fitaaxin
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Fitaaxin
(Fitaaxin-ta)
Wax fitaaxsan ka dhigid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fitaaxin
m.f.dh eeg fitaaxi. la-mid: fataaxin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fitaaxin
-ta: (magac, dhedig, keli) wax fidsan ka dhigid oo ballaadhin; kala jiidid. Dh: fitaaxis, fidin, ballaadhin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fitaaxi
f.g2 (-iyay, -isay) Wax ballaarin. la-mid: fataaxi.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
fitaaxi
v. spread out, scatter, enlarge, extend
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
fitaaxi
-yey / say: (v) make spacious, make roomy or more room
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fitaaxi
(fal) kala fidi; kala durki oo ballaadhi; ballaari oo kala jiid. Dh: fidi.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
fitaaxi
a: fataaxi
de: spread out, scatter, enlarge, extend
lx: fitaaxi
pd: (fitaaxiyey)
ps: v2a=tr
key: fitaaxi
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fataaxin
m.dh la-mid: fitaaxin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fataaxin
-ta: (magac, dhedig, keli) kala ballaadhin; kala faaxin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Fitaaxid
(Fitaaxid-da)
Wax fitaaxsan noqosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fitaaxid
m.f.dh eeg fitaax². la-mid: fataax¹, fataaxid, fitaax¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fitaaxid
-da: (magac, dhedig, keli) wax fidsan noqosho oo ballaadhad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fitaaxis
-ka: (magac, lab, keli) eeg fitaaxin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Fidin
(Fidin-ta)
Meelo badan gaarsiin; kalabbixin; ballaarin; faafin; fitaaxin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fidin
-ta: (magac, dhedig, keli) wax gacanta lagu hayo cid kale u tebin oo u dhiibid. Wixii uu hayo wuu fidin og yahay. Dh: bixin, baahin, fitaaxin.
fidin -ta: (magac, dhedig, keli) kala jiidid, kala saarid oo ballaadhin. Gogol aan dadka wad deeqayn fidinteedu macna ma leh. Li: duubid.
fidin-ta: (magac, dhedig, keli) shaacin, dad badan gaadhsiin. Culimadu iyagaa isku xilsaaray fidinta diinta ee dadka kama xigaan. Dh: baahin, shaacin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Fitaaxsan
Fidsan; aan ciriiri ahayn; ballaaran.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fitaaxsan
f.mg4 (-naa, -nayd) Wax la fitaaxiyey ahaansho (xero). la-mid: fataaxsan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
fitaaxsan
der. [adjective] enlarged, spread out, expanded, scattered
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
fitaaxsan
-aa: (adj) spacious (ispeeyshasf, roomy (ruumi); ample (aampel) ~ fitaax
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fitaaxsan
(tilmaame) wax kala fidsan oo aan ahayn cidhiidhi.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
fitaaxsan
a: fataaxsan
de: enlarged, spread out, expanded, scattered
lx: fitaaxsan
pd: (fitaaxsanaa)
ps: adj-der
key: fitaaxsan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
faaxin
m.dh la-mid: faafin¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
faaxin
-ta: (magac, dhedig, keli) wax kala baxsan oo ballaadhan ka dhigid. Kubbadda iyo taayirku faaxintay wax ku taraan. Dh: fidin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Fitaax
(Fitaax-a)
Wax fidsan; kala durugsan; ballaar; jiidnaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fitaax
fitaax¹: m.l 1. Wax aan ciriiri ahayn. 2. la-mid: fitaaxid.
fitaax²: f.mg1 (-xay, -xday) Wax waasac noqosho. la-mid: fataax².
