
-ta: (magac, dhedig, keli) cid kale ka wargelin oo wax uuna ogayn u sheegid. Ningunta ogi ogaysiin uma baahna.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ogaysiin
a: ogeysiis
de: announcing, informing; announcement
lx: ogaysiin
pd: (-ta)
ps: vn1-f, vn2-f
key: ogaysiin
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shishaysiin
-ta: (magac, dhedig, kell) wax fog ka dhigid. Dh: fogaysiin. Li: dhawaysiin.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
ogaysii
-yey I say: (v) notify (noo 'tifaay); inform (infoorm') ~ ogeysii
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ogaysii
(fal) cid kale, wax ka wargeli. Ogays in berri la imanayo.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
ogaysiis
-ka: (n) announcement (anawns'ment); notice (now'tis). Ex: iidheh iyo ogaysiis; commercials [advertisement] and announcement
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ogaysiis
-ka: (magac, lab, keli) wargelin guud co cidda ay khusayso oo dhan loo shaaciyo. Ogaysiska idaacadda ka dhegeyso.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Ogeysiin
(Ogeysiin-ta)
Ku og ama war haya ka dhigid; war gaarsiin; dareensiin; u warramid; u sheegid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ogeysiin
m.f.dh eeg ogeysii. la-mid: ogeysiis (2).
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
ogeysiin
-ta: (n) notification (noo 'ti fikeeyshin); notifying (noo 'tifaaying); notice (now'tis); announcing (a nawns ing); informing (in-foorming) ~ ogaysiin, wargelin
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Ogeysiin
Avvisare
To give notice
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ogeysiin
-ta: (magac, dhedig, keli) cid kale, xog ka wargelin. Dh: ogaysiin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
koraysiin
-ta: (magac, dhedig, keli) wax meel kore saarid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
filnaysiin
m.f.dh eeg filnaysii.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
filnaysiin
-ta: (magac, dhedig, keli) wax kala wayna is le'ekaysiin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hoosaysiin
m.f.dh eeg hoosaysii.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hoosaysiin
-ta: (magac, dhedig, keli) wax, xagga hoose marsiin. Dh: hoosaysiis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
horraysiin
m.f.dh eeg horraysii.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
horraysiin
-ta: (magac, dhedig, keli) xagga hore marin. Dh: horraysiis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
korraysiin
-ta: (magac, dhedig, keli) meel sare dhigid. korree: (fal) meel sarre joog. Dh: sarree.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
moogeysiin
m.f.dh eeg moogeysii. la-mid: moogeysiis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
moogeysiin
-ta: (magac, dhedig, keli) kaayaysin kolba mid hawsha u dhiibid. Dh: kaayaysin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fogayn
-ta: (magac, dhedig, keli) meel durugsan geyn. Dh: dheerayn. Li: dhowayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gasiin
(Gasiin-ka)
Cunno; calaf; dheef; dhuuni; (ama gesin).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gąsiin
m.l Cunto; calaf; dheef; dhuuni. la-mid: gesiin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
gasiin
gąsiin: m.l Cunto; calaf; dheef; dhuuni. la-mid: gesiin. gastiriite m.dh (daaw.) Halamacoodka xuubka daboola caloosha gudaheeda.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
gasiin
m. n., [collective] food, sustenance, living requirements; home
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
gasiin
-ka: (n) food (fuudh) ~ cunno
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gasiin
-ka: (magac, lab, keli) cuntada la cuno nooca calaliska ah siiba waxa la kariyo. Gasiin kaad cuntaba xoolahaa meel ka soo gala e'. Dh: cunto, baad, dhuuni.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
gasiin
bw: gesiin
cf: cunno, calaf, dheef
de: food, sustenance, living requirements; [fig.] home
lx: gasiin
pd: (-ka)
ps: n2-m-col
key: gasiin
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bogsiin
m.f.dh eeg boogsii. la-mid: bogsiis.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
bogsiin
vl. n. healing, curing
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bogsiin
-ta: (magac, dhedig, keli) cid bugta daawayn. Dawooyinku way kala bogsiin og yihiin.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
bogsiin
cf: bukaan
de: healing, curing
lx: bogsiin
pd: (-ta)
ps: vn-f
key: bogsiin
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
garsiin
m.f.dh eeg garsii.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gawsiin
m.f.dh eeg gawsii.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hogaysi
-ga: (magac, lab, keli) eeg hogaysad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ogeysii
f.lg2 (-iiyay, -iisay) Cid xog u sheegid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
ogeysii
f.lg2 (-iiyay, -iisay) Cid xog u sheegid. m.f.dh, ogeysiin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ogeysii
v.caus: inform, notify, let someone know; announ
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
ogeysii
-yey / say: (v) notify (noo'tifaay); inform (in foorm') ~ ogaysii
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ogeysii
de: inform, notify, let s.o. know; announce
lx: ogeysii
pd: (ogeysiiyey)
ps: v2a=caus
xe: Let me know!
xv: I soo ogeysii!
