fiyoordi
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fiyoordi
-ga: (magac, lab, keli) dhul sare oo agagaar xeebeed ahaa oo inta uu degay, biyihii baddu dulmareen oo ay qariyeen.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fiyoor
m.l (-ro, m.dh) (juqraafi) Bad-jiid dheer oo dhuuban oo gala dhulka xeebta badda, kaas oo leh dhinacyo tiiradoodu ay taagantahay.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Fiyoor
Fiord
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
FIYOOROW
(Fiorou) May Cassia longiracemosa Vatke. Caesalpinaceae.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fiyooliin
m.l (muus.) Nooc ka mid ah qalabka muusikada.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
fiyooliin
m.l (muus.) Nooc ka mid ah qalabka muusikada.
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Fiord
Fiyoor
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
foodi
f.g2 (-iyay, -isay) Isu f.: laba wax ama ka badan isbarbardhigid.
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Foord
Ford
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Foori
(Foori-da)
Shanqar ama yeer la maqlo kolka inta bushimaha la isu dhoweeyo, neef xoog leh la soo saaro; fiijis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
foori
foori¹: m.dh Dhawaaq yeera marka bushimaha laysu dhaweeyo oo neef xoog leh la afuufo.
foori²: f.mg1/2 (-ryay, -iday/isay; -ryi) Bushimaha oo laysu dhoweeyo oo neef xooggan lagu afuufo cod ka yeerin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
foori
foori¹: m.dh Dhawaaq yeera marka bushimaha laysu dhaweeyo oo neef xoog leh la afuufo.
foori²: f.mg1/2 (-ryay, -iday/isay; -ryi) Bushimaha oo laysu dhoweeyo oo neef xooggan lagu afuufo cod ka yeerin. m.f.dh, fooryid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
foori
vl. n. whistle (sound); act of whistling
foori v. whistle
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
foori
-yey / say: (v) whistle (wisal)
foori -da: (n) the act of whistling
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
foori
(fal) foodhin samay. Dh: fiiji, foori.
foori-da: (magac, dhedig, keli) eeg foodhin.
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
foori
صفير، صفار
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
biyood
m.l (-dyo, m.dh) (cilmiga naflayda) Degaan b. ama sinjiyo noole ah oo ku nool biyaha dhexdooda, dhir iyo xayawaan mid kastaba ha ahaadee.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
biyood
m.l (-dyo, m.dh) (cilmiga naflayda) Degaan b. ama sinjiyo noole ah oo ku nool biyaha dhexdooda, dhir iyo xayawaan mid kastaba ha ahaadee.
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Hiyood
name-unisex sense, heart, center of emotion; longing, yearning, hankering; to be aroused or become emotional
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
iloodi
m.l Qof basar badan leh.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
joordi
m.l Bilaale yar oo dhoob ka samaysan oo shaaha iyo bunka lagu cabbo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
joordi
-ga: (magac, lab, keli) bilaale yar oo dhoob ka samaysan oo shaaha iyo bunka lagu cabbo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Moordi
(Moordi-ga)
1. Cadhada xoolaha murxisa.
2. Jaad liita oo meseggada.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
moordi
m.l 1. Cadhada xoolaha murxisa. 2. Meseggada yaryar ee midabka guduudan leh.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
moordi
m. n. mange ~ scabies (skin-disease of livestock)
moordi m. n. red, collectiveored sorghum species
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
MOORDI
N Sorghum subglabrescens (Steud) Schweinf & Aschers. Gramineae.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
moordi
-ga: (magac, lab, keli) hadhuudhka mesegada jaadadkeeda jaad ka mid ah oo tayo liita. Dh: hadhuudh.
moordi -ga: (magac, lab, keli) xanuun nabarm yaryar oo cuncun badan ka bilaabma oo xola intuu mudhxiya diirka ka saara. Neefkaa moordi ayaa haya. Dh: cadhdho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Niyood
(Niyood-ka)
Niyada oo wax la gashado, wax laga doono; wax laga jeclaysto.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
niyood
m.f.l eeg niyoo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
niyood
m.f.l eeg niyoo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
niyood
m. n. desire
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
niyood
-ay / tay: (v) have an intention; have in mind ~ niyeyso
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
niyood
-ka: (magac, lab, keli) niyadda ku qabasho.
niyood -ka: (magac, lab, keli) «u~ wax wanaagsan cid u niyaysasho.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
niyood
de: desire
lx: niyood
pd: (-ka)
ps: n2a-m
key: niyood
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Riyood
(Riyood-ka)
Riyo arkid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
riyood
m.f.l eeg riyoo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
riyood
m.f.l eeg riyoo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
riyood
inch. v. dream, have a dream; hope
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
riyood
-ay / riyootay: (v) experience a dream while asleep; have a dream
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
riyood
(fal) eeg riyoo.
