firaaqayn
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Firaaqayn
(Firaaqayn-ta)
Waxa ku jira ama jooga ka qaadid, ka wadid; ciriiriga ka qaadid; dallaal ka dhigid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
firaaqayn
m.f.dh eeg firaaqee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
firaaqayn
-ta: (magac, dhedig, keli) meel la joogo ama lagu jiro, sida guri iyo wixii la mid ah, bannayn oo ka bixid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
firaaqay
(fal) meel la joogo ama lagu jiro, sida guri iyo wixii la mid ah, bannay oo ka bax.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
firaaqays
-ka: (magac, lab, keli) eeg firaaqayn.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
vacate
/veykeyt/ (v) firaaqayn (bannayn, sida guri laga baxo).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
nitaaqayn
m.dh la-mid: hantaaqayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
nitaaqayn
-ta: (magac, dhedig, keli) cid kale, hantaaqo gaadhsiin. Dh: hantaaqayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
barwaaqayn
m.f.dh eeg barwaaqee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
barwaaqayn
-ta: (magac, dhedig, keli) samalaho ka dhigid; heersare gaarsiin sida dhaqaalaha iyo waxii la mid ah. Dh: bashbashayn, aaranayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
farafarayn
m.f.dh eeg farafaree. la-mid: farafarays.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
farafarayn
-ta: (magac, dhedig, keli) wax meel la dhigay faraha la galid. Dh: taataabasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hintaaqayn
m.dh la-mid: hantaaqayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hintaaqayn
-ta: (magac, dhedig, keli) dhib iyo hagardaamo gaadhsiin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Firayn
(Firayn-ta)
1. Firo u yeelid.
2. (turub) warqad badka dhigid, muujin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
firayn
m.f.dh eeg firee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
firayn
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg fidhayn.
firayn-ta: (magac, dhedig, keli) wax la fuushan yahay ama la wado dib u celin. Faras aan firayn baran lama fuulo waligaa. Dh: celin. Li: kaxayn.
firayn-ta: (magac, dhedig, keli) adoo ordaya ama cararaya fidho kicin. Dh: fidhayn.
firayn-ta: (magac, dhedig, keli) turubka, warqad badka lagu ciyaarayo, dhigid oo muujin. Dh: firays.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Firaaqo
(Firaaqa-da)
Aan wax badani ool ama aan dad badani joogin; aan ciriiri ahayn; cidla'; dallaal.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
firaaqo
m.dh 1. Meel aan cidi joogin ama aan wax oollin. 2. Meel aan ciriiri ahayn.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Firaaqo
Leisure
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
firaaqo
f. n. (adj.): space, room, emptiness; spare time; empty, free
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
firaaqo
-firaaqada: (n) 1. free time; idle moments; spare time; leisure time. 2. (adj) unoccupied (an-okopaayidh); not busy; idle (iiy-dhel) ~ bannaan, maran
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
firaaqo
-da: (magac, dhedig, keli) kansho iyo fursad fakaag iyo nefis.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
firaaqo
de: space, room, emptiness; spare time; [atr.] empty, free
lx: firaaqo
pd: (/da)
ps: n6-f
key: firaaqo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Raamayn
(Raamayn-ta)
Raamo u yeelid, u samayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
raamayn
m.f.dh eeg raamee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
raamayn
-ta: (magac, dhedig, keli) timo ama wax la mid ah raamo dhaadheer u yeelid: raamo u samayn. Raamaynta timaha Rooble isagaa raba.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Raaxayn
(Raaxayn-ta)
(u raaxayn) raaxo siin, u yeelid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
raaxayn
m.f.dh eeg raaxee. la-mid: raaxo (2).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
raaxayn
-ta: (magac, dhedig, keli) (u ~) cid kale raaxo u suurtagelin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Araarayn
(Araarayn-ta)
Labo qolo oo dagaallama haya kala joojin; dagaal joojin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
araarayn
m.f.dh eeg araaree.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
araarayn
-ta: (magac, dhedig, keli) labo qolo oo dagaallamaya kala joojin. Araaraynta reeraha, aabbaa innoo dhigay. Araare ajal ma oosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
firaaqee
f.g2 (-qeeyay, -qaysay) Firaaqo ka dhigid (meel).
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
firaaqee
f.g2 (-qeeyay, -qaysay) Firaaqo ka dhigid (meel). m.f.dh, firaaqayn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
firaaqee
v. make room, clear a space
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
firaaqee
-yey / firaaqaysay: (v) vacate (veekeeyt); make empty ~ bannee
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
firaaqee
(fal) fursad iyo fasax sii.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
firaaqee
de: make room, clear a space
lx: firaaqee
pd: (firaaqeeyey)
ps: v2b=
key: firaaqee
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
firaaqow
f.mg1 (-oobay, -owday; -oobi) Firaaqo noqosho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
firaaqow
f.mg1 (-oobay, -owday; -oobi) Firaaqo noqosho. m.f.dh, firaaqoobid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
firaaqow
inch. v. become free, be emptied out, get vacated
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
firaaqow
(fal) firaaqo yeelo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
firaaqow
de: become free, be emptied out, get vacated
lx: firaaqow
pd: (firaaqoobay)
ps: v1=inch
key: firaaqow
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
firaarin
m.dh la-mid: feeraarin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
firaysan
(tilmaame) wax aan qarsoonayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ilaalayn
-ta: (magac, dhedig, keli) fiiro sahan sugasho oo u kuurgelid iyo hullo ogaaneed; dersid iyo salgaadh dhammays ah. Guur saddex buu eedaa: ma aqoon, ma abraacin, ma ilaalayn. Dh: kuurgal, dersid.
