fitaaxsanaan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fitaaxsanaan
m.f.dh eeg fitaaxsan. la-mid: fataaxsanaan, fataaxsanaansho, fitaaxsanaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fitaaxsanaan
-ta: (magac, dhedig, keli) kala faaxid iyo kala faaxsanaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fataaxsanaan
m.dh la-mid: fitaaxsanaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fataaxsanaan
-ta: (magac, dhedig, keli) faaxitaanka iyo kala baxsanaanta walax.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
firaarsanaan
m.dh la-mid: feeraarsanaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
nikaaxsanaan
m.f.dh eeg nikaaxsan. la-mid: nikaaxsanaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fitaaxsanaansho
m.l/dh la-mid: fitaaxsanaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fitaaxsanaansho
-ha: (magac, lab, keli) faaxid Iyo kala baxsanaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Fitaaxsan
Fidsan; aan ciriiri ahayn; ballaaran.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fitaaxsan
f.mg4 (-naa, -nayd) Wax la fitaaxiyey ahaansho (xero). la-mid: fataaxsan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
fitaaxsan
der. [adjective] enlarged, spread out, expanded, scattered
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
fitaaxsan
-aa: (adj) spacious (ispeeyshasf, roomy (ruumi); ample (aampel) ~ fitaax
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fitaaxsan
(tilmaame) wax kala fidsan oo aan ahayn cidhiidhi.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
fitaaxsan
a: fataaxsan
de: enlarged, spread out, expanded, scattered
lx: fitaaxsan
pd: (fitaaxsanaa)
ps: adj-der
key: fitaaxsan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
faansanaan
m.f.dh eeg faansanaan. la-mid: faansanaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
faansanaan
-ta: (magac, dhedig, keli) mid la faaniyay ahaan; mid la amaanay ahaan. faansanaansho -ha: (magac, lab, keli) faan iyo amaan qabitaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
faarsanaan
m.f.dh eeg faarsan. la-mid: faarsanaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fitaaxsani
-da: (magac, dhedig, keli) eeg fitaaxsanaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gaaxsanaan
(Gaaxsanaan-ta)
Neef gaaxsan ahaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gaaxsanaan
m.f.dh eeg gaaxsan. la-mid: gaaxsanaansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
gaaxsanaan
f. n., [abstract] state of being left unmilked (animal); uncultivated, virgin, untouched (land)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gaaxsanaan
-ta: (magac, dhedig, keli) neef gaaxsan ahaan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
gaaxsanaan
de: state of being left unmilked (animal); uncultivated, virgin, untouched (land)
lx: gaaxsanaan
pd: (-ta)
ps: n0-f-abs
key: gaaxsanaan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Maaxsanaan
(Maaxsanaan-ta)
Wax maaxsan ahaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maaxsanaan
m.f.dh eeg maaxsan. la-mid: maaxsanaansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
maaxsanaan
f. n., [abstract] state of being full of water
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maaxsanaan
-ta: (magac, dhedig, keli) wax maaxsan ahaan; maaxi ay buuxisay ahaan. Maaxsanaanta laaska waan ugu imidday.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
maaxsanaan
de: state of being full of water
lx: maaxsanaan
pd: (-ta)
ps: n0-f-abs
key: maaxsanaan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
naaxsanaan
m.f.dh eeg naaxsan. la-mid: naaxsanaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
naaxsanaan
-ta: (magac, dhedig, keli) shishlaan; wax cayilan ahaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
faraxsanaan
m.f.dh eeg faraxsan. la-mid: faaraxsanaan, faaraxsanaansho, faraxsanaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
faraxsanaan
-ta: (magac, dhedig, keli) mid faraxsan ahaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
firaashnaan
m.f.dh eeg firaashan. la-mid: firaashnaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
firaashnaan
-ta: (magac, dhedig, keli) goglanaan iyo kala baxsanaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ilbaxsanaan
m.f.dh eeg ilbaxsan. la-mid: ilbaxsanaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
arwaaxsanaan
m.f.dh eeg arwaaxsan. la-mid: arwaaxsanaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
arwaaxsanaan
-ta: (magac, dhedig, keli) farxad dareemid; faraxsanaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
aslaaxsanaan
m.f.dh eeg aslaaxsan. la-mid: aslaaxsanaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aslaaxsanaan
