fiqiburaale
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
fiqiburaale
-fiqiburaalaha: (n) a name for an elusive supernatural fairy or sprite that inhabit some people ~ waddaado, duullal, uuman
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fiqiburaale
-ha: (magac, lab, keli) xaalal ay inta badan haweenku sheegaan oo loo maleeyo haddaan la iska cuudin in dhibaato ka imanayso.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fiqibburaale
m.l Nooc rooxaanta dadka ku dhacda ka mid ah.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
fiqibburaale
m. n., [collective] group of evil spirits who possess people
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
fiqibburaale
de: group of evil spirits who possess people
lx: fiqibburaale
pd: (/ha)
ps: n-m-col
key: fiqibburaale
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ardooyin
m.l.w Duulal la rumaysan yahay in ay dadka ku ridaan cudur lagu daaweeyo udug iyo raashin; fiqiburaale; wadaaddo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Ciiraale
nickname-m grayish in color; cloudish
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
fiinaale
-fiinaalaha: (n) final game ~ faaynaale
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Hiiraale
nickname-m bald. Syn: Bidaar
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Hiiraale
magac loo baxsho wiil salxo leh oo wejigiisa ay timuhu ka durugsan yihiin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hiiraale
-ha: (magac, lab, keli) qof bidaar leh. Dh: bidaarre.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
miiraale
m.l (-layaal, m.l/dh) Roob xoog leh oo habeenkii da'a oo xilliga dayrta yimaada. la-mid: miiroole.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
miiraale
-ha: (magac, lab, keli) roob weyn oo ungod iyo daroora cufan leh. Waxaa mayay soo madaw waxaa miiraale yimid ninkii meelloow ka roor.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
firiimaale
m.l (botani) Geed gaab aan qodax lahayn oo leh laamo dhuudhuuban kana mid ah dhirta daawada.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
firiimaale
m.l (botani) Geed gaab aan qodax lahayn oo leh laamo dhuudhuuban kana mid ah dhirta daawada.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Fiiqtukaale
(Fiiqtukaala-ha)
Sida tukuhu wax u cabbo oo kale, wax u fiiqsasho; fiiq barrays.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fiiqtukaale
m.l Fiiqsi caano laga dhergey lagu sameeyo iyadoo lagu soo noqno-qanayo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fiiqtukaale
-ha: (magac, lab, keli) sida tukuhu wax u cabbo oo kale u dhan caano ama biyo u cab. Dh: fiiqbarrays, fiitis.
fiiqtukaale-ha: (magac, lab, keli) fiiqsi caano laga dhergey lagu sameeyo iyadoo lagu soo noqnoqanayo. Dh: fiiqmadoobe.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fiiqtukaalee
f.mg2 (-leeyay, -leysay) Fiiqtukaale samayn.
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
BURQAALE
(Burgale) S Pyrenacantha kaurabassana Baill. Icacinaceae.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
figurare
v.tr. - sawirid; u malayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fiidmaal
fiidmaal¹: m.l Maalidda xoolaha fiidkii la maalo.
fiidmaal²: f.g1 (-aalay, -aashay) Xoolo fiid maalid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fiidraac
fiidraac¹: m.l Guurada habeenka qaybtiisa hore la sameeyo. la-mid: fiidraacid.
fiidraac²: f.mg1 (-cay, -cday) Fiid-horaad guurid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fiidraac
(fal) milayga fiidka, soco.
fiidraac-a: (magac, lab, keli) milayga fiidka, socosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Fiigtaal
(Fiigtaal-ka)
Fiige ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fiigtaal
m.l.kh 1. F. ah: neef tood ama fiige ah oo ay adagtahay in la maalo. 2. F. ah: neef didsan oo aan la qaban karin. la-mid: fiigaal.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
fiigtaal
m. n., [compound] (adj.): untamed domestic animal; wild
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fiigtaal
-ka: (magac, lab, keli) neef aan si fudud lagu maali karin oo dadka ka carara. Dh: fiigto.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
fiigtaal
de: untamed domestic animal; [atr.] wild
lx: fiigtaal
pd: (-ka)
ps: n-m-cmp
key: fiigtaal
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
furagale
-ha: (magac, lab, keli) ibta naasaha dhedigga irmaan, fur yar oo ku jira oo awda. Inta badan caanaha ayaa soo tuura oo kolkaa ba wuu ka baxaa. Dh: ibagale.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
huuraale
-ha: (magac, lab, keli) qof aan ilkaha cadayan oo afka huuro ku leh.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
liberale
agg. - xornimada raacsan.
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Siigaale
nickname-m dust-maker. Lit: dust colored
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Siigaale
magac loo baxsho wiil meel boodh ah ama siigo leh ku dhashay ama midabkiisu boodh xigo.
Qaamuuska Ereybixinta: Xisaab (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Tibxaale
Polynomial
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xiisaale
-ha: (magac, lab, keli) qof kolba meel iyo kolba wax xiiseeya oo xiise badan.
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Abturaale
name-m from kindly descent; kindful; merciful
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
abturaale
eeg abtudhaale.
