fingujuf
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fingujuf
-ka: (magac, lab, keli) xummad wadata finan jidhka ka soo wada dareera. Dh: hablaba'as.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
yaacid
-da: (magac, dhedig, keli) ka soo~> furuuruc iyo wixii la mid ah, ka soo bixbixid. Fingujufka waxa lagu gartaa yaacidda huruuruc biyo leh. Dh: dareerid
yaacid-da: (magac, dhedig, keli) wadajir u cararid, u firxasho. Marka weerar lagu jiro yaacidda waa la isku dilaa. Dh: ordid, caymadid.
yaacid-da: (magac, dhedig, keli) biyo ama dareere kale shubmid. Biyo-xidheenku waa meel lagu joojiyo yaacidda biyaha. Dh: quiqulid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gujuf
-ka: (magac, lab, keli) goob dambaska iyo digada lagu qubo. Dh: guddaafad.
gujuf -ka: (magac, lab, keli) xanuun finan biyo leh dadka ka soo daadiya oo la is qabadsiiyo laguna shaanshoobo. Dh: fingujuf.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
minguur
v. run dry (of ideas), be barren, lose one's creativity
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
minguur
-ka: (magac, lab, keli) wareejinta shey meel an meeshiisii ahayn loo raro ama sidiisii hore laga bedelo. Sheekada arraweelo waa minguur oo dadkii hore ayaa laga soo minguuriyay.
minguur-ka: (magac, lab, keli) raridda min faal loo raro min kale.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
minguur
de: run dry (of ideas), be barren, lose one's creativity Lit: move house
lx: minguur
pd: (minguuray)
ps: v1=idiom
key: minguur
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xunguruf
(Xunguruf-ta)
(sheekaxariiro) bahal qof jeexi ah oo hadba qofkuu doono codkiisa isu yeeli kara, oo dadka wejiga ka muruxsada, ka diirta, ka xangaruufta.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xunguruf
m.dh 1. Bahal ka mid ah bahalaha sheekooyinka lagu tebiyo hase yeeshee ayan cidi weli arag oo leh ciddiyo dhaadheer oo ay wejiga kaga xagato dadka. 2. Dafo. 3. Cadaawadnimo yar oo dad ka dhexeysa.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
xunguruf
f. n. monster ~ legendary creature
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
xunguruf
de: monster ~ legendary creature (in Somali folklore it lures its victims by imitating the human voice; it then peels the skin off of one's face)
initial: x
lx: xunguruf
pd: (-ta)
ps: n-f
key: xunguruf
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
singudubo
-da: (magac, dhedig, keli) legdin qofka laysa soo dhaafiyo oo lugta lagu gudbo si uu u dhaco.