firay
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
firay
(fal) turub iyo wixii la mid ah, dhinaca wax ku yaalliin muuji.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Firayn
(Firayn-ta)
1. Firo u yeelid.
2. (turub) warqad badka dhigid, muujin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
firayn
m.f.dh eeg firee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
firayn
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg fidhayn.
firayn-ta: (magac, dhedig, keli) wax la fuushan yahay ama la wado dib u celin. Faras aan firayn baran lama fuulo waligaa. Dh: celin. Li: kaxayn.
firayn-ta: (magac, dhedig, keli) adoo ordaya ama cararaya fidho kicin. Dh: fidhayn.
firayn-ta: (magac, dhedig, keli) turubka, warqad badka lagu ciyaarayo, dhigid oo muujin. Dh: firays.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
firays
-ka: (magac, lab, keli) eeg firayn.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
fray
/frey/ (v) 1. tifmid, siib-siibmid, badanaa dhammaansho darteed. (n) 2. dagaal ama muran.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
biray
-da: (magac, dhedig, keli) haan ka samaysan bir oo lagu shubto biyaha. Biray biyo kulayl baa loogu dhiman. Dh: birey.
Magacyada Nafleyda Soomaaliyeed (Laatiin-Talyaani-Ingiriis-Soomaali) - Funayooli, Simoneeta [1985]
Faray
(I) Cavallo bianco;
(E) White Horse
(S) FARAY (S. c. m.: Frai)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
faray
(fal) faraha la gal oo ku taabtaabo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fiday
(fal) cid geeriyootay sadaqo u bixi oo ajarkeega u hibee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
figay
(fal) ganaax aawadii, qof afarta addin xagga dhabarka iskaga xidh oo bogga u jiifi. Dh: miigay.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
firan
(tilmaame) timo iyo wax la mid ah oo feedhan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
firaw
-ga: (magac, lab, keli) kashifan ama muuqo oo waxaad qarinaysay hala wada arko. Dh: kashif.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
foray
/foorey/ (n) weerar-kadis ah, oo siiba dhac ama bililiqo loo-baxo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
furay
(fal) meel daloosha, fur qeli oo awd. Dh: gufay, gufee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
miray
(fal) midho yeelo, miro dhal. Geedyaha miray waaka roobku kuu da'aye. Dh: midhay, midhee, miree.
miray: (fal) ereyo maansa ah oo qaafiyad iyo habdhac leh samee. Bal buraanbur noo miray. Dh: allif, samee, midhee.
miray-ga: (magac, lab, keli) geed midho dhala oo si fiican u mudheeya. Dh: mudhay.
miray-ga: (magac, lab, keli) roob habeen da'a. Dh: mirayso, mirayso
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
carbash
m.dh Cayaar turub (firo) haad la dalbaday qofka firaynayaa firada labaad ku helid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
firee
f.g2 (-reeyay, -raysay) 1. Wax firo u yeelid. 2. Waraaq turub oo gembisan dhanka kale u rogid. 3. Kala f.: wax meeshu u jeedey ma ahee meel kale u jeedin. m.f.dh, firayn.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
firee
-yey I firaysay: (v) put your cards on the table, show one's cards
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fidhayn
-ta: (magac, dhedig, keli) baxsasho oo orod dartii siigo isku qarin. Dh: siigayn, cararid, firayn.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
fir_2
a: fidh ~ feer
de: comb (hair)
hm: 2
lx: fir
pd: (firay)
ps: v1=tr
key: fir_2
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Fijiray
nickname-m slow-mover; sluggish
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
affray
n., dirir, -ti.
Qaamuus-Yare Caafimaad: Ingiriis-Soomaali - Deeqa Cali [1999]
airway
(n) a passage in which air enters the body, e.g. trachea, bronchi, and lungs.
hunguri cadka
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Birayn
(Birayn-ta)
