fiqibburaale
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fiqibburaale
m.l Nooc rooxaanta dadka ku dhacda ka mid ah.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
fiqibburaale
m. n., [collective] group of evil spirits who possess people
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
fiqibburaale
de: group of evil spirits who possess people
lx: fiqibburaale
pd: (/ha)
ps: n-m-col
key: fiqibburaale
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
fiqiburaale
-fiqiburaalaha: (n) a name for an elusive supernatural fairy or sprite that inhabit some people ~ waddaado, duullal, uuman
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fiqiburaale
-ha: (magac, lab, keli) xaalal ay inta badan haweenku sheegaan oo loo maleeyo haddaan la iska cuudin in dhibaato ka imanayso.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
yabaro
m.dh Waxyaalo dadka wadaaddada qaba loo sameeyo, waxayna u dhexaysaa “saagootiga” iyo “ruqsada” (wadaaddo; fiqibburaale).
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
yabaro
m.dh Waxyaalo dadka wadaaddada qaba loo sameeyo, waxayna u dhexaysaa 'saagootiga' iyo 'ruqsada' (wadaaddo; fiqibburaale).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
wadaaddo
-da: (magacwadareed) cudur inta badan haweenku ka ashkatoodaan oo loo nisbeeyo qolo mala'awaal ah oon ishu qaban oo lagu daweeyo cuudin, sagooti, yabaro, ruqso; iyo wixii la mid ah'. Islaanta wadaaddo ayaa hayee ka cuudiya. Dh: fiqibburaale.
wadaaddo -da: (magacwadareed) qolo mala'awaal ah oo dumarka gala xanuun iyo dhibaatooyin badanna u keena.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Fiiqtukaale
(Fiiqtukaala-ha)
Sida tukuhu wax u cabbo oo kale, wax u fiiqsasho; fiiq barrays.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fiiqtukaale
m.l Fiiqsi caano laga dhergey lagu sameeyo iyadoo lagu soo noqno-qanayo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fiiqtukaale
-ha: (magac, lab, keli) sida tukuhu wax u cabbo oo kale u dhan caano ama biyo u cab. Dh: fiiqbarrays, fiitis.
fiiqtukaale-ha: (magac, lab, keli) fiiqsi caano laga dhergey lagu sameeyo iyadoo lagu soo noqnoqanayo. Dh: fiiqmadoobe.
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Abturaale
name-m from kindly descent; kindful; merciful
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
abturaale
eeg abtudhaale.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dabbaraale
(Dabbaraala-ha)
Qofka hadba dabbari qabato; aan caradiisa ka adkayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dabbaraale
m.l 1. Qof caro badan oo markuu xanaaqo aan is hanan karin. 2. Qof dhagar badan.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dabbaraale
m.l 1. Qof caro badan oo markuu xanaaqo aan is hanan karin. 2. Qof dhagar badan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dabbaraale
m. n. hot tempered person
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dabbaraale
-ha: (magac, lab, keli) qofka cadhada badan oo cadhada dhaw, qofka hadba dabbartu qabato, cadhada dhow. Dabbaraale ayaad noqotay. Dh: cooraaf, xaruuri.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dabbaraale
de: hot tempered person
lx: dabbaraale
pd: (/ha)
ps: n7-m
key: dabbaraale
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fiqiduurre
-ha: (magac, lab, keli) wadaad aan aqoon badan diinta u lahayn. Dh: beydgaab, kitaabgaab. Li: sheekh, caalim.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
firiimaale
m.l (botani) Geed gaab aan qodax lahayn oo leh laamo dhuudhuuban kana mid ah dhirta daawada.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
firiimaale
m.l (botani) Geed gaab aan qodax lahayn oo leh laamo dhuudhuuban kana mid ah dhirta daawada.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fiiqtukaalee
f.mg2 (-leeyay, -leysay) Fiiqtukaale samayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fiiqtukaaleyn
m.f.dh eeg fiiqtukaalee.
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Farashimbiraale
Bird foot delta