ilaalayn-ta: (magac, dhedig, keli) eeg'eegid ay foojignaani ku jirto.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Irbadayn
(Irbadayn-ta)
1. Irbad ka dhigid.
2. Irbad gaar ah oo dhexda ka daloosha oo dhuun dhalo ah wadata, inta dawo socota lagu shubo, oogada ku mudid oo dawadii ku dhiijin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
irbadayn
m.f.dh eeg irbadee. la-mid: cirbadayn, cirbadays, irbadays.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
irbadayn
-ta: (magac, dhedig, keli) qof buka, irbad ku durid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
lifaaqan
(tilmaame) (ku ~) ku tolan ama ku dhejisan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Siraadan
La siraaday.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
siraadan
f.mg4 (-dnaa, -dnayd) Wax la siraaday ahaansho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
siraadan
f.mg4 (-dnaa, -dnayd) Wax la siraaday ahaansho. m.f.dh, siraadnaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
siraadan
der. [adjective] lit, illuminated
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
siraadan
-siraadnaa / siraadnayd: (v) ignited (ig-naaytidh); kindled (kin-dhelidh); luminiferous (luu-mi-fin-arous); lit ~ daaran
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
siraadan
(tilmaame) mid la siraaday ah.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
siraadan
de: lit, illuminated
initial: s
lx: siraadan
pd: (siraadnaa)
ps: adj-der
key: siraadan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
birlabayn
-ta: (magac, lab, keli) habka walxaha ama biraha loogu geddiyo birlab.
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Birqabayn
Forging
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cirbadayn
m.dh la-mid: irbadayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cirbadayn
-ta: (magac, dhedig, keli) irbad ka dhigid ama irbad ku mudid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daraarayn
-ta: (magac, dhedig, keli) cunto duco looga jeedo, karin. Xilliga barwaaqada ah daraaraynta beereleydu waa joogto. Dh: casuumadayn, daraarays, ducayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dubaaqayn
m.f.dh eeg dubaaqee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dubaaqayn
-ta: (magac, dhedig, keli) dibaaq samayn; foorado samayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Fagaarayn
(Fagaarayn-ta)
(u fagaarayn) legdan, feer, tartan, dabbaaldeg, kd.. meel fagaare ah oo la wada joogo u samayn, u golaadin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fagaarayn
m.f.dh eeg fagaaree.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fagaarayn
-ta: (magac, dhedig, keli) tartan iyo wax la mid ah, fagaaro u samayn; ciyaar iyo wax la mid ah, meel fagaare ah oo la wada joogo u samayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Falanqayn
(Falanqayn-ta)
(hadal, arrin) caddayn; kala saarsaarid; kala dhigdhigid; ka faallayn; gelid; gorfayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
falanqayn
m.f.dh eeg falanqee. la-mid: falanqo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
falanqayn
f. n. explanation, analysis
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
falanqayn
-ta: (magac, dhedig, keli) faaqidaadda xog la helay. Dh: faallayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Farsamayn
(Farsamayn-ta)
Hawl aqoon iyo tab u baahan qabasho; wanaajin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
farsamayn
m.f.dh eeg farsamee.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
farsamayn
vl. n. manufacturing
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
farsamayn
-ta: (n) processing, fabrication, manufacture, production (pro-dhak shin)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
farsamayn
-ta: (magac, dhedig, keli) hawl fulinteeda kolba tab iyo xeelado ay ku fusho u qabasho. Dh basarin, habayn.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
farsamayn
de: manufacturing
lx: farsamayn
pd: (-ta)
ps: vn1-f
key: farsamayn
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fidnadayn
-ta: (magac, dhedig, keli) cid kale, fidmo ku abuurid ama ku ridid. Dh: fidnadays.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
firaarsan
f.mg4 la-mid: feeraarsan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Firaashan
La firaashay; la gogley.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
firaashan
f.mg4 (-shnaa, -shnayd) Wax la firaashay ahaansho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
firaashan
f.mg4 (-shnaa, -shnayd) Wax la firaashay ahaansho. m.f.dh, firaashnaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
firaashan
der. [adjective] carpeted, covered with mats; furnished
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
firaashan
-aa: (n) fixed (fiksidh); prepared (pri-peeridh). Ex: qol firaashan; fixed room
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
firaashan
(tilmaame) meel la gogley.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
firaashan
de: carpeted, covered with mats; furnished
lx: firaashan
pd: (firaashnaa)
ps: adj-der
key: firaashan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
firixlayn
-ta: (magac, dhedig, keli) boodboodista neef ama wax kale oo la gawracay.
Qaamuuska Ereybixinta: Xisaab (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Garaafayn
Graphing
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hataaqayn
(Hataaqayn-ta)
Horay u harbin; hanboorriyid; turaanturrayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hataaqayn
m.dh la-mid: hantaaqayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hataaqayn
-ta: (magac, dhedig, keli) hanboorriyid ama horay u riixid. Dh: harbin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
irmaanayn
m.f.dh eeg irmaanee. la-mid: irmanin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
irmaanayn
-ta: (magac, dhedig, keli) xoolo, caano u yeelid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
karaamayn
m.f.dh eeg karaamee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
karaamayn
-ta: (magac, dhedig, keli) ixtiraam iyo xaqdhawr u muujin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Maraabayn
(Maraabayn-ta)
Dhadqhaqaaqa iyo dheeldheelliyidda doonyaha iyo maraakiibta badda saaran, oo hirarku ku wacan yihiin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maraabayn
m.f.dh eeg maraabee. la-mid: maraamayn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
maraabayn
vl. n. rolling movement of ships and boats caused by the waves