firayn
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Firayn
(Firayn-ta)
1. Firo u yeelid.
2. (turub) warqad badka dhigid, muujin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
firayn
m.f.dh eeg firee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
firayn
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg fidhayn.
firayn-ta: (magac, dhedig, keli) wax la fuushan yahay ama la wado dib u celin. Faras aan firayn baran lama fuulo waligaa. Dh: celin. Li: kaxayn.
firayn-ta: (magac, dhedig, keli) adoo ordaya ama cararaya fidho kicin. Dh: fidhayn.
firayn-ta: (magac, dhedig, keli) turubka, warqad badka lagu ciyaarayo, dhigid oo muujin. Dh: firays.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
firan
(tilmaame) timo iyo wax la mid ah oo feedhan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
firay
(fal) turub iyo wixii la mid ah, dhinaca wax ku yaalliin muuji.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Birayn
(Birayn-ta)
1. Neef xoola ah gowricid.
2. Bir ka dhigid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
birayn
m.f.dh eeg biree.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
birayn
-ta: (n) the act slaughtering; slaughter (islootar) ~ gawricis
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
birayn
-ta: (magac, dhedig, keli) neef xoolo ah gawricid. Birayn ba wuu u diiday haka dhamo bakhtiye wanku. Dh: xalaalayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dirayn
m.dh (naxwe) Curiyayaal loo kala saaro kooxkoox hadba sida ay isugu dhowyihiin naxwe ahaan.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dirayn
m.dh (naxwe) Curiyayaal loo kala saaro kooxkoox hadba sida ay isugu dhowyihiin naxwe ahaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Farayn
(Farayn-ta)
Faro ku taataabasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
farayn
m.f.dh eeg faree. la-mid: farays.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
farayn
-ta: (n) the act of fingering
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
farayn
-ta: (magac, dhedig, keli) faro ku taabtaabasho.
farayn -ta: (magac, dhedig, keli) is le'ekeysiinta iyo habaynt maydhaxda iyo wixii la mid ah ah ee kebdaha laga sameeyo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fidayn
-ta: (magac, dhedig, keli) meyti ama cid geeriyootay, sadaqo u bixin oo ajarkeega u hibayn; qof dhintay fidde u samayn. Dh: fidays.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
figayn
-ta: (magac, dhedig, keli) gacmaha oo gadaal u xidhan, beerka u jiifin. Dh: miigayn, figays.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
firays
-ka: (magac, lab, keli) eeg firayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
furayn
m.f.dh eeg furee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
furayn
-ta: (magac, dhedig, keli) awdidda iyo gufaynta meel soo bannaanayd. Dh: furays. furays -ka: (magac, lab, keli) eeg furayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kirayn
-ta: (magac, dhedig, keli) guri, gaadhi iyo wixii la mid ah, qofka gala ama isticmaala lacag ka qaadid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Mirayn
(Mirayn-ta)
1. Miro bixin, soo saarid, dhalid.
2. Miraha heesta tirin, qaadid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
mirayn
m.f.dh eeg miree.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mirayn
-ta: (magac, dhedig, keli) heesta midheheeda tirin; maanso allifid. Dh: mudhayn, curin, midhays.
mirayn -ta: (magac, dhedig, keli) midho bixin; miro soo saarid. Dh: mudhayn, dhalid, midhays.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qirayn
m.f.dh eeg qiree. la-mid: qarayn.
Qaamuuska Ereybixinta: Xisaab (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Tirayn
Numeration
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
wirayn
m.f.dh eeg wiree.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
wirayn
-ta: (magac, dhedig, keli) dugaag ama cadaw kale xoolo ka celin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
carbash
m.dh Cayaar turub (firo) haad la dalbaday qofka firaynayaa firada labaad ku helid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
firee
f.g2 (-reeyay, -raysay) 1. Wax firo u yeelid. 2. Waraaq turub oo gembisan dhanka kale u rogid. 3. Kala f.: wax meeshu u jeedey ma ahee meel kale u jeedin. m.f.dh, firayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
firaysan
(tilmaame) wax aan qarsoonayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ciirayn
m.f.dh eeg ciiree.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ciirayn
-ta: (magac, dhedig, keli) ciiro u yeelid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cirdayn
-ta: (magac, dhedig, keli) caydhin; eryid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cirrayn
m.f.dh eeg cirree.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cirrayn
-ta: (magac, dhedig, keli) cirro u yeelid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhirayn
(Dhirayn-ta)
