flip
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
flip
/flip/ (v) 1. hawada u-tuurid, sida shilin hawada loo tuuro, oo dhulka si rog-rogmad ah u soo dhaca. (v) 2. rogid, gaddiyid. e.g. to flip an egg over in the pan.
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Mareeg bigdam
Flip-flop circuit
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dacas
m. n. rubber sandals, thongs, flip-flops
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qaalmarrogo
v. somersault, do acrobatics ~ a flip
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qorituuro
v. draw lots using small pieces of wood of varying lengths, flip a coin
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
flip through
/flip-thuruu/ (v) rog-rogid, sida buug la dul-maro. e.g. I flipped through the pages of the book.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
flippant
/flipant/ (adj) tix-gelin daran. e.g. a flippant statement.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
addin
addin-ka: (n) limb (lim); such as an arm, a leg, a wing, or a flipper, used for locomotion or grasping ~ lug, jeeni, gacan, ama baal
addin-ka: (n) see [eeg] aadaan
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
gaddi
-yey / say: (v) tip over, upturn (apteern); flip (filip); overturn (overteern); upset (ap set), topple (tap-pel) ~ gembi, ganbi, geddi, qallib, rog
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
rog
-ay / tay: (v) flip (filip); tip over, upturn (apteern) ~ gaddi. Ex: hal bog rog; flip one page
ka rog -ay / tay: (v) unload (an-laawdh); discharge (dis-jaar)
ku soo rog -ay / tay: (v) impose (im-powyz); compel (kom-peel); leave no choice
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
rogan
-rognaa / rognayd: (adj) flipped (filipidh); upturned (ap-teenidh) ~ gaddisan
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dacas
de: rubber sandals, thongs, flip-flops
lx: dacas
pd: (-ka)
ps: n2a-m
key: dacas
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qaalmarrogo
de: somersault, do acrobatics ~ a flip
lx: qaalmarrogo
nt: qaalmarrogad (ka) [vn-m], qaalmarrogasho (/da) [vn-f]
pd: (qaalmarrogtay)
ps: v3b=
key: qaalmarrogo
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qorituuro
de: draw lots using small pieces of wood of varying lengths, flip a coin
lx: qorituuro
pd: (qorituurtay)
ps: v3b=intr
key: qorituuro
Qaamuus-Yare Caafimaad: Ingiriis-Soomaali - Deeqa Cali [1999]
lip
(n) either of two fleshy, muscular folds that together surround the opening of the mouth
dibno ama bishimo
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
lip
/lip/ (n) bushin, dibin, faruur (labada bushimood ee afka daboola middood).
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
lip
n., bushin, -ti, dibin, -ti, faruur, -ti.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
clip
/klip/ (n) 1. biinka warqadaha laysku la qabto (v) 2. biin ku qabasho.
Eraybixinta Af Soomaaliga ee Hawlaha Wasaaradaha (Soomaali-Ingiriis-Talyaani) - Guddiga Af Soomaaliga [1972]
Clip
Qallac
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
clip
v.i., (to swallow words) qudhqudhi; you swallow the words, adigu hadalkaaga waa qudhqudhisaa.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
flap
/flaap/ (v) 1. babasho, wax habda dhinaca u babanaya (n) 2. shay meel ka laalaada (laalaad) (n) 3. qas, lab jaahwareer
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
flit
/flit/ (v) haadid, buubid, duulid.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
flop
/flop/ (v) 1. dhicid, siiba si sirgaxan ama si-xun u dhicid (v) 2. laalaadid, lulasho (n) 3. fashilaad, guul-darro
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
slip
/slip/ (v) 1. sid-basho (taraarixid) (v) 2. siibasho (dhuumasho, si aan cidi ku arkayn u bixid) (n) 3. khalad-yar (il-duuf) (n) 4. xaashi yar (gabal xaashi ah) (n) 5. garanka dumarka.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
slip
slip, n.m. - matate; candho saab
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
slip
v., (see slide); v.c., (cause to slip) sibiibixi, siisiibi, simbiriirixi; n., (act of slipping) simbiriirixo, -adi, siisiib, -ti, sibiiboxo, -adi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Falid
(Falid-da)
1. Afka ama addinka wax ka qabasho; wax aan hor u jirin, la imaansho; (wax) si ka dhigid; samayn; waxayn; falkin; yeelid; suubbin; qabasho.
