filiqtamid
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
filiqtamid
-da: (magac, dhedig, keli) si aan nidaamsanayn u socod ama u tegid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fiiqtamid
m.f.dh eeg fiiqtan². la-mid: fiiqtan¹ (3).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fiiqtamid
-da: (magac, dhedig, keli) dad kale, habka fiiqsiga, caano iyo wax la mid ah u wadaagid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
filtamid
-da: (magac, dhedig, keli) hawl la bixinayo, dad badan wadaajin, u qaybin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ficiltamid
m.f.dh eeg ficiltan². la-mid: ficiltan¹ (2).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ficiltamid
-da: (magac, dhedig, keli) si ficil ku dheehan yahay u dhaqmid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Cilaaqtamid
(Cilaaqtamid-da)
Hadal cilaaq iyo muran ah oo badan, ku hadlid; cilaaqtan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cilaaqtamid
m.f.dh eeg cilaaqtan². la-mid: cilaaqtan¹, ilaaqtamid, ilaaqtan¹.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
cilaaqtamid
vl. n. act of arguing with one another
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
cilaaqtamid
-da: (n) the act of engaging in a quarrel or dispute angrily ~ murmid
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cilaaqtamid
-da: (magac, dhedig, keli) eeg cilaaqmid.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
cilaaqtamid
de: act of arguing with one another
lx: cilaaqtamid
pd: (-da)
ps: vn1-f, vn2a-f
key: cilaaqtamid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fiiqmid
m.f.dh eeg fiiqan¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fiiqmid
-da: (magac, dhedig, keli) caaro fiiqan yeelasho.
fiiqmid-da: (magac, dhedig, keli) indho bogsaday noqod.
fiiqmid-da: (magac, dhedig, keli) meel la haray oo nadiif ah noqosho.
fiiqmid-da: (magac, dhedig, keli) aale iyo wax la mid ah, diirmid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
faltamid
-da: (magac, dhedig, keli) wax kale, la falgelid ama hawlgelid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
filiqtan
(fal) si aan nidaamsanayn u soco ama u tag.
filiqtan-ka: (magac, lab, keli) si aan nidaamsanayn u tegid ama u bixid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Fillamid
(Fillamid-da)
Dhib ama hawl ama wax la bixina hayo, dad badan wadaajin, u qaybin; xisaabtamid, dhabiiltamid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fillamid
m.f.dh eeg fillan². la-mid: fillan¹.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Jiitamid
(Jiitamid-da)
1. Wax aan toos u socona hayne la jiida hayo.
2. Dabasocod culus; cagajiid; luudid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jiitamid
m.f.dh eeg jiitan². la-mid: jiitan¹ (3).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jiitamid
-da: (magac, dhedig, keli) qof tamar xun, haddana socod tukube ah socosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
miltamid
m.dh la-mid: mitamid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
filiqsani
-da: (magac, dhedig, keli) alaab iyo waxla mid ah kala daadsanaan. Dh: filiqsanaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xilqaamid
(Xilqaamid-da)
(is xilqaamid) xil isa-saarid; hawl u kicid, isu dirid, ku dadaalid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xilqaamid
m.f.dh eeg xilqan². la-mid: xilqaan¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xilqaamid
-da: (magac, dhedig, keli) dan guud iskaa isku dirid oo isku xilsaarid. Hawshu is xilqaamid bay ku wanaagsan tahay. Dh: is dirid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ilaaqtamid
m.dh la-mid: cilaaqtamid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ilaaqtamid
-da: (magac, dhedig, keli) hadal aan dhab ahayn ku kaftamid. Dh: kaftamid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xafiiltamid
(Xafiiltamid-da)
Is xifaalayn; is jurxayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xafiiltamid
m.f.dh eeg xafiiltan². la-mid: xafiiltan¹, xifaalootan, xifaaltamid, xifaaltan¹
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xafiiltamid
-da: (magac, dhedig, keli) isxifaalayn kaftan ah oo dacaayad iyo ficiltan ku jiro. Dh: isjurxayn.
xafiiltamid-da: (magac, dhedig, keli) faan ku tartamid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qalbiqaatamid
-da: (magac, dhedig, keli) qawqamid oo wax aan dhergayn iska dhigid; qalbiqaatamid. Isku badashada carruurtu qalbiqaatamid ayay ka qaadaan. Dh: saluugid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
falamid
-da: (magac, dhedig, keli) (ku ~) ku garramid ama ku dacwiyid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Fiiqsad
(Fiiqsad-ka)
Fiiqsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fiiqsad
m.l la-mid: fiiqsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fiiqsad
-ka: (magac, lab, keli) heemis ama dhammayn; faaruqin iyo dhammaan laacid. Dh: fiiqsi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fiiqtan
fiiqtan¹: m.l 1. Kabbaysi aayar-aayar ah oo caano loo wadaago. 2. Si tartiib ah oo caano loo dhamo. 3. la-mid: fiiqtamid.
