firaashni
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
firaashni
-da: (magac, dhedig, keli) eeg firaashnaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Firaash
(Firaash-ka)
Gogol, (ama furaash).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
firaash
firaash¹: m.l (-shyo/furshaan, m.dh) 1. Joodari. 2. Maryaha, bustaha iyo wixi lamida ee la dul saaro joodariga. la-mid: furaash.
firaash²: f.g1 (-shay, -shtay) Maro, buste iyo wixi lamida joodari dul saarid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
firaash
firaash¹: m.l (-shyo/furshaan, m.dh) 1. Joodari. 2. Maryaha, bustaha iyo wixi lamida ee la dul saaro joodariga. la-mid: furaash.
firaash²: f.g1 (-shay, -shtay) Maro, buste iyo wixi lamida joodari dul saarid. m.f.dh, firaashid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
firaash
m. n. carpet; mattress
firaash v. spread with mats, carpet; furnish a house
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
firaash
-ka: (n) 1. mattress (maatras). 2. bedclothes (beedh-kaloows) ~ furaash
firaash -ay / tay: (v) make ready; prepare; fix (fiksi). Ex: qolka martida usoo firaash; fix the room for the guests
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
firaash
(fal) gogol lagu seexdo fidi.
firaash-ka: (magac, lab, keli) gogol lagu seexdo oo buush jilicsani gudaha kaga jiro oo saanta iyo bustahana ka qarawayn. Dh: furaash, joodari.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
firaash_1
bw: Arabic
de: carpet; mattress
hm: 1
lx: firaash
pd: (-ka Pl: furshaan (ta))
ps: n2a-m, n8-m
key: firaash_1
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
firaash_2
de: spread with mats, carpet; furnish a house
hm: 2
lx: firaash
nt: firaash (ka) [vn2a-m] 'act of furnishing'
pd: (firaashay)
ps: v1=
key: firaash_2
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Firaashan
La firaashay; la gogley.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
firaashan
f.mg4 (-shnaa, -shnayd) Wax la firaashay ahaansho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
firaashan
f.mg4 (-shnaa, -shnayd) Wax la firaashay ahaansho. m.f.dh, firaashnaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
firaashan
der. [adjective] carpeted, covered with mats; furnished
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
firaashan
-aa: (n) fixed (fiksidh); prepared (pri-peeridh). Ex: qol firaashan; fixed room
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
firaashan
(tilmaame) meel la gogley.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
firaashan
de: carpeted, covered with mats; furnished
lx: firaashan
pd: (firaashnaa)
ps: adj-der
key: firaashan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Firaashid
(Firaashid-da)
Goglid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
firaashid
m.f.dh eeg firaash².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
firaashid
-da: (magac, dhedig, keli) meel gogol ku fidin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
firaashnaan
m.f.dh eeg firaashan. la-mid: firaashnaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
firaashnaan
-ta: (magac, dhedig, keli) goglanaan iyo kala baxsanaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
faramadhni
-da: (magac, dhedig, keli) eeg faramadhnaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fitaaxsani
-da: (magac, dhedig, keli) eeg fitaaxsanaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
faashi
-ga: (magac, lab, keli) faaliye oo la adeegsado si talo loo waydiiyo. Faashigu diinta islaamka ma bannaana. Dh: faalsi.
faashi -ga: (magac, lab, keli) hab siyaasadeed oo ku salysan afkaartii kelitaliskii Musoliini, kuwaas oo lagu nuruuraynayay waddaninimo xag jirta. Dh: hantiwadaag, shuuci. Li: libraali, hantigoosi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
firaari
f.g2 (-iyay, -isay) la-mid: feeraari.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Firasho
(Firasha-da)
Timaha saqaf ku hagaajin; shanlaysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
firasho
m.f.dh eeg firo².