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
fitaax
v. be enlarged, expanded ~ spread out; scatter (oneself)
fitaax m. n. something spread out ~ scattered
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
fitaax
-ah: (adj) spacious (ispeeyshas)', roomy (ruumi); ample (aampel) ~ fitaaxsan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fitaax
(fal) fid oo kala durug; ballaadho oo kala jiidan.
fitaax -a: (magac, lab, keli) wax fidsan ama kala durugsan. Dh: ballaadh, jiidnaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fataaxi
f.g2 (-iyay, -isay) la-mid: fitaaxi.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
fataaxi
v. enlarge, expand, extend
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
fataaxi
-yey / say: (v) make larger; expand (ikispaandi) ~ fitaaxi, ballaari, waasici
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
fataaxi
a: fitaaxi
de: enlarge, expand, extend
lx: fataaxi
pd: (fataaxiyey)
ps: v2a=tr
key: fataaxi
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dibaaxin
m.f.dh la-mid: dubaaxin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fataaxid
m.dh la-mid: fitaaxid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
firaarin
m.dh la-mid: feeraarin.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
fitaax_1
de: be enlarged, expanded ~ spread out; scatter (oneself)
hm: 1
lx: fitaax
pd: (fitaaxay)
ps: v1=intr
key: fitaax_1
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
fitaax_2
de: something spread out ~ scattered
hm: 2
lx: fitaax
pd: (-a)
ps: n2a-m
key: fitaax_2
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fitamiin
m.l.u (-no, m.dh) Qayb ka mid ah nafaqooyinka cuntada laga helo oo jirka ka shaqaysiisa. la-mid: faytamiin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
fitamiin
m.l.u (-no, m.dh) Qayb ka mid ah nafaqooyinka cuntada laga helo oo jirka ka shaqaysiisa. la-mid: faytamiin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fitamiin
-ka: (magacwadareed) macdano kala jaadjaad ah oo uu jidhka nooluhu u baahan yahay. Waxa laga helaa noocyada cunnada iyo acabka ba.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Jitaabin
(Jitaabin-ta)
Baxnaanis; imtixaan; (ama tijaabin).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jitaabin
m.f.dh eeg jitaabi. la-mid: jitaabis, jitaabo, tijaabin, tijaabo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jitaabin
-ta: (magac, dhedig, keli) wax cusub, in uu shaqaynayo jarrabid. Dh: tijaabin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Nikaaxin
(Nikaaxin-ta)
Nin iyo naag isku xirid, isu meherin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
nikaaxin
m.dh la-mid: nikaaxid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sitaacin
m.f.dh eeg sitaaci. la-mid: sitaacid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sitaacin
-ta: (magac, dhedig, keli) faras sitaac u xidhid oo ku qurxin. Sitaacinta badan farduhu way ku qurux badnaadaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fitaaxsani
-da: (magac, dhedig, keli) eeg fitaaxsanaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cirtaalin
m.dh la-mid: cirtaallayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fataaxsan
f.mg4 (-naa, -nayd) la-mid: fitaaxsan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
fataaxsan
der. [adjective] enlarged, expanded, extended
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
fataaxsan
(adj) spacious (ispeeys-shes); roomy (ruumi) ~ fitaax, fataax
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fataaxsan
(tilmaame) kala baxsan; kala fidsan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
fataaxsan
a: fitaaxsan
de: enlarged, expanded, extended
lx: fataaxsan
pd: (fataaxsanaa)
ps: adj-der
key: fataaxsan
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
fiitamiin
m. n. vitamin
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
fiitamiin
-ka: (n) vitamin (vaay ta miin) feetamiin
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fiitamiin
-ka: (magac, lab, keli) macdan cuntada ku jirta oo noolaha ka caawisa caafimaadka iyo korriinka.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
fiitamiin
de: vitamin {Eng}
lx: fiitamiin
pd: (-ka)
ps: n2-m
key: fiitamiin
Eraybixinta Af Soomaaliga ee Hawlaha Wasaaradaha (Soomaali-Ingiriis-Talyaani) - Guddiga Af Soomaaliga [1972]
Filtaration
Miirid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
faaxi
f.g2 (-iyay, -isay) 1. Bur, badar iyo wixi lamida khamiirin. 2. la-mid: faafi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fitan
-ta: (magac, dhedig, keli) diradiraalaynta iyo kala dilka dadka.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
-itaan
de: -ing [GERUND] Makes a masculine noun of Declension 2 from a Conjugation 1 verb
lx: -itaan
ps: vn2-m-suf
xe: inspection
xv: baaritaan
key: -itaan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bitaan
bitaan¹: f.mg1 (-amay, -antay; -ami) Ciid khafiif ah hawo ku baahid.
