fiiggani
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fiiggani
-da: (magac, dhedig, keli) neef fiigsan oo baydadaya ama baxsanay ahaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fiigsan
f.mg4 (-naa, -nayd) Wax la fiijiyey ahaansho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
fiigsan
f.mg4 (-naa, -nayd) Wax la fiijiyey ahaansho. m.f.dh, fiigsanaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
fiigsan
der. [adjective] alarmed, in panic
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
fiigsan
-aa ayd: (adj) terrified (terafaayidh); frightened (faraaytenidh); scared (iskeeridh)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fiigsan
(tilmaame) neef baydadsan; wax fiigay.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
fiigsan
de: alarmed, in panic
lx: fiigsan
pd: (fiigsanaa)
ps: adj-der
key: fiigsan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Miiggan
Ad'adag; culus; wanaagsan; toosan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
miiggan
f.mg4 (-naa, -nayd) Qof, adadag, wanaag, geesinnimo iyo wixi lamida kulansaday ahaansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
miiggan
der. [adjective] sturdy, durable; honest, direct, reliable; intrepid
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Miiggan
name-f sturdy, durable; honest, direct, reliable. Syn: Miiggane
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Miiggan
magac loo bixiyo gabadh hannaan wanaagsan oo gaarinimo iyo firfircooni laga filayo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
miiggan
(tilmaame) jidh buuxa leh oo firfircoon.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
miiggan
de: sturdy, durable; honest, direct, reliable; [ext.] intrepid
lx: miiggan
pd: (miigganaa)
ps: adj-der
key: miiggan
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Miiggane
name-m sturdy, durable; honest, direct, reliable. Syn: Miiggan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Miiggane
magac loo bixiyo wiil dhiirran oo hawlkarnimo laga filanayo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
filiqsani
-da: (magac, dhedig, keli) alaab iyo waxla mid ah kala daadsanaan. Dh: filiqsanaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
firiqsani
-da: (magac, dhedig, keli) eeg firiqsanaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fiiragaabni
-da: (magac, dhedig, keli) fiiradarro iyo garashaxumi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fiiraggaabi
m.dh la-mid: fiiraggaabnaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Fiican
Xumo ka hufan; wanaagsan; toolmoon; suubban; qumman.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fiican
f.mg4 (-cnaa, -cnayd) 1. Wax wanaagsan ahaansho. 2. Ku f.: wax si gaar ah wax ugu wanaagsan ahaansho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
fiican
f.mg4 (-cnaa, -cnayd) 1. Wax wanaagsan ahaansho. 2. Ku f.: wax si gaar ah wax ugu wanaagsan ahaansho. m.f.dh, fiicnaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
fiican
der. [adjective] good, nice, well; comfortable; clever
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
fiican
-fiicaa / fiicnayd: (adj) good (guudh); fine (faayn); nice (naays); useful; decent
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fiican
(tilmaame) qof xumo ka hufan. Dh: suubban, qumman, wanaagsan, toolmoon.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
fiican
de: good, nice, well; comfortable; clever
lx: fiican
pd: (fiicnaa)
ps: adj-der
xe: istareexsan
xv: wanaagsan
key: fiican
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fiicni
-da: (magac, dhedig, keli) eeg fiicnaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Fiiqan
1. Af dhuuban loo yeelay; caarad leh.
2. La xaaqay; fiiqii laga qaaday.
3. Diirka laga qaaday.
4. (indho) farsamo takhtarnimo lagu sameeyey; la qalay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fiiqan
fiiqan¹: f.mg1 (-qmay, -qantay; -qmi) 1. Wax dubka laga qaaday noqosho. 2. Wax caarad dhuuban loo yeelay noqosho.
fiiqan²: f.mg4 (-qnaa, -qnayd) 1. Wax dubka laga qaaday ahaansho. 2. Wax caarad dhuuban loo yeelay ahaansho. 3. Wax indhaha laga qalay ahaansho. 4. Wax qashin laga xaaqay ahaansho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
fiiqan
fiiqan¹: f.mg1 (-qmay, -qantay; -qmi) 1. Wax dubka laga qaaday noqosho. 2. Wax caarad dhuuban loo yeelay noqosho. m.f.dh, fiiqmid.