fiiqtan²: f.g1 (-amay, -antay; -ami) 1. Kabbaysi aayar-aayar ah caano u wadaagid. 2. Si tartiib ah caano u dhamid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fiiqtan
-ka: (magac, lab, keli) eeg fiiqtamid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fiiqtin
m.l (-inno, m.dh) Qori af dhuuban oo wax mudi kara.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fiiqtin
-ta: (magac, dhedig, keli) ul ama loox kale oo gamuuman.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
filiqsi
-ga: (magac, lab, keli) wax meel daadsan kolba mid qaadasho; si xabad xabad ah u gurasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
filsami
m.dh la-mid: filsamaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
filsami
-da: (magac, dhedig, keli) eeg filsamaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
miiqmid
m.f.dh eeg miiqan¹.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
miltami
f.g2 (-iyay, -isay) la-mid: mitami.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
mitamid
m.f.dh eeg mitan². la-mid: miltan¹, miltamid, mitan¹.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
riiqmid
m.f.dh eeg riiqan¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
riiqmid
-da: (magac, dhedig, keli) wax riigan noqosho. Dh: xasuumid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Ultamid
(Ultamid-da)
Ulo ku cayaarid; ul isla dhicid cayaareed; ultan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ultamid
m.f.dh eeg ultan². la-mid: ulootamid, ulootan¹, ultan¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ultamid
-da: (magac, dhedig, keli) ciyaar ama xus ulaha la isku tumo; ulo isku garaacid; ulo ku ciyaarid. Ultamiddu waa ciyaar miyi oo aad u naxariis daran.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Wiiqmid
(Wiiqmid-da)
Wax wiiqan ama la wiiqay noqosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
wiiqmid
m.f.dh eeg wiiqan¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
wiiqmid
-da: (magac, dhedig, keli) wax wiigan ama la wiiqay noqosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Bilcamid
(Bilcamid-da)
Bilcan ka dhigid; guursasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bilcamid
m.f.dh eeg bilcan².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bilcamid
-da: (magac, dhedig, keli) bilcan noqosho Bilcamid ninkii doonayoow geel cas baad bixine. bilcan: (fal) gabadh, oori ka dhigo. Gabadh la la yaabay buu bilcamay. Dh: guurso.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dalqamid
(Dalqamid-da)
Hadal badan shubid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dalqamid
m.f.dh eeg dalqan². la-mid: dalqan¹ (2), dulqami, dulqan¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dalqamid
-da: (magac, dhedig, keli) cabsi amal xummad darteed oo qofku war badan fiirsasho la'aan iska sheego. Xummaddu dalqamid bay qofka ku riddaa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dulqamid
m.dh la-mid: dalqamid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
falkamid
m.f.dh eeg falkan¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fiitisid
-da: (magac, dhedig, keli) dareere, fitis u cabbid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
filiqsan
f.mg4 (-naa, -nayd) Wax la filqay ahaansho. la-mid: firiqsan.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
filiqsan
f.mg4 (-naa, -nayd) Wax la filqay ahaansho. m.f.dh, filiqsanaan. la-mid: firiqsan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
filiqsan
(tilmaame) wax baahsan oo kala daadsan; wax feylfeyllan oo kala quban. Aqalka waxan soo galay dharkii oo daaradda ku filiqsan. Dh: baahsan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
filitaan
m.l la-mid: Filid; la-mid: filasho.
Qaamuuska Ereybixinta: Xisaab (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Filitaan
Expectation
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
filitaan
-ka: (magac, lab, keli) sugitaanka wax la dhawrayo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
footamid
-da: (magac, dhedig, keli) caanawadaag ku tartamid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
iibsamid
m.f.dh eeg iibsan¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
iibsamid
-da: (magac, dhedig, keli) xoolo ama badeecad suuq la keenay, iibgalid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Iidaamid
(Iidaamid-da)
Cunnada iidaan u yeelid, ku darid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
iidaamid
m.f.dh eeg iidaan².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
iidaamid
-da: (magac, dhedig, keli) cunto, wax dufan, dhadhan ama carfi udgoon leh, ku darid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ilhaamid
m.f.dh eeg ilhaan².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Isqaamid
(Isqaamid-da)
Is xilqaamid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kaltamid
m.f.dh eeg kaltan².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kaltamid
-da: (magac, dhedig, keli) moogaysi, moogtan, meertaysad, jilaysi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kirtamid
(Kirtamid-da)
(xoolo) kadaalliyid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kirtamid
m.f.dh eeg kirtan². la-mid: kirtan¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kirtamid
-da: (magac, dhedig, keli) xoolo, kadaalliyid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
miltamin
m.dh la-mid: mitamin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
siliqsad
m.l la-mid: siliqsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tifqamid
-da: (magac, dhedig, keli) tifiqtifiq u dhicid, gobo'layn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xaqtamid
(Xaqtamid-da)
Xaq isu sheegasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xaqtamid
m.f.dh eeg xaqtan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xaqtamid
-da: (magac, dhedig, keli) xaq isu sheegasho. Dh: xaqtamis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Yulqamid
(Yulqamid-da)
Hadal badan oo aan milgo lahayn tixid; bulxamid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
yulqamid
m.dh la-mid: yoomid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
yulqamid
-da: (magac, dhedig, keli) hadal badan oon milgo lahayn ku goohid. Yulqamid badani waa laqwi. Dh: hugmid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Biirsamid
(Biirsamid-da)
Wax aayar aayar layska dabaggeeyey oo ururay oo batay noqosho; kordhid; badasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
biirsamid
m.f.dh eeg biirsan¹.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
biirsamid
vl. n. act of increasing, intensifying
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
biirsamid
-da: (magac, dhedig, keli) qunyar u sii kordhid, aayar aayar sii biirid. Biirsamid malaha ganacsigu sannadka. Dh: kordhid, badasho.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
biirsamid
de: act of increasing, intensifying
lx: biirsamid
pd: (-da)
ps: vn-f
key: biirsamid
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
bilicsami
-da: (n) beauty (bi-yuuti); handsomeness, bonniness, prettiness; good looks ~ qurux
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
biliqsani
-da: (magac, dhedig, keli) wax baahsanaani ka muuqato.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bixitimid
m.f.dh eeg bixitin². la-mid: bixtin¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bixitimid
-da: (magac, dhedig, keli) socod u ambabixid. Bixitimid ayaan jilka u laabtay.