fiiqmid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fiiqmid
m.f.dh eeg fiiqan¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fiiqmid
-da: (magac, dhedig, keli) caaro fiiqan yeelasho.
fiiqmid-da: (magac, dhedig, keli) indho bogsaday noqod.
fiiqmid-da: (magac, dhedig, keli) meel la haray oo nadiif ah noqosho.
fiiqmid-da: (magac, dhedig, keli) aale iyo wax la mid ah, diirmid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Fiiqid
(Fiiqid-da)
1. Af dhuuban u yeelid; caarad u samayn.
2. Fiiqa ka qaadid.
3. Diirid.
4. (indho) farsamo takhtarnimo ka qabasho; qalid; bixin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fiiqid
m.f.dh eeg fiiq³.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fiiqid
-da: (magac, dhedig, keli) qalliinka indhaha si araggu ugu baxo; indho qalid; indho bixin. Dh: fiqis, fiiqitaan, jeexid.
fiiqid-da: (magac, dhedig, keli) af dhuuban u yeelid; caaro u samayn. Dh: fiiqniin, fiiqitaan, fiiqis.
fiiqid-da: (magac, dhedig, keli) khudrad, qori, iyo wixii la mid ah, diirka ka mudhxin oo ka gurid. Dh: diirid, fiiqis.
fiiqid -da: (magac, dhedig, keli) meel xaadhid oo nadiifin. Dh: xaaqid, fiiqniin, fiiqitaan, xaaqis, fiiqis.
fiiqid -da: (magac, dhedig, keli) (ku ~) ul, far, gacan iyo wixii la mid ah oo dhinac loo fidiyo iyadoo wax lagu tilmaamayo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
miiqmid
m.f.dh eeg miiqan¹.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
riiqmid
m.f.dh eeg riiqan¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
riiqmid
-da: (magac, dhedig, keli) wax riigan noqosho. Dh: xasuumid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Wiiqmid
(Wiiqmid-da)
Wax wiiqan ama la wiiqay noqosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
wiiqmid
m.f.dh eeg wiiqan¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
wiiqmid
-da: (magac, dhedig, keli) wax wiigan ama la wiiqay noqosho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
fiiqan
fiiqan¹: f.mg1 (-qmay, -qantay; -qmi) 1. Wax dubka laga qaaday noqosho. 2. Wax caarad dhuuban loo yeelay noqosho. m.f.dh, fiiqmid.
fiiqan²: f.mg4 (-qnaa, -qnayd) 1. Wax dubka laga qaaday ahaansho. 2. Wax caarad dhuuban loo yeelay ahaansho. 3. Wax indhaha laga qalay ahaansho. 4. Wax qashin laga xaaqay ahaansho. m.f.dh, fiiqnaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fiiqtamid
m.f.dh eeg fiiqtan². la-mid: fiiqtan¹ (3).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fiiqtamid
-da: (magac, dhedig, keli) dad kale, habka fiiqsiga, caano iyo wax la mid ah u wadaagid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Fiqid
(Fiqid-da)
Hadal faq ah ku wada hadlid; (ama faqid).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fiqid
m.f.dh la-mid: faqid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fiqid
-da: (magac, dhedig, keli) qodidda god ama wax la mid ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
biiqid
m.f.dh eeg biiq².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
biiqid
-da: (magac, dhedig, keli) intii hore ka naaqusmid, ka yaraansho. Biiqidda iyo kala jabka dadka maxaa sababay: Dh: biigis.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ciimid
f. n. tip, gratuity; alms
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ciimid
de: tip, gratuity; alms
lx: ciimid
pd: (-da)
ps: n1-f, n2-f
syn: baqshiish
key: ciimid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Diimid
(Diimid-da)
Yaabid ka timaadda wax aan hor loo arki jirin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
diimid
m.f.dh eeg diin³. la-mid: diimis.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
diimid
vl. n. surprise, amazement, being astonished
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
diimid
-da: (magac, dhedig, keli) marka aad rabitaan awgii aad muujisid dareen oohineed.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
diimid
cf: ku diin
de: surprise, amazement, being astonished at seeing s.t. very strange for the first time
lx: diimid
pd: (-da)
ps: vn1-f
key: diimid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Diiqid
(Diiqid-da)
Siin aan abaalgud laga rabin; waxbixin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
diiqid
m.f.dh eeg diiq³.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
diiqid
-da: (magac, dhedig, keli) hadiyad si wanaagsan cid wax loo siiyo. Dh: deeqid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Fiigid
(Fiigid-da)
(xoolo; kd.) cabsi la madaxwareerid oo la cararid, iyadoo meel loo socdo aan la aqoon; baydadid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fiigid
m.f.dh eeg fiig². la-mid: fiig¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fiigid
-da: (magac, dhedig, keli) cararid iyo baxsad aan loo meel dayin. Dh: baydadid, fiigis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fiilid
-da: (magac, dhedig, keli) geed soo bixid; soo bilqid. Dh: fiilis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fiiqis
-ta: (magac, dhedig, keli) qalliinka indhaha si araggu ugu baxo; indho qalid; indho bixin. Dh: fiiqid, fiiqitaan, jeexid.