key: ogeysii
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Ahaysiin
(Ahaysiin-ta)
1. Wax aan jirin, wax jira ka dhigid; abuurid; uumid.
2. Dhab ama run ka dhigid.
3. Si, ama, wax ka dhigid, ka yeelid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ahaysiin
m.f.dh eeg ahaysii.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ahaysiin
vl. n., [compound] making, invention, creating
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ahaysiin
-ta: (magac, dhedig, keli) wax aan jirin wax jira ka dhigid. Ahaysiintu waa arrin Eebbe u gaar ah. Dh: abuurid, uumid, alkumid, ahaysiis.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ahaysiin
de: making, invention, creating
lx: ahaysiin
pd: (-ta)
ps: vn0-f-cmp
key: ahaysiin
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ekaysiin
m.f.dh eeg ekaysii.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ekaysiin
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg ekayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Ogeysiis
(Ogeysiis-ka)
War loogu talaggalay in qof ama dad badan la gaarsiiyo; iclaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ogeysiis
m.l 1. War la rabo in cid loo sheego. 2. la-mid: ogeysiin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
ogeysiis
m.l 1. War la rabo in cid loo sheego.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ogeysiis
vl. n. notice, announnt, information
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
ogeysiis
-ka: (n) announcement (a nawnsi-ment); notice(now'tis). Ex: iidheh iyo ogaysiis; commercials [advertisement] and announcement ~ ogaysiis
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Ogeysiis
Avviso
Notice
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ogeysiis
bw: ogaysiin
de: notice, announcement, information
lx: ogeysiis
pd: (-ka)
ps: vn2a-m
syn: iclaan
key: ogeysiis
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
ogeysiis
إنباء، إعلان، إعلام، إشهار
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
aqsaysiin
m.f.dh la-mid: asqaysiin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
asqaysiin
m.dh eeg asqaysii. la-mid: aqsaysiin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bataysiin
-ta: (magac, dhedig, keli) ka badnaan tiro ahaan. Bataysiin ma laha tayo ma ogiyi. Dh: qarqin, hafin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bukaysiin
m.f.dh eeg bukaysii. la-mid: bukayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bukaysiin
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg bukayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Caraysiin
(Caraysiin-ta)
(ka caraysiin) Caro ku abuurid; ka xanaajin; umal iyo dhirif ka keenid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
caraysiin
m.f.dh eeg caraysii.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caraysiin
-ta: (magac, dhedig, keli) (ka ~) ka xanaajin; ka weyrixin; cadho ku abuurid. Dh: cadhaysiin, caraysiis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ergeysiin
m.f.dh eeg ergeysii.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ergeysiin
-ta: (magac, dhedig, keli) cid kale, ergo ka dhigid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fahamsiin
m.f.dh eeg fahamsii. la-mid: fahamsiis, fahansiin, fahansiis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fahamsiin
-ta: (magac, dhedig, keli) cid kale, wax u macnayn, illaa uu dhab u garanayo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fahansiin
m.dh la-mid: fahamsiin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fahansiin
-ta: (magac, dhedig, keli) cid kale oo wax ka daahnaayeen, garansiin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fakarsiin
m.dh la-mid: fekersiin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fakarsiin
-ta: (magac, dhedig, keli) qof kale, in uu fikiro, sabab u noqo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gabaysiin
m.f.dh eeg gabaysii.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gabaysiin
-ta: (magac, dhedig, keli) cid kale, u oggolow inuu gabay tiriyo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jahaysiin
m.f.dh eeg jahaysii. la-mid: jihaysiin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jalaysiin
m.f.dh eeg jalaysii. la-mid: jalayn, jalaysiis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jihaysiin
m.dh la-mid: jahaysiin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
magaasiin
m. n. warehouse, storage room, magazine
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
magaasiin
-ka: (magac, lab, keli) eeg magaasaan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
magaasiin
de: warehouse, storage room, magazine
lx: magaasiin
pd: (-ka)
ps: n2-m
syn: bakhaar {Eng}
key: magaasiin
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
magacsiin
m.dh Magac u bixinta nafley magac loo baxsho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
magacsiin
m.dh Magac u bixinta nafley magac loo baxsho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
magacsiin
-ta: (magac, dhedig, keli) ku sharfin oo ku ammaanid; waxa inta badan loo isticmaalaa qof aan wax uun qaban lagu ammaano. Magacsiin magac laguma yeesho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ormaysiin
m.f.dh eeg ormaysii.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ormaysiin
-ta: (magac, dhedig, keli) or iyo qaylo ka keenid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qadaysiin
m.f.dh eeg qadaysii.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qadaysiin
-ta: (magac, dhedig, keli) qof kale hadhimo siin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qasaysiin
-ta: (magac, dhedig, keli) qaso iyo wejigabax ku ridid. Dh: khasaysiin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qataysiin
(Qataysiin-ta)
Luggoyn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qataysiin
m.f.dh eeg qataysii.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qataysiin
-ta: (magac, dhedig, keli) kadeedid oo khaati ka dhigid. Odaygu wuu soo daalaye qataysiinta ka yaree. Dh: daalin, qataysiis.
qataysiin -ta: (magac, dhedig, keli) eeg qasaysiin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sahaysiin
-ta: (magac, dhedig, keli) xafiis u shaqeeya maraakiibta, dayuuradaha iyo wixii la mid ah oo sahayda ay u baahan yihiin siiya, ka iibsha; wakaalad qaabbilsan sahayda la siinayo gaadiidka badda iyo cirkaba.
sahaysiin -ta: (magac, dhedig, keli) sahayda la siiyo qof socoto si uu jidka ugu maro. Dh: jidmar, jicsimid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Solansiin
(Solansiin-ta)
Garansiin, ku duwid, waafajin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
solansiin
m.f.dh eeg solnsii.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
solansiin
-ta: (magac, dhedig, keli) garansiin; ku du'wid; waafajin; solonsiin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xayaysiin
m.f.dh eeg xayaysii.