finiinsad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Finiinsad
(Finiinsad-ka)
Finiinsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
finiinsad
m.l la-mid: finiinsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
finiinsad
-ka: (magac, lab, keli) mid ka mid ah dar wada socda, gaar ahaan u baacsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
finiinad
-ka: (magac, lab, keli) mid wax badan oo wadajira oo cararaya ka mid ah, goonni u leexsasho. Dh: finiinasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
biniinsad
-ka: (magac, lab, keli) wax aanad wada arki karaynin qaar ka mid ah arkid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Finiinid
(Finiinid-da)
Xoog u ganmid ama u dhicid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
finiinid
m.f.dh eeg finiin². la-mid: faniinid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
finiinid
-da: (magac, dhedig, keli) cid kale, finiin ku tuurid ama ku ganid.
finiinid-da: (magac, dhedig, keli) aad u kululaanshaha daawaha oo loxooxda ku dhega. Dabka badan ka daa finiinid buu daawaha u keeniye.
finiinid -da: (magac, dhedig, keli) xoog u ganmid ama u dhicid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
finiinsi
m.l la-mid: finiinsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
finiinso
f.g3 (-saday, -satay) Wax badan oo wada jira oo ordaya, mid ka mid ah gooni u leexsasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
finiinso
v. split off from the herd; form a splinter-group
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
finiinso
(fal) mid ka mid ah dar wada socda, gaar ahaan u baacso oo caydhso.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
finiinso
cf: firir
de: split off from the herd; [ext.] form a splinter-group
lx: finiinso
pd: (finiinsaday)
ps: v3a=
key: finiinso
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Finixsad
(Finixsad-ka)
Finixsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
finixsad
m.l la-mid: finixsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
finixsad
-ka: (magac, lab, keli) faxaaxsi ama kibrid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kiniisad
(Kiniisad-da)
Aqalka kirishtaanku Ilaah ku caabudaan, oo masaajidka Muslinka ka dhigan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
kiniisad
f. n. church (e.g., Christian), temple (e.g., Buddhist)
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
kiniisad
-da: (n) church (jeer-ji) ~ kaniisad
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
kiniisad
a: kaniisad
bw: Arabic
de: church (e.g., Christian), temple (e.g., Buddhist) Contrast: masjid ~ misaajid (mosque)
lx: kiniisad
pd: (-da)
ps: n1-f
key: kiniisad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dindinsad
m.l la-mid: diddinsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
finiinsii
(fal) dab iyo wax la mid ah, finfiniin iyo duulduul u sabab.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Miciinsad
(Miciinsad-ka)
Miciinsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
miciinsad
m.l la-mid: miciinsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
miciinsad
-ka: (magac, lab, keli) id taageero ka dayid; miciin ka dhigasho. Gabadh aan miciinsad u soo kaxaystay ayaa la iga guursaday: Dh: miciinsi, taageersad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Finiinsasho
(Finiinsasha-da)
Mid wax badan oo wadajira oo carara haya kamid ah, gooni u leexsasho, u goosasho, u ceyrsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
finiinsasho
m.f.dh eeg finiinso. la-mid: finiinsad, finiinsi.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
finiinsasho
vl. n. act of splitting off, forming a splinter-group
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
finiinsasho
-da: (magac, dhedig, keli) eeg finiinsad.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
finiinsasho
a: finiinsad (ka) [vn2-m]
de: act of splitting off, forming a splinter-group
lx: finiinsasho
pd: (/da)
ps: vn6-f
key: finiinsasho
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hiinhiinsad
(Hiinhiinsad-ka)
Hiinhiinsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hiinhiinsad
-ka: (magac, lab, keli) dhawr jeer hiinsad; heensasho soo noqnoqota. Dh: heenheensad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dingiigsad
m.l la-mid: dangiigsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dingiigsad
-ka: (magac, lab, keli) dingiig u jiifid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
finiinasho
-da: (magac, dhedig, keli) eeg finiinad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Finiin
(Finiin-ka)
1. Wax meeshuu ku dhegsanaa ama joogey xoog iyo dhaqso uga dhacay ama uga ganmay.
2. Tuuryo, dhicid.
3. Wax kastoo finiina ama la finiiniyo.
4. Wax finiin u eg ama sida finiin la ganay, aad u dheereeya.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
finiin
finiin¹: m.l (-nno, m.dh) 1. Cadad yaryar oo meeshi ay ku dhegganaayeen xoog iyo dhaqso uga soo fuqay, ama uga soo ganmay. 2. Ciyaar carruureed ah dhaqxaan yaryar oo faraha lagu gamayo. la-mid: faniin¹.
finiin²: f.mg1 (-nay, -ntay) 1. Wax ordaya xoog uga dhicid. Tusaale: “Baabuurkii ayuu xoog uga finiinay”. 2. Wax meeshii ay joogeen ama ku dhegganaayeen xoog uga soo go'id ama uga soo ganmid. Tusaale: “Dhagax baa soo finiinay”. 3. Xoolo gaar u cararid. Tusaale: “Faras baa naga finiinay”. la-mid: faniin².
