firiqsanaan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
firiqsanaan
m.dh la-mid: filiqsanaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
firiqsanaan
-ta: (magac, dhedig, keli) kala daadsanaan iyo firidhsanaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
filiqsanaan
m.f.dh eeg filiqsan. la-mid: filiqsanaansho, firiqsanaan, firiqsanaansho.
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Filiqsanaan
Distribution
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
filiqsanaan
-ta: (magac, dhedig, keli) kala baahsanaan. Dh: baahsanaan. Li: urursanaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
firirsanaan
m.f.dh eeg firirsan. la-mid: firdhisnaan, firdhisnaansho, firirsanaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
firirsanaan
-ta: (magac, dhedig, keli) kala daadsanaanta, wax hore u urursanaa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
siriqsanaan
m.f.dh eeg siriqsan. la-mid: siriqsanaansho.
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Firidhsanaan
Divergence
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ciiqsanaan
m.dh la-mid: ceegsanaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ciiqsanaan
-ta: (magac, lab, keli) wax la ceejiyey ama la merjiyey ahaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fiigsanaan
m.f.dh eeg fiigsan. la-mid: fiigsanaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fiigsanaan
-ta: (magac, dhedig, keli) fiigsanida lafteeda; mid baydadsan ahaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xiiqsanaan
m.f.dh eeg xiiqsan. la-mid: xiiqsanaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xiiqsanaan
-ta: (magac, dhedig, keli) wax hiinraagsan oo orod ku soo daalay ahaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
biliqsanaan
-ta: (magac, dhedig, keli) firidhsanaan iyo kala daadsanaan. Biliqsanaanta xidhigga ka dhawra. Dh: firirsanaan.
biliqsanaan -ta: (magac, dhedig, keli) wax kala filiqsan ahaan. Biliqsanaanta guriga ka ilaali wax kasta meeshiisa dhig. Dh: qubnaan, firdhisanaan, firidhsanaan, filqanaan, daadsanaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dirirsanaan
m.f.dh eeg dirirsan. la-mid: dirirsanaansho.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dirirsanaan
-ta: (n) hostility (hoostiliti)-, hostile acts; antagonism (an-taago-niizim); enmity (en-miti)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dirirsanaan
-ta: (magac, dhedig, keli) dagaalsanaan oo colaadi ka oognaan. Dh: dagaalsanaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
faraqsanaan
m.f.dh eeg faraqsan. la-mid: faraqsanaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fikirsanaan
m.dh la-mid: fekersanaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fikirsanaan
-ta: (magac, dhedig, keli) arrin ku mashquulsanaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
miliqsanaan
m.f.dh eeg miliqsan. la-mid: miliqsanaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
mirirsanaan
m.f.dh eeg mirirsan. la-mid: mirirsanaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sirirsanaan
m.f.dh eeg sirirsan. la-mid: sirirsanaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sirirsanaan
-ta: (magac, dhedig, keli) sida wax cunaha laqabtay ahaan oo naqas ku dhagid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tirigsanaan
m.f.dh eeg tirigsan. la-mid: tirigsanaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
firiqsanaansho
m.l/dh la-mid: filiqsanaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
firiqsanaansho
-ha: (magac, lab, keli) wax kala daadsan ahaan. Dh: firiqsanaan, firiqsani.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhiliqsanaan
m.dh la-mid: dhillisnaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhirifsanaan
m.f.dh eeg dhirifsan. la-mid: dhirifsanaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
firaarsanaan
m.dh la-mid: feeraarsanaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
firdhisanaan
-ta: (magac, dhedig, keli) kala yaacsanaan; kala firdhisani.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xiriirsanaan
m.f.dh eeg xiriirsan. la-mid: xiriirsanaansho.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
xiriirsanaan
-ta: (n) continuation (kon-tini-weey-shin); sequence (siik-wans); continuity (kon-to-nuwati) ~ si xiriir ah u socod
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xiriirsanaan
-ta: (magac, dhedig, keli) wax xiriirsan ahaan. Dh: xidhiidhsanaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fiiqnaan
m.f.dh eeg fiiqan². la-mid: fiiqnaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fiiqnaan
-ta: (magac, dhedig, keli) af fiigan lahaan.
fiiqnaan -ta: (magac, dhedig, keli) meel xaagano la nadiifiyay ahaan.
fiiqnaan -ta: (magac, dhedig, keli) wax caaradiisu yuuban tahay ahaan.