1. Dhul aan dhir lahayn oo geedo lagu abuuro; dhir u yeelid, ku tallaalid.
2. Dhir udgoon cunnada ku darid; geedeyn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhirayn
m.f.dh eeg dhiree.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dhirayn
-ta: (n) forestation (foores-tey-shin)', afforestation
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhirayn
-ta: (magac, dhedig, keli) meel, geedo ka beer.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fiddayn
m.f.dh eeg fiddee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fiddayn
-ta: (magac, dhedig, keli) qof dhintay sadaqo u bixin. Dh: axmid,
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fidhayn
-ta: (magac, dhedig, keli) baxsasho oo orod dartii siigo isku qarin. Dh: siigayn, cararid, firayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fidmayn
m.dh la-mid: fidnayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fidmayn
-ta: (magac, dhedig, keli) cid kale fidmo ku abuurid ama dhaqan xumo beerid. Dh: saraayayn, fidnayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Fidnayn
(Fidnayn-ta)
Cid fidmo ku abuurid ama dhex dhigid ama ku ridid; qulquladayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fidnayn
m.f.dh eeg fidnee. la-mid: fidmayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fidnayn
-ta: (magac, dhedig, keli) jidka toosan ka leexin. Dh: fidmayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fiiraan
-ka: (magac, lab, keli) fiiro iyo garasho; kasmo iyo aqoon.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Fixlayn
(Fixlayn-ta)
Aad u qoslid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fixlayn
m.f.dh eeg fixlee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fixlayn
-ta: (magac, dhedig, keli) tiflayn ama tifiqtifiqlayn oo aayar u di'id. Dh: tiflayn, tifiqlayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Shirayn
(Shirayn-ta)
Neef shiro u qalid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shirayn
m.f.dh eeg shiree. la-mid: shirays, shiro.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shirayn
-ta: (magac, dhedig, keli) (u ~) u shidhay; neef shidho ah u qalid; u shidhays.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sibrayn
-ta: (magac, dhedig, keli) sibir marmarin oo ku duugid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xirmayn
(Xirmayn-ta)
Xirmo xirmo ka dhigid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xirmayn
m.f.dh eeg xirmee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xirmayn
-ta: (magac, dhedig, keli) xidhmooyin badan oo dhandhan iskugu xidhan ka dhigid. Dh: xidhmayn.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
fray
/frey/ (v) 1. tifmid, siib-siibmid, badanaa dhammaansho darteed. (n) 2. dagaal ama muran.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Iran
(Iran-ka)
1. Daliigaha, meeriska weelasha la tola hayaa, ka koobmaan, oo gucunku hadba korka ka maro.
2. Isha birteeda.
3. Kobta banka iyo dhirtu dhinaca isaga hayaan oo labadaba laga gaari karo; aftin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
iran
m.l (-nno/-aamo, m.dh) 1. Daliig lagu sameeyo weelasha la tolaayo oo gucunka kor ka maro. 2. la-mid: inan 1 (3). Isha birteeda. 3. Meesha banka iyo dhulka dhirta leh iska galaan. 4.(-mo, mdh.) Meel kayn ah oo godan, hareerahana ka bannaan.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
iran
m.l (-nno/-aamo, m.dh) 1. Daliig lagu sameeyo weelasha la tolaayo oo gucunka kor ka maro. 2. la-mid: inan¹: (3). Isha birteeda. 3. Meesha banka iyo dhulka dhirta leh iska galaan. 4.(-mo, mdh.) Meel kayn ah oo godan, hareerahana ka bannaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
iran
m. n. rim of a vessel; iris of the eye; enclosure, corral
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
iran
-ka: (magac, lab, keli) eeg idhan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
iran
de: rim of a vessel; iris of the eye; enclosure, corral
lx: iran
pd: (-ka)
ps: n2c-m
key: iran
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Rayn
(Rayn-ta)
Guulaysasho; libinaysi; adkaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
rayn
m.f.dh eeg ray.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
rayn
-ta: (magac, dhedig, keli) ka guulaysasho: ka adkaan. Dh: libinaysi
rayn-ta: (magac, dhedig, keli) fiicnaansho oo sidi hore si dhaanta ahaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
biray
-da: (magac, dhedig, keli) haan ka samaysan bir oo lagu shubto biyaha. Biray biyo kulayl baa loogu dhiman. Dh: birey.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
diran
f.mg4 (-rnaa, -rnayd) 1. Wax la diray ahaansho. 2. Qof waxgarad ah oo aan tilmaan u baahnayn. 3. Ku d.: wax aad u jecel oo in badan ka isticmaala ahaansho (qof).