1. Neef xoola ah gowricid.
2. Bir ka dhigid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
birayn
m.f.dh eeg biree.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
birayn
-ta: (n) the act slaughtering; slaughter (islootar) ~ gawricis
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
birayn
-ta: (magac, dhedig, keli) neef xoolo ah gawricid. Birayn ba wuu u diiday haka dhamo bakhtiye wanku. Dh: xalaalayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
birays
-ka: (magac, lab, keli) neef xoolo ah birayn. Birays ha la seegin wanka. Dh: xalaalays.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Cirday
magac ama naanays loo baxsho qofka ay indhihiisu sarey u jeedaan oo la moodo in uu cirka eegayo. Waar ninkii Cirday iigu yeedha.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cirday
(fal) cid kale, caydhi. Dh: cayri, eri, cagaaji.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dirayn
m.dh (naxwe) Curiyayaal loo kala saaro kooxkoox hadba sida ay isugu dhowyihiin naxwe ahaan.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dirayn
m.dh (naxwe) Curiyayaal loo kala saaro kooxkoox hadba sida ay isugu dhowyihiin naxwe ahaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dirays
-ka: (magac, lab, keli) maryaha lagu labbisto ama la xidho ee ay qaataan askarta iyo ciyaalka dugsiyada.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
fairly
/feerli/ (adv) 1. si-xaq ah (caddaalad ah) (adv) 2. ilaa-xad (ilaa-heer). e.g. He speaks Arabic fairly well.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Farayn
(Farayn-ta)
Faro ku taataabasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
farayn
m.f.dh eeg faree. la-mid: farays.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
farayn
-ta: (n) the act of fingering
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
farayn
-ta: (magac, dhedig, keli) faro ku taabtaabasho.
farayn -ta: (magac, dhedig, keli) is le'ekeysiinta iyo habaynt maydhaxda iyo wixii la mid ah ah ee kebdaha laga sameeyo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
farays
m.l la-mid: farayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
farays
-ka: (magac, lab, keli) eeg farayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fidayn
-ta: (magac, dhedig, keli) meyti ama cid geeriyootay, sadaqo u bixin oo ajarkeega u hibayn; qof dhintay fidde u samayn. Dh: fidays.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fidays
-ka: (magac, lab, keli) eeg fidayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
figayn
-ta: (magac, dhedig, keli) gacmaha oo gadaal u xidhan, beerka u jiifin. Dh: miigayn, figays.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
figays
-ka: (magac, lab, keli) eeg figayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fikrad
m.dh la-mid: fekrad.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
fikrad
-da: (n) opinion (o'piin yen); notion (now shin); idea (aay dhiya); thought (thoot) ~ fekrad
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fikrad
-da: (magac, dhedig, keli) talo qofka maankiisa ku soo dhacda, ka dibna uu rogrogo ama uu raadiyo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
firgad
firgad¹: m.l la-mid: fargasho.
firgad²: m.dh la-mid: fargad².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
firgad
-ka: (magac, lab, keli) ciyaar, qasiido ama wax la mid ah, ku jibbood oo ku bururid. Dh: firgasho.
firgad -ka: (magac, lab, keli) cadho dhaw iyo la booddo.
firgad-ka: (magac, lab, keli) wax yar oo adag sida quruurux iyo wixii la mid ah, oo inta si' gaar ah faraha ugu qabad oo xoog ugu gamid. Dh: finiin, firgasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
firqad
-da: (magac, dhedig, keli) dad koox ah; urur weyn oo siyaasad ama ay aydaloojiyadi isku keenay. Dh: koox, hurin, horin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Firxad
(Firxad-ka)
Firxasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
firxad
m.l la-mid: firxasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
firxad
vl. n. escape, act of escaping
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
firxad
-ka: (n) sudden forward motion by running; dash (daash); rush (raash) ~ fashkax
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
firxad
-ka: (magac, lab, keli) baxsadka cabsi darteed lala cararo.
firxad: (tilmaame) mid cabsi darteed la cararaya. Dh: baydad, baxsad, carar.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
firxad
a: firxasho (/da) [vn6-f]
de: escape, act of escaping
lx: firxad
pd: (-ka)
ps: vn2-m
key: firxad
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
Friday
/fraydhey/ (n) jimce, jamce
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
Friday
n., Jimca or Jimce, -ihi.
Qaamuuska Ereybixinta: Barbaarinta Jirka (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1984]
furaya
opening
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
furayn
m.f.dh eeg furee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
furayn
-ta: (magac, dhedig, keli) awdidda iyo gufaynta meel soo bannaanayd. Dh: furays. furays -ka: (magac, lab, keli) eeg furayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kirayn
-ta: (magac, dhedig, keli) guri, gaadhi iyo wixii la mid ah, qofka gala ama isticmaala lacag ka qaadid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Mirayn
(Mirayn-ta)
1. Miro bixin, soo saarid, dhalid.
2. Miraha heesta tirin, qaadid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
mirayn
m.f.dh eeg miree.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mirayn
-ta: (magac, dhedig, keli) heesta midheheeda tirin; maanso allifid. Dh: mudhayn, curin, midhays.
mirayn -ta: (magac, dhedig, keli) midho bixin; miro soo saarid. Dh: mudhayn, dhalid, midhays.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mirays
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg mirayn.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
piracy
/payrasi/ (n) 1. dhac (siiba dhicidda maraakiibta ee burcadda badahu sameeyaan) 2. si sharci darro ah, hanti qof kale u isticmaalid (sida buug qof kale daabacasho, cajalado heeso iwm).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qirayn
m.f.dh eeg qiree. la-mid: qarayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shiray
(fal) u neef shidho ah u qal; u shidhay.
