filqo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
filqo
f.mg3 (-qaday, -qatay) Wax wax hayay ama la hayay ama wax ku mudnaa ama ku tiirsanaa, xoog sidbasho ku jirto u boodid, u bixid, u siibasho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
filqo
f.mg3 (-qaday, -qatay) Wax wax hayay ama la hayay ama wax ku mudnaa ama ku tiirsanaa, xoog sidbasho ku jirto u boodid, u bixid, u siibasho. m.f.dh, filqasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
filqo
v. slip out of something, escape
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
filqo
(fal) midho ama wax isku xidhxidhan ama wax kale, kala qubo oo kala daado.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
filqo
de: slip out of s.t., escape
lx: filqo
pd: (filqaday)
ps: v3a=
syn: fiko
key: filqo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
filo
f.g3 (-ishay, -ilatay) Wax malaysasho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
filo
f.g3 (-ishay, -ilatay) Wax malaysasho. m.f.dh, filasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
filo
v. expect
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
filo
-fishay/filatay: (v) hope (hoop), expect (ikis pakt), anticipate (aan tisi peeyt), await (a weeyt) ~ rajee
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
filo
s.m. dun, fiilo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
filo
(fal) quudarray; rajey; sug; dhawr.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
filo
de: expect
lx: filo
pd: (fishay)
ps: v3b=
key: filo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fiiqo
f.g3 (-qday, -qatay) 1. Wax dub ka qaadasho. 2. Wax caarad dhuuban u yeelasho. 3. Meel qashin ka xaarasho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
fiiqo
f.g3 (-qday, -qatay) 1. Wax dub ka qaadasho. 2. Wax caarad dhuuban u yeelasho. 3. Meel qashin ka xaarasho. m.f.dh, fiiqasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
fiiqo
v. peel ~ skin (fruit) for oneself; sharpen, make a point on; sweep, clean away with a broom
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fiiqo
(fal) indho araggoogii naaqusmay, daaweyso.
fiiqo: (fal) waran, leeb ama wax kale, afkiisa yuubo si uu wax u wareemi karo.
fiiqo: (fal) meel aad fadhiday, xaadho oo nadiifi.
fiiqo: (fal) khudrad, aale ama wax kale, diirka ka qaado.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
fiiqo
de: peel ~ skin (fruit) for oneself; sharpen, make a point on; sweep, clean away with a broom
lx: fiiqo
pd: (fiiqday)
ps: v3b=tr
key: fiiqo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
filgo
f.g3 (-gaday, -gatay) Wax meel ka baarasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fillo
-da: (magac, dhedig, keli) eeg fiilo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Firqo
(Firqa-da)
Dad koox ah; horin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
firqo
m.dh Dad koox ah; horin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
firqo
m.dh Dad koox ah; horin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
firqo
f. n., [collective] group of people
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
firqo
-firqada: (n) [Pl. firqooyin-ka] sect (sakt); splinter group, faction
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
firqo
-da: (magac, dhedig, keli) eeg firqad.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
firqo
bw: Arabic
de: group of people
lx: firqo
pd: (/da)
ps: n6-f-col
key: firqo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Silqo
(Silqa-da)
Kalluun.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
silqo
m.dh Nooc kalluunka waaweyn ka mid ah oo midab hurdi ah leh.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
silqo
f. n. large fish species
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
silqo
-da: (magac, dhedig, keli) nooc kalluunka waaweyn ka mid ah oo midab hurdi ah leh.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
silqo
de: large fish sp.
