fiiqtukaale
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Fiiqtukaale
(Fiiqtukaala-ha)
Sida tukuhu wax u cabbo oo kale, wax u fiiqsasho; fiiq barrays.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fiiqtukaale
m.l Fiiqsi caano laga dhergey lagu sameeyo iyadoo lagu soo noqno-qanayo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fiiqtukaale
-ha: (magac, lab, keli) sida tukuhu wax u cabbo oo kale u dhan caano ama biyo u cab. Dh: fiiqbarrays, fiitis.
fiiqtukaale-ha: (magac, lab, keli) fiiqsi caano laga dhergey lagu sameeyo iyadoo lagu soo noqnoqanayo. Dh: fiiqmadoobe.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fiiqtukaalee
f.mg2 (-leeyay, -leysay) Fiiqtukaale samayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fiiqtukaaleyn
m.f.dh eeg fiiqtukaalee.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fiiqtukaaleysad
m.l la-mid: fiiqtukaaleysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fiiqtukaaleysasho
m.f.dh eeg fiiqtukaaleyso. la-mid: fiiqtukaaleysad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fiiqbarrays
-ka: (magac, lab, keli) sida tukuhu war u caabo samayn. Dh: fiiqtukaale.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fiiqtukaaleyso
f.g3 (-stay, -satay) Caano si fiiqtukaale ah u dhamid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fiiqtukaaleyso
(fal) habka fiiqsiga, dareere u dhan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fiqibburaale
m.l Nooc rooxaanta dadka ku dhacda ka mid ah.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
fiqibburaale
m. n., [collective] group of evil spirits who possess people
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
fiqibburaale
de: group of evil spirits who possess people
lx: fiqibburaale
pd: (/ha)
ps: n-m-col
key: fiqibburaale
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Fiigtaal
(Fiigtaal-ka)
Fiige ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fiigtaal
m.l.kh 1. F. ah: neef tood ama fiige ah oo ay adagtahay in la maalo. 2. F. ah: neef didsan oo aan la qaban karin. la-mid: fiigaal.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
fiigtaal
m. n., [compound] (adj.): untamed domestic animal; wild
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fiigtaal
-ka: (magac, lab, keli) neef aan si fudud lagu maali karin oo dadka ka carara. Dh: fiigto.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
fiigtaal
de: untamed domestic animal; [atr.] wild
lx: fiigtaal
pd: (-ka)
ps: n-m-cmp
key: fiigtaal
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
fiinaale
-fiinaalaha: (n) final game ~ faaynaale
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
fiqiburaale
-fiqiburaalaha: (n) a name for an elusive supernatural fairy or sprite that inhabit some people ~ waddaado, duullal, uuman
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fiqiburaale
-ha: (magac, lab, keli) xaalal ay inta badan haweenku sheegaan oo loo maleeyo haddaan la iska cuudin in dhibaato ka imanayso.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
leextukaale
-ha: (magac, lab, keli) arrin laga. hadlaayo wax yar ka sheegid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
leextukaalee
f.mg2 (-leeyay, -leysay) Arrin laga hadlaayo wax yar ka sheegid.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
abituale
agg. - caadi.
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Ciiraale
nickname-m grayish in color; cloudish
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
faataale
m. n. boaster, braggart
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
faataale
-faataalaha: (n) bluffer (balaafer); see [eeg] faataadhugle
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
faataale
de: boaster, braggart
lx: faataale
pd: (/ha)
ps: n7-m
syn: faataadhugle
key: faataale
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fiidmaal
fiidmaal¹: m.l Maalidda xoolaha fiidkii la maalo.
fiidmaal²: f.g1 (-aalay, -aashay) Xoolo fiid maalid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fiiqnaan
m.f.dh eeg fiiqan². la-mid: fiiqnaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fiiqnaan
-ta: (magac, dhedig, keli) af fiigan lahaan.
fiiqnaan -ta: (magac, dhedig, keli) meel xaagano la nadiifiyay ahaan.
fiiqnaan -ta: (magac, dhedig, keli) wax caaradiisu yuuban tahay ahaan.

fiiqnaan-ta: (magac, dhedig, keli) meel nadiif laga dhigay oo la xaadhay ahaan.
fiiqnaan -ta: (magac, dhedig, keli) indho iyo wax la mid ah oo daalay, daaweyn oo mid la fiiqay ahaan.
fiiqnaan -ta: (magac, dhedig, keli) aale iyo wax la mid ah oo diirka laga qaaday ahaan.