fiiqnaan-ta: (magac, dhedig, keli) meel nadiif laga dhigay oo la xaadhay ahaan.
fiiqnaan -ta: (magac, dhedig, keli) indho iyo wax la mid ah oo daalay, daaweyn oo mid la fiiqay ahaan.
fiiqnaan -ta: (magac, dhedig, keli) aale iyo wax la mid ah oo diirka laga qaaday ahaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
firiqsan
f.mg4 (-naa, -nayd) la-mid: filiqsan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
firiqsan
(tilmaame) wax kala daadsan. Dh: filiqsan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fidsanaan
m.f.dh eeg fidsan. la-mid: fidsa-naansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fidsanaan
-ta: (magac, dhedig, keli) wax fidsan ahaan; fitaaxsanaanta iyo kala baxsanaanta wax laabnaan lahaa ama duubnaan lahaa.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
firiqsani
-da: (magac, dhedig, keli) eeg firiqsanaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fuqsanaan
-ta: (magac, dhedig, keli) wax ruqsan ahaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hirqanaan
m.f.dh eeg hirqan. la-mid: hirqanaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
iibsanaan
m.f.dh eeg iibsan². la-mid: iibsa-naansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jirsanaan
m.f.dh eeg jirsan. la-mid: jirsanaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
liqsanaan
m.f.dh eeg liqsan. la-mid: laqsanaan, laqsanaansho, liqsanaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qirsanaan
m.f.dh eeg qirsan. la-mid: qirsanaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tirsanaan
m.f.dh eeg tirsan. la-mid: tirsanaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tirsanaan
-ta: (magac, dhedig, keli) wax la ogaaday intay yihiin ahaan. Tirsanaan ayaan ku ogaa. tirsanaansho -ha: (magac, lab, keli) wax la ogaaday tiradooda ahaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
biirsanaan
m.f.dh eeg biirsan². la-mid: biirsanaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
biirsanaan
-ta: (magac, dhedig, keli) ahaanta wax la kordhiyay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ciirsanaan
m.f.dh eeg ciirsan. la-mid: ciirsanaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ciirsanaan
-ta: (magac, dhedig, keli) wax ciirsan ama dheellisan ahaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
diidsanaan
m.f.dh eeg diidsan. la-mid: diidsanaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dįidsanaan
m.dh eeg dįidsan. la-mid: dįidsanaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
diidsanaan
-ta: (magac, dhedig, keli) wax diidsan ahaan. Dh: dawakhsanaan, wareersanaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
firdhanaan
m.f.dh eeg firdhan. la-mid: firdhanaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
firdhanaan
-ta: (magac, dhedig, keli) kala daadsanaanta iyo kala baahsanaanta waxyaabo urursanaa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Firqoonaan
(Firqoonaan-ta)
(indho firqoon) meel fog wax ka arki ogaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
firqoonaan
m.f.dh eeg firqoon. la-mid: firqoonaansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
firqoonaan
f. n., [abstract] far-sightedness, keen sight
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
firqoonaan
-ta: (magac, dhedig, keli) (indha ~) meel fog wax ka arkid; indhafiiqnaan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
firqoonaan
de: far-sightedness, keen sight
lx: firqoonaan
pd: (-ta)
ps: n0-f-abs
key: firqoonaan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
giigsanaan
m.f.dh eeg giigsan. la-mid: giigsanaansho, giijisanaan, giijisanaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
giigsanaan
-ta: (magac, dhedig, keli) wax singibtiran oo giijisan ahaan. Li: debacsanaan.