fiiqan²: f.mg4 (-qnaa, -qnayd) 1. Wax dubka laga qaaday ahaansho. 2. Wax caarad dhuuban loo yeelay ahaansho. 3. Wax indhaha laga qalay ahaansho. 4. Wax qashin laga xaaqay ahaansho. m.f.dh, fiiqnaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
fiiqan
der. [adjective] pointed, sharpened; swept
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
fiiqan
-fiiqnaa / fiiqnayd: (adj) 1. swept (swiipt), clean xaaqan. 2. pointed (pooyn tidh); sharp (shaarp), edged, sharp-pointed. 3. peeled (piilidh) ~ dhilan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fiiqan
(tilmaame) meel la xaadhay; meel xaaqan.
fiiqan: (tilmaame) wax diirka laga qaaday; diiran.
fiiqan: (tilmaame) wax caaradiisa la dhuubay oo la qoray.
fiiqan: (tilmaame) indho, aragga daraaddiilo jeexay oo la daaweeyay.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
fiiqan
de: pointed, sharpened; swept
lx: fiiqan
pd: (fiiqnaa)
ps: adj-der
key: fiiqan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fiiqni
-da: (magac, dhedig, keli) eeg fiiqnaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
filgan
filgan¹: m.l la-mid: filgin.
filgan²: f.mg1 (-nay, -ntay) Wax la filgay ahaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
deggani
-da: (magac, dhedig, keli) eeg degganaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fidsani
-da: (magac, dhedig, keli) eeg fidsanaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fiigaal
m.l.kh la-mid: fiigtaal.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fiigaal
-ka: (magac, lab, keli) neef dadka ka carara. Dh: fiige, fiigtaal.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fiijaan
m.l (-nno, m.dh) la-mid: fujaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fiiqtan
fiiqtan¹: m.l 1. Kabbaysi aayar-aayar ah oo caano loo wadaago. 2. Si tartiib ah oo caano loo dhamo. 3. la-mid: fiiqtamid.
fiiqtan²: f.g1 (-amay, -antay; -ami) 1. Kabbaysi aayar-aayar ah caano u wadaagid. 2. Si tartiib ah caano u dhamid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fiiqtan
-ka: (magac, lab, keli) eeg fiiqtamid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fiiraan
-ka: (magac, lab, keli) fiiro iyo garasho; kasmo iyo aqoon.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Giigsan
Aad loo togey; la dhuujiyey; la adkeeyey; gigtiran.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
giigsan
f.mg4 (-naa, -nayd) Wax aad loo giijiyey ahaansho (xarig, maro, iyo wixi lamida). la-mid: giijisan.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
giigsan
f.mg4 (-naa, -nayd) Wax aad loo giijiyey ahaansho (xarig, maro, iyo wixi lamida). m.f.dh, giigsanaan. la-mid: giijisan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
giigsan
der. [adjective] taut, tight
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
giigsan
-aa: (adj) stretched out tightly ~ gigtaran
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
giigsan
(tilmaame) mid aad loo dhuujiyey ama la adkeeyey. Dh: gigtiran.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
giigsan
de: taut, tight
lx: giigsan
ps: adj-der
key: giigsan
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
Iiraani
m. n., [collective] Iranian
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
Iiraani
de: Iranian
lx: Iiraani
pd: (-ga Pl: Iiraaniyiin (ta))
ps: n2a-m, n7-m, n8-m
key: Iiraani
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
siigaan
-ka: (magac, lab, keli) quruun aan dhul u gaar ah lahayn oo iyagoo kooxkoox ah qaaradda Yurub iyo Aasiya wareegaalaysata; waxa la yiraahdaa muddo lagu qiyaasay ilaa 6000 oo sano horteed ay ka soo guureen Aasiyada Fog.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
taggani
-da: (magac, dhedig, keli) cirweyni iyo hungurixumo aan waxba la hambayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dheggani
-da: (magac, dhedig, keli) eeg dhegganaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
diiwaani
f.g2 (-iyay, -isay) Wax diiwaan gelin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
diiwaani
v. write in a book, register
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
diiwaani
(fal) qor oo diiwaanka geli.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
diiwaani
de: write in a book, register
lx: diiwaani
pd: (diiwaaniyey)
ps: v2a=
key: diiwaani
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Fiigtaal
(Fiigtaal-ka)
Fiige ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fiigtaal
m.l.kh 1. F. ah: neef tood ama fiige ah oo ay adagtahay in la maalo. 2. F. ah: neef didsan oo aan la qaban karin. la-mid: fiigaal.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