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
BOQORAALE
(Bocorale) S, C Kigelia africana (Lam) Benth. Bignoniaceae.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
giingaale
-ha: (magac, lab, keli) qof hadalka googooya oo aan si toos ah u soo saarin. Dh: shigshiglow, shigshigaaye, haghagle.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Giiryaale
(Giiryaala-ha)
Qof aan geesi ahayn; fuley.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
giiryaale
m.l Qof aad fuley u ah.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
giiryaale
m. n., [compound] coward
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
giiryaale
-ha: (magac, lab, keli) qof fule ah.Li: geesi.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
giiryaale
de: coward
lx: giiryaale
pd: (/ha)
ps: n7-m-cmp
key: giiryaale
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hiyiwaale
(Hiyiwaala-ha)
Kasha waxyaalo saldhig iyo xasilloonaan u diida, ku soo rida; hiyiga waala oo kiciya; hiddiwaale.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hiyiwaale
m.l 1. Kasha waxyaalo saldhig iyo xasilloonaan u diida, ku soo rida; hiyiga waala oo kiciya. 2. la-mid: hirimmaale.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
hiyiwaale
m.l 1. Kasha waxyaalo saldhig iyo xasilloonaan u diida, ku soo rida; hiyiga waala oo kiciya. 2. la-mid: hirimmaale.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hiyiwaale
m. n. longing, yearning, hankering
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hiyiwaale
-ha: (magac, lab, keli) wax qalbiga qofka kiciya oo deggenaanshaha u diida. Dh: hiddiwaale.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
hiyiwaale
a: hiddiwaale
de: longing, yearning, hankering
lx: hiyiwaale
pd: (/ha)
ps: n7-m
key: hiyiwaale
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
imbuvable
imbuvable, adj. - aan la cabi karin.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
incurable
/inkiyuurabal/ (adj) cudur aan la daawayn karin (daawo aan lahayn).
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
incurable
incurable, adj. - aan laga bogsan karin.
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Isburaash
nickname-m very clean and very handsome
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
libérable
libérable, adj. - siideyn; fara ka qaadid; xoreyn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qababaale
-ha: ( magac, lab, keli) magacyada libaaxa midkood. Qababaale aarbaan arkoo waan ambaabiraye. Dh: shaashle, libaax, aar.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sawiraale
-ha: (magac, lab, keli) qof sawirrada qaada ama duuba ama meesha lagu qaado ama lagu duubo lafteeda. Dh: sawirle, taswiiraale, taswiirle.
Eraybixinta Af Soomaaliga ee Hawlaha Wasaaradaha (Soomaali-Ingiriis-Talyaani) - Guddiga Af Soomaaliga [1972]
Tribunale
Garsoortooyo, maxkamad
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
tribunale
s.m. - maxkamad.
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Ximidaale
Trellis, trellised drainage
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dabbaraale
(Dabbaraala-ha)
Qofka hadba dabbari qabato; aan caradiisa ka adkayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dabbaraale
m.l 1. Qof caro badan oo markuu xanaaqo aan is hanan karin. 2. Qof dhagar badan.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dabbaraale
m.l 1. Qof caro badan oo markuu xanaaqo aan is hanan karin. 2. Qof dhagar badan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dabbaraale
m. n. hot tempered person
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dabbaraale
-ha: (magac, lab, keli) qofka cadhada badan oo cadhada dhaw, qofka hadba dabbartu qabato, cadhada dhow. Dabbaraale ayaad noqotay. Dh: cooraaf, xaruuri.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dabbaraale
de: hot tempered person
lx: dabbaraale
pd: (/ha)
ps: n7-m
key: dabbaraale
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fiqiduurre
-ha: (magac, lab, keli) wadaad aan aqoon badan diinta u lahayn. Dh: beydgaab, kitaabgaab. Li: sheekh, caalim.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gambaraale
-ha: (magac, lab, keli) ciyaar da'weyn oo uu magaceedu ka soo jeedo gambar oo ah midka lagu fadhiisto, waayo waxaa lagu dheelaa fadhiga, waxayna leedahay heeso, gabayo, waana ciyaar ay wada dheelaan ragga iyo haweenku ba. Ciyaartan qalabka lagu tumo, waxaa ka mid ah durbaan weyn iyo sharaq.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hiriimaale
(Hiriimaala-ha)
Cayaar ragga iyo dumarku wada tuntaan oo ulo lagu cayaaro.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hiriimaale
m. n. traditional dance, performed with sticks
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hiriimaale
-ha: (magac, lab, keli) ciyaar ragga iyo dumarku wada tuntaan oo ulo lagu ciyaaro. Dh: heerimaahee.
hiriimaale: (tilmaame) diilimaale; mid hiriimo iyo. dillo leh. Dibigii hiriimaale caawa wuu maqan yahey. Dh: dilladillaale.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
hiriimaale
de: traditional dance, performed with sticks
lx: hiriimaale
pd: (/ha)
ps: n7-m
key: hiriimaale
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hirimmaale
m.l (-layaal, m.l/dh) Nooc ciyaarta sayliciga ka mid ah, laga ciyaaro aroosyada lagana dheelo xeebaha badda cas. la-mid: hiddiwaale, hiyiwaale (2).
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
hirimmaale
m.l (-layaal, m.l/dh) Nooc ciyaarta sayliciga ka mid ah, laga ciyaaro aroosyada lagana dheelo xeebaha badda cas; hiddiwaale, hiyiwaale (2).
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
kirisyaale
-kirisyaalaha: (n) windshield wiper (windhshiildh waaypar)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
barabaraale
-ha: (magac, lab, keli) wax kasta oo lab oo baro leh oo aan ahayn geela. Dibi barabaraale ah ayaan qalannay.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
diradiraale
-diradiraalaha: (n) monger (man-ger); troublemaker (tarobal'maykar); quarrelmonger, one who stirs up trouble or strife
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
diradiraale
-ha: (magac, lab, keli) qofka dadka u kala sheega war xun oo la isku naco ama la isku dilo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fadciiraale
-ha: (magac, lab, keli) daruuro waaweyn oo ay ciiro ku dhex jirto, aad se aan u muuqan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fiiqtukaaleyn
m.f.dh eeg fiiqtukaalee.