-ta: (magac, dhedig, keli) suubbanaanta iyo hagaagsanaanta.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
diyaarsanaan
m.f.dh eeg diyaarsan. la-mid: diyaarsanaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
diyaarsanaan
-ta: (magac, dhedig, keli) wax diyaar ah oo isku dubbadhacsan ahaan. Dh: diyaargaraysnaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
faaraxsanaan
m.dh la-mid: faraxsanaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
faaraxsanaan
-ta: (magac, dhedig, keli) qof faraxsan ahaan. Dh: faraxsanaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gidaadsanaan
m.dh la-mid: gadoodsanaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
giraansanaan
m.f.dh eeg giraansan. la-mid: giraansanaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
mataansanaan
m.f.dh eeg mataansan. la-mid: mataansanaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
nidaamsanaan
m.f.dh eeg nidaamsan. la-mid: nadaamsanaan, nadaamsanaansho, nidaamsanaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
nidaamsanaan
-ta: (magac, dhedig, keli) wax habaysan ahaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qilaafsanaan
-ta: (magac, dhedig, keli) khilaafsanaan; ka duwanaan. Dh: khilaafsanaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xisaabsanaan
m.dh la-mid: xisaabnaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xisaabsanaan
-ta: (magac, dhedig, keli) wax tirsan oo inta uu yahay la garanayo ahaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fataaxsanaansho
m.l/dh la-mid: fitaaxsanaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fataaxsanaansho
-ha: (magac, lab, keli) eeg fataaxsanaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
citiqaadsanaan
m.f.dh eeg citiqaadsan. la-mid: citiqaadsanaansho, ictiqaadsanaan, ictiqaadsanaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
citiqaadsanaan
-ta: (magac, dhedig, keli) wax rumaysnaan; ictiqaadsanaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
mataataxsanaan
m.f.dh eeg mataataxsan. la-mid: mataataxsanaansho, motootaxsanaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mataataxsanaan
-ta: (magac, dhedig, keli) gabaw dartii la burbursanaan oo wax kala daadanaya ahaan. Dh: jarqiyaysaan.
mataataxsanaan -ta: (magac, dhedig, keli) kibir la mannaanakhsanaan. Mataataxsanaanta dadka kala fadhiiso waryaa. Dh: kibirsanaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ambabaxsanaan
-ta: (magac, dhedig, keli) mid socdaal u dhaqaaqay ahaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dillaacsanaan
m.f.dh eeg dillaacsan. la-mid: dillaacsanaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
farxaansanaan
m.dh la-mid: faraxsanaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
farxaansanaan
-ta: (magac, dhedig, keli) farxad iyo raynrayn qabid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
feeraarsanaan
m.f.dh eeg feeraarsan. la-mid: feeraarsanaansho, firaarsanaan, firaarsanaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fullaacsanaan
m.f.dh eeg fullaacsan. la-mid: fullaacsanaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fullaacsanaan
-ta: (magac, dhedig, keli) walax, labo u kala dillaacsanaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hilmaansanaan
-ta: (magac, dhedig, keli) illowsanaan; halmaansanaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
khilaafsanaan
m.f.dh eeg khilaafsan. la-mid: khilaafsanaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
khilaafsanaan
-ta: (magac, dhedig, keli) qof wax diiddan ahaan; oggolaansho la'aan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
matatarsanaan
m.f.dh eeg matatarsan. la-mid: matatarsanaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
matatarsanaan
-ta: (magac, dhedig, keli) wax farsamaysan oo qurshe ku socda ahaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
miidaansanaan
m.f.dh eeg miidaansan. la-mid: miidaansanaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
niyajabsanaan
m.f.dh eeg niyajabsan. la-mid: niyadjabsanaan, niyadjabsanaansho, niyajabsanaansh
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
niyakacsanaan
m.f.dh eeg niyakacsan. la-mid: niyakacsanaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qabalaxsanaan
m.f.dh eeg qabalaxsan. la-mid: qabalaxsanaansho, qablaxsanaan, qablaxsanaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tilmaansanaan
m.dh la-mid: tilmaamnaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tilmaansanaan
-ta: (magac, dhedig, keli) wax la tilmaamay ahaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Baxsanaan
(Baxsanaan-ta)
Baxsan ama baxsi ahaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baxsanaan
baxsanaan¹: m.f.dh eeg baxsan. la-mid: baxsanaansho.