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
finiin
finiin¹: m.l (-nno, m.dh) 1. Cadad yaryar oo meeshi ay ku dhegganaayeen xoog iyo dhaqso uga soo fuqay, ama uga soo ganmay. 2. Ciyaar carruureed ah dhaqxaan yaryar oo faraha lagu gamayo. la-mid: faniin.
finiin²: f.mg1 (-nay, -ntay) 1. Wax ordaya xoog uga dhicid. Tusaale: Baabuurkii ayuu xoog uga finiinay. 2. Wax meeshii ay joogeen ama ku dhegganaayeen xoog uga soo go'id ama uga soo ganmid. Tusaale: Dhagax baa soo finiinay. 3. Xoolo gaar u cararid. Tusaale: Faras baa naga finiinay. m.f.dh, finiinid. la-mid: faniin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
finiin
m. n. fragment, splinter
finiin v. splinter; fall all of a sudden, be dropped with speed
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
finiin
-ka: (n) flying piece or chip; splinter (ispilin-ter) ~ faniin
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
finiin
(fal) xoog isu gan, u dhac.
finiin-ka: (magac, lab, keli) dhagax yar oo labada murdiso ee labada gacmood lagu tuuro iyadoo suulkana lagu badhitaaro. Finiin ilig wuu ridaa, cadawna kaama celiyo. Dh: quruurax.
finiin -ka: (magac, lab, keli) wax la garaacay ama meesha uu ku dhegsanaa ama joogey xoog iyo dhakhso uga duula ama uga ganma.
finiin -ka: (magac, lab, keli) bir dab la saaray oo kulayl dartii dhimbiilo ka duulaan. Xaydh mari daawaha finiinka ha daayee.
finiin -ka: (magac, lab, keli) tuuryo wax ka soo dhanbalantay; dhanbalan yar oo wax dildillaacay ka yimi.
finiin -ka: (magac, lab, keli) wax finiin u eg ama sida finiinka u gaman oo aad u dheereeya.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Fiidsad
(Fiidsad-ka)
Fiidsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fiidsad
m.l la-mid: fiidsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fiidsad
-ka: (magac, lab, keli) inta ay ka noqonayso fiid, sugid ama u kaadsasho. Dh: caweysimid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Fiiqsad
(Fiiqsad-ka)
Fiiqsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fiiqsad
m.l la-mid: fiiqsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fiiqsad
-ka: (magac, lab, keli) heemis ama dhammayn; faaruqin iyo dhammaan laacid. Dh: fiiqsi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Fiirsad
(Fiirsad-ka)
Fiirsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fiirsad
m.l la-mid: fiirsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fiirsad
-ka: (magac, lab, keli) eeg'eegista ama fikirka talo laga baaraandego. Dh: fiirsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
finiini
f.g2 (-iyay, -isay) 1 . Wax ordaya wax dul saaran ka ridid. 2. Wax sida biyo dhagax iyo wixi lamida xoog u firdhin. Tusaale: “Axmed baa biyo nagu finiiniyey”. 3. Neef xooluuhu ku jirey ka cayrin. la-mid: faniini.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
finiini
v. make something fall suddenly ~ throw something with force and speed
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
finiini
-yey / say: (v) split or break into slender pieces; splinter (ispilinter)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
finiini
(fal) finiin yaryar, duulduulsii oo tuurtuur.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
finiini
de: make s.t. fall suddenly ~ throw s.t. with force and speed
lx: finiini
pd: (finiiniyey)
ps: v2a=tr
key: finiini
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
finiino
(fal) wax wada socda, keligaa ka dhexbax; iska dhex saar.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hiinsad
(Hiinsad-ka)
Hiinsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hiinsad
m.l la-mid: heensasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hiinsad
-ka: (magac, lab, keli) wax yar oo caano iyo wixii la mid ah oo weel ku hadhay, ka fuuqsad. Dh: hiinsasho,
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
siinsad
m.l la-mid: siinsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
siinsad
-ka: (magac, lab, keli) duuf iska bi'in. Dh: siinsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
biniinsi
-ga: (magac, lab, keli) wax aanad dhammaantii wada arki karayn qayb ka arkid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
biniinso
(fal) iftiinso oo si dhab ah ugu fiirso. Markaan biniinsaday baan arkay nalka baxaya.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ciniinid
m.f.dh eeg ciniin². la-mid: caniinid, cinniinid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ciniinid
-da: (magac, dhedig, keli) ciniin ama ciniini noqosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhiinsad
m.l la-mid: dhiinsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
faniinid
m.dh la-mid: finiinid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
faniinid
-da: (magac, dhedig, keli) dhagax ama bir wax lagu dubo, kululaansho.