2. Beer dhirta ka jarid, limid, kd.
3. Falfalid; sixrid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
falid
m.f.dh eeg fal². la-mid: fal¹ (4), falniin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
falid
-da: (magac, dhedig, keli) dhul beerid; beer ku tabcid.
falid-da: (magac, dhedig, keli) wax samayn; hawl qabasho.
falid-da: (magac, dhedig, keli) dad sixrid; qof wax u qabasho. Dh: raadqaadid, falis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
falis
-ta: (magac, dhedig, keli) beer ku tabcid.
falis -ta: (magac, dhedig, keli) wax samayn; hawl qabasho.
falis-ta: (magac, dhedig, keli) dad sixrid; qof wax u qabasho. Dh: raadqaadid, falid.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
félin
félin, n.m. - jalaqsanaan; jiljilicsanaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Filid
(Filid-da)
Malayn, moodid; u qaadsasho; ku wadid; qabid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
filid
m.f.dh eeg fil². la-mid: filitaan (1).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
filid
-da: (magac, dhedig, keli) wax rajayn. Li: filanwaa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
filig
filig¹: m.l 1. Qalab yar oo inta sun lagu shubo cayayaanka lagu buufiyo. 2. Sun hoore ah oo cayayaanka lagu buufiyo.
filig²: f.g1 (-gay, -gtay) 1. Wax nidaamsanaa kala daadin. 2. Wax iska filqid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
filig
filig¹: m.l 1. Qalab yar oo inta sun lagu shubo cayayaanka lagu buufiyo. 2. Sun hoore ah oo cayayaanka lagu buufiyo.
filig²: f.g1 (-gay, -gtay) 1. Wax nidaamsanaa kala daadin. 2. Wax iska filqid. m.f.dh, filgid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
filig
(ereycodeed) lagu tilmaansado marka xadhig si dhakhsa ah loo furo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Filim
(Filim-ka)
1. Daliig ama dhuub xalleefsan oo galoolan oo dusha laga marshey wax iftiinka aad u dareemi og oo wax lagu masawiro.
2. Masawirro is dabo xiimaya, oo dheeraynta darteed la mooda hayo, wax dhaqdhaqaaqa haya ama nool; shineemo (ama filin).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
filim
m.l la-mid: filin
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
filim
m.l (-mmo/aflaam, m.dh) 1. Daliig dheer, dhuuban, xalleefsan oo dusha laga mariyo maaddo dareemi og iftiinka oo wax lagu sawiro. 2. Muuqaallo sawirro ah, dhaqdhaqaaqa hadala oo la daawado. 3. Fagaaraha lagu daawado aflaanta; shaneemo. la-mid: filin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
filim
m. n. film; movie
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
filim
-ka: (n) [pl. filamda] film (filim), movie (muu vi), motion picture filin, shaneemo
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
filim
a: filin {Arb < Eng}
de: film; movie
lx: filim
pd: (-ka Pl: aflaam (ta))
ps: n2-m, n8-m
key: filim
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Filin
(Filin-ka)
Filim.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
filin
m.l (-mmo/aflaam, m.dh) 1. Daliig dheer, dhuuban, xalleefsan oo dusha laga mariyo maaddo dareemi og iftiinka oo wax lagu sawiro. 2. Muuqaallo sawirro ah, dhaqdhaqaaqa hadala oo la daawado. 3. Fagaaraha lagu daawado aflaanta; shaneemo. la-mid: filim.
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Filin
Film
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
filin
m. n. film, movie
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
filin
-ka: (n) [pl. filamda] film (filim), movie (muu-vi), motion picture ~ filim, shaneemo
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
filin
-ka: (magac, lab, keli) cajalado ka samaysan maaddooyin iftiinka aad u dareema oo bildhaamaha sawirrada soo mara kaydsha.
filin -ka: (magac, lab, keli) masawirro isku xidhiidhsanaantooda iyo dheeraynta isdabajooggooda darteed la moodo wax dhaqdhaqaaqaya oo nool. Dh: shaneemo, sinimoo.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
filin
filin, n.m. - xadhig.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
filin
cf: shaneemo {Eng}
de: film, movie
lx: filin
pd: (-ka)
ps: n2c-m
key: filin
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
filiq
f.g1 (-lqay, -liqday; -lqi) Wax sayrin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
filiq
f.g1 (-lqay, -liqday; -lqi) Wax sayrin. m.f.dh, filqid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
filiq
v. throw
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
filiq
(fal) alaab iyo wax la mid ah, kala firdhi; kala daadi.
