fiigacarar
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Fiigacarar
(Fiigacarar-ka)
Carar aan meel loo socdo la aqoon; fiigid; baxsad; baydad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fiigacarar
fiigacarar¹: m.l la-mid: fiigacararid.
fiigacarar²: f.mg1 (-ray, -rtay) Carar aan meel loo socdo la aqoon cararid; fiigid; baydadid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
fiigacarar
v., [compound] run away in panic, flee, escape
fiigacarar vl. n., [compound] panic flight
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fiigacarar
-ka: (magac, lab, keli) orod aan meel loo socdo la aqoon. Geelii waxaa ku dhacay fiigacarar. Dh: fiigid, baxsad, baydad.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
fiigicarar
v., [compound] run in panic, flee
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
fiigicarar
a: fiigacarar
de: run in panic, flee
lx: fiigicarar
pd: (fiigicararay)
ps: v1=cmp
key: fiigicarar
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
fiigacarar_1
a: fiigicarar
de: run away in panic, flee, escape
hm: 1
lx: fiigacarar
pd: (fiigacararay)
ps: v1=cmp
key: fiigacarar_1
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
fiigacarar_2
de: panic flight
hm: 2
lx: fiigacarar
pd: (-ka)
ps: vn2-m-cmp
key: fiigacarar_2
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Fiigacararid
(Fiigacararid-da)
Carar aan meel loo socdo la aqoon cararid; fiigid; baydadid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fiigacararid
-da: (magac, dhedig, keli) si baxsasho ku jirto u cararid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fiidcarar
-ka: (magac, lab, keli) socodka habeenka intiisa hore la socdo. Dh: guure.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fiigcararid
m.f.dh eeg fiigcarar². la-mid: fiig-carar¹.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qiimabbarar
m.l Kor u kicidda qiimaha badeecada; sicirbarar.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

fiigaal
m.l.kh la-mid: fiigtaal.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fiigaal
-ka: (magac, lab, keli) neef dadka ka carara. Dh: fiige, fiigtaal.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Digaxaar
(Digaxaar-ka)
Qori yar oo xalleef ah oo reer-miyigu, xeryaha ariga digada kaga xaaraan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
digaxaar
m.l (-rro, m.dh) Qori xalleefsan oo xeraada xoolaha digeda looga guro.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
digaxaar
m. n. broom ~ sweeper made of sticks
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
digaxaar
de: broom ~ sweeper made of sticks
lx: digaxaar
pd: (-ka)
ps: n2-m
syn: qaraf
key: digaxaar
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Fiigtaal
(Fiigtaal-ka)
Fiige ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fiigtaal
m.l.kh 1. F. ah: neef tood ama fiige ah oo ay adagtahay in la maalo. 2. F. ah: neef didsan oo aan la qaban karin. la-mid: fiigaal.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
fiigtaal
m. n., [compound] (adj.): untamed domestic animal; wild
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fiigtaal
-ka: (magac, lab, keli) neef aan si fudud lagu maali karin oo dadka ka carara. Dh: fiigto.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
fiigtaal
de: untamed domestic animal; [atr.] wild
lx: fiigtaal
pd: (-ka)
ps: n-m-cmp
key: fiigtaal
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
sigaarad
f. n. cigarette, cigar
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
sigaarad
bw: Arabic
de: cigarette, cigar
initial: s
lx: sigaarad
pd: (-da)
ps: n1-f-enum
key: sigaarad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baqacarar
baqacarar¹: m.l Orod dheer oo ay nafleydu sameeyso baqdin awgeed. la-mid: baqacararid.
baqacarar²: f.mg1 (-ray, -rtay) Cararid baqdin awgeed.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baqacarar
-ka: (magac, lab, keli) dib u gurasho lagu dagaallamo oo iyadoo la baxsanayo dagaalka la sii wado. Dibigu waa baqacarare yaanu ku jiidhin. Dh: baqacaymad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fiidcarre
m.l la-mid: fiidcaarre.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fiigitaan
-ka: (magac, lab, keli) baydaditaan; cararitaan; baxsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
foolcarar
foolcarar¹: m.l Naasley foolanaysa oo xanuun la luntay. la-mid: foolcararid.