initial: s
lx: silqo
pd: (/da)
ps: n-f
key: silqo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xilqo
m.dh Saf wareegsan oo dad taag ah ama fadhiya oo digrinaya; xilqad.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
xilqo
m.dh Saf wareegsan oo dad taag ah ama fadhiya oo digrinaya; xilqad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xilqo
-da: (magac, dhedig, keli) fadhi si wareeg ah loo fadhiyo. Xilqo Quraan akhris ah ayaa masaajidka ka jirta. Dh: xilqad, xalqad, xalaqad. Wa: xilqado.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
fiko
de: slip (out, from s.o.'s grasp ~ a container), escape
lx: fiko
pd: (fikaday)
ps: v3a=
syn: filqo
key: fiko
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhilqo
f.mg3 (-qaday, -qatay) la-mid: dhilliso.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhilqo
v. come out of its socket (an axe, a knife)
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhilqo
de: come out of its socket (an axe, a knife)
lx: dhilqo
pd: (dhilqaday)
ps: v3a=intr
key: dhilqo
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
figlio
s.m. - cunug (ga), wiil.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fiillo
m.dh (-ooyin, m.l) Aqal weyn oo gooni u go'an oo deyd leh.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
fiillo
m.dh (-ooyin, m.l) Aqal weyn oo gooni u go'an oo deyd leh.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fiillo
-da: (magac, dhedig, keli) aqal si wanaagsan loo dhiso oo leh qolala badan iyo daarad ballaadhan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fiiqso
f.g3 (-saday, -satay) Hoore aayar kabbasho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
fiiqso
f.g3 (-saday, -satay) Hoore aayar kabbasho. m.f.dh, fiiqsasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
fiiqso
v. drink with a sucking motion, suck up ~ in
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fiiqso
(fal) caano iyo wixii la mid ah, adoo neefta ku soo jiidaya, kabbo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
fiiqso
de: drink with a sucking motion, suck up ~ in
lx: fiiqso
nt: fiiqsad (ka) [vn-m], fiiqsasho (/da) [vn-f], fiiqsi (ga) [vn-m]
pd: (fiiqsaday)
ps: v3a=tr
key: fiiqso
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
filigo
-da: (magac, dhedig, keli) gabadh socod badan oo aan gurigeeda fadhiyin. Dh: biligo, fudud, fidhiqo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
filnow
f.mg3 (-naaday, -naatay) Ku f.: wax, wax kale baahi tiri kara noqosho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
filnow
f.mg3 (-naaday, -naatay) Ku f.: wax, wax kale baahi tiri kara noqosho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
filnow
(fal) (ku ~) hawl, adigu ku hagaag: ku toosnaw.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Filqad
(Filqad-ka)
Filqasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
filqad
m.l la-mid: filqasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
filqad
-ka: (magac, lab, keli) kala firidh ama kala baahid. Filqadkii ciidanka la jabiyay ayaa magaalada soo gaadhay. Dh: firidh.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
filqan
(tilmaame) eeg filiqsan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Filqid
(Filqid-da)
Wax wax ku dhegsan ama haya, xoog u finiinin, u tuurid; fikin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
filqid
m.f.dh eeg filiq.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
filqid
-da: (magac, dhedig, keli) wax wax kale xoog ugu dhegsan ama hayya, kala daadin; kala tuurid kala finiinin, fagkin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
filqin
-ta: (magac, dhedig, keli) kala baahin, midba meel geyn. Dh: firdhin, filqis. Li: ururin.
Eraybixinta Af Soomaaliga ee Hawlaha Wasaaradaha (Soomaali-Ingiriis-Talyaani) - Guddiga Af Soomaaliga [1972]
Filtro
Miire
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
filtro
s.m. miire.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
firiqo
m.l/dh (-ooyin, m.l) Wiil yar ama gabar yar oo anshax xun.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Filqasho
(Filqasha-da)
Fikasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
filqasho
m.f.dh eeg filqo. la-mid: filqad.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
filqasho
vl. n. act of slipping out ~ escaping
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
filqasho
-da: (magac, dhedig, keli) kala qubash kala daadasho; kala finiinid; kala fakasho. filqi: (fal) kala saarsaar; feedh; feer.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
filqasho
a: filqad
de: act of slipping out ~ escaping
lx: filqasho
pd: (/da)
ps: vn6-f
syn: fikasho
key: filqasho
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Fil
(Fil-ka)
Da'; da'aad; fac.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fil
fil¹: m.l 1. Wadarta sano ee noole jiro. 2. Da', cimri. 3. La f.: isku da'ah; isku gu'yaal jira.
fil²: f.mg1 (-ilay, -ishay) 1. F./u f.: wax malayn. 2. Wax rajayn.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
fil
fil¹: m.l 1. Wadarta sano ee noole jiro. 2. Da', cimri. 3. La f.: isku da'ah; isku gu'yaal jira.