faniinid -da: (magac, dhedig, keli) quruurax yaryar, farsamo gaar ah oo faraha ah, ku tuurid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Fariisad
(Fariisad-ka)
Fariisasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fariisad
m.l la-mid: fariisasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
fariisad
vl. n. act of sitting (down)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fariisad
-ka: (magac, lab, keli) dhulka, iyo wixii la mid ah. korkiisa salka dhigid ama saarid; salka dhulka saarid. Dh: fadhiisad, fadhiisasho.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
fariisad
a: fariisasho (/da) [vn6-f]
de: act of sitting (down)
lx: fariisad
pd: (-ka)
ps: vn2-m
key: fariisad
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fiicnaad
-ka: (magac, lab, keli) qof ama wax kolkiisii hore xumaa, soo hagaag.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
finfinaa
(tilmaame) wax yaryar. Wali waa finfinaa caruurtu aan waawaynayn.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
finiin_1
cf: firdhaad
de: fragment, splinter
hm: 1
lx: finiin
pd: (-ka)
ps: n2-m
key: finiin_1
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
finiin_2
de: splinter; fall all of a sudden, be dropped with speed
hm: 2
lx: finiin
pd: (finiinay)
ps: v1=intr
key: finiin_2
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
finiinin
m.f.dh eeg finiini. la-mid: faniinin, faniinis, finiinis..
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
finiinis
m.l la-mid: finiinin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hinifsad
m.l la-mid: hinifsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hinifsad
-ka: (magac, lab, keli) hadba caano yar weel ama sacab ku dhiijin oo kabkabbasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kaniisad
m.dh (-do, m.l) Meel dhisan oo ay masiixiyiintu wax ku caabudaan.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
kaniisad
m.dh (-do, m.l) Meel dhisan oo ay masiixiyiintu wax ku caabudaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
kaniisad
f. n. church, temple
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
kaniisad
-da: (n) church (jeerji)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kaniisad
-da: (magac, dhedig, keli) dhisme dadka kiristaanku ku cibaadaystaan. Wa: kaniisado.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
kaniisad
bw: Arabic
de: church, temple
lx: kaniisad
pd: (-da)
ps: n1-f
see: kiniisad
key: kaniisad
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
kaniisad
كنيسة
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
siniqsad
m.l la-mid: siliqsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ąamiinsad
m.l la-mid: ąamiinsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
diddinsad
m.l la-mid: diddinsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
diddinsad
-ka: (magac, lab, keli) inyar oo biyo ah oo weel guntii ku jira aayar u shubasho. Dh: dindinsad, diddinsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fayiigsad
m.l la-mid: fayiigsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fayiigsad
-ka: (magac, lab, keli) aragga tabarta yar ee waayeelka; himbiriirsad uu qofka araggu ku adag yahay. Garaaddadan fayiigsaday, markaan rabay in aan fiigo. Dh: fiyiigsi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maciinsad
m.l la-mid: miciinsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maciinsad
-ka: (magac, lab, keli) kaalmaysad oo tageero iyo gargaar ka dayid. Wiilkii aan maciinsad ka dayay ayaa ani dib ii baadhay. Dh: miciinsad.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
minxiisad
-da: (n) bridesmaid (baraadiz 'maaydh), best maid
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
minxiisad
-da: (magac, dhedig, keli) gabadh gacanyare u ah caruusad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
yaqiinsad
-ka: (magac, lab, keli) si shaki la'aan ah u rumaysi. Dadku way kala yaqiinsad duwan yihiin. Dh: yaqiinsi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
biniinsasho
-da: (magac, dhedig, keli) biniinsad wax ku arkid. Biniinsasho ma wax arag baa?