fiigtaal
m. n., [compound] (adj.): untamed domestic animal; wild
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fiigtaal
-ka: (magac, lab, keli) neef aan si fudud lagu maali karin oo dadka ka carara. Dh: fiigto.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
fiigtaal
de: untamed domestic animal; [atr.] wild
lx: fiigtaal
pd: (-ka)
ps: n-m-cmp
key: fiigtaal
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
firdhani
-da: (magac, dhedig, keli) eeg firdhanaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
heeggani
-da: (magac, dhedig, keli) eeg heegganaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maaggani
-da: (magac, dhedig, keli) niyadda ka doonid. Maaggani wax laguma helee waxqabad baa midho lagu gurtaa. Dh: damacsani, jeclaysi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mooggani
-da: (magac, dhedig, keli) ogaansho li'i; ka warhayn la'aan. Li: warhayn, ogid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tiirsani
-da: (magac, dhedig, keli) eeg tiirsanaanshoha.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fiigsanaan
m.f.dh eeg fiigsan. la-mid: fiigsanaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fiigsanaan
-ta: (magac, dhedig, keli) fiigsanida lafteeda; mid baydadsan ahaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Miigganaan
(Miigganaan-ta)
Wax miiggan ahaan; ad'adkaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
miigganaan
m.f.dh eeg miiggan. la-mid: miigganaansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
miigganaan
f. n., [abstract] sturdiness, durability; honesty, reliability
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
miigganaan
-ta: (magac, dhedig, keli) wax miiggan ahaan. Dh: cuddoonaan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
miigganaan
de: sturdiness, durability; honesty, reliability
lx: miigganaan
pd: (-ta)
ps: n-f-abs
key: miigganaan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
biliqsani
-da: (magac, dhedig, keli) wax baahsanaani ka muuqato.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhiigyari
(Dhiigyari-da)
Dhiigyaro.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhiigyari
m.dh la-mid: dhiigyaraan.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dhiigyari
m.dh eeg dhiigyar.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhiigyari
f. n., [compound] bloodlessness; anemia
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dhiigyari
-da: (n) anemia (a-nii-miya) ~ dhiig xumo
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhiigyari
-da: (magac, dhedig, keli) xanuun uu jidhku waayo inta uu dhiiiga cas uga baahnaa.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhiigyari
a: dhiigyaro (/da) [n-f-cmp]
de: bloodlessness; anemia
lx: dhiigyari
pd: (-da)
ps: n-f-cmp
key: dhiigyari
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Diigaanyo
(Diigaanya-da)
Aan la tirin karin; farabbadi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
diigaanyo
m.dh Wax aad u tiro badan (dad, xoolo iyo wixi lamida).
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
diigaanyo
f. n., [abstract] innumerability, uncountable quantity
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
diigaanyo
-da: (magac, dhedig, keli) badi aan la koobi karin. Ayax diigaanyo ah ayaa beerihii ku degey.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
diigaanyo
de: innumerability, uncountable quantity
lx: diigaanyo
pd: (/da)
ps: n6-f-abs
key: diigaanyo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Diiwaanin
(Diiwaanin-ta)
Diiwaan gelin, ku qorid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
diiwaanin
m.f.dh eeg diiwaani.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
diiwaanin
-ta: (magac, dhedig, keli) wax qorid oo diiwaanka gelin. Dh: diiwaangelin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fiddigsan
(tilmaame) qof ama wax si buuxda u dhintay; qof naftii ka baxday.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fiidgoosi
m.l la-mid: fiidgoosasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fiigitaan
-ka: (magac, lab, keli) baydaditaan; cararitaan; baxsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fiiqtamid
m.f.dh eeg fiiqtan². la-mid: fiiqtan¹ (3).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fiiqtamid
-da: (magac, dhedig, keli) dad kale, habka fiiqsiga, caano iyo wax la mid ah u wadaagid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
filiqsane
-ha: (magac, lab, keli) qof kala baahsan oo waxba u urursanayn.