findigfaandig
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
findigfaandig
-ga: (magac, lab, keli) wax burbur iyo baaba' laga dhigay. Dagaalkii shalay guutooyin badan baa findigfaandig laga dhigay. Dh: baaba', fitirfaantir.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fintirfaantir
-ka: (magac, lab, keli) wax aad u faxay ama u khamiiray. Qooshkii fintirfaantir ayuu noqday.
fintirfaantir -ka: (magac, lab, keli) eeg findigfaandig.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
faandigaad
-da: (magac, dhedig, keli) qalabaagaddiska iyo isku mulaaqidda alaab meel ku habaysan loo geysto. Dh: fatishaad, rogrogis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Intifaacid
(Intifaacid-da)
Wax ka dheefid; wax ku qabsasho; waxtarid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
intifaacid
m.f.dh eeg intifaac². la-mid: intifaac¹ (2).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
intifaacsi
-ga: (magac, lab, keli) eeg intifaacsad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
intixaanid
m.dh la-mid: imtixaanid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
intixaanid
-da: (magac, dhedig, keli) shirrabid; itixaan gelin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
isdifaacid
m.dh la-mid: isdaafacid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fiddigitaan
-ka: (magac, lab, keli) afuufanka iyo tirrigga neef ama qof bakhtiyay. Dh: tirrigidtaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fitirfaatir
-ka: (magac, lab, keli) kala firdhin oo midba meel ku tuurid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Midigsaarid
(Midigsaarid-da)
Salaamid; gacanqaadid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
midigsaarid
m.f.dh la-mid: midigsaar¹ (2).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
midigsaarid
-da: (magac, dhedig, keli) gacanta midig isku salaamid. Dh: gacanqaadid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mindiraacin
-ta: (magac, dhedig, keli) min la galo seeskiisa diraacin oo asaasid; jeexidda sees cusub oo aqal la dhisayo loo jeexo. Dh: asaas, sees.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
mindirraaci
f.g2 (-iyay, -isay) 1. Arrin aan weli bislaan ama aan dhab looga baaraandegin, si deddejis ah ku dhammayn. 2. Neef aan la baxnaanin oo aan loo warhayn inuu dhiman lahaa iyo in kale, mindi ku gowricid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
mindirraaci
v., [compound] reach ~ make a premature decision
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
mindirraaci
bw: horutibyee
de: reach ~ make a premature decision
lx: mindirraaci
nt: mindirraacis (ka) [vn-m]
pd: (mindirraaciyey)
ps: v2a=cmp
key: mindirraaci
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
minfilaadid
m.f.dh eeg minfilaad². la-mid: minfilaad¹ (2).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Mindirraacin
(Mindirraacin-ta)
1. Arrin aan weli bislaan ama aan dhab looga baaraandegin, si deddejis ah ku dhammayn.
2. Neef aan la baxnaanin oo aan loo war hayn inuu dhiman lahaa iyo in kale, mindi kula boodid, gowricid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
mindirraacin
m.f.dh eeg mindiraaci. la-mid: mindirraacis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mindirraacin
-ta: (magac, dhedig, keli) neef aan la baxnaanin mindi kula boodid oo degdeg u gawricid. Neefka hubso oo mindirraacinta ka daa. Li: kaadsi.
mindirraacin -ta: (magac, dhedig, keli) arrin aan weli dhammayn ama aan dhab looga baaraandegin si deddejis ah ku ebyid. Dh: kidkidin, dedejin mindirraacis. Li: baaraandegid, kaadsi, kafiirsi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Mindirraacis
(Mindirraacis-ka)
Mindirraacin,
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
mindirraacis
m.l la-mid: mindirraacin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mindirraacis
-ka: (magac, lab, keli) eeg mindirraacin.