firfircoon
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Firfircoon
Baraarugsan; fahmeysan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
firfircoon
f.mg4 (-naa, -nayd) Qof hawl iyo wixi lamida u dhiifoon ahaansho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
firfircoon
f.mg4 (-naa, -nayd) Qof hawl iyo wixi lamida u dhiifoon ahaansho. m.f.dh, firfircoonaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
firfircoon
der. [adjective] active, alert (person)
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
firfircoon
-aa: (adj) energetic (ener-jatik); active (aaktiv), dynamic, vigorous, lively. Ex: xubin firfircoon; an active member
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
firfircoon
(tilmaame) fudfudud oo hawlkar gacan fudud ah. Dh: diirdiirran, baraarugsan, fahmaysan. Li: culus, caajis, qawac.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
firfircoon
de: active, alert (person)
lx: firfircoon
pd: (firfircoonaa)
ps: adj-der
key: firfircoon
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Firfircooni
(Firfircooni-da)
Baraarugsanaan; fahmeysnaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
firfircooni
m.dh la-mid: firfircoonaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
firfircooni
f. n. alertness, activity; vigor
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Firfircooni
Sveltezza
Promptitude
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
firfircooni
-da: (magac, dhedig, keli) gacanfudayd hawlkarnimo ku jirto. Dh: diirdiirrani. Li: caajisid.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
firfircooni
de: alertness, activity; vigor
lx: firfircooni
pd: (-da)
ps: n-f
key: firfircooni
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Caarran
Firfircoonaan iyo himmo ka buuxdo; hor leh oo aan daal hayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Carcar
(Carcar-ta)
1. (qof) nasniintiisii iyo xooggiisii hore weli qaba, waxqabashada uu u farabbaxsanayo inuu waxqabto; xiiso; firfircooni, jeel.
2. Wax afaysan oo aan weli wax lagu qabsan, xanafta ku taal.
3. Geed aan weli la taaban, xajiinta ku taal; dardar; xajiin; xanaf.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Fahmeysan
Aan culays iyo habbiso saarrayn ee baraarugsan oo faraxsan; firfircoon.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Fahmo
(Fahma-da)
1. Kartida wax lagu barto oo lagu ogaado; degdeg wax u qabasho oo u barasho.
2. Weji furfurraan; firfircooni; farax; (ama fahmad).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Nashaaddo
(Nashaadda-da)
1. Hawsha iyo wixii kale oo la qabana hayo, oo xiiso iyo rabitin loo qabo.
2. Daal iyo jiljileec la'aan.
3. Farax; baraarug; bisabbisood; fahmo; firfircooni.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
alluumiiniyam
m.dh (kiimika) Bir firfircoon oo jilicsan, waana curiyaha labaad ee ururka (III) ee tusaha kalgalka curiyayaasha. Wuxuu leeyahay ratibaadda elektaroonnada ee niyuun iyo saddex elektaroon oo dheeraad ah oo ku jira heertamarka ugu sarreeya. Alluumiiniyantu waxay ku jirtaa macadanno badan; waa curiyaha ugu caansan biraha ku jira oogada dhulka, waana ka saddexaad xagga badnaanta.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
asiidh-laagtika
m.dh (-dyo ..., m.dh) (baayoloji) Asiidh dhanaan oo dhis naanays molikiyuulkeedu yahay CH3CH(OH)COOH, asiidhka laagtig waxay ka timid asiidhka bayruufig, marka muruqyadu firfircoonyihiin ogsajiintuna xaddidantahay. Taasoo si isbada joog ah beerku u saaro una beddelo gulukows. Jimicsiga xoogga badan waxa laga yaabaa in ay ku ururto muruqyada dhexdooda taas oo keenta muruqyo xanuun. Waxa kale oo ay asiidhka laaktig ka qayb qaadataa khamiirinta caanaha, iyo wixi lamida.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baxsanaan
baxsanaan¹: m.f.dh eeg baxsan. la-mid: baxsanaansho.
baxsanaan²: m.dh (daawo) Xaalad maskaxeed lagu yaqaan farxad aan caadi ahayn iyo firfircoon oo caadiga ka baxsan, fahmo aad u kacsan oo si dhakhso ah ugu beddelanta caro dhawaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
biirjeex
m.l (-xyo, m.dh) Qof aan dhibta ka waaban; qof firfircoon oo aan halista ka waaban. la-mid: birjeex.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
boromiin
m.dh (kiimika) Curiye hoor ah oo guduudan, firfircoonidiisuna heer dhexe tahay, kana tirsan haloojinnada (ururka VII ee tusaha kalgalka curiyayaasha).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
caajis
caajis¹: m.l (-siin/-syo, m.dh) 1. Firfircooni la'aan; wahsi; daal. 2. C. ah: qof hawl nacayb, wahsi badan. la-mid: cajis¹.