filiq -a: (magac, lab, keli) wax aan isku urursanayn oo kala fidhidhsan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
filiq
de: throw
lx: filiq
pd: (filiqay)
ps: v1=
key: filiq
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
flail
/fleyl/ (v) rux-ruxid, ku-wal-walaaqid. e.g. His legs flailed in the water.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
flair
/fleer/ (n) karti-dabiici ah (hibo dabiici ah). e.g. He has a flair for writing.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
flair
flair, n.m. - ur dareen la xidhiidha urka
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
flick
/filik/ (v) 1. ku-dhufasho sahlan oo dhakhso ah (v) 2. dhaqaajin degdeg ah ama kado ah. (n) 3. shaneemo. e.g. I am going to the flicks tonight.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
flier
/falaayar/flyer (n) qoraal-warqadeed oo ogeysiin ama xayiisiin ah, oo badanaa gacan lugu qaybiyo.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
flier
n., nin cararaya, nin baxsanaaya.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
fling
/fling/ (v) 1. halgaadid, tuurid (n) 2. waqti-qaadasho (raaxaysi)
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
fling
v.tr., rid, rido, ku rid.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
flint
/flint/ (n) 1. dhagax-adag oo dhaliya is-lis dab kolkii bir lugu xoqo. (n) 2. maaddo macdan-adag ah, oo loo adeegsado dab-dhalinta sida garxisada sigaarka lugu shito.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
flint
(silex), n., dhagax madow, -gi, ducun, -ti.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
flirt
/flert/ (v) 1. xod-xodasho (siiba is mashashuurin ama soo-jiidasho). e.g. Ismalura flirts with all the boys. (v) 2. is-jecleysiin, sida fikrad lugu fakaro, aanse la goosan. (n) 3. qofka, siiba naagta is-mashashuurta ama damac shukaansi muujisa.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
flirt
flirt, n.m. - qofki xidhiidh jacayl lala leeyahay
Qaamuuska Ereybixinta: Bayoolaji (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Fluid
Hoor
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
fluid
/fluu idh/ (n) 1. dareere (adj) 2. dareere ah, dheecaan
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
folie
folie, n.f. - waali aan miyirqab lahayn; waali.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Fulid
(Fulid-da)
1. (xoolo) meesha ay u soo arooreen oo biyaha ka cabbeen kategid, ka noqosho.
2. (arrin) meel marid; dhaboodid; dhaqan gelid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fulid
m.f.dh eeg ful.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fulid
-da: (magac, dhedig, keli) geel ka noqosho adoo biyo wata ama waraabshay xoolahii. Xooluhu way cabbeen oo fulid bay u dhaqaaqeen. Dh: fulis.
fulid-da: (magac, dhedig, keli) arrin iyo talo lagu jiray, dhaboobid oo dhaqangelid. Dh: meelmarid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Fulin
(Fulin-ta)
1. (xoolo) meesha ay u soo arooreen oo biyaha ka cabbeen ka kaxayn, ka wadid.
2. (arrin) meel marin; dhab ka dhigid; dhaqan gelin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fulin
m.f.dh eeg fuli.
Qaamuuska Ereybixinta: Barbaarinta Jirka (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1984]
fulin
execution
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
fulin
vl. n. fulfillment, accomplishment, satisfaction, implementation, execution
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
fulin
-ta: (n) the act of fulfilling; fulfilment (fulfilment)-, performance (peerfoor-mansi); completion
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Fulin
Esecuzione
Implementation; execution
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fulin
-ta: (magac, dhedig, keli) arrin ka dhabayn oo hirgelin. Dh: fulis.
fulin-ta: (magac, dhedig, keli) xoolo, meelsha ay u soo arooreen oo biyaha ka cabbeen ka kaxayn oo ka dareerin. Dh: fulis.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
fulin
de: fulfillment, accomplishment, satisfaction, implementation, execution
lx: fulin
pd: (-ta)
ps: vn2-f
key: fulin
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fulis
-ka: (magac, lab, keli) eeg fulin.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
flipper
/fliper/ (n) 1. addin-dabaaleed, addin fiiqan oo ay leeyihiin xayawaan badeed-ka qaarkood oo ay ku-dabaashaan (n) 2. kab caynkaas u eg oo dabaasha sahasha.