fil²: f.mg1 (-ilay, -ishay) 1. F./u f.: wax malayn. 2. Wax rajayn. m.f.dh, filid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
fil
v. expect, suppose, think, hope, believe
fil m. n., [collective] age, age group, peer group
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
fil
-ka: (n) age (eeyj) ~ da'
isku fil ah: persons of same age, peer (piir)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fil
(fal) malay oo mood in ay si wax yihiin ama noqonayaan. Dh: eeg, dhursug, malee, dhawr, quuddaree.
fil: (fal) sug oo dhawr. Dh: quudarray.
fil-ka: (magac, lab, keli) dad isku da' ah, asaag ama isku ayni. Ninba filkii buu la fadhiistaa, anna filkaybaan fooxa kula ridan. Dh: fac, da', da'aad, gu', facaad, kacatin.
fil-ka: (magac, lab, keli) da'da gorayada ee mar wada kacda.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
fil
fil, n.m. - dun.
fil de la Vierge - xuubcaaro; xuub jilicsan.
fil métallique - silig; xadhig macdan ah
sans fil - xadhig la'aan
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
fil
عُمْرِ سِنٌ
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fiq
m.dh Buurta meesha ugu sarreysa. la-mid: fig.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
fiq
m.dh Buurta meesha ugu sarreysa. la-mid: fig.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
fiq
v. talk secretly, take someone aside to talk privately
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fiq
(ereycodeed) lagu tilmaansado wax si kedis ah u booday, sida harraatida dameeraha.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
fiq
a: faq
de: talk secretly, take s.o. aside to talk privately
lx: fiq
pd: (fiqay)
ps: v1=
key: fiq
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ilo
m.l.u Dulduleelka oogada nafleyda ku yaal oo dhididku ka soo baxa.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
ilo
m.l.u Dulduleelka oogada nafleyda ku yaal oo dhididku ka soo baxa.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
ilo
-ilaha: (n) sources (soorsis),
Eraybixinta Af Soomaaliga ee Hawlaha Wasaaradaha (Soomaali-Ingiriis-Talyaani) - Guddiga Af Soomaaliga [1972]
ILO
Laanta Shaqada adduunka
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ilo
-ha: (magacwadareed) kolmo biyaxabeed ku jiro oo saableyda duunyada lagu arko oo cuyuun ama ilcayn loo nisbeeyo; hawo xoolo gasha.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Bilo
(Bila-ha)
Hadal-weynaha dhexdiisa, hadal yar oo la dhexgeliyo, haddii la doonona laga saari karo, astaamo bilaha qaabkooda leh oo midna horay laga geliyo (bil furan) midna gadaal (bil xiran); (...).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bilo
f.mg3 (bishay, bilatay) Bil dhalasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
bilo
m. n., [collective] brackets, parentheses {punctuation}
bilo v. start ~ commence (of a lunar month)
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
bilo
-bilaha: (n) bracket (baraakit); ( ) or [ ] ~ qawsayn, qaws
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
diqo
m.dh 1. Yaqyaqsi. 2. Hilib la shiiday oo suugada lagu daro. 3. Meel dhiriq iyo wasakh badan.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
diqo
m.dh 1. Yaqyaqsi. 2. Hilib la shiiday oo suugada lagu daro. 3. Meel dhiriq iyo wasakh badan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
diqo
-da: (magac, dhedig, keli) gurid wax meel laga soo guro. Dh: gurid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
falo
f.g3 (-ashay, -alatay) Cid beer qodasho, beer falasho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
falo
f.g3 (-ashay, -alatay) Cid beer qodasho, beer falasho. m.f.dh, falasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
falo
v. dig the earth, plow; work something (for oneself)
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
falo
-fashay I falatay: (v) plow a farm (for yourself) in preparation for sowing
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
falo
(fal) majarafad, yaanbo iyo qalab kale, beer ku qodo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
falo
de: dig the earth, plow; work s.t. (for oneself)
lx: falo
nt: falasho (/da) [vn6-f] 'plowing'
pd: (fashay)
ps: v3b=
key: falo
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
faqo
(fal) meel iskaa u qodo. Dh:qodo. Li: aaso.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
figo
-da: (magac, dhedig, keli) ganaax aawadii, labada gacmood iyo labada lugood oo xagga dambe la iskugu keeno oo la isku xidho. Figo ayaa tuuggii loo xidhay. Dh: fiigo, miig.