caajis²: f.mg1 (-say, -stay) Hawl qaban waayid; ka wahsasho; daal iyo cagajiid wax ku qabasho bilaabid; soo tabaryarayn. la-mid: cajis².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
caarran
f.mg4 (-naa, -nayd) Wax dardartiisii qaba ahaansho; firfircoonaan iyo himmo ka buuxdo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cadcad
cadcad¹: m.l Waxaro yaryar oo aan weli ababin.
cadcad²: f.mg4 (-ddaa, -ddayd) 1. Ka c.: qof, qof kale ka firfircoon ahaansho. 2. Bar cadcad lahaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cayddi
m.l (-iyo, m.dh) 1. Nooc mallayga yaryar ka mid ah oo koox-koox isu raaca. 2. Ilmo. 3. Wax yaryar oo aan qayme lahayn. (baayoloji) Nudo geed oo ka kooban unugyo si firfircoon u qaybsamaya oo soo saara unugyo; unugyadaas oo u meesiyooba nudaha cusub ee geedka.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
curiye
curiye¹: m.l (-yayaal m.l/dh) (riw.) Qofka wax curiya.
curiye²: m.l (-yayaal, m.l/dh) (kiimika) Walaxda aan loo sii kala bixin karin walxo ka sii fudud asal haan. Atammada curiyuhu waxay dhammaantood leeyihiin tiro borotoon oo isku mid ah iyo weliba tiro isku mid ah oo elektaroon, taas oo jaangoysa firfircoonaanta kimikaad. Curiyayaasha, dabiici ahaan, laga helo dhulku waa ilaa 92.
curiye³: m.l (-yayaal, m.l/dh) (naxwe) Erey guud oo tilmaama xubin ka mid ah xubnaha uu shay ka koobanyahay, sida erey oo ah xubin ka mid ah weerta ama dibkabe oo ah xubin ka tirsan ereyga.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dheefsasho-saleed
m.l (-dyo, m.dh) (baayoloji) (Herka dh. s.). Heerka tamar dh. ee looga baahanyahay inay xayawaanka ku hayso nasasho. Heerka dh. waxa lagu qiyaasaa habka soo saarka kulka ee halbeeg waqti: waxay tilmaamaysaa tamarta la isticmaalay si loo fuliyo shaqooyinka muhimka ah, sida garaaca wadnaha, neefsashada, dhaqdhaqaaqa dareenwadka, gudbin firfircoon iyo dhiiqista.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhiifoon
f.mg4 (-naa, -nayd) Qof firfircoon oo dhega nugul ahaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
diirdiirran
f.mg4 (-naa, -nayd) Qof firfircoon ahaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fahmaysan
f.mg4 (-snaa, -snayd) Wax farxad, fudayd iyo firfircooni dareensan ahaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
firfircoonaan
m.f.dh eeg firfircoon. la-mid: firfircoonaansho, firfircooni.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
firfircoonaan
-ta: (magac, dhedig, keli) baraarugsanaan; fahmaysnaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fircoon
m.l 1. Magac boqorradii Masaaridii hore. 2. F. ah: qof naxariis la'.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
fircoon
m.l 1. Magac boqorradii Masaaridii hore. 2. F. ah: qof naxariis la'.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
Fircoon
-ka: (n) pharaoh (feerow)
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ciriiryoon
f.mg4 (-naa, -nayd) Meel, wax ciriiri ah ahaansho. la-mid: cariiryoon.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ciriiryoon
(tilmaame) mid la cadhiidhiyay. Dh: cidhiidhyoon.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
firfirlayn
-ta: (magac, dhedig, keli) rafasho aan kala joogsi lahayn. Dh: rafasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Jiriiricood
(Jiriiricood-ka)
Jiriirico qabasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jiriiricood
m.f.l eeg jiriiricoo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
jiriiricood
m.f.l eeg jiriiricoo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
jiriiricood
v.pat: get goosebumps ~ gooseflesh
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
jiriiricood
-aytay / een / nay: (v) feel pricking sensation; prickle (pirikal); feel gooseflesh
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jiriiricood
-ka: (magac, lab, keli) marka la sheegayo in jirka huruurac yaryari ka soo daatay.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
jiriiricood
a: jiriiricow
de: get goosebumps ~ gooseflesh
lx: jiriiricood
pd: (jiriiricooday)
ps: v3b=pat
key: jiriiricood
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
firirin
m.dh la-mid: firdhin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
firirin
-ta: (magac, dhedig, keli) wax urusanaa, kala kaxayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
firirto
-da: (magac, dhedig, keli) eeg firidho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Firqoon
(indho firqoon) meel fog wax ka arka.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
firqoon
f.mg4 (-naa, -nayd) Nafley orgeysan ahaansho (ariga, lo'da iyo wixi lamida).