Qaamuuska Ereybixinta: Xisaab (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Tirayn
Numeration
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
wirayn
m.f.dh eeg wiree.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
wirayn
-ta: (magac, dhedig, keli) dugaag ama cadaw kale xoolo ka celin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xirmay
(fal) xirmo xirmo u xir. Tigaadda xirmay oo baabuurka saar. Dh: xidhmay.
Qaamuuska Ereybixinta: Bayoolaji (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Fin rays
Falaadho baalbiyood
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
firaaqay
(fal) meel la joogo ama lagu jiro, sida guri iyo wixii la mid ah, bannay oo ka bax.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
firaysan
(tilmaame) wax aan qarsoonayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Fay
(Fay-ga)
(wax) Af; caarad; dacal.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fay
fay¹: m.l (-yo, m.dh) 1. Kabihii waayadii hore haweenku qaadan jireen afkooda hore oo godan caaraddiisa. 2. Caarad; gees.
fay²: f.mg1 (-aaday, -ayday) Xaalad caafimaadqab ku sugnaansho; ladnaansho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
fay
f.mg1 (-aaday, -ayday) Xaalad caafimaadqab ku sugnaansho; ladnaansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
fay
m. n., loc. edge, side; part
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
fay
(v) cured (kiyuuridh)-, healed (hiilidh)-, recovered (ri-kaveridh). Ex: Cali fay buu noqday; Ali healed [recovered] successfully
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fay
(ereycodeed) lagu tilmaansado orod fudud oo dheer ama halmar xoog u boodid. Dh: gay.
fay-ga: (magac, lab, keli) kabihii waayadii hore haweenku qaadan jireen afkooda hore oo godan caaraddiisa.
fay-ga: (magac, lab, keli) wax ama meel, afkeeda meel hareerteed oo dhinac ah. Dh: baal, cidhif. Li: badhtan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
fay
de: edge, side; part
lx: fay
pd: (-ga)
ps: n2a-m-loc
key: fay
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fir
fir¹: m.l 1. Taxanaha abtirsiimada ee laga soo askumay. 2. Cagaarka ugu horreeya ee geedaha ka soo baxa. la-mid: firfir¹.
fir²: f.g1 (-ray, -rtay) 1. Timo, caw iyo wixi lamida feerid. 2. Geedo cagaar yar bixin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fįr
m.l Cagaarka ka soo baxa meel laga guuray; fuf.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
fir
m.l 1. Taxanaha abtirsiimada ee laga soo askumay. 2. Cagaarka ugu horreeya ee geedaha ka soo baxa. la-mid: firfir.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
fir
m. n. origin, descent
fir v. comb (hair)
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
fir
-ka: (n) 1. genetics (jineetikis), heredity, genesis. 2. offspring (oof- ispiring); descendants (di-sen-dhantis); children (jiil-dhareeri) ~ waraso, dir
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fir
(fal) timaha shanlee, timaha feedh. Madaxa iska fir. Dh: fidh, feedh.
fir: (ereycodeed) tusa boodid ama dhaqaaq aan la isku diyaarin oo kedo ah. Maskii uu arkay ayuu yidhi.
fir -ka: (magac, lab, keli) meesha noole ka soo jeedo asalkiisu. Sacaygu waa firkii qaayib. Dh: isir, cayn, farcan, dir.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
fra
prep. - dhex, kaddib.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
fry
/fray/ (v) shiilid e.g. Shall I fry the eggs?
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
fry
v.tr., shiil, shiilo; fried, shiilan; frying man, dheriya shiil, -ki; a woman, shiilato, -adi; frying pan, daawa, -ihi.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
ira
s.f. - xanaaq, caro, dhirif.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ray
f.mg2 (-yay, -ysay) 1. Cid dagaal ama tartan ku guulaysasho. 2. Ka r.: cid xaalad liidata oo ay ku jirtay ka soo wanaag-sanaan.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
ray
f.mg2 (-yay, -ysay) 1. Cid dagaal ama tartan ku guulaysasho. 2. Ka r.: cid xaalad liidata oo ay ku jirtay ka soo wanaagsanaan. m.f.dh, rayn.
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Ray
Fallaadh
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ray
v. succeed, improve, do fine
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
ray
/rey/ (n) fallaar-ilays, kul iwm.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
ray
-raayey I raysay: (v) win (win); beat (biit); succeed (saksiidh); become winner, achieve victory ~ guulayso