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
diran
der. [adjective] sent (out ~ away)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
diran
(tilmaame) mid la diray.
diran: (tilmaame) mid hawl ku dheggan ahaan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
diran
de: sent (out ~ away)
lx: diran
pd: (dirnaa)
ps: adj-der
key: diran
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Faran
1. Meel oogada kamid ah, dalool ama nabar yar lagaga sameeyey; (nabar) af yar loo yeelay.
2. Farriin loo dhiibey; wax lagu qaybshey.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
faran
faran¹: f.mg1 (-amay, -antay; -ami) la-mid: fartoon.
faran²: f.mg4 (-rnaa, -rnayd) 1. Wax farriin la faray ahaansho. 2. Wax fandharan ahaansho (nabar).
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
faran
f.mg4 (-rnaa, -rnayd) 1. Wax farriin la faray ahaansho. 2. Wax fandharan ahaansho (nabar). m.f.dh, farnaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
faran
der. [adjective] pricked; lanced (of a boil, etc.); assigned
faran: v. obey, take orders, act on a message received
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
faran
(tilmaame) qof wax lagu amray ama la faray; qof farriin loo dhiibey.
faran: (tilmaame) wax la fadhay.
faran-ka: (magac, lab, keli) lacagta ay isticmaalaan waddamada faransiiska ku hadla intooda badan.
faran -ta: (magac, dhedig, keli) eeg furin.
Magacyada Nafleyda Soomaaliyeed (Laatiin-Talyaani-Ingiriis-Soomaali) - Funayooli, Simoneeta [1985]
Faray
(I) Cavallo bianco;
(E) White Horse
(S) FARAY (S. c. m.: Frai)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
faray
(fal) faraha la gal oo ku taabtaabo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fiday
(fal) cid geeriyootay sadaqo u bixi oo ajarkeega u hibee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
figay
(fal) ganaax aawadii, qof afarta addin xagga dhabarka iskaga xidh oo bogga u jiifi. Dh: miigay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Filan
(ku filan)
Deeqa; wada gaara.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
filan
f.mg4 (-lnaa, -lnayd) 1. Ku f.: wax, wax kale deeqa ahaansho. 2. Isku f.: wax aan cid wax uga baahnayn ahaansho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
filan
f.mg4 (-lnaa, -lnayd) 1. Ku f.: wax, wax kale deeqa ahaansho. 2. Isku f.: wax aan cid wax uga baahnayn ahaansho. m.f.dh, filnaan.
Qaamuuska Ereybixinta: Xisaab (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Filan
Sufficient
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
filan
(tilmaame) (ku ~) wax deeqa; wada gaadha.
filan-ka: (magac, lab, keli) fillamid; factamid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
firaw
-ga: (magac, lab, keli) kashifan ama muuqo oo waxaad qarinaysay hala wada arko. Dh: kashif.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Firin
(Firin-ka)
1. Qori yar oo dhuuban oo ilig keliya ama ilko yar leh iyo dabo la qabto oo badanaa xardhan oo timaha lagu firo.
2. Saqaf, shanlo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
firin
m.l (-nno, m.dh) Qori yar oo dhuuban oo ilig ama ka badan leh, badi ahaanna xardhan oo timaha lagu feero. la-mid: fire.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
firin
m. n. comb
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Firin
name-m thin. Lit: a Somali comb made of one stick only and very common in Djibouti
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Firin
ama Fidhin, magac loo baxsho wiil dhuuban ama sida fidhinka u qurux badan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
firin
-ka: (magac, lab, keli) eeg fidhin.
firin -ta: (magac, dhedig, keli) wax aan jirin.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
firin
de: comb
lx: firin
pd: (-ka)
ps: n2-m
key: firin
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fitan
-ta: (magac, dhedig, keli) diradiraalaynta iyo kala dilka dadka.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
foray
/foorey/ (n) weerar-kadis ah, oo siiba dhac ama bililiqo loo-baxo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Furan
La furay; aan xirnayn; af bannaan; la geli karo; ballaqan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
furan
furan¹: f.mg1 (-rmay, -rantay; -rmi) Wax la furay noqosho.
furan²: f.mg4 (-rnaa, -rnayd) 1. Albaab, dariishad iyo wixi lamida wax la ballaqay ahaansho. 2. Wax guntintiisa la kala furay ahaansho (xarig). 3. Wax meel ku xirnaa wax la sii daayey ahaansho. 4. Halxiraale wax, la fasiray ahaansho. 5. Haweeney wax la dalaaqay ahaansho. 6. Awr wax rarkii laga dhigay ahaansho. 7. Mashruuc, dhisme, barnaamij iyo wixi lamida hawshooda wax la billaabay ahaansho.