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
firasho
vl. n. act of combing the hair
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
firasho
-da: (magac, dhediq, keli) eeg fidhasho.
firasho-da: (magac, dhedig, keli) weecasho oo meel ka leexasho.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
firasho
a: feerasho
de: act of combing the hair rw: firo
lx: firasho
pd: (/da)
ps: vn6-f
key: firasho
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
furaash
m.l la-mid: firaash¹.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
furaash
m. n. carpet; mattress
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
furaash
-ka: (n) 1. mattress (maat-ras). 2. bedclothes (beedhkaloows) ~ firaash
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
furaash
-ka: (magac, lab, keli) eeg firaash. furad-ka: (magac, lab, keli) meel ama wax xidhnaa, furasho.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
furaash
bw: joodari
de: carpet; mattress
lx: furaash
pd: (-ka Pl: furshaan (ta))
ps: n2a-m, n8-m
see: firaash
xv: Arabic
key: furaash
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
Iiraani
m. n., [collective] Iranian
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
Iiraani
de: Iranian
lx: Iiraani
pd: (-ga Pl: Iiraaniyiin (ta))
ps: n2a-m, n7-m, n8-m
key: Iiraani
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Fargashi
(Fargashi-ga)
Garangar yar oo badanaa dahab laga sameeyo oo qurux iyo xarrago ama sabab kale darteed, faraha loo gashado; faraati; kaatun: (ama fargal).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fargashi
m.l Kaatun, faraanti. la-mid: fargal (1).
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
fargashi
m.l Kaatun, faraanti. la-mid: fargal.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
fargashi
m. n. finger-ring; kind of decoration on pottery
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
fargashi
-ga: (n) ring (ring) ~ faraanti
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fargashi
-da: (magac, dhedig, keli) giraangir yar co badanaa dahab laga sameeyo oo qurux iyo xarrago darteed. Dh: farraati, kaatun, fargal.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
fargashi
bw: fargal
cf: faraati
de: finger-ring; kind of decoration on pottery
lx: fargashi
pd: (-ga)
ps: n2a-m
key: fargashi
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
fargashi
خَاتَمُ (الإِصْبَعِ)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
farmashi
-ga: (magac, lab, keli) meesha lagu iibiyo daawooyinka. Dh: farmasi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
firaarin
m.dh la-mid: feeraarin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
firaysan
(tilmaame) wax aan qarsoonayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
firgasho
m.dh la-mid: fargasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
firgasho
-da: (magac, dhedig, keli) eeg firgad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Firxasho
(Firxasha-da)
Wax badan oo orda haya oo haddana kala firirsan; kala yaacid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
firxasho
m.f.dh eeg firxo. la-mid: firxad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
firxasho
-da: (magac, lab, keli) eeg firxad.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
niraahna
v., pl., subject case, present habitual: it is we who say
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
niraahna
de: it is we who say
lx: niraahna
pd: (nidhaahna)
ps: v4a-1pl-subj-prhb
xe: It is we who say it to them.
xv: Annaga baa ku niraahna.
key: niraahna
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
niraahno
v., pl., neg., present habitual: we do not say
niraahno: v., pl., relative form, present habitual: that we say
niraahno: v., pl., opt. form: may we say!; let us say ...
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
faraxsani
-da: (magac, dhedig, keli) eeg faraxsanaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
firaarsan
f.mg4 la-mid: feeraarsan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
firiqsani
-da: (magac, dhedig, keli) eeg firiqsanaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
farxaansani
-da: (magac, dhedig, keli) eeg farxaansanaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fiiragaabni
-da: (magac, dhedig, keli) fiiradarro iyo garashaxumi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
af'ilaashi
-ga: (magac, lab, keli) afdhawrasho iyo eed iska ilaalin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
feeragashi
feeragashi¹: m.l (-iyo, m.dh) Funaanad;garan ama shaati.
feeragashi²: m.dh Derin, raar iyo wixi lamida oo weyn oo aqal Soomaaliga labada docood ama mid laga geliyo marka la dhisayo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
feeragashi
m.l (-iyo, m.dh) Funaanad;garan ama shaati.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
feeragashi
-ga: (magac, lab, keli) garan, shaadhka laga hoos gashado.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
firdhisani
-da: (magac, dhedig, keli) kala firirsan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
firgaxasho
-da: (magac, dhedig, keli) wax xoog is kaga furfurid. Dh: firgaxad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
uurxaadhni
-da: (magac, dhedig, keli) isu calool-fayoobaan. Dh: caloolfiyoobi, uursamaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fiiraggaabni
m.dh la-mid: fiiraggaabnaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
firaarsanaan
m.dh la-mid: feeraarsanaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
araasi
araasi¹: m.l Orod iyo ci' uu sameeyo sac dhalay marka uu u soo socdo dhashiisa. la-mid: insaarax¹.