baxsanaan²: m.dh (daawo) Xaalad maskaxeed lagu yaqaan farxad aan caadi ahayn iyo firfircoon oo caadiga ka baxsan, fahmo aad u kacsan oo si dhakhso ah ugu beddelanta caro dhawaansho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
baxsanaan
m.dh (daaw.) Xaalad maskaxeed lagu yaqaan farxad aan caadi ahayn iyo firfircoon oo caadiga ka baxsan, fahmo aad u kacsan oo si dhakhso ah ugu beddelanta caro dhawaansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
baxsanaan
f. n., [abstract] excellence, distinction; being nice ~ good; goodness
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baxsanaan
-ta: (magac, lab, keli) mid wanaagsanaan ahaan. Dh: hannaansami.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
baxsanaan
de: excellence, distinction; being nice or good; goodness
lx: baxsanaan
pd: (-ta)
ps: n0-f-abs
key: baxsanaan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
farxanaan
m.f.dh eeg farxan². la-mid: farxanaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fataaxsan
f.mg4 (-naa, -nayd) la-mid: fitaaxsan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
fataaxsan
der. [adjective] enlarged, expanded, extended
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
fataaxsan
(adj) spacious (ispeeys-shes); roomy (ruumi) ~ fitaax, fataax
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fataaxsan
(tilmaame) kala baxsan; kala fidsan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
fataaxsan
a: fitaaxsan
de: enlarged, expanded, extended
lx: fataaxsan
pd: (fataaxsanaa)
ps: adj-der
key: fataaxsan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fidsanaan
m.f.dh eeg fidsan. la-mid: fidsa-naansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fidsanaan
-ta: (magac, dhedig, keli) wax fidsan ahaan; fitaaxsanaanta iyo kala baxsanaanta wax laabnaan lahaa ama duubnaan lahaa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
naxsanaan
m.f.dh eeg naxsan. la-mid: naxsanaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
naxsanaan
-ta: (magac, dhedig, keli) cabsi darteed sas iyo naxdin ku jirid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qaxsanaan
m.f.dh eeg qaxsan. la-mid: qaxsanaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qaxsanaan
-ta: (magac, dhedig, keli) qaxooti ahaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saxsanaan
-ta: (magac, dhedig, keli) wax saxan ahaan; saxnaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tabsanaan
m.f.dh eeg tabsan. la-mid: tabsanaansho.
Qaamuuska Ereybixinta: Xisaab (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Taksanaan
Variance
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baacsanaan
m.f.dh eeg baacsan. la-mid: baacsanaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baacsanaan
-ta: (magac, dhedig, keli) wax la fidiyay oo ballaadhsan ahaan. Dh: goglanaan, fidsanaan. Li: duubnaan.
baacsanaan -ta: (magac, dhedig, keli) wax baac lagu qiyaasay ahaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baahsanaan
bąahsanaan: m.f.dh eeg bąahsan. la-mid: bąahsanaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baahsanaan
-ta: (magac, dhedig, keli) dhul badan gaadhsiisnaan. Baahsanaan iyo baylah ba barta ka eega. Baahsanaadka bahalkaa ku laaya xoolaha. Dh: faafsanaan, firirsanaan, fidsanaan.