fiiqis-ta: (magac, dhedig, keli) af dhuuban u yeelid; caaro u samayn. Dh: fiiqniin, fiiqitaan, fiiqid.
fiiqis-ta: (magac, dhedig, keli) khudrad, qori, iyo wixii la mid ah, diirka ka mudhxin oo ka gurid. Dh: diirid, fiiqid.
fiiqis -ta: (magac, dhedig, keli) meel xaadhid oo nadiifin. Dh: xaaqid, fiiqniin, fiiqitaan, fiiqid.
fiiqis -ta: (magac, dhedig, keli) (ku ~) ul, far, gacan iyo wixii la mid ah oo dhinac loo fidiyo iyadoo wax lagu tilmaamayo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fiiqni
-da: (magac, dhedig, keli) eeg fiiqnaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Fiiqsi
(Fiiqsi-ga)
Fiiqsad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fiiqsi
m.l la-mid: fiiqsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fiiqsi
-ga: (magac, lab, keli) hab dareeraha loo cabo. Hadal aan fiirsi loo odhan iyo caano aan fiiqsi loo dhaminba way kugu fogaadaan.
fiiqsi -ga: (magac, lab, keli) eeg fiiqsad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fiirid
m.f.dh eeg fiir².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fiirid
-da: (magac, dhedig, keli) colaad iyo xumaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Fiixid
(Fiixid-da)
Fiix noqosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fiixid
m.f.dh eeg fiix³. la-mid: fiix¹ (4).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Filqid
(Filqid-da)
Wax wax ku dhegsan ama haya, xoog u finiinin, u tuurid; fikin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
filqid
m.f.dh eeg filiq.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
filqid
-da: (magac, dhedig, keli) wax wax kale xoog ugu dhegsan ama hayya, kala daadin; kala tuurid kala finiinin, fagkin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Miiqid
(Miiqid-da)
Wax miiqan ka dhigid; cudbi ama wax kale, dun ka dhigid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
miiqid
m.f.dh eeg miiq². la-mid: miiq¹ (2).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
miiqid
-da: (magac, dhedig, keli) dun, cudbi amal wax kale wax dhuuban oo sida dunta ah ka dhigid; wax miiqan ka dhigid. Dh: miiqis.
miiqid -da: (magac, dhedig, keli) af dhuuban u yeelid. Dh: fiiqid, dhuubid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qiiqid
m.dh la-mid: qaacid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
riimid
m.f.dh eeg riin².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
riimid
-da: (magac, dhedig, keli) cod reen ah samayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Riiqid
(Riiqid-da)
1. Dhuxul budlin oo khad ka samayn.
2. Burburin; budlin; budayn.
3. Baabbi'in; xasuuqid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
riiqid
m.f.dh eeg riiq³.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
riiqid
-da: (magac, dhedig, keli) aad u layn oo xasuuqid. Dh: xasuugid, baabbi'in.
riiqid-da: (magac, dhedig, keli) budo ka dhigid: riigis ku samayn. Dh: budlin, burburin, budayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
siimid
m.f.dh eeg siin².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Wiiqid
(Wiiqid-da)
Waxyeello gaarsiin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
wiiqid
m.f.dh eeg wiiq².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xiimid
(Xiimid-da)
Orod daran oo xiin ka yeero, ordid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xiimid
m.f.dh eeg xiin².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xiimid
-da: (magac, dhedig, keli) xiin bixin. Dh: guuxid.