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
firqoon
der. [adjective] far-sighted, keensighted
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
firqoon
(tilmaame) (indha ~) indhafiiqan; meel fog wax ka arka.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
firqoon
de: far-sighted, keensighted
lx: firqoon
pd: (firqoonaa)
ps: adj-der
key: firqoon
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Jirroon
name-f generous, kindly and happy
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
firfir_1
de: drops; especially the first drops of ghee appearing in milk when it is churned
hm: 1
lx: firfir
pd: (-ka)
ps: n2-m
key: firfir_1
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
firfir_2
de: turn into drops, (milk) produce drops of ghee
hm: 2
lx: firfir
pd: (firfiray)
ps: v1=pl
key: firfir_2
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Firfirid
(Firfirid-da)
Firfir noqosho; firfir yeelasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
firfirid
m.f.dh eeg firfir².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
firfirid
-da: (magac, dhedig, keli) fidhfidh noqosho ama yeelasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Firirsan
Wax la kala firdhiyey ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
firirsan
f.mg4 (-naa, -nayd) Wax wada jirey oo kala yaacay ahaansho. la-mid: firdhisan.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
firirsan
f.mg4 (-naa, -nayd) Wax wada jirey oo kala yaacay ahaansho. m.f.dh, firirsanaan. la-mid: firdhisan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
firirsan
der. [adjective] scattered, dispersed, spread out ~ about
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
firirsan
(tilmaame) wax kala baahsan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
firirsan
a: firdhisan
de: scattered, dispersed, spread out ~ about
lx: firirsan
pd: (firirsanaa)
ps: adj-der
key: firirsan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
firfiridh
-ka: (magac, lab, keli) jajab ama duul duul. Dh: fidhfidhidh.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tirtirfoo
(fal) ciyaar oo farxad muuji adiga oo kor u boodboodaya.
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Xirfirsan
Conjunction
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cariiryoon
f.mg4 (-naa, -nayd) la-mid: ciriiryoon.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cariiryoon
(tilmaame) meel ciriiri ah ama mid ciriiri dareemaya.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jiriiricoo
f.mg3 (-ooday, -ootay) Jiriirico dareemid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
jiriiricoo
f.mg3 (-ooday, -ootay) Jiriirico dareemid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jiriiricoo
(fal) huruurac yaryar ha kaa soo daato jidhka, naxdin ama farxad aawadeed.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
indhafircoon
f.mg4 (-naa, -nayd) la-mid: indhafirqoon.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Jirjirroole
(Jirjirroola-ha)
Geeldhugeeye, roor.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jirjirroole
m.l 1. Nafley yar afar addin iyo dabo dheer leh oo hadba meesha ay joogto midabkeeda yeelata; roor; geeldhugeeye. 2. J. ah: Qof isbedbedel badan.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
jirjirroole
m.l 1. Nafley yar afar addin iyo dabo dheer leh oo hadba meesha ay joogto midabkeeda yeelata; roor; geeldhugeeye. 2. J. ah: Qof isbedbedel badan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
jirjirroole
m. n. chameleon
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
jirjirroole
-jirjirroolaha: (n) chameleon (kamiilyari)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jirjirroole
-ha: (magac, lab, keli) noole yar oo kolba meesha uu joogo isku ekaysiiya. Dh: maskaxgeel-kalabax, roor, geeldhugeeya.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
jirjirroole
de: chameleon
lx: jirjirroole
pd: (/ha)
ps: n7-m
key: jirjirroole
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ciriiryoonaan
m.f.dh eeg ciriiryoon. la-mid: cariiryoonaan, cariiyoonaansho, ciriiryoonaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ciriiryoonaan
-ta: (magac, dhedig, keli) wax la cidhiidhyay ahaan. Dh: cidhiidhyoonaan. ciriiryoonaansho -ha: (magac, lab, keli) wax la cidhiidhyay ahaansho; cidhiidhyoonaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
indhafircooni
m.dh la-mid: indhafirqoonaan.