bitaan²: f.mg4 (-naa,-nayd) Ciid khafiif ah hawo ku baahid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
bitaan
bitaan¹: f.mg1 (-amay, -antay; -ami) Ciid khafiif ah hawo ku baahid. m.f.dh, bitaamid.
bitaan²: f.mg4 (-naa,-nayd) Ciid khafiif ah hawo ku baahid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Faafin
(Faafin-ta)
Meelo badan wada gaarsiin; ballaarin; fitaaxin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
faafin
faafin¹: m.f.dh eeg faafi. la-mid: faafis, faahin, faahis, faaxin, faaxis.
faafin²: m.dh F. rasmi ah: wareegto rasmi ah.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
faafin
m.dh F. rasmi ah: wareegto rasmi ah.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
faafin
-ta: (n) distribution (dis tribu- yuushin); publication (pablakey- shan)
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Faafin
Diffusione
Diffusion
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
faafin
-ta: (magac, dhedig, keli) war, mabaadi', wareegto, dhanbaal ama wax la mid ah meelo badan gaadhsiin. Diintu faafin bay ku gaadhay dadka Afrika. Dh: baahin. Li: koobid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
faahin
faahin¹: m.l (-miin m.dh) Qof fahmo badan.
faahin²: m.f.dh la-mid: faafin¹.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
faahin
m.l (-miin m.dh) Qof fahmo badan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
faahin
-ta: (magac, dhedig, keli) xoog faafin; war baahin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Faalin
(Faalin-ta)
Faal dhigid oo wax ka sheegid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
faalin
m.f.dh eeg faali. la-mid: faalis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
faalin
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg faaldhig.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Faanin
(Faanin-ta)
Qof ama wax kale, wax faan ah, ku sheegid; ammaanid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
faanin
m.f.dh eeg faani. la-mid: faanis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
faanin
-ta: (magac, dhedig, keli) cid kale, wanaag ka sheegid; aad u ammaanid. Li: xaqirid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
faarin
m.f.dh eeg faari.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
faarin
-ta: (magac, dhedig, keli) caano fadhiisin oo faar u yeelid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Faaxid
(Faaxid-da)
Meelo badan gaarid; faafid; fitaaxid; kala bixid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
faaxid
m.dh la-mid: faafid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
faaxid
-da: (magac, dhedig, keli) kala bixitaanka iyo kala fididda walax; gaadhidda shey meelo badan ku baaho. Loox biyo ku jiraa faaxid ma daayo. Li: dhadhid, ururid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
faaxis
m.l la-mid: faafin¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
faaxis
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg faaxid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Farxin
(Farxin-ta)
Farax gelin; riyaaqin; reyrreysiin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
farxin
m.f.dh eeg farxi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
farxin
-ta: (magac, dhedig, keli) (ka ~) farax gelin; wax uu u riyaaqo u sheegid; ka rayraysiin; ka farxis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fataan
m.l (-nno, m.dh) Qof dadka isku dira; fidnoole; diradiroole.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
fataan
m.l (-nno, m.dh) Qof dadka isku dira; fidnoole; diradiroole.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
fataan
m. n. instigator, one who rouses insurrection ~ incites rebellion
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fataan
-ka: (magac, lab, keli) rabshadwade fidnad iyo isku dir ka shaqeeya. Fataan lalama saaxiibo. Dh: fidnawale, rabshoole.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
fataan
bw: Arabic
de: instigator, one who rouses insurrection ~ incites rebellion
lx: fataan
pd: (-ka)
ps: n2-m
key: fataan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fataax
fataax¹: m.l la-mid: fitaaxid.
fataax²: f.mg1 (-xay, -xday) la-mid: fitaax².
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
fataax
v. be enlarged, expanded ~ extended
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
fataax
-ah: (adj) spacious (ispeeysshes); roomy (ruumi) ~ fitaax, fataaxsan, waasac. — Syn: ample, capacious, commodious
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fataax
-a: (magac, lab, keli) ballaadhashada iyo kala faaxidda, sida cinjir oo kale.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
fataax
a: fitaax
bw: Arabic
de: be enlarged, expanded ~ extended
lx: fataax
pd: (fataaxay)
ps: v1=intr
key: fataax