foolcarar²: f.mg1 (-ray, -rtay) Naasley xanuun la cararid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
foolcarar
v. go off ~ run away during labor pains (of animal)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
foolcarar
-ka: (magac, lab, keli) xanuunka foosha daraaddii la baxsasho. Dh: foolbaxsad.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
foolcarar
de: go off ~ run away during labor pains (of animal)
lx: foolcarar
pd: (foolcararay)
ps: v1=intr
key: foolcarar
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
miinawaar
m. n. warship, man-of-war, battle ship
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
miinawaar
de: warship, man-of-war, battle ship
lx: miinawaar
pd: (-ka)
ps: n2-m
syn: markabka dagaalka {Eng}
key: miinawaar
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
siigadaaq
m.l.kh S. ah: xoolo meel cagtu ku badatay daaqa.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fiidweerar
-ka: (magac, lab, keli) eeg fiid-horor.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fiigsanaan
m.f.dh eeg fiigsan. la-mid: fiigsanaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fiigsanaan
-ta: (magac, dhedig, keli) fiigsanida lafteeda; mid baydadsan ahaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fiiradarro
m.dh Caqli gaabni, fahmayaro.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
micigabaar
m.l.kh 1. M. ah: rati xooggiisu u dhanyahay. 2. M. ah: nin da'weyn oo garasho badan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
micigabaar
-ka: (magac, lab, keli) rati xooggiisu u dhan yahay.
micigabaar -ka: (magac, lab, keli) nin da'weyn oo garasho badan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhiigyacabad
m.dh Naag dadka laysa.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhiigyacabad
f. n. bloodthirsty woman, killer, murderer
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhiigyacabad
de: bloodthirsty woman, killer, murderer
lx: dhiigyacabad
pd: (-da)
ps: n1-f
key: dhiigyacabad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fiin barbaar
m.dh Findoob.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
diingaraaro
-da: (magac, dhedig, keli) marka aad xagga dambe ee madaxa u dhacdid ee aad ka soo miiraabaysid wareerkii ku gaadhay. Dakharkii i gaadhay diingaraarodiisii ayaan weli ku jiraa.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fiiraddarro
-da: (magac, dhedig, keli) fahmaxumi iyo fikirla'aan.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
fiiragaaban
-aa: (n) narrow-minded, short-sighted, unwise, unforeseeing
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
haadkacarar
-ka: (magac, lab, keli) qofka fulaha ah ee wax walba ka carara, haadna ha noqotee.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sambacaraar
m.l Sanka intiisa hore oo jilicsan. la-mid: sambacaroor.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
sambacaraar
m.l Sanka intiisa hore oo jilicsan. la-mid: sambacaroor.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
sambacaraar
m. n. tip of the nose
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
sambacaraar
-ka: (n) bridge of the nose; snoot (isnuufy, schnozzle ~ sanbacaraar, sambuuqo
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
sambacaraar
de: tip of the nose
initial: s
lx: sambacaraar
pd: (-ka)
ps: n2-m
see: sanbacaraar
key: sambacaraar
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Sanbacaraar
(Sanbacaraar-ka)
(xoolo, kd.) Bacaraarka sanka; sandaal.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
sanbacaraar
m. n. tip of the nose
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
sanbacaraar
-ka: (n) bridge of the nose; snoot (isnuut); schnozzle ~ sambacaraar, sanbuuqo
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sanbacaraar
-ka: (magac, lab, kali) sanka intisa carjawda ah ee lafta ka horreeya. Dh: sanbaruq.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
sanbacaraar
a: bacaraar
de: tip of the nose
initial: s
lx: sanbacaraar
pd: (-ka)
ps: n2-m
key: sanbacaraar
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
sicir barar
-ka: (n) inflation (in-fa-leey-shin)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sirgacanaan
-ta: (magac, dhedig, keli) wax sirgaxan ahaan. Arrin sirgacan ayaad i galisay Dh: qaloocsanaan. Li: toosnaan.
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
CIIN-BACAROOR
(In-baror) C Commiphora unilobata Gillett & Vollesen. Burseraceae.