xiimid -da: (magac, dhedig, keli) orod xooglehoo xiin ka baxayo ordid. Dh: ordid, xiimis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xiiqid
(Xiiqid-da)
Xiiq qabasho; xuurtood; dubburyood.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xiiqid
m.f.dh eeg xiiq².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xiiqid
-da: (magac, dhedig, keli) hiinraagid; orodla neefqabatoobid. Dh: hiinraagid, xuurtoobid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Ciidmid
(Ciidmid-da)
Ciidan u noqod, u keenid: ciidan dagaallama siin, u dirid; xoog ugu gargaarid; u hiilin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ciidmid
m.f.dh eeg ciidan².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ciidmid
-da: (magac, dhedig, keli) ciidan dagaallama noqosho.
ciidmid-da: (magac, dhedig, keli) farsamo ama xoog ugu gargaarid ama ciidan u noqosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
diilmid
m.f.dh eeg diilan¹.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Diirmid
(Diirmid-da)
Diirku ka murxid ama ka dhicid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dįirmid
m.f.dh eeg dįiran¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
diirmid
-da: (magac, dhedig, keli) iskii, diirku uga qaadmid. Dh: diirmis.
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Diismid
Compressability
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Fiiqsad
(Fiiqsad-ka)
Fiiqsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fiiqsad
m.l la-mid: fiiqsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fiiqsad
-ka: (magac, lab, keli) heemis ama dhammayn; faaruqin iyo dhammaan laacid. Dh: fiiqsi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fiiqsii
f.g2 (-iiyay, -iisay) Hoore cid aayar kabbisiin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fiiqsii
(fal) qof kale, habka fiiqsiga, dareere u cabsii.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fiiqtin
m.l (-inno, m.dh) Qori af dhuuban oo wax mudi kara.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fiiqtin
-ta: (magac, dhedig, keli) ul ama loox kale oo gamuuman.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Jiidmid
(Jiidmid-da)
Wax jiidma ama la jiidayo noqosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jiidmid
m.f.dh eeg jiidan¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jiidmid
-da: (magac, dhedig, keli) cinjir iyo wax la mid ah, fidid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
liifmid
m.f.dh eeg liifan¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
liifmid
-da: (magac, dhedig, keli) xadhiq, dun ama wax la mid ah, furfurmid oo liifaf u kala bixid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Miirmid
(Miirmid-da)
Wax miiran noqosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
miirmid
m.f.dh eeg miiran¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
miirmid
-da: (magac, dhedig, keli) iyadoon cidi taaban kala saafiyoobid oo kala soocmid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Riixmid
(Riixmid-da)
Wax riixan noqosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
riixmid
m.f.dh eeg riixan¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
riixmid
-da: (magac, dhedig, keli) wax rixan noqosho; durkid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Siibmid
(Siibmid-da)
Soo bixid; ruqid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
siibmid
m.f.dh eeg siiban¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
siibmid
-da: (magac, dhedig, keli) soo bixid; ruqid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
filiqtamid
-da: (magac, dhedig, keli) si aan nidaamsanayn u socod ama u tegid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tafiirmid
m.f.dh eeg tafiiran.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tafiirmid
-da: (magac, dhedig, keli) tafiir badan dhalid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bikilmid
m.f.dh eeg bikilan¹.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
diniimid
m.dh la-mid: diddimid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fasaqmid
m.dh la-mid: fasakhmid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fiiqniin
-ka: (magac, lab, keli) qalliinka indhaha si araggu ugu baxo; indho qalid; indho bixin. Dh: fiigis, fiiqitaan, jeexid.
fiiqniin-ka: (magac, lab, keli) af dhuuban u yeelid; caaro u samayn. Dh: fiiqitaan, fiiqis.
fiiqniin -ka: (magac, lab, keli) khudrad, qori, iyo wixii la mid ah, diirka ka mudhxin oo ka gurid. Dh: diirid, fiiqis
fiiqniin -ka: (magac, lab, keli) meel xaadhid oo nadiifin. Dh: xaaqid, fiiqitaan, xaaqis, fiiqis.
fiiqniin -ka: (magac, lab, keli) (ku ~) ul, far, gacan iyo wixii la mid ah oo dhinac loo fidiyo iyadoo wax lagu tilmaamayo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fiiqsiin
m.f.dh eeg fiiqsii.