giigsanaan -ta: (magac, dhedig, keli) mid gigtiran ahaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
idifsanaan
m.f.dh eeg idifsan. la-mid: idifsanaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
igifsanaan
m.f.dh eeg igifsan. la-mid: igifsanaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
liicsanaan
m.f.dh eeg liicsan. la-mid: liicsanaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
liicsanaan
-ta: (magic, dhedig, keli) wax janjeedha ahaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tiirsanaan
m.f.dh eeg tiirsan. la-mid: tiirsa-naansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tiirsanaan
-ta: (magac, dhedig, keli) wax tiirsan ahaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bilicsanaan
m.f.dh eeg bilicsan. la-mid: bilicsanaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bilicsanaan
-ta: (magac, dhedig, keli) qurux badnaan isha soo jiidata. Bilicsanaanta deegaanka gugii ayaa la gartaa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
duruqsanaan
m.dh la-mid: durugsanaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
faraxsanaan
m.f.dh eeg faraxsan. la-mid: faaraxsanaan, faaraxsanaansho, faraxsanaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
faraxsanaan
-ta: (magac, dhedig, keli) mid faraxsan ahaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
firaashnaan
m.f.dh eeg firaashan. la-mid: firaashnaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
firaashnaan
-ta: (magac, dhedig, keli) goglanaan iyo kala baxsanaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
furuxsanaan
m.f.dh eeg furuxsan. la-mid: furuxsanaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
furuxsanaan
-ta: (magac, dhedig, keli) dusha sare ee walax wax yeelid; xoodhsanaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
irkigsanaan
m.f.dh eeg irkigsan. la-mid: argagsanaan, argagsanaansho, erkegsanaan, erkegsan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
irkigsanaan
-ta: (magac, dhedig, keli) fajac iyo yaab qabitaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jilicsanaan
m.f.dh eeg jilicsan. la-mid: jilacsanaan, jilacsanaansho, jilicsanaan-sho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jilicsanaan
-ta: (magac, dhedig, keli) karti iyo awood la'aan; dabacsanaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kibirsanaan
m.f.dh eeg kibirsan. la-mid: kibirsanaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kibirsanaan
-ta: (magac, dhedig, keli) qof kibir hayo oo qab weyn ahaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
libirsanaan
m.f.dh eeg libirsan. la-mid: libirsanaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maraqsanaan
m.dh la-mid: marqanaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
milixsanaan
m.dh (juqraafi) Darajada cusbaysanaanta ama milixsanaanta ee badweynada, badaha, balliyada, iyo webiyada, badanaa waxaa loo tibaaxaa tirada qaybaha kunkiiba, ama miisaanka cusbada ku milan kunkii qayboodba oo biyo ah. Celceliska milixsanaanta biyaha baddu, tusaale ahaan, waa 35 kunkiiba, laakiin milixsanaantu waxay ku kala duwantahay laga billaabo 40 ka kor kunkiiba biyaha Badda Dhexe ilaa iyo 30 kunkiiba badaha cirifyada. Baraha agtiisa waxaa jira gobol milixsanaantiisu ay hoosayso, roobka culus ee ka da'a awgiis.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
milixsanaan
m.dh (juqraafi) Darajada cusbaysanaanta ama milixsanaanta ee badweynada, badaha, balliyada, iyo webiyada, badanaa waxaa loo tibaaxaa tirada qaybaha kunkiiba, ama miisaanka cusbada ku milan kunkii qayboodba oo biyo ah. Celceliska milixsanaanta biyaha baddu, tusaale ahaan, waa 35 kunkiiba, laakiin milixsanaantu waxay ku kala duwantahay laga billaabo 40 ka kor kunkiiba biyaha Badda Dhexe ilaa iyo 30 kunkiiba badaha cirifyada. Baraha agtiisa waxaa jira gobol milixsanaantiisu ay hoosayso, roobka culus ee ka da'a awgiis.
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Milixsanaan
Salinity
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
mitirsanaan
m.f.dh eeg mitirsan. la-mid: mitirsanaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shiiqsanaan
-ta: (magac, dhedig, keli) wax shiiqay ahaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
silicsanaan
m.dh la-mid: silacsanaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
filiqsanaansho
m.l/dh la-mid: filiqsanaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
filiqsanaansho
-ha: (magac, lab, keli) kala daadsanaanta iyo kala baahidda waxyaabo isku urursanaa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
firirsanaansho
m.l/dh la-mid: firirsanaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
firirsanaansho
-ha: (magac, lab, keli) kala daadsanaanshaha wax hore u urursanaa.