araasi²: f.mg2 (-iyay, -isay) Sac markaa dhalay meeshi uu dhashiisa ku ogaa aadid isagoo orod iyo ci' sameynaya. la-mid: insaarax².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baahni
-da: (magac, dhedig, keli) xaaladda baahida lafteeda; doonista wax baahi weyni loo qabo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baashi
m.l (-iyo, m.dh) Waraaqaha turubka midka yeekaha ku xiga oo boqorka ku sawiranyahay. la-mid: baash.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
baashi
m.l (-iyo, m.dh) Waraaqaha turubka midka yeekaha ku xiga oo boqorka ku sawiranyahay. la-mid: baash.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
Baashi
pr. n., masculine: Bashi
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
baashi
m. n. king (playing card)
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Baashi
name-m King
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
baashi
-ga: (n) king (king); of the playing card
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Baashi
magac loo baxsho wiil la rajaynayo inuu noqdo madax taliya.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baashi
-da: (magac, dhedig, keli) dhunkasho iyo gacan ku salaaxid ay naxariisi weheliso.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
faasho
f.mg3 (-shaday, -shatay) Faal dhigasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
faasho
v. predict ~ foretell the future for oneself
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
faasho
-faashaday / faashatay: (v) seek advice from fortuneteller (foorjunteelar); psychic (saaykik); palmist, crystal gazer or astrologer
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
faasho
(fal) faal adeegso.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
faasho
de: predict ~ foretell the future for oneself
lx: faasho
pd: (faashaday)
ps: v3a=intr
key: faasho
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fadhni
-da: (magac, dhedig, keli) wax fadhan ama fagan ahaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fidhni
-da: (magac, dhedig, keli) timo ama wax la mid ah oo la fidhay ahaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
figaas
-ka: (magac, lab, keli) saliid dareere ama burcad ah oo kulul oo jidhka markuu ku xanuuno la is mariyo. Figaas ayaan ku duugay halkii muruqu iga hayay. Dh: figis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fijaan
m.l la-mid: fujaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
fijaan
m. n. cup, mug, glass with a handle
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
fijaan
-ka: (n) teacup (tii-kaap); glass (galaas), cup (kaap) ~ fujaan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fijaan
-ka: (magac, lab, keli) weel yar oo godan oo wax lagu shubto, inta badanna wax lagu cabbo. Dh: fujaan, koob, galaas.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
fijaan
a: fujaan
de: cup, mug, glass with a handle
lx: fijaan
pd: (-ka)
ps: n2-m
syn: koob
xv: Arabic
key: fijaan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Firayn
(Firayn-ta)
1. Firo u yeelid.
2. (turub) warqad badka dhigid, muujin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
firayn
m.f.dh eeg firee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
firayn
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg fidhayn.
firayn-ta: (magac, dhedig, keli) wax la fuushan yahay ama la wado dib u celin. Faras aan firayn baran lama fuulo waligaa. Dh: celin. Li: kaxayn.
firayn-ta: (magac, dhedig, keli) adoo ordaya ama cararaya fidho kicin. Dh: fidhayn.
firayn-ta: (magac, dhedig, keli) turubka, warqad badka lagu ciyaarayo, dhigid oo muujin. Dh: firays.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
firays
-ka: (magac, lab, keli) eeg firayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
firdhi
f.g2 (-iyay, -isay) Kala tuurtuurid; kala yaacin. la-mid: firiri.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
firdhi
f.g2 (-iyay, -isay) Kala tuurtuurid; kala yaacin. m.f.dh, firdhin. la-mid: firiri.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
firdhi
v. scatter, disperse