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Hiiraale
nickname-m bald. Syn: Bidaar
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Hiiraale
magac loo baxsho wiil salxo leh oo wejigiisa ay timuhu ka durugsan yihiin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hiiraale
-ha: (magac, lab, keli) qof bidaar leh. Dh: bidaarre.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kiintaal
* (Kiintaal-ka)
Boqol kiilogaraamme culayskood.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kiintaal
m.l (-llo, m.dh) Boqol kiilogaraam culayskood; jawaan.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
kiintaal
m.l (-llo, m.dh) Boqol kiilogaraam culayskood; jawaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
kiintaal
m. n. quintal (100 kilograms)
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
kiintaal
-ka: (n) a sack holding 100 kilograms objects in bulk; quintal (kuwin-tal)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kiintaal
-ka: (magac, lab, keli) wax culayskiisu boqol kiilogaraam yahay.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
kiintaal
de: quintal (100 kilograms) {Eng}
lx: kiintaal
pd: (-ka)
ps: n2-m
key: kiintaal
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
miiraale
m.l (-layaal, m.l/dh) Roob xoog leh oo habeenkii da'a oo xilliga dayrta yimaada. la-mid: miiroole.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
miiraale
-ha: (magac, lab, keli) roob weyn oo ungod iyo daroora cufan leh. Waxaa mayay soo madaw waxaa miiraale yimid ninkii meelloow ka roor.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
miitaali
m.l la-mid: miisaali.
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Siigaale
nickname-m dust-maker. Lit: dust colored
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Siigaale
magac loo baxsho wiil meel boodh ah ama siigo leh ku dhashay ama midabkiisu boodh xigo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xiisaale
-ha: (magac, lab, keli) qof kolba meel iyo kolba wax xiiseeya oo xiise badan.
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Abturaale
name-m from kindly descent; kindful; merciful
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
abturaale
eeg abtudhaale.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
fiiltaree
-yey / fiiltaraysay: (v) filter (fiil ter); distill also distil (dis tiil). Ex: biyo fiiltaraysan; distilled water
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fiiqitaan
-ka: (magac, lab, keli) eeg fiiqid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fiiqtamid
m.f.dh eeg fiiqtan². la-mid: fiiqtan¹ (3).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fiiqtamid
-da: (magac, dhedig, keli) dad kale, habka fiiqsiga, caano iyo wax la mid ah u wadaagid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
giingaale
-ha: (magac, lab, keli) qof hadalka googooya oo aan si toos ah u soo saarin. Dh: shigshiglow, shigshigaaye, haghagle.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Giiryaale
(Giiryaala-ha)
Qof aan geesi ahayn; fuley.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
giiryaale
m.l Qof aad fuley u ah.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
giiryaale
m. n., [compound] coward
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
giiryaale
-ha: (magac, lab, keli) qof fule ah.Li: geesi.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
giiryaale
de: coward
lx: giiryaale
pd: (/ha)
ps: n7-m-cmp
key: giiryaale
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qiiqsaare
m. n., [compound] exhaust pipe
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qiiqsaare
de: exhaust pipe
lx: qiiqsaare
pd: (/ha)
ps: n7-m-cmp
key: qiiqsaare
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
firiimaale
m.l (botani) Geed gaab aan qodax lahayn oo leh laamo dhuudhuuban kana mid ah dhirta daawada.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
firiimaale
m.l (botani) Geed gaab aan qodax lahayn oo leh laamo dhuudhuuban kana mid ah dhirta daawada.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
qiiq-saare
-qiiq-saaraka: (n) exhaust (igzoost); muffler (mafler); exhaust pipe ~ iskaafamiito, iskaamiinto
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
biiqsagaare
-da: (magac, dhedig, keli) ugaadh yaryar oo u sii kala baxda noocyo kala duwan. Biiqsagaaro ninkii dilaay beladu raacdaaye. Dh: sagaaro.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hogatusaale
-ha: (magac, lab, keli) hadallada waanada ah ee qof la hogatusaalaynayo lagu yidhaa. Dh: waxsheeg.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
lextukaalee
f.mg2 (-leeyay, -leysay) la-mid: leextukaaleyso.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
leextukaaleyn
m.f.dh eeg leextukaalee.