riyood-ka: (fal) hawaawiyid oo hurdada dhexdeeda dhacdo run u eg ku arkid. Dh: dholol.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
riyood
de: dream, have a dream; hope
lx: riyood
nt: riyood (ka) [vn-m]
pd: (riyooday)
ps: v3a=inch
key: riyood
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Fayoobi
(Fayoobi-da)
Fayo; caafimaad; ladnaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fayoobi
m.dh la-mid: fayoobaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
fayoobi
f. n., [collective] good health
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
fayoobi
-da: (n) soundness; health (helth) ~ caafimaad
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fayoobi
-da: (magac, dhedig, keli) eeg fayoobaan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
fayoobi
de: good health Opp: cudur
lx: fayoobi
pd: (-da)
ps: n2a-f-col
key: fayoobi
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xiloodi
f.g2 (-iyay, -isay) 1. Naag xodxodasho. 2. Qof cayr ah kaalmo ka doonid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
xiloodi
v. put someone in charge, make someone responsible, 'put on the line'
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xiloodi
(fal) xilo ka dhigo oo la gogol gal.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
xiloodi
de: put s.o. in charge, make s.o. responsible, 'put on the line' (this may cause uneasiness or embarrassment if the person does not feel up to the task)
initial: x
lx: xiloodi
pd: (xiloodiyey)
ps: v2a=tr
syn: xilsaar
key: xiloodi
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bilyaardi
m.l 1. Ciyaar si habeysan iyo shuruuc gaar ah loogu ciyaaro ulo ama la'aan iyo kubbado adag, yaryar midabaysan oo faan maroodi ka samaysan oo miis gaar ahna lagu dul ciyaaro. 2. Miis afarta gees iyo dhexda lix god ku leh maro ku dahaarantahay oo ciyaarta b.ga lagu ciyaaro.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
bilyaardi
m.l 1. Ciyaar si habeysan iyo shuruuc gaar ah loogu ciyaaro ulo ama la'aan iyo kubbado adag, yaryar midabaysan oo faan maroodi ka samaysan oo miis gaar ahna lagu dul ciyaaro. 2. Miis afarta gees iyo dhexda lix god ku leh maro ku dahaarantahay oo ciyaarta b.ga lagu ciyaaro.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
bilyaardi
m. n. billiards, pool; billiard ~ pool table
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
bilyaardi
-ga: (n) billiards (bil-yaar-diz); carom (kaa-ram); billiard; pool table
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bilyaardi
-da: (magac, dhedig, keli) ciyaar lagu ciyaaro miis dushii oo la adeegsado dhiilo yaryar oo weysada ubbada u eg'eg oo lagu toogto kubbad yar oo ul dheer lagu riixayo. Jaamacadda ayaan bilyaardi ku ciyaaraa. Dh: bilyaardo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
bilyaardi
de: billiards, pool; billiard ~ pool table {It}
lx: bilyaardi
pd: (-ga)
ps: n2a-m
key: bilyaardi
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
discòrdia
s.f. - khilaaf, is afgaran-waa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
falooriin
m.dh (-nno, m.dh) (kiimika) Curiye neef ah, aadna u firfircoon midabkiisuna yahay hurdi cagaaran kana tirsan haloojiinada (ururka VII ee tusaha kalgalka curiyayaasha).
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
falooriin
m.dh (-nno, m.dh) (kiim.) Curiye neef ah, aadna u firfircoon midabkiisuna yahay hurdi cagaaran kana tirsan haloojiinada (ururka VII ee tusaha kalgalka curiyayaasha).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
falooriin
-ta: (magac, dheddig, keli) curiye neef ah, aadna u firfircoon midabkiisuna yahay hurdi cagaaran kana tirsan haloojiinada (ururka 7aad (VII) ee tusaha kalgalka curiyayaasha).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
filoojani
m.l (-iyaal, m.l) (baayoloji) Taariikhda tadawurka ee noole ama koox noolayaal ah oo xidhiidh ka dhexeeyo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
filoojani
m.l (-iyaal, m.l) (baay.) Taariikhda tadawurka ee noole ama koox noolayaal ah oo xidhiidh ka dhexeeyo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
filoojani
-ga: (magac, lab, keli) taariikhda tadawurka ee noole ama koox noolayaal ah oo xidhiidh ka dhexeeyo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fisolooji
-ga: (magac, lab, keli) cilmiga lagu barto noolaha iyo wixii la xidhiidha waana cilmiga xidhiidhka iyo astaamaha orgaannada iyo nudadka noolayaasha.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Jirroorsi
(Jirroorsi-ga)
Jirroorsasho.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
jiyooloji
-ga: (n) geology (jiyoolaji)
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fisiyooloji
m.l (baayoloji) Barashada shaqooyin-ka dhismayaasha iyo dariiqooyinka bayokiimikeed ee ka dhaca dhismayaasha iyo noolaha guud ahaanba.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
fisiyooloji
m.l (baay.) Barashada shaqooyinka dhismayaasha iyo dariiqooyinka bayokimikeed ee ka dhaca dhismayaasha